SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Arrimaha Amaanka ee xeradda Qaxootiga ee Kakuma.! 


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Nairobi-Kenya.


“Bal wax samee aan ku aragnee” GSU. 
 

Q. 2-aad. 

Waaa sidee xaaladda amaan ee xeradda Qaxootiga ee Kakuma.?

Xeradda Qaxootiga ee Kakuma deegaan ahaan waxa ay ku taalaa sidaan qormadkii horayba ku soo xusnay xadka dalka Kenya uu la wadaago dowladaha Sudan, Uganda iyo Ethiopia. Iyadoo dadka deegaanka daga loo yaqaan Turkana. Qabiilkan Turkanada ah ee dagaankan dagan waxa ay dhaqan ahaan wadaagaan Qabiilka Masaayda (Maasai).

Qabiilka Turkana waa Qabiil ceynkee ah.?

Qabiiilkan Turkanada loo yaqaan waxa ay u qaybsanyihiin dalalka Kenya, Sudan, Uganda iyo Ethiopia oo waxaa jira Turkana Kenyan, Turkana Uganda's, Turkana Sudanese iyo Turkana Ethiopian. Inkastoo Qabiilkan Turkanada la yiraahdo ay ku caanbaxeeyn deegaan ahaan dalka Kenya oo ay aad u daganyihiin.

Dhibaatadda ay qabaan Qabiilka Turkana.!

Waxaa jira Qabiil la yiraahdo Dhoos-dhoos kana tirsan Qabiilka Turkana kuna nool xadka dalka Kenya ay la wadaagaan dalka Uganda. Qabiilkan loo yaqaan Dhoos-dhoos waxa ay dhibaato ba'an ku hayaan xoolahana ay ka dhacaan Qabiilka Turkana ee dalka Kenya ku nool. Iyadoo dhul ahaan ay u dhaxeeyso ku dhawaad 60km.

Dowladda Kenya oo hubka siisa Qabiilka Turkana.

Iyadoo ay Qabiilkan Turkana ee daga dalka Kenya ay dhibaatadaas kaga timaado Qabiiladda ay bahwadaagta yihiin ee daga dalalka Uganda, Ethiopia iyo Sudan ayay dowlada dalka Kenya waxa ay Qabiilkan Turkanada ah ee xadka dagan u qaybisay hub aad u fara badan si ay xoolahooda iyo naftooda ay cadowga isaga difaacaan.Qof kasta oo Qabiilkan Turkanada ah u dhashay waxa uu xaq u leeyahay in uu dowlada ka codsankaro in hub la siiyo si uu naftiisa u difaaco balse waa hub sharciyaysan. Oo sida dalkeena isku dhaxyaacay oo kalle xaalku maahan. Turkanada waa dad faqiir ah una sii dheertahay in aysaba heeysan wax hanti ah dhulka ay daganyihiina waa dhul aad u kulul.

Heya'da Qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa sanadkii 1992 waxa ay xero Qaxooti ka furtan deegaan Qabiilka Turkanada ay ku nool yihiin haddana ah dhul xuduud ah kuleel iyo dhibaatooyin kalle oo fara badana ay kala kulmeyn Qaxootiga ku nool deegaankan. Kakuma ma tahay deegaan ah meyl Qaxooti ku haboon.? Ujeedka ka arrintan ka danbeesna maxay tahay waa su’aalo aan wali jawaabtooda helin.

Turkana iyo dhibaatadda ay ku hayaan Xerada Qaxootiga ee Kakuma.! 

Xeradda Qaxootiga ee Kakuma waxa ku nool Qaxooti ku dhawaad gaaraya 70 kun kana kooban 9 dowladood oo African ah waxaa ka mid ah dowladaha Somalia, Sudan, Uganda, Ethiopia, Eritrea, Rwanda, Congo iyo Burundi. Dhamaan dadkan dowladahan kalla duwan ka yimid waxa ay dalalkooda ooga soo hayaameyn dagaalo iyo arrimo la xiirna, Qabyaalad, Nabadumo I.W.M.

Turkanada waxa ay dhibaato dil, dhac, iyo kufsi ah ku hayaan Qaxootiga Kakuma ku nool , iyadoo dhibaatadan marar badan ay soo laabatay.  


Turkana wata qori AK47

Qaxootiga Kakuma ku nool ay tiro ahaan aad u fara badanyihiin haddana tayo ahaan waa kuwo aad u liita sababtoo ah dadka ay maganta u yihiinba waa dad baahan haddana reer guura ah ayna u sii dheertahay hubkii oo gacmahooda ku jira taasina murugta dadka Qaxootiga ah ayay sii badisay.meel sidaas ah Qaxooti adigoo ah maku noolaan laheed.? Maa dalkii Hooyo ma dhaanto dhibaatadan heesata Qaxootigan Masaakiinta ah. Cidna uma maqna ceelna uma qodna. Inkastoo qofkii Kakuma ka baxa ee dalalka Reer Galbeedka aada uu waxan oo dhanba uuna iska hilmaamayo.

Dhibaatadda amaan daro ee  Heesata Qaxootiga Somalida ah.

Xerada Qaxootiga ee Kakuma Qaxootiga ugu badan ee xilligan ku nool waa shacabka Somaliyeed ee ka soo qaxay dhibaatooyinka aaan dhamaan ee ka socda Somalia. Ku dhawaad 9 dowladood oo African ah ayaa Qaxooti ahaan ugu nool xerada Qaxootiga ee Kakuma balse sanadkii hore dadka ugu badan waxay ahaan jireyn shacabka dalka Sudan iyadoo haatan dadka Sudan ka yimid dalkooda dib ugu laabteyn wax yar oo aan sidaa u sii badneyn ayaa xilligan Qaxooti ahaan u jooga Kakuma.

Kadib markii dalalka Sudan ay heshiisyadda kala gaaraan Mucaaradka iyo dowlada dalka Sudan-na intiisa badan ay nabad waarta laga gaaray ayay heyadda Qaxootiga aduunka ee UNHCR waxay biloowday in dadka dalka Sudan ka yimaada dib loogu celiyo dalka Sudan.

Balse xilligan la joogo shacabka ugu badan ee Qaxooti ahaan u jooga Kakuma waa shacabka Somaliyeed iyadoo waliba xilli walba xilliga ka sii danbeeya ay soo badayaan dadka doonaya in ay Qaxooti ahaan isaga diiwaan galiyaan heyada Qaxootiga aduunka ee UNHCR.

Arrimaha amaanka ee Xerada Qaxootiga ee Kakuma waa mid aad u liita sababtoo ah iyadoo ay xero ku taal meyl xuduud ah ayay hadana dadka deegaan ahaan u dagan ee Turkanada waxa ay wada sitaan hub taaso arrinta sii murjineysay.

Sanadkii 1995 oo ay Qaxootigii ugu horeeyay ee Somali ah ay yimaadeyn Kakuma ilaa iyo sanadkan 2008 waxa lagu dilay Kakuma tiro ka badan 65 qofood oo Somalia ah dhamaantodna lagu dilay guriyahooda iyo goobahooda ganacsi. Iyadoo ku dhawaad 142 qofood oo kalle oo Somali ah ay ku dhaawacmeyn dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Somaliyeed. 

Xaaladda amaan ee xeradda Qaxotiga ee Kakuma waa sidee.? 

Tan iyo bishii May ee sanadkan 2008 markii xeradda Qaxootiga ee Kakuma lagu dilay 2 nin oo ka mid ah ganacsatada Qaxootiga ah ee xearada ku ganacsada wixii ka danbeeyay waxaa xeradda loo sameeyay nidaam aad u waanaagsan, nidaamkaas waa nidaam sidee ah.? 

Guud ahaan amaanka xerada waxaa gacanta ku haya heyada LWF oo gaashaneysa dowlada Kenya, heyada LWF waxa ay xerada keentay ciidan amaanka guud suga iyadoo ciidankan cusub oo wax badan ka badaleyn amaanka guud ee xerada guud ahaanba. 

Ciidankan cusub ee xerada la geenay waxa loogu magacdaray “Bal wax samee aan ku arknee” waana ciidan aan haba yaraatee dadka Turkanada ah ee deeganka daga haddii ay ku arkaan xerada wixii ka danbeeya 6:00 mabribnimo inteey garaacaan haddana Xerada awood ooga saara. Arrintaas oo ay soo riyaaqeyn dadka Qaxootiga ah gaar ahaan dadka Somaliyeed. 

Ciidanka haatan xerada waardiyaha adag ka haya waa ciidankii dalka Kenya xilligii doorashooyinka oo ay rabshadaha adag ka jireyn amaanka dalka aadka u adkeeyay waxaana loo yaqaanaa GSU.  

Xilligan xeradda Kakuma waxay dadka ku nool ku noolyihiin amaankii ugu heerka sareeyay ee ay abid ku naaloodaan. Dhamaan dadka ka yimid dalalka ka duwan ee Qaxootiga ahna waxay si wadajir ah isaga kaashaadan sidii amaanka loo adkeeyn lahaa. Amaan daro soo maahan waxaanu dalkeena Somalia ooga soo yaacnay.? Hadduu amaan jiri lahaa soo dalkeena looma soo tahriibeeyn.? Alle aan u wada toobad keeno si aan wanaag iyo nabada u heli laheyn.  

La soco Q. 3-aad. 

Wabilaabi Towfiiq……

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
http://www.somalitalk.com/gentleman/

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2008

QAXOOTIGA SOOMAALIDA KENYA... QORAALADII HORE...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS