SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YUSUF
Fahadoow Sidaa Waad Dhaami jirtay!!!!!

Asalaamu calayku waraxmatulaahi wa barakaatuhu

Marka hore waxaa in la baryo mudan Rabigii naxariista badnaa, waxaana amaan mudan nabigiina naxariis iyo nabadgelyo korkiiisa ha ahaatee.

Waxaan ka mid ahay dadwaynaha Somaliyeed ee jecel wax akhrinta , kuna dadaala in aaan wax aan akhrinayo ay yihiin wax i anfaca oo aan uga faa'iidayn karo naftayda iyo ummadayda. Nin walba oo wax akhriyaa waxa uu leeyahay dad gaara oo uu jecel yahay sida ay wax u qoran, ha la fikrad ahaado ama ka duwanaadee, Fahad waxa uu ka mid yahay qorayaasha faraha yar oo aan ku tilmaami karo in uu ka nabad galay qabyaalada iyo nin jeclaysiga oo xataa aan is iraahdo marmarka qaarkood ma anaa qoray.

waxa aan aad uga xumaaday kafgii iyo xumaantii uu fahad kula dhacay Sheikh Noorraddin Cali Axmed iyo sida foosha xun oo ugu baxshay tilmaamo iyo calaamado ka fog nin caalim ah oo inta uu u qabtay ummadiisa aan la koobi karin. Goormuu towxiidku ceeb noqday? in Eebbe keligii la baryaa ma xumaanbaa mise waa wanaag? . Miyeyna haboonayn in uu u isticmaalo meesha uu ka leeyahay erayo aan ku haboonayn in uu yiraahdo aabaha dacwada iyo tariiqa suuban.

Waxaan kaloo aan la yaabay in uu kuu af lagaadoodo abwaan Soomaaliyeed ,oo Somali oo dhami ay dhageysato gabayadiisa , ha jiraan dad neceb iyo dad jecelba , laakiin dambiga uu yeelay waxa uu ahaa in uu yahay gabyaa wahaabi ah.

Waxa aan rajaynayaa in uu Fahad noqdo qoraagii ugu horeeyey oo Somali ah oo wax uu qoray ka cudur daarto ,oo aan rajaynayo in uu ka dalbado cafis gabyaaga Abshir iyo eheladii iyo asxaabtii sheikh Noorraddijn Ali ( jandadii fordowsa alaha ka waraabiyee).

Waxa aan fahad u rajaynayaa in uu qalinkiisa dib ugu celiyo meeshuu ku haboona , oo ah arimaha siyaasada oo uu iska daayo culumada iyo abwaanada , haduuna siinayn xaqa ay leeyihiin oo ah ixtiraam iyo qadarin.

Yusuf A.M.Cali
Yusufali13@aol.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Dhiiranaanta Fahad & Saxaafada Curdinka ah ee Soomaalida |asad

FAALLO::: WAXAAN QOONSADAY QORMADA FAHAD | Xoday

ABSHIR BACADLE: GABYAAGII WAHAABIYADA MAXAA HADAL LOOGA WAAYEY
Waxaad tahay gabyaa ay dadbadani sugayaan ee intaanoo dhacdo wax ka dheh... Guji... | Fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD