SOMALITALK.COM dalsan
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA - CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News | IRAN.irna 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News | Albawaba | 
KUNA | IRAQ/QUESTIONS  
VIDEO: AP.TV | ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | video | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV  | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA  

  • Shirkadaha Canada oo laga Hor istaagey Qandaraasyada Ciraaq
  • Maraykanka oo u digey Suuriya  

Shirkadaha Canada oo laga Hor istaagey Qandaraasyada Ciraaq

Warkan ka Dhegeyso Halkan 

Sida uu weriyey TV-ga Canada, Shirkadaha Canada ayaa laga hor istaagey in ay ka qayb qaataan qandaraasyada Ciraaq, taas oo warku ku tilmaamay in qandaraasyadaas intooda ugu badan ay qaadanayaan shirkadaha xiriirka la leh Bush.

Waxaa warku sheegay in qandaraasyada nadiifinta ceelasha saliida oo ay ku baxayso malaayiin doolar ay qaadan doonaan shirkadaha Kellogg, Brown iyo  Root, oo ah shirkado hoos yimaada shirkadda Halliburton oo ah shirkada uu madaxda shanta sano ilaa laga soo gaarayey 2000 ka ahaa madaxweyna ku-xigeenka Maraykanka Dick Cheney. [Dhegeyso Halkan]

Maraykanka oo u digey Suuriya 

Maraykanka ayaa Suuriya ku eedeeyey in ay magangelinayaan madaxda sare ee dawladii Ciraaq, in lagayaabo in suuriya ay haysato hubka kiimikada iyo in dagaalyahano reer suuriya ah ay ka dagaalamaan Ciraaq.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibada ee UK ayaa sheegay in Suuriya aysan kuxigin dagaalka Ciraaq, balse ay tahay in Suuriya ka jawaabto su'aasha ah in ay qarineyso Saddam Xuseen.

WARARKA CIRAAQ: APRIL 13, 2003 

  • Tikrit oo Maraykanku sheegay in ay galeen
  • Suuriya waa ku xigi kartaa, Washinton ayaa ka digtey: Observer
  • Ruushka oo Ciraaq ka masaxaya deynkii uu ku lahaa
  • Kulan qarsoodi ahaa oo la daah furay
  • Ciraaq: 7 Askari oo Maraykan ah oo Nolol Lagu Helay

Tikrit oo Maraykanku sheegay in ay galeen

Sida uu weriyey CBC TV , Maraykanku waxay sheegeen in ay gaareen magaalada woqooyiga Ciraaq kutaal ee Tikrit, magaaladaas oo ah magaalada oo kamid ah meelaha ugu dambeeya xoogagii Ciraaq oo isku habaysan, waana magaaladii uu kusoo barbaaray Saddam Xuseen. Waxay magaaladaasi kamid tahay meelihii aadka loo duqeeyey. Tikrit waa meel aad loo dhisay oo laga dhigay casri.

Suuriya waa ku xigi kartaa, Washinton ayaa ka digtey: Observer

Jariidada kasoo baxda dalka Ingiriiska ee loo yaqaan the observer cadadkeedii maant ayaa qortay in Maraykanku uu damacsanyahay in uu wax ka qabto ururka Xizbollah ee Siiriya taageerto arintan oo sida wargeysku sheegay horseedi karta dagaal militari oo lagu qaado xukuumada Bashar Assad ee Dimishiq.Waxaana warku intaas kudaray in arintani ay qayb katahay in Israa'iil lagu qanqiyo xalka nabada ee Falastiin. The Observer waxay sheegtay in ilo katirsan xukuumada Bush ay u sheegeen in Washinton ay Israa'iil u ballanqaaday in ay goyneyso xiriirka ay Xisbbullah la leeyihiin Suuriya, si taas loo gaarona ay samayneyso waxkasta oo suurtagal ah, dagaal militariba ha noqotee.

Sida ay werisey IOL, ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Ariel Sharon, ayaa maanta oo Axad ah sheegay in burburkii xukuumadii Ciraaq ay wadada u firikarto nabad lagu dhameeyo iska hor imaadka u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil, waxana uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu sameeyo ogolaansho "xanuun badan"

Ruushka oo Ciraaq ka masaxaya deynkii uu ku lahaa

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegayin Ruushku uu garabtaaganyahay reer Ciraaq isla markaana uu ka dhaafi doono deynkii Ruushku ku lahaa dalkaasi.

Kulan qarsoodi ahaa oo la daah furay

Madaxweynihii hore ee Ruusha, Yefgini Brimakovw, ayaa daaha ka qaaday in uu kulan la yeeshay Saddam xuseen kahor intii uusan bilaaban dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku hogaaminayo, kulankaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad waxa uu Brimokov dhambaal afka oo uu ka wadey Putin gaarsiiyey Saddam, dhambaalkaas oo ahaa in uu xukunka iskaga dego si uu u badbaadiyo dadkiisa, sidaas waxaa laga soo xigtey  Telefishanka Ruushka ee loo yaqaan RTR.

Waxaa maalmahaan jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Ruushku uu ku guulaystey heshiis suurta gelinaya in Saddam iyo intii xukuumadiisa ugu sareysey uu siinayo magan gelyo. Waxaana wararku sheegeen in wagaaradii raxanta ahaa ee uu la socdey safiirka Ruushka ee April 6 lagu weeraray woqoojiya Ciraaq in lagu qarinayey Saddam.

Ciraaq: 7 Askari oo Maraykan ah oo Nolol Lagu Helay

Wararka maarta ka imanaya Ciraaq ayaa sheegay in 7 askari oo Maraykan ah laga helay Ciraaq, askartaas oo ah kuwo ay Ciraaqiyiintu mar sii horeysey qabteen. Waxaa wararku intaas ku dareen in askartaas am Marayku heleen aygoo kusii jeeda magaalada Tikrit.

WARARKA CIRAAQ: APRIL 12, 2003 

  • Bush oo Dib u dhigay Safarkiisii Canada
  • Mosul: 20 qof ayaa dhintay 200 waa dhaawacmeen dagaalo qabaa'il
  • Canada waxay caawineysaa Ciraaq haddii la weydiisto:

20 qof ayaa dhintay 200 waa dhaawacmeen dagaalo qabaa'il oo kadhacay Mosul

Sida ay werisey IOL,  Magaalada kutaal woqooyiga ciraaq ee Mosul waxaa ilaa jimcadii ku dhintay 20 qof, waxaana ku dhaawacmay 200 qof dagaalo dhexmaray Carabta iyo Kurdishka magaaladaas wada degan. Waxaase lagu soo waramay in magaaladu ay yarehe xasiloonayd galabnimadii Sabtida.

Mosul waxay 450km woqooyi ka xigtaa Baqdaad, tirada dadka kunoolna waxaa lagu qiyaasaa 1.5million oo u badan Carab. JImcadii lasoo dhaafay ayay magaaladaasi gacanta u gashay Kurdishka oo uu Maaykanku taageerayo.

Bush oo Dib u dhigay Safarkiisii Canada

jc Jean Chrétien
Sida uu weriyey TV-ga Canada ee CBC, Madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, wuxuu dib u dhigay safarkii horay ugu qorshaysnaa ee ahaa in uu ku tegilahaaCanada May 5, lamana sheegin waqtiga cusub ee uu halkaas tegi doono. Waxaa warku intaas ku daray in qadar saraakiil ah ay sheegeen sababta safarka dib loogu dhigay in ay tahay Bush oo ku mashquulsan Ciraaq, halka qayb kale ay sheegeen in arintaan dib u dhiga ay qayb weyn ka qaadatay xiriirka labada dal (Canada iyo USA) oo maalmahaan xiriirkoodu adkaaday. Labada dal waxaa xiriirkooda adkeeyey mowqifka dawlada dhexe ee Canada ay iska taagtey dagaalka Ciraaq iyo hadalo dhan ka ah Maraykanka ee kasoo yeeray xubno kamid ah dawlada ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, waa sida warku u dhigaye. ka Daawo Warkaan...CBC.TV.

April 9keedii ayey ahayd markii ra'iisul wasaaraha Canada ka hadlay xiriirka labada dal ee Canada & USA, markaas oo Jean Chrétien yiri khadka wada xiriirku waa iska cadyahay, wuxuuna si buuxda uga filayey Madaxweynaha Maraykanku  in uu Canada soo booqdo bisha May. [Daawo Halkan]

SARS: Sheybaarayaasha Canada ayaa helay qaab-dhismeedka uu u samaysan yahay Viruska sababa cudurka hadda dunida ku cusub ee loo yaqaan SARS Daawo Halkan.

Canada waxay caawineysaa Ciraaq haddii la weydiisto:

Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, oo ka walaacsan sharci darada ka aloosan Ciraaq iyo biliqada ayaa sheegay in ay dhici karto in Canada ay booliska Canada ee loo yaqaan RCMP u dirto Ciraaq si loo sooceliyo sharciga iyo kala dambaynta. Waxaase lasheegay in dawlada dhexe ee Canada ay arintaas ku dhaqaaqeyso haddii la weysiisto Daawo Halkan.

WARARKA CIRAAQ: APRIL 11, 2003 

  • Maraykanku Sharciga ayuu jebinayaa: UN
  • Maraykanka oo kusii jeeda Mosul
  • Safiirka Ciraaq u fadhiyey Moscow oo hawshiisa sii wadi doona
  • Baqdaad oo lagu soo rogayo Bandow
  • Guriga Saddam walaalkiis oo la duqeeyey [100km galbeedka Baqdaad]
  • Qusay oo Lagu Arkay bartamaha Baqdaad
  • Maraykanka oo cadaadis Suuriya kusaaraya in ay Xiraan Xadka
  • Hogaamiye Sare oo Maraykanka raacsanaa oo lagu diley An-Najaf: IOL
  • Bush iyo Blair oo Dhambaal TV ah u Diray Reer Ciraaq
  • Dhamaan Halkan ka akhri...

WARARKA CIRAAQ: APRIL 10, 2003

  • APRIL 9 IYO BAQDAAD
  • Kurdishka oo galay Kirkuk:  
  • Dadka Maraykanka ah oo aan iibsanayn waxyaabaha laga keeno Faransiiska:
  • Dhamaan Halkan ka akhri 

 WARARKA CIRAAQ: APRIL 9, 2003

  • April 9 iyo Baqdaad
  • Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday Duqayntii Shalay
  • Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
  • Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka abuuray caro
  • 12jir waayey eheladiisii iyo gacmihiisii
  • Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
  • Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida Ciraaq
  • Dhamaan Halkan ka akhri  

....WARKII SHALAY.... APRIL 8

..... WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

 Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,

»»VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD