SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SIYAAD BARRE MADAXWAYNE LAGA RAYSTAY OO LAGA ROOB RAACAY!


Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Idil Said Yamen
sucaad03@hotmail.com

July 12, 2005

Xalaan dhadhaboon riyooday dhawaaq murugaan maqlaayey. Markii aan calanka dhidibnay ma sodon guuraynu dhaafnay? Halkii dheef laga filaayey miyaan dharababa ka waynay? Ma juun baan dhaga bar jowley? Ma luulyaan dhaxal ka waynay? Dhibaha nahayaaa jarwaynaa!

Raggii gobonimada dhaliyey miyaa dhulka lagu xumeeyey? Dharaar xabsi loo taxaabay tijaartii miyaa dhab loo xiray? Aqoonyahan miyey dhibaayaan ma culimaan dhimana noolayn? Ma dhiilo col baa baxaysa? Ma dhiigii dadkaa qulqulaya? Dhurwaayo miyaa cabaaya?

Dhamaan reer waqooyi aaway maxaa odayadii ka dhirifshay? Haweenkii maxaa dhameeyey? Maxaa dhalinyaradii laayey? Dhalaankii maxaan u waynay? Aheey way maxaa dhan walba u bas beeshay guryihiin aan wada dhisanay?

Ninkii dhigay calan baluugleh ( Siyaad Barre) issagoon xidigteeda dhowrin laf dhabartii kama xishoone ma dhaafine asagii ma dheelmay?

Markii ergaygeenu dhoofayee dhawaaqeenuna dhageeyey xoriyo loo dhanyahay dalbaayey ayaantii ninkii la dhaafshay halyeeygii dhaftiisa dhiibayee duriinka dhibaatadiisa bilaha dhinaca ulayaalay ninkii dhimasho u bareeray miyaa xabsi dhagaxa jiifa?

Markii dhaqdhaqaaq xoriyadeed dhulkeena laga bilaabay ninkii dhagaxayeey ugu horeeyee gumaystihii dhacay ku tuuray ( dhagax tuur) ninkii dhaawacu ku gaaray dhiigiisu qoday ciida dhiirane ma ifkay ka qariyeen?

Heestu way dheerayd waxayse Saado kusoo gabagabaysay: Barbaartii hadii la dhibayoo wayeelkii la dhaafi waayey sheekadu dhago la qabto malahee dhankeebaan u ciirsanaa.

Waxaan heestaan ugu bilowday doodayda oo aan daba socdaa qoraalkii Fahad Yaasiin ee ahaa MAXAMED SIYAAD BARRE: MADAXWEYNE LATABAY. Inkastoo soomaalidu ku maah maahdo dawlad xun baa dawlad la’aan dhaanta, hadana waa ii Fahad cid ku doodaysa Siyaad Barre loo darsay. Nin aan riwaayad ka daawadayna waxuu yiri “ Waa lays bartay oo la iskuma saqajaamo” oo uu ula jeeday la iskuma xoog sheegtee hada waa la is dilaa intii qof kaliya la dililahaa.

Siyaad Barre in laga raystay horta soomaaliyi waa iskaga markhaanti, Fahadna soomaali danbi ayuu ka galay. Waadiga intaa oo qodobo ah soo taxaye ma ilowday inuu Siyaad Barre ka mas’uulyahay waxa maanta soomaali kala haysta? Oo laga hayo Barigii jamhaduhu ku kacsanaayeen “dal waa la iigu imaan laakiin dad la iigu imaan mayo oo dad heshiisaba ka tagi mayo” Ma ilowday in gobol uu Siyaad Barre weeraro ay ugu hereeyeen gobolada dhexe ama loo yaqaan waqooyi bari from 1978-87 oo uu yiri “ Nagahooda iyo xoolahooduba waa idiin xalaal” intuu ku dalbaday ciidamadiisii nooc walbaba iskugu jiray.

Ma ilowday mise waad iska indho saabaysaa tii lagu dhigay gobolada waqooyi galbeed oo sidii cadow la jabinayo lagu rusheeyey diyaaradhaha qumaatiga u kaca iyo kuwa dagaalkaba? Adna aad hada ilaaqda u haysato! Ma xasuusnid miyaa wadaadadii 1972 la toogtay kadib markay is hortaageen waxii uu ugu yeeray Siyaad Barre raga iyo dumarku way simanyihiin? Musuq maasuqii ka jiray wadanka iyo waxii xaqdaro la ku hayey bulshada rayidka ahayd xagee Alle kaa mariyey? Bal miraha kor ku xusan dhadhanso. Sideedaba bini’aadamka meelna uma roona. Markii Siyaad Barre haystay sidii lo ogaa yaa loo qaylinayey hadana dad baa u barooranaya. Allow adaa wayn. Hashu maankayga gadaye ma miishaanrbay liqday?

Laba siyoodba looguma darsan Siyaad Barre.1. horta xabadu awalba way iska dhacaysay ciday doontaba haku dhacdee oo xabad ku diin ma ahin. 2. Soomaaliya hada kala danbayntii uun baa ka maqan mooyaane wax badana haday ka horaysaa waagii Siyaad Barre haystay. Waxaa taa kuugu daliila Soomaaliya ka gees ka gees way casriyowday. Magaalooyin tuulooyin ahaan jiray yaa hada caasimado loo maleeyaa. Ganacsi free ah yaa ka socda meel walba. Wax aduun waynaha laga helo oo aan maanta Soomaaliya laga helin ma jiraan. Wax alle iyo waxii soo kordha oo casriyah bilo kadib Soomaaliya waad ugu tagaysaa. Taa waxaa keenay xoriyada dadku ay heleen.
:::FAALLADII QODAX:::
MUSTAQBALKA MADOW EE DHALINYARADA SOMALILAND WAXA MASUUL KA AH XUKUUMADA RIYAALE: Faalladii Qodax
:::FAHAD & ISNIINTA:::
JAWAABTII MADAXWEYNAHA IYO WARAAQAHA AKHRISTAYAASHA... Maqaalkii Isniinta ee Fahad... Guji...

Barigii Siyaad Barrena waxaa igu maqaalaa in qofkii guri dhista ( meelaha markaas diiradu saarnayd) in lagala wareegi jiray. Oo la odhanjiray xagee xoolahaan ka keentay? Way jiraan dad faqiir ah dee awalbana abaaruhu dadka way layn jireen dadka faqiirkaana malaha markaasayba badnaayeen Siyaad Barrena cid uu wax ka gooyo mooyee cid uu wax siin jiray ma jirin. Siyaad Barre inuu umada afka cagta kaga hayey oo Illaah ka qabtay heesta sare yaa sheegtay oo ay fanaanintu yiraahdeen “Dhankeebaan u ciirsanaa” Kolay Waxuu galabsaday Illaahiis yuu la hor joogaa. Naf walbana waxay gashay inuu ka jarayo asagaa balanqaaday.

Taasi waa tii Siyaad Barre. Hadii aan u soo laabto tan Candulahi Yuusuf, dadku waxaa la yiri dadan iyo daalacan yey kala dhasheen. Adiga Fahad ah iyo Cabdiwaaxid ninka layiraahdo mar walba waxaan qoraaladiina ku arkaa ”Cabdulahi Yuusuf” mar waxaan is iri ragu waa wadaado oo halkaa ayey kala dagaalsanyihiin Cabdulahi madaama xurguf siyaasadeed u dhaxayso wadaada iyo Cabdulahi. Inaanse arintu saa ahayn waxay ii cadaatay markii Cabdiwaxid qoraaladiisu bateen oo pont yeelan waayeen. Adna waxay ii cadaatay markaad tiri: ”13. qoladii aad Wadaad-xume u bixisay waxay maanta kamid yihiin awoodaha dalka ka jira, ganacsiga ugu badan iyagaa leh, dhaqan-ahaanna dadkii iyaga ayuuba raacay, oo ilaa baadiyihii ayey saameeyeen”. Waxaase ila cajaa’ibah waxa Itoopia iyo Erateria kuugu kala fiicanyihiin hadii aan meesha wax kale ku jirin. Waxaa kaloo ila yaabah waxa afka idiinku tiray ” Cabdulahi” Indhahiinan tusi waayey yaleyda Xamar umada 15-ka sano ku dooxaysa oo dariiq walba ka xirtay qofkii soo marana kala haraya waxa uu wato. Xagjirnimo ayaa iiga kiin muuqata Tii Siyaad Barre hadaan usoo laabto Fahadow dadka qaraska haku kicin oo boog buskootay ha damqin. Dad waxaa jooga uu Siyaad Barre ka dilay walaal, waalid, saygoodii iyo dhalaankoodii.

Waxaan sheeko markii la ii sheegay aan aad igu qoslay ahayd. Islaan ayaa bari baryaha ku jiray oo magaalo magaalooyinkeeda ku jirta la rusheeyey laga dilay odageedii, wiilkeedii walaalkeed iyo waliba qaraabadeed badan. Markii odagii reerka u shaqaynayey la dilay ayey islaantii ku fakartay dukaan furo si aad agoonta waxaad ku korsato kaaga soo baxaan. Markii ay soo qaadanaysay shatigii ay dukaanka ku furanlahayd ayaa waxaa la soo siiyay sawir ah kuwa darbiyada lagu dhajiyo oo madaxwaynaha ah. Islaantii inta yaabtay yay tiri oo see u galaa? Waa loo sharaxoo la yiri dukaan walba waa in la suro madaxwaynaha sawirkiisa. Dukaankii laga waayo qofkaleh waxuu mutaysanayaa xarig iyo ganaax. Islaantii waxay liqiwayday ninkii ku gablamiyey sawirkiisu haku dul surnaado oo maalin walba hakusoo hor fadhiyo. Jarbay dagtay. Sawirkii way soo qaadatay. Waxay dhigtay meel miiska hoostiisaa. Markii kuwa canshuurta aruuriya u yimaadaan ayaa la yiraahdaa dukaanka waxbaa ka maqan. Intay lasoo boodo ayey tiraahdaa haa sawirkii madaxwaynaha miyaad maandhe sheegaysaa intay meeshii ay ku ogayd ka haabato yey tiraahdaa boor iyo bus fuushay yaan ka jafayaye hadaan surayaa. Markay dhaqaaqaana halkiisii yey ku celisaa. Inta aad Fahadow qodobo soo taxday oo aad tiri Siyaad Barraan u sheegay meelaad kula kulantay mooyiye kuma arag “ Bulshadii ku jeclayd madaxwayne yaa kuu barooranaysa oo rabta inaad usoo noqoto” Hell no! Waxaad u danleedahay ma garan waxaana jeclaan lahaa inaan noosoo bandhigto u jeedada aad leedahay. Bini’aadan baatahoo mar way kaa sambariiraxan kartaa kolayse uma bogin wixii aan akhriyey.

Idil Said Yamen
sucaad03@hotmail.com


SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | July 12, 2005


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD