SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006



Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com
CALOOL XUMO - 2

 CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3

Muqdisho ayaad leedihiin. Waa muqdishadee, midaad ka hadlaysaan. Ma magic jiri jirey ayaad sheegeysaan, mise magaalo.

Muxaadara aan ka jeediyey booqashooyinkayga magaalada mid ka mida, ayaan ku sheegay: war miyeynaan damiir dhaqaaqa lahayn, miyeynaan ummad nolol dooneysa ahayn, miyeynaan ujeedin waxa aynu dhex fadhino. Walaalayaal magaala kuma noolin. Ee wexeynu dhex jiifnaa: Kudaafad weyn!!  

Mexey tareysaa, inaad malaayiin doolar haysato, laakiin, aadan wada nabad u mari Karin, inaad wadato labatan qorya ku heegeysan mooyee, mexey tareysaa aqal nadiifa ood kasoo baxday, iyadoo gidaarkaaga qashinku buuraha leegyahay, jidadka aad mareysana ciid iyo qashin qariyey, guryaha aad dhex mareysana mid dunsan, mid madaafiici gubtey oo madow, iyo mid siduu u egyahay calooshu kaasoo dhacdo.?

Jidka Muqdisho iyo Agooye isku xira, waa 30 km, waxaan ka badnayn. 20 jid gooyo ayaad maraysaa. Taa kasokow waxaa naxdin leh, oo tusaale kuugu filan, meesha aan ummad ahaan iyo hoggaan ahaanba mareyno:  

Marka aad wax yar lafoole soo dhaafto, ado xagga afgooye u jeeda, laamigii yaraa, oo awalba miskiinka ahaa, oo mindhaa weligiis xitaa dawladii maxamad siyaad ayan dayactir ku samayn, haddana wuu roonaa, wax yar markaad socotid godad waaweyn ayuu isu bedelayaa, dabadeedna gaarigu waa inuu ka degaa laamiga (cafwan – meeshii laamiga ahaan jirtey) oo wada ka jeexdaa dhiniciisa. Gaariga markaa si fiican u qabso.

Waxaad u diyaar garoobi sida hanta caanaha loogu ruxo, in laguu ruxo, wixii caloosha ku jiraana bannaanka yimaadaan, waxaa kuu sii dheer boorka (cara guduuda) inaad ku hafato, ilaa aad afgooye kala baydhkiisa ka gaarto. Haddaad xagga bali dooogle iyo wanlaweyn u keceysid waad nasiib badan tahay, waayo wadado xoogaa caadi ayey ku soo noqoneysaa. Hadaadse xagga marka iyo (airportiga cusub) ee # 50, aad u leexaneysid ALLAHA KUU NAXARIISTO.!  

Maalin walba jidkaas waxaa mara, (madax!!!!) dagaal oogayaal!!!! Hogaamiye kooxeedyo!!!! Dawlad lasoo dhisay sidii tii carta iyo kuwii ka horreeyey iyo kuwii ka dambeeyey!!!!!!Ganacsato, kuwa hore iyo kuwii xiliga dagaalka soo baxay!!!!!Culimo iyo shacab weyne badan!!! 

Haddana waxaas 10 km oo naftu kaaga bexeyso, lama garan ilaa hadda ineyno samayn karno, oo si fudud ku hagaajisan karno, waa danteenna, waa dawladnimo, waa wax qabsasho, waa sadaqo, ajar ilaahay lagaga helo. Xitaa waa ganacsi, haddii inta la hagaajiyo, lacag lagaaga qaado diyaar ayaad u noqon lahayd. 

Inta dawlad meeshaas kolonyo laan crusara ah ku marta maalintii, xisaab ma leh.

Ummadaas sidey u noolaaneysaa, sidey dawladnimo ku keeneysaa? 

Dawladaha ku sheegyaalku ma garanwaayeen, ganacsatadu ma garan weydey, kuwa diyaaradaha leh iyo kuwa airportiyada lihi, magaran waayeen, ineey maslaxadooda (Business) tahay, oo haddeey wixii soo gala dhawr maalmood halkaas geliyaan, iney boqolaal jeer in ka adani usoo noqoneyso. 

Miyeynaan garanayn mise weynaan rabin? Waxaan is leeyahay, dadka soomaaliyeed haddii la tuso, oo loo bilaabo, oo la baro, wexey ka mid yihiin, umadaha ugu khayrka jecel, laakiin maamul wanaagsan, iyo hogaan fiican toona ma helin, allaha usoo saaro… 


Allahayow ummadayda! 

  1. Allahayow Ummadayda,oo
  2. Caqligii ku yaraaday, oo dagaalkii ku abaaday,
  3. Dhiig daadinta sharaf moodey, oo adduun iyo aakhiro seegtay,
  4. Ubadkeedii dubaneysa,
  5. Dalkeedi dumineysa,
  6. Asaageed ka haraysa,
  7. Allahayow tubta toosan iyo
  8. Tawbadaada ku aadi.
  9.  
  10. Ummadaan is cuneysa,
  11. Ummadaan is dileysa,
  12. Ummadaan lala yaabay, oo
  13. Amankaaaaag laga joogo.
  14.  
  15. Dagaal laysku dhamaado,
  16. Rasaas laysku afuufo,
  17. Madaafiic laysku garaaco,
  18. Rayidkii deganaa,
  19. Dumarkii jirranaa,
  20. Shacabkii dulmanaa,
  21. Daarihii dunsanaa,
  22. Oo darandoori rasaasta
  23. Dusha loogaga daadsho
  24.  
  25. Kumanyaal dhimanayaa,
  26. Daarahaas burburaaya,
  27. Shacbigaas cararaaya,
  28. Ilmahaa salalaaya,
  29. Waxa qiima u dhaama,
  30. Oo agtooda ku weyn,
  31. Teknikaa la haleeelay!
  32.  
  33. Ummadan  aan kala saarin,
  34. Midka uurka  ka dooxa,
  35. Iyo Midka daawada siiya,
  36. Midka dana gaara wata, iyo
  37. Kan danohooda u taagan,
  38. Midka diinta islaamka,
  39. Suubanihii sunadiisa,
  40. salafkii wadooda,
  41. Soo raaca dhahaayoo,
  42. Sabir muujinaya, oo
  43. Sumuni aan ka dalbayn,
  44. Iyo xaaraan quutaha Naaxay,
  45. Sombobkiina dilaacay,
  46. Summadiisu caddaatay,oo
  47. Saliibiyiin u adeega.
  48.  
  49. Allahayow ummadaas,
  50. Dagaal aan natiija lahayn
  51. Cidi aan u adkaan,
  52. Cidina aaney ku dhammaan,
  53. Layskuse aakhira seego,
  54. Soomaali uun isku saafto,
  55. Kuwa doolar la siiyey,
  56. Kuwa daango la quudshey,
  57. Kuwa ujeedda dagaal iyo
  58. Waxa laysku dilaayiyo,
  59. Docna aan garanayn.
  60. Laysku soo dabargooyo,
  61. Cadowgii dhabta ahaana,
  62. Jirjirkiisa u jiifo, oo
  63. Jillaato uu ka cunaayo.
  64. Labada gees ee isdileysana,
  65. Wixii dooxada data,
  66. Isku jimleeya yiraahdo.
  67. Allahayow ka badbaadi.
  68.  
  69. Allahayow Ummadayda,
  70. Ku hagaaji wanaaga,
  71. Kana badbaadi xumaanta,
  72. Dagaal eey ku dhamaadeen,
  73. Oo dushooda ku raagey,
  74. Jaah wareer uun laga qaaday,
  75. Rabbiyow ka dul qaad.
  76.  
  77. Iney diinta xasuustaan,
  78. Danohooda ogaadaan,
  79. Oo dalkooda dhistaan.
  80. Dulmigii kala gaareyna,
  81. Daacad ay ka noqdaan, oo
  82. Sharcigu uu ka iftoodo.
  83. Allahayow ku hanuuni.

Qaybta Xigta...

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD