SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KULANKA SAXAFIGA

Kullanka:- Saxafiga,Siyaasiga,Aqoonyahanka, Shaqsiyaadka caanka ah & somalitalk

Taariikhda Weriye Abdi Bari Atwan...

Isteerinka Qormada maanta waxaan u leexinayaa magaalada London iyo saxafiga caanka ah ee Adel Bari Atwan. Waa nin aan ka ibraahim ahaan aan aad u jeclahay kartdiisa iyo sida wacan ee uu usoo bandhigo waxa uu aaminsahay bal ila fiiri ninkan iyo taariikh nolaleedkiisa.

Abdel Bari Atwan..

Abdi Bari Atwan, waxa uu dhashay taariikhdu marka ay aheed February 17, 1950 wuxuuna ku dhashay xero Qaxooti oo ku taal magaalada Gaza Strip, waana 2 sano kadib markii dadka Yuhuuda ah lagu abuuray dhulka Falastiin. Waxa uuna ka mid yahay 11 caruur ah oo ay walaalo yihiin.                               

Dhanka waxbarasha iyo shaqooyinkiisa..

Waxa uu D/Hoose iyo Dhaxaba uu ku sooo dhameeyay xerada Qaxootiga ee uu ku dhashay, kadibna waxa uu Dugsiga sare ku dhameeyay wadanka Jordan iyo Masar.sanadkii 1967 ayuuna ka baxay Dugsiga sare isaga oo wali ah Qaxooti.

Sanadkii 1970 waxa uu ku biiray jaamacada Cairo Universaty waxa uuna ka bartay Saxaafada sidoo kale waxa uu diyaariyay English- Arabic translation . Isagoona helay shahaadada Diploma-ha. Markii uu dhameeyay waxbarashada Jaamacadeed waxa uu markii ugu horeesay uu ka shaqo bilaabay wargees la yiraahdo Al.Balaagh ee dalka Libya ka soo baxa. Kadib waxa uu ka shaqo bilaabay wargeeska Al.Madiina ee dalka Saudi Arabia laga leeyahay.


wariye Abdel Bari Atwan.. sawirka google search..

Sanadkii 1978 ilaa maanta wax uu dagnyahay magaalada London, waxa kale uu ka soo shaqeeyay wargeeska Al-Sharq Al-Awsat ee xaruntiisu tahay magaalada London lakana leeyahay dalka Saudi Arabia.

Balse sanadkii 1989, ilaa maanta waxa uu Tifaftire ka yahay wargeeska al-Quds al-Arabi ee xaruntiisu tahay dalka England. Waxaana markii ugu horeeysay wargeeskaasi aas aasay dad falastiiniyiin ah oo a soo qaxay dalkaasi Falastiin dagana dalka England. Wargeeska al-Quds al-Arabi oo ah wargees caan ka ahay aduun-ka gaar ahaan wadamada carabta. Wargeesku waxa uu si aan xishood laheen inta badan u dacaayadeeyaa taageerada madaxda carabta ee aan ganbashada laheen ee ay u hayaan dalalka Israel iyo Mareekanka taasina waxa ay keentay in dalal badan oo carbeed laga mamanuuuco aqriska wargeeska al-Quds al-Arabi.

Abdel Bari Atwan waxa uu ku caan baxay sida uu u difaaco Qadiyada dalkisa Falastiin iyo guud ahaan shucuubta Carbeed ee u afduuban madaxdooda. Arrintaasi waxa ay keentay in uu inta badan Taleefishadana caalamka intooda caanka ah laga marti qaado si uu ooga hadlo arrimaha ku saabsan guud ahaan Caalamka islaam-ka. Taleefishadana laga marti qaado waxaa ka mid ah on BBC World, Sky News , CNN iyo Al.Jazeera.

Wareeysigii uu la yeeshay Usama Bin laden.!!

Sanadkii 1996 ayuu dalka Afghanistan ku tagay socdaal ujeedkiisa ahaa sidii uu ula kulmo lahaa Usama Bin Laden. Safarkiisa iyo sida uu kula kulmay Usama Bin laden way dheer tahay balse ugu danbeentii wuu la kulmay. Arrima ugu yaabka badan ee uu sheegay waxa ka mid ahay nolashada adag ee uu soo arkay isaga oo xitaa mudo afar maalin ah ku soo noolaa  jawi adag oo aad u qaboow kana hooseeya ebar ama Zero. (sub-zero temperatures)


Abdi Bari oo Usama Bin Laden oo wada taagan.

Sida badan marka uu Fariin soo diro Usama Bin Laden waxa laga Casumaa Taleefishan-ka Al.Jaziira. marka uu hadalyana waxa uu magaca Usama Bin Laden ka hormariyaa darajada Shiekh taasi oo muujineeysa sida uu ugu muujiyo in uu u hayo ixtiraam.

Fikaradihiisa dhanka Siyaasada.

· Buugiisa "The Secret History of al-Qa'ida", waxa uu ku leeyahay "Aniga ma ayidayo ama sina kuma Taageerayo Ajandaha ururuka Al.Qa'ida ee ku aadan waxyeeleenta shucuubta aanan waxba galabsan ee reer Galbeedka ah". Atwan inkasta si dadbadan uu u taageero  Al.Qa'iada haddana sida muuqata waxa uu istimaalayaa siyaad ah in uusan taageero u heen ururka Al.Qa'ide marka ay arrintu tahay waxyeeleenta dadka aan waxba galabsan sida Qaraxyada lagu waxyeeleeynayo. Maxaa yeelay Atwan waa nin heesta Dhalashada wadanka England ee uu ku noolyahay.

· Markii uu socday dagaalkii Gacanka Carbeed " Kuwait war", wargeeska al-Quds al-Arabi waxa kor u sii kacday sumcada uu bulshada carabta ku dhaxleeyahay si gaarana waxa uu ooga hadlay markii dowlada Mareekanka ay soo faragalisay arrinta, dhanka kale wargeeska marna ma uusan ka hadlin duulaankii dowlada Iraq ay ku soo qaaday dalka Kuwait.

  • Markii Mareekanka uu duulaanka ku soo qaaday dalka Iraq Atwan waxa uu yiri "Sadaam tiirka toogashada ayuu tagi doonaa, maxaa yeelay waxa uu dhisan Iraq Nadiif ah oo aan Sunni iyo Shiica intaba aysan ka jirin [ Iraq without sectarianism]" .
  • June 27, 2007 mar uu wareeysi siinayay ANB TV lagana leeyahay dalka lubnaan, waxa uu yiri "Haddii Gantaalada Iran ay Duqeeyaan dalka Israel Alle idinkii, waxa aan aadi doonaa Barxada Trafalgar Square halkaas ayaana damaashaad ku sameen lahaa". Marka uu sidan u hadlayo kuma qaldana maxaa yeelay markii uu dhashay ilaa maanta dalkiisa Falastiin waxa gumeeysanaya Cadowga Yahuuda.
  • Sanadguuradii shanaad ee weerarkii lagu qaaday dalka Mareekanka New York 9/11 waxa uu yiri "Dhacdadii 11 September waxa ay na xasuusineeysaa dhamaadka Boqortooyada ama awooda dowlada Mareekanka, maxaa yeelay dhamaan dowlada walba awood inta isbida kibirtana waxaa iska cad in ay bur-bureeyso".  

Abdi Bari Atwan waa nin ujeedka iyo waxa uu aaminsanyahay aan la gaban, inta badan marka uu hadlayo aad ayaa u qayliyaa hadalkiisana ma ahan iska hadla ee macluumaad iyo wax badan oo kaa maaqan ayaad ka fahmeeysaa marka aad hadalkiisa dhuuxdo.

halkan ka fiiri sheekada dhax martay Abti Bari iyo Usama Bin Laden iyada oo ku qoran afka carabiga..

waraysi ay la yeelatay Usama Bin Laden shabakada Al.Jazeera.

qoraal uu ka qoray Jihaadka iyo dhibka uu ku hayo reer Galbeedka iyo Israel

 

saxafiKULANKA SAXAFIGA & SOMALITALK: Wariye C/xakiim Cumar Jimacaale: Qofkii Naf badbaadiya waxa uu la midyahay Hooyo… Akhri

saxafi

TODDOBAADKII HORE: Wariye C/naasir Zero: Majirto dhabo aannu ku baxsano inaanu cararno mooyaane. Akhri

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentelman"
Kullankasomalitalk@gmail.com ama sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya.

Xigasho: wikipedia

SomaliTalk.com | Dec 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com