SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XILDHIBAAN IBRAAHIM

MAXAA DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY?

 (Waxaa la qabtay wax badan, waxaa dhiman wax badan)

Qaybta 2aad

W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP

imdeeq@hotmail.com

Nairobi | Kenya

May 7,  2005


QORSHE DEJINTA SIYAASADDA GUDAHA

Markii la ebyey dhismaha dawlad midnimo qaran ku qotonta, hawlaha ay xukuumadda cusubi ahmiyadda koowaad siinaysey waxaa ka mid ahaa in waddanka gudihiisa maamulka dawladda loo raro iyo in la sahamiyo xaaladda guud ee uu dalku ku sugan yahay. Sidaa darteed madaxweynaha dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed isagoo ka dhabaynaya ballanqaadkiisii ku saabsanaa wax ka qabshada arrimaha murugsan ee dalkiisa iyo dadkiisa ku gadaaman, wuxuu kormeer shaqo ku soo maray meelo ka mid ah wadanka gudihiisa. Waxuuna u soo kuur galay xaaladda nololeed, midda nabad gelyo iyo dhaqaale ee ay dadka Soomaliyeed ku sugan yihiin. Meelihii uu madaxweynuhu tegey, dadka Soomaaliyeed ee nabadda iyo amniga u oomani waxay madaxweynaha iyo weftigiisa u muujiyeen taageerada ay dawladda cusub u hayaan iyo baahida ay shacabka soomaaliyeed nabad iyo dawladnimo waaritaan leh u qabaan. Goboladii uu madaxweynuhu soo booqday waxa ka mid ahaa: Gobolka Shabeelada Dhexe, Gobolka Hiiraan, galguduud, Puntland iyo Gobolka Bay. Kor meerkas shaqo ee uu madaxweynaha Somaliya dalkiisa ku tegey wuxu dhiiri geliyey damiirka ummadda Soomaaliyeed ee nabadda jecel, dawladda cusubna ka dhursugeysey. Kulamdii uu madaxweynuhu dadweynha kula yeeshay goobihii uu maryey waxay dadka soomaaliyeed ku abuurtay rejo dawladnimo iyo isfaham guud oo somalida xilligan u hir-gala. waxayna wax ku soo kordhisey isku xidhnaanta dawladda iyo dadweynaha Soomaliyeed ee dalka gudihiisa ku nool. 

Waxaa kaloo jirey wefti xaqiiqo raadin ah oo ay dawladdu ugu talo gashay inay xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dalku ku sugan yihiin ay soo qiimeeyaan. Waxayna weftigaas oo Soomaali iyo shisheeyaba ka koobnaa soo noqdeen iyagoo hawlihii ay u bexeen ku soo guulaystey. Waxaa kaloo jirey wefti ka socda dawladda federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo booqasho ku tegey meelihii ay masiibada Tusunaamigu waxyeelaysay. Una kuur galay khasaaraha dadka gaadhey dhaawac, dhimasho inta uu mood iyo noolba le’eg yahay. Waxayna dawladdu caalamka, dadyoowga deeqda bixiya, iyo hayadaha masiibooyinka ka hor tagaba dadkii ay waxyeeladda Tusunaamigu gaadhay u weeydiisey in mucaawimo deg-deg ah lala soo gaadho. Raisal wasaaraha dawladda ayaa isna hadda socdaal shaqo ku tegey magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxayna dadka soomaliyeed ee magaalo madaxda ku nooli iyagoo aan u kala hadhin raisal wasaaraha u soo dhoweeyeen si ay ka muuqato jacaylka ay soomaalidu wakhtigan dawlad baahiyahooda daboosha u qabaan. Wuxuuna tegitaankii ra’isal wasaaraha ee Muqdisho cagta mariyey dacaayado raqiis ah oo ay dadka inay Somaliya soo noqoto lidka ku ahi Soomaalida ku dhex baahiyeen. Raisal wasaare Geeddi wuxu si ay xilkasnimo ku dheehan tahay muddo u indha indhaynayey xaaladda nabadgelyo, midda nololeed iyo tan siyaasadeed ee dadweynaha gobolka Banaadir ku nool oo ku baraarujinayey baahida loo qabo nabad ku soo dabaalidda caasimadda dalka iyo in si midaysan dawladda loola shaqeeyo.  

DHISMAHA CIIDAMADA QALABKA SIDA:

Waxqabadka siyaasadda gudaha ee taabba galay waxaa ka mid ah inay madaxda Wasaaradda Gaashaan-dhiggu ilaa iyo markii la magacaabay ku hawlanayeen qorshihii iyo nidaamkii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed lagu dhisi lahaa. Saraakiil badan oo ciidamdii Soomaliya ka mid ah ayaa wada-tashi iyo shirar ku qaatay magaalada Nairobi. Waxayna ujeedada kulamdoodu ahayd sida ugu fudud ee ciiddan ay Soomaliya yeelato loo yagleeli karo. Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo wasiiru dawlaha Gaashaan-dhiggu iyagoo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee ku wajahnaa in Soomaaliya ciidamo nabad ilaalineed la geeyo waxay in badan u dhabar adaygeen oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ciidamo nabad ilaalineed oo hub ka dhigis caam ah sameeya dalka loo keeni lahaa. Madaxda wasaaraddu waxay socdaallo ku soo mareen dhawr waddan oo ka mid ah dalalka ciidamada nabad ilaalinta oo aan la’aantood waxba la qaban karin dawladda ugu yaboohay. Waxaana cidda soo noqoshada Soomaliya jecel loogu bisharaynayaa inay diyaar yihiin ciidamo nabad ilaalineed oo gaaraya ilaa 10, 000 oo askari oo ay wadamada aynu saaxiibka nahay wax ka qabashada amniga dalkeena ugu talo galeen. Waxay kaloo wasaaradda gaashaandhigu diiwaan gelisey ilaa iyo haddana isku duba-ridkooda ku mashquulsan tahay saraakiishii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidamadii qalabka sidey oo la filayo hadday dhismaan inay sugidda ammaanka iyo difaaca dalka ku fillaan doonaaan. Waxaana caddaatay inay madaxda dawladdan cusubi daacad ka yihiin abuuritaanka ciidamadii qalabka sidey oo aysan la’aantood qaranimada Soomaaliya jiri karin. Faisal Issa wuxu yidhi: “Dab waxaad bakhtiisaa, markaad dami is leedahay”. Nuxurkeedu wuxu yahay daacadnimo la,an inaysan waxba qabsoomin. 

MEELAYNTA DABLEYDA HUBAYSAN:

Si ay dhalinyarada iyo dadka hubaysan ee dableyda ahi nolosha adag ee ay ku nool yihiin uga baxaan oo u helaan nolol ka debecsan, kana nuxur wanaagsan midda qoriga ku xidhan ee ay hadda ku nool yihiin. Waxaa jira oo dhamaystiran barnaamijyo ay dawladdu qabyo tirtay oo maleeshiyooyinka hubaysan noloshooda iyo aqoontooda lagu horumarinayo. Dhalinyarada hubaysan ee dalka gudihiisa ku sugan dawladdu waxay siinaysaa ahmiyad gaar ah oo loogu raadinayo dhaqaale lagu xareeyo, si ay xirfado shaqo u bartaan. Wixii ciidan noqon karana dawladdu waxay u qoondaysay in tababarro loo furo oo la ciidameeyo. Taasi waa fursad aan horay dayoowga hubaysan u soo marin oo loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan. Waa arrin ay dawladdu qorshihiisa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaaba horay u meelaysay. 

MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLADA DALKA:

Waxaa kaloo la qabyo tiray barnaamijkii dib u dhiska maamulka gobolada iyo degmooyinka oo dhaqaalihii ku bixi lahaa iyo hannaankii loo fulin lahaaba ay dawladdu diyaarisay. Barnaamijkan gobolada iyo degmooyinka maamulka loogu dhisayaa waa fursad qaali ah oo ay dadka gobolada ku nooli iyagoo madax banaan maamulkooda ku dooranayaan. Waana fursad aan gobolada ay Soomaliya ka kooban tahay horay u soo marin oo maamul wanaagga iyo tiigsashada dimuqradiyada dawladda cusubi daah furtay ka turjumaysa. Wax qabadka kale ee barnaamijka maamul u samynta gobolada ku dhex jira waxaa ka mid ah oo dhaqaalihii lagu fulin lahaa loo hayaa inay degmo kastaa yeelato ciidamo boolis ah oo aan ka yaraan doonin ilaa 40 askari iyo in degmo walba loo dhiso cisbitaal qalabaysan oo dabooli kara baahida caafimaad ee deegaanka magaaladaas hoos yimaadda. Waxaa kaloo jira hindisayaal degmo kasta lagaga hir gelinayo barnaamij hub ka dhigis ah oo ay magaalo waliba iyadoo dawladda ku tiirsan hubka isaga uruurinayso. Sida waajibku yahayna waxay dawladdu iyadoo dhinac kasta ka tifaftiran dhowaan u guuraysaa wadanka si ay xilkeeda dawladnimo u gudato oo ay meesha uga saarto su’aalaha badan ee ay dadkeedu is weeydiinayaan. 

YAGLEELIDDA  DHAQAALAHA:

Dhinaca dhaqaalaha iyadoo dawladda cusubi ka duulaysa inuu waxqabadka dawladdu wiiqmayo haddaan gacan dhaqaale oo lagu hawl galo caalamka laga helin ayeey wadamada deeqda bixiya iyo kuwa Carabta ee aynu walaalaha nahayba weydiisatey taageero dhaqaale oo dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo miisaaniyadda dawladda loo isticmaalo. Wakhti yar doorashadii hogaamiyaha Soomaaliya ka dib madaxweynahu wuxuu shirkii midowga Afrika ee Adis Ababa ee uu ka qayb galay wadamada deeqda bixiya iyo caalamka kaleba ka codsaday maaliyad dhaqaale oo ay dawladdu fulinta waajibaadyadeeda iyo baahiyaha wadanka ka taagan ku daboosho. Waxaana codsi kaas la mid ah si toos ah loo gaadhsiiyey midowga Yurub iyo badiba hayadaha deeqda bixiya. Codsigaas ururadii iyo wadamadii loo jeediyey waxay ballan qaadeen inaysan waxba ka hagran doonin dawladda oo ay dhaqaale iyo taageeero kaleba ku caawin doonaan. Waxayna jaamacadda Carabtu samaysay sanduuq dhaqaale deg-deg ah Soomaaliya loogu ururinayo. Sidoo kale waxaa codsi kaas la mid ah loo jeediyey Ururka Qaramada Midoobey oo iyaguna si niyo ah u ogolaaday taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay dawladda cusub ku caawiyaan. 

Ra’isal wasaaraha Xukuumadda KMG Cali Maxed Geeddi iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa iyaguna tan iyo markii la magacaabay ku hawllanaa sidii ay dawladdu dhaqaale ku heli lahayd. Daadaal dheer ka dib dawladda federaalka KMG ahi wax-u-soo-socda iyo wax gacanta ugu jiraba maanta dhaqaalihii ay ku guuri lahayd iyo maaliyaddii ay miisaaniyadda iyo dib u dhiskaba ku fulin lahayd way soo hoysey. Dhaqaalaha dawladda soo gala waxay dawladdu ugu talo gashay in si sharci ah oo musuqmaasuq iyo gacan togaalayn ka caaggan loo isticmaalo oo aanay sidii horay u dhici jirtey jeeb dad ku dhicin. Sidaa daraadeed dakhliga baxaya iyo midka la isticmaalayaa waa kuwo xaddadan oo calaamadihii boobka ka madhan. Ku fara adaygaas iyo ku tagrifal la’aantaas dartood dhaqaalaha dawladda soo galay ma noqon mid suuqyada iyo meelaha lagu qayilo lagaga sheekaysto. Taasina waa guul maamulka cusub ka bad-badisey siyaasad xumo dawlado hore fashilisay. Sidaa daraadeed yagleeliddii dhaqaalaha dawladda cusubi ku hawl geli lahayd badiba waa laga midha dhaliyey. 

GEBA-GEBO:

Waxaynu si guud mar ah uga soo hadalay qaar ka mid ah hawlaha ilaa iyo hadda dawladda cusub u qabsoomay oo muwaadinka soomaaliyeed ee dawlad shaqaysa u harraaddan tusi karta inaysan dawladda uu imaatinkeeta dheresaday cidla iska fadhiyin ee ay ilaa iyo maalintii la dhisay ku foognayd taabuulshaha iyo qorshaynta waxyaabaha fulinta hawlaha dawladda laga sugayo aan looga maarmin. Muddo yar gudaheed ayeey dawladdu ku diyaarisay ciidamadii nabad ilaalinta ee amniga iyo hub ka dhigista dawladda ka caawin lahaa. Sidoo kale soo celinta iyo dar-dar gelinta xiriirada caalamiga ah iyo soo hooynta dhaqaalihii ay dawladdu ku shaqayn lahayd waxaa muuqata in muddo gaaban shaqo wax ku ool ah laga qabtay. 

Sidaa daradeed dawladdan oo ah mid ay beesha caalamku u heellan tahay oo dhalatay xilli ay dadka Soomaliyeed colaad iyo dagaal ka daaleen oo dawlad jacayl iyo nidaam shaqeeya u halgamayaan. Isla markaana ay daacadnimo badani ilaa iyo hadda madaxa sare ee dawladda ka muuqato. Intaas iyo in kale oo halkan lagu soo koobi karin marka la isku soo xooriyo waxay saadaashu ina tusaysaa dawladnimo iyo hannaan lagu kalsoonaan karo oo geyigeena ka hir-gala. Taas oo suura-gal ka dhigaysa inuu dalkeena bur-buray dawlad la’aanta iyo ammaan darrada ka boxo oo horseed u noqodo, horumar iyo barwaaqo ay dadkiisu ku tiigsadaan tar-tanka ay ummadaha caalamku xagga nolosha iyo tacliinta ugu jiraan oo ay siyaasadda deggan iyo fadqalalo la’aantu xuddun u tahay. Inkasta oo aan kugu dheereeyey aan kugu sii daaliyo inaan kugu sagootiyo: Dawladnimada Somaliya ha hir-gasho.

La soco  Maqaalka xiga: MARINKA LOO MARAYO CAASIMADDA MUQDISHO

W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi, Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2005

DANTA DADWEYNAHA IYO DOONISTA DANAYSTAYAASHA
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD