SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xeradda Qaxootiga ee Kakuma iyo waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan ku soo arkay.!

"Dadkeena yaa duliga biday.?" Ibraahim Da'ud


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Nairobi-Kenya.


Q. 1-aad.

Hordhac.


Dhawaan ayaan safar ku maray magaalooyin ka tirsan dalka Kenya, waxaan safargeeyga ka bilaabay Magaalada Nairobi anigoo tagay magaalooyinka Nakuru, Eldort, Kitali iyo magaaladda Lodwar. ugu danbeyntiina waxaa ii suura gashay in aan si nabad ah ku tago xeradda Qaxootiga ee Kakuma oo dad badan oo Somali ah ay ku noolyihiin Intii aan joogay xeradda Qaxootiga ee Kaakuma waxaan isku day in aan wax badan ka ogaado nolasha dadka Somalida ah ee dagan sida ay tahay.? Iyadoo ay ii suura gashay in xog ku saabsab nolasha Somalida halkaasi joogta aan ka soo aruuriyo dadka deegaanka gaar ahaan dadka Madaxda ka ah (Somali community) inkastoo dadka aan la kulmay aanan magacyadoosa sheegi doonin arrimo la xariira amaankooda. Balse nasiib daro dadka meesha jooga ee somalida ah intooda badan waa dad cabsi ay ka heyso haddii aad wax sheegto armaad waysaa dhoofitaanka ama deganaanshaha aad ka heli laheyd dalalka reer Galbeedka. Waxaana u sii dheer cabsi ay ka qaaban in lagu dilo xabad sida dhacday marar badan.
Hadduu alle idmo qoraalka hoos ku qoran ayaa ka hadlaya wixii aan ku soo arkay intii aan safarka ku jiray. Anigoo muhiimadda qoraalka siin doona dadka Qaxooriga ah ee ku nool (Kaakuma refugee camp)

Kaakuma waa meel sidee ah.?

Xerada Qaxootiga ee Kaakuma waxa ay ku taalaa Waqooyiga dalka Kenya iyadoo u Dhaxeeyso Magaaladda Lockichociko oo xadka dalka Sudan ay dalka Kenya la wadaagto ku taal iyo Magaaladda Lodwar oo uu ku yaal xabsigii dowlada Britain ay ku heyn jirtay aabihii xoriyadda dalka Kenya Jomma Kenyatta guud ahaana waa dhul ay dagaan dadka loo yaqaan Turkanada oo ah mid ka mid ah Qabiiladda daga dalka Kenya daga kuna caanbsay in aysan dharba xiran.
Xeradan Qaxootiga ee Kaakuma sidoo kalle waxa ay ku taalaa xadka dalka Kenya uu la wadaagto dalalka Uganda, Ethiopia iyo Sudan iyadoo dalka Sudan ay u jirto Kakuma 456Km halka dalka Ethiopia ay ku dhawaad 120Km u jirto dhan kalle Uganda waxa ay u jirtaa ku dhawaad 60Km. waa xero guud ahaan ah xuduud.
Xerada Qaxootiga ee Kaakuma Jawi ahaan waa meel aad u kulul inta badan heerkulka waxa uu gaarayaa (40 C) iyadoo habyenkii uu xitaa ay tahay Xeradu meel aad u kuleyl heer kulalka habeynkii waxa uu inta badan gaarayaa (30C) sababtuna waxay tahay iyadoo xeraddu way dalka Sudan aad ugu dhowdahay dalka Sudan-na waa dal aad u kulul cimilo ahaan.

Xilligee loo aqoonsaday in ay Xero Qaxooti tahay.?

Sanadkii 1992 ayaa loo aqoonsaday in ay tahay Xero Qaxooti iyadoo dadkii ugu horeeyay ee Xeradaasi yimaada iyadoo Qaxooti aha ay ahaayen dadkii ka soo Qaxay dagaalkii ka socday dalkaasi Sudan, waxaana la sheegaa in ay ku xigeyn dad Ethiopian ah oo iyagana ka soo qaxay dalkaasi Ethiopia dadka Somalida ahna dadkii ugu badnaa ee Kaakuma sanadkii la furay yimid ayay ka mid yihiin. Haatana dadka Somalida waa dadka ugu badan ee Xeradda ku nool tiro ahaan.

Qaxootiga Somalida ah xilligee ayay yimaadeyn Kaakuma.?

Kadib bur-burkii dowladii Somalia sanadkii 1991-kii dadkii soo Qaxay ee somalida ah dalalkii ay ku soo Qaxeyn waxaa ka mid ah dalka Kenya, inta badan dadkii dalka Kenya soo galay waxa ay ka soo galeyn dhanka badda Indian ocean gaar ahaan Magaalada xeebeedka Mombasa iyadoo Kismaayo iyo Mogadishu doonyo ka soo kalla raacay iyadoo Magaaladda xeebta ah ee Mombasa waxaa ay ka sameysteyn Xerooyin Qaxooti. balse waxaa jiray dad kalle oo aad u fara badan oo xerooyinka xadka dalka Kenya ku yaal saldhigtay kuwo kalle oo fara badana waxa ay nolalshooda ka bilaabeyn magaalada Nairobi.

Markii si official ah irdaha loogu laabay xerooyinkii Qaxootiga ee Mombasa iyo magaalada dalxiiska ah ee Malindi ku yaal ee Somali badan ay ku noolaayeyn waxaa dhacay in dad fara badan ay soo dagaan Xero Qaxooti uu ku taal Magaaladda Thika oo magaalada Nairobi u jirta ku dhawaad 40km kana tirsan Gobaladda dhaxe ee dalka Kenya (central province). Xeradda Qaxootiga ee Magaaladda Thika ku taalayna waxaa u badnaa shaqaalihii dowladii Mohamed Siyaad Barre iyadoo Saraakiishii iyo Duuliyaashii Qaranka Somalia ay u badnaayeeyn. Intaas maxaa xigay.?

Sanadkii 1995 ayaa Qaxootigii ugu horeeyay ee Somali ah ay soo cagadhigteyn Xeradda Qaxootiga ee Kaakuma iyadoo Qaxootigaas ay u badnaayeyn Saraakishii dalka Somalia oo intooda badan hadda dalalka reer Galbeedka iyo America loo duuliyay waliba waxaa Kakuma ku sugan dhowr qofood oo Duuliyaal ay ku jiraan iyadoo dadkani laga keenay Xeradii Qaxootiga ee Thika ku taalay oo markaasi la xiray dadkii joogayne loo sheegay in haddii ay rabaan in Qaxooti loo aqoonsado ay tagaan Xeradda Qaxootiga ee Kaakuma.

Isla sanadkii 1995 waxaa xeradda Qaxootiga ee Kaakuma soo gaaray Qaxooti fara badan oo Somali ah iyadoo Qaxootigan ay u badnaayeyn Haweyn iyo caruur intaba, Qaxootigan Somalida ee soo gaaray Kaakuma waxaa la dajiyay Zone 5 kana tirsan Kaakuma 1 Xeradda Qaxootiga ah ee Kakuma oo ay markaasi u badnaayeyn Qaxootiga Ethiopian-ka ah ilaa haddana loo yaqaan xaafadda Ethiopian-ka Qaxootigana Somaliada ah 99% waxa ay ahayn dadkii dalka Somalia ka soo qaxay sanadkii 1991.

Sanadkii 1998 tirakoob ay sameeysay He'adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR ayay tiradda dadka Somalida ee Qaxootiga jooga waxaa ay ku sheegtay in ay yihiin 25,000 oo qofood una badan caruur iyo haweyn. Balse hadda tiradda intaas wax badan ayay ka badantahay.

Sanadkii 2000 Heyadda UNCHR dhamaan dadkii joogay kaamka waxa ay ka qaaday faro iyo sawiro. Arrintaas oo aheyd sharciyaynta dadka Qaxootiga ah ee Xeradda Kakuma ku nool. Arrintana dadkii ayay kall saartay markii hore waxa ay dadka ku bixi jireyn (Old-case) iyo in ay qortaan cabashooyin kall duwan. Sida Nafteeyda ayaa halis ku jirta, kufsi aya la ii geestay I.W.M.

Sanadkii 2004 Heyadda UNHCR waxa ay sameeysay Tirikoob dadka oo dhan saacad gacanta loogu xiray taasi oo macnaheeda tahay waad joogtaa oo UNCHR waad ka diiwaan gashantahay. Markaas wixii ka danbeeyayne waxaa biloowday in Qaxootiga Kaakuma ku nool dhoofitaan rasmi ah loo bilaabo iyadoo inta badan dadkii la dhoofiyay ay daganaansho ka heleyn dowladda America.

Akhri Q 2-aad iyo arrimaha amaanka.


aniga oo ku suga Nakuru xilligii aan Kakuma ku sii socday

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
http://www.somalitalk.com/gentleman/

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2008

QAXOOTIGA SOOMAALIDA KENYA... QORAALADII HORE...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS