SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XILDHIBAAN IBRAAHIM

MAXAA DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY?
(Dawladnimada Soomaaliya Ha Hir-gasho)

*Tabaabulshaha siyaasadda dibedda*
*Qorshe dejinta siyaasadda gudaha*
*Yagleelidda  Dhaqaalaha*


Qaybta 1aad

W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP

imdeeq@hotmail.com

Nairobi | Kenya

May 1,  2005


GOGOL-DHIG

Dad badan oo hannaan dawladnimo oo hir-gala u jibbaysan ayaa is weydiinaya dawladdii Kenya uga dhalatay halka ay hawlaheedu marayaan. Waxaa la leeyahay dawladdii ma fadhiid bay noqotay? Ma tashi qaran iyo sahan baa ku dheeraaday? Mise deeq xagga Alla ka timid oo ay Soomaali oo dhani ka hirqan doonto ayeey ku garba beeshay oo la soo socotaa?. Ma dibad wareeg bay ku dal xiistay? Ma tabaabulshihii ay hogaanka dalka ku hanan lahayd ayuu qorshihiisii iyo ka baraandegiisii ku dheeraaday oo maantana far baa maydh la’ baa imaatinkeedii dib u ridey? Ma iyagii baa isku buuqsan oo boqonta is heerayana waa la lahaa oo waa guux ay dadku maalmo hadal hayeen. Beeneey lagu barey ee minankayaga dhaaf!. Waa gar ee gardarro ma aha inay ummadda soomaaliyeed wax iska weeydiiso Dhaanka dawladnimo ee u maqani xaaladda uu ku sugan yahay, hawlihiisu halka ay marayaan iyo goorta uu bulshada dhawraysa ku soo beegan yahay. Waa sidaase shacbi weynuhu dhinacooda ma dareensan yihiin inay dawladda lafteedu xiise weyn u qabto la noolaanshaha dadkeeda iyo hanashada maamulka iyo fulinta adeegyada ay ka sugayaan. Laba kala bariday kala war la’.

Mar walba, niyadda wanaagsan iyo dareenka diirran ee shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ay dagaalada sokeeye iyo dawlad la’aantu daashadeen waa kuwo si toosa ugu soo wajahan xarunta ay dawladda cusubi ku sugan tahay ee Nairobi. Jabaqdii xagga dawladda ka soo yeedhaba waxaa loo wad-wadaa oo la isugu tebiyaa si xamaasadaysan oo ay caadifad wadaninimo iyo dawlad jacayl ku dheehan tahay. Taasi waa daw oo wax loo baahan yahay iyo wax la jecel yahayba waa la hadal hayaa oo la saadaaliyaa. Mararka qaarkoodna hamuunta waxa la sugayo loo qabaa waxay dadka ku dhalisaa samir la’aan iyo in waxa la jantay ee loo jeel qabo la raagsado.

Siday doonaanba dawladda iyo dadkeedu jaanta ha isula heleene, nidaamka Mbagathi ka dhashay wuxu ifka u soo baxay isagoo dhan loo eegaba ka qaawan wax kasta oo aysan dawladi adeegsigiisa ka maarmin. Isla markaana baaxadda iyo ballaca hawsha culus ee hor taal wax ka qabshadeedu ka weyn tahay wax si fudud loo maarayn karo. Dhismihii dhibka badan laga soo maray ee xukuumadda iyo baarlamanka Soomaliyeed ka sokoow, Dawlad aan wax dhaqaale ah haysan oo maaliyaddii ay shaqadeeda ku meel marin lahayd inay baadi doonto laga sugayo. Maamul dal aan wax nidaam ah lahayn u dhashay ee inuu wax kasta abuuro looga fadhiyo. Dawlad u dhalatay waddan aan hayadihii nabad gelyada iyo ciidamadii qaranka lagu arag oo laga dhawrayo inay dalka oo dhan ka hir geliso jawi nabddoon oo damaanad qaadi kara amniga iyo xasiloonida dalka ay dawladda u tahay. Xukuumad aan xitaa dalka gudihiisa ku lahayn xarumihii iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahayd oo inay wax kasta eber ka bilowdo ku khasban. Dawlad aan caalamka ka haysan aqoonsi ay ku meel marto oo sidii ay ictiraaf ku heli lahayd inay ka shaqayso ku gawracani, waxay u baahan tahay inay wakhti ku filan u hesho dejinta iyo isku dubba ridka barnaamijkii ay baahiyaha intaas baaxadda le’eg ku fulin lahayd.

Sidaa awgeed, iyadoo aan marnaba laga boodin in wax walba ka fiirsigiisa iyo ka fekerkiisa muddada la siiyo iyo sida looga baaraan-dego ay faa’iidadiisu le’ekaato. Sidoo kalana laga gaashaantay qaababkii ay nidaamyo hore ku khasaareen ee ahayd markii dawladda la dhisayba dal aysan nabad gelyo xumada ka taagan iyo nolol xumida dadka haysata waxba ka qaban karin in si aan qorshaysnayn la isugu miidaamiyo, ayeey dawladdu gashay tabaabulshe siyaasadeed, yagleel maamul, qorsho dejin dhaqaale. Maxaa yeelay tegitaanka gudaha dalka oo aan cilmi iyo caqli lagu salayn, iyo in bilaash xaytanimo lagu sifoobaa waa sifayaal aysan danta ummaddu ku jirin oo khayru masluunimo xad dhaaf ah xambaarsan. Isla markaana fashilaad iyo ceeb dawladda cusub u soo jiidi lahaa. Waa middaas arrinta kaliftey inay dawladdu inta ay hawlaheeda sida ugu macquulsan uga baaraan degeyso oo ay wax Soomaali u cuntami kara ula guryo noqonayso Nairobi muddo ugu negaato. Si ay haddaba shacbi weynaha soomaaliyeed ula socdaan oo u fahmaan waxqabadka bilowga ah ee ay dawladda Soomaaliya dadkeeda ugu abuurayso nidaam iyo maamul joogtaysan oo dawladnimo iyo nabad gelyo waarta lagu gaadhi karo, waxaa lagama maarmaan ah in si guud looga xog warramo arrimaha yagleelka, tababulshaha iyo qorsho dejinta u badan ee ay dawladdu ilaa iyo hadda ku talaabsatay.  Maxaa qabsoomay?.

TABAABULSHAHA SIYAASADDA DIBEDDA

Dawladdu waxay ku dhalatay madal ay hareeraha ka taagan yihiin beesha caalamka oo ilaa iyo biloowgii shirka taageero aan caadi ahayn shirka nabadynta iyo natiijadiisaba la garab taaganayd. Caleema saarkii iyo dhaarintii madaxweynaha waxaa ka soo qayb galay masuuliyiintii ugu tirada badnaa madaxweynayaal ka soo qayb gala dhaar madaxweyne soomaaliyeed. Diblumaasiyiin ka kala socda dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah iyo ururada caalamiga ah ayaa iyana xafladaas si heer sare ah u soo camiray. Taasina waa astaan rejo qaranimo oo muujinaysa sida ay beesha caalamku hiil iyo hoo’ba dawladda cusub ula garab taagan yihiin ee ay ula jiraan.

Mar kasta madaxda sar-sare ee dawladda waxaa hor taaley xaqiiqda ah haddaysan dawladdu wadamada dibedda taageero wax ku ool ah ka helin inay fulinta hawsha culus ee laga sugayaa ku adkaan doonto, sidaa daraadeed madaxweynaha iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa socdaal shaqo u aaday dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Yaman, Aljeeriya, Saudi Arabiya, Naigeria, Imaaraadka Carabta, Uganda, Masar, iyo Liibiya. Madaxweynaha iyo weftigiisu madaxdii ay wadamadaas kula kulmeen waxay u sharxeen inay Soomalaiya 15 sano kaddib, dib u dhalatay, ayna dadka Soomaaliyeed maanta nabad iyo dawladnimo diyaar u yihiin. Isla markaana ay walaalohooda Carbeed, walaahooda Afrikaanka ah iyo saxiibadooda beesha caalamkaba ka sugayaan gacan dhaqaale iyo mid farsamo si ay dawladdu amniga iyo kala dambaynta dalka u hanato. Socdaaladaas waxaa la odhan karaa waxay ahaayeen kuwo ummadda soomaaliyeed guul u ahaa oo baahida haysata ka turjumayey. Wuxuuna madaxweynaha jamhuuriyaddu mar kasta ku dadaalayey sidii uu xiriirka dalalka aynu saaxiibka nahay iyo kuwa aynu walaalaha nahayba u xoogaysan lahaa. Wada hadaladii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxdii dalalka uu soo maray waxay dhinacooda ka soo dhoweeyeen dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay oo ay ku tilmaameen nidaam muhiim ah oo rabitaanka dadka ku yimid. Waxaana la odhan karaa muddo yar ayeey dawladda soomaaliyeed ku soo noolaysey xiriirkii ay Somaliya la lahayd ururada caalamiga ah, urur goboleedyada, iyo dawladaha madaxa banaan ee dunida ka jira.

Waayo aragnimadii laga dhaxlay dawladihii hore u fashilmay waxaa ka mid ah inaysan dawladdu waajibaadyadeeda gudan karin, isla markaana ay fulinta hawlaheedu caqabad gelayaan haddii aan ciidamo shisheeye oo hub-ka-dhigis dalka oo dhan ka sameeya la helin. Sidaa awgeed markii la doortayba Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ururka midowga Afrika ka dalbaday in ciidamo nabad ilaalin ah oo amniga suga Soomaaliya la geeyo. Taas oo ay badiba madaxda afrikaanku si niyo ah u ogolaadeen. Wadamada Yaman, Tuuniisiya, Suudaan, Uganda, iyo Aljeeriya ayaa ilaa iyo hadda ajiibey baaqii madaxweynaha Soomaliya waxayna diyaariyeen ciidamo leh istiraajiyad qorshaysan oo ay Soomaliya kaga hawl gelayaan. Iyadoo ay saadka iyo baahiyaha deg-degga ah dalalka kale ee IGAD qaabilsan yihiin. Waxaa kaloo jira waddamo kale oo ciidamo hor leh Soomaaliya u qorshaynaya oo ka dambaynaya ciidamada hor dhaca ah ee dhowaan dalka gelaya. Tabaabulsha siyaasadda dibedda ee dawladdu wuxu iminka marayaa heer guul ku dhow oo gebi ahaanba ujeedadii laga lahaa laga gaadhey. Waxaa iyana jirta safaro ay xubno labada gole ka tirsani wadamo caalamka ka mid ah ku soo mareen oo looga gol lahaa in siyaasadda dibedda ee dalka lagu dhiso oo dhamaantood guulo iyo is afgarasho ku soo dhamaaday. Waxaa kaloo waxqabadka dawladda ee siyaasadeeda dibedda laga sheegi karaa inuu maanta fagaarayaasha caalamka calankii Soomaliya ka babanayo oo inay Soomaaliya dawlad tahay caalamku aqoonsaday. Taasina waa midhihii ka dhashay safardii shaqo ee uu madaxweynaha cusub ee hirgelinta dawladnimada Somaliya daacadda ka ahi isagoon marnaba hawsha culus ee loo doortay ka daalin waddamo badan si hawl-karnimo ah ugu soo maray.

Isku soo wada duuboo, haddii ay dawladdu caalamka aysan ka maarmin aqoonsi iyo ictiraaf lagu shaqayn karo ka diyaarisay oo ciidamadii nabad ilaalinta ee aan la’aantood ammaan iyo nabad lagu laabandoodo la haweysan karin horumar weyn oo la taaban karo ka gaadhey. Waxaa lagu dhiirran karaa inay dawladda cusubi tabaabulshaheeda siyaasadda dibedda si muuqata uga soo dhalaashay oo ay waxa ka dhimanna dhowaan ka meeqaan gaadhi doonto. Taasina waa mid dadweynaha amniga iyo dawlad u shaqaysa oo la aqoonsan yahay niyeystey dareenkooda kalsooni meel-mar ah ku abuuri karta. “Dawladnimada Somaliya ha soo noqoto” waa hal-hayska iyo hal-ku-dhegga Soomaalida cusub ee xilligan kala guurka.

AKHRI QAYBTA 2AAD:  Qorshe dejinta siyaasadda gudaha....

W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi, Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005

DANTA DADWEYNAHA IYO DOONISTA DANAYSTAYAASHA
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD