SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

WARBIXIN: Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Bustaale

  • Warbixin aan idinkaga diyaariney mid ka mid ah todobadii dugsi ee madaxa banaanaa oo ay dowladii milateriga aqoonsatey  

Waxaan idiinsoo gudbineynaa warbixin aan idiinkaga diyaarinay maraaxiladii dhinaca waxbarashada ee uu soo marey dugsiga hoose/dhexe iyo sare  bustaale oo ka mid ahaa todobadii dugsi ee madaxa banaanaa oo ay aqoonsatey dowladii milateriga ee uu madaxda ka ahaa marxuum maxamed siyad barre dugsigu wuxuu ku yaalaa agagaarka isgoyska kaasabobolaare wadada aada gurigii shaqaalaha ee dergmada hodan  waxaana dugsigaasi oo la furey 1985tii. 


Dugisgaan ayey ka baxeen 5 dufcadood oo tira ahaa gaareyso 155 arday waxaana ardadaasi qaarkood ku sugan yihiin dalka dibadiisa halka kuwo kalane ay jaamacado ka heleen gudaha somaliya waxaana dugsiga hada wax ku barta 1051 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxeyna tirada macalimiintu gaarayaan 18 macalin oo ah macalimiin jaamiciyiin ah ,dugsigu wuxuu ka kooban yahay 7 fasal oo subaxdii dhigata iyo 7 fasal oo galabtii dhiugata .

Dugsiga hose waxaa dhigta 321 arday oo lab ah iyo 174 dhedig isugeyn 495 arday

Dhexe waxaa dhigta 177 dhedig iyo 136 lab ah isu geyn guud waa 313 arday  

Sare lab 136 dhedig 107 isu geyn gud waa 243  

Wadarta guud ee lab 634 wadarta guud ee dhedig 397  

Wadarta guud ee ardada waa 1051  

Manhajka wax barashadu waa kii dalku lahaan jirey.

Waxaa maamule ka ah cabdiraxman maxamed sh. Mar aan wax ka weydiinay cida gacan idinka siiso ayuu ku gaabsaday waalidiinta ardayda taasoo ardaygiiba khidmad ahaan looga qaado $10. 


Sh cali xusen maxamed iyo muxuyadiin sh , xasan macalin oo maadooyinka baay-olojiga iyo fiisigiska ka kala dhiga dugsigaasi ayaa waxey sheegeen in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay isugu dubaridan tahay waxbarashada dugsiga bustaale iyaga oo xusey in ay u mahad celinayaan cabdixaliim maxamed sh, oo ah maamulaha dugsiga waxeyna ku tilmaameen muwaadin markasta u heelan horumarinta wax barashada iyada oo labada macalin ay in mudo ah wax ka dhigayeen dugsigaasi , 

Muumulaha dugsiga bustaale cabdxaliim maxamed sh. Ayaa sheegay in dugsiga uu xiriir wanaagsan la leeyahay waalidiinta ardayda iyo deegaanka uu ku yaalo isla markaana dugsigu uu ka mid ahaa dugsiyadii lagu aasaasay delada waxbarashada ee SAFE oo ah deladii ugu horeysey dhinaca waxbarashada ee laga hirgeliyo gudaha somaliya sanadihii dagaalada sokeeye. 


Muumulaha dugsiga bustaale cabdixaliim maxamed sh wuxxuu sheegay in dhibaatada ugu badani ay tahay tababar la,aanta macalimiinta iyo tayada qalabka waxbarashada oo liita.

Afka waxbarashadu waa English maadooyinkune waa kuwaan dugsiga hoose  1 somali, 2 carabi, 3 diin, 4  english, 5 saynis, 6 xisaab, 7 taariikh, 8 juqrafi ,halka ay tahay dugsiga sare sidaa 1 Somali 2 carabi 3 diin 4 english 5 chemistry 6 biology 7 physicist 8 xisaab 9 juqrafi 10 taariikh 11 business 12 tarbiyo wadani. 

Aradayda dugsiga bustaale ayaa sheegay mar aan wax ka weydiinay degaanada ay ka kala yimaadaan in magaalada muqdisho dagmooyinkooda ay ka kala yimaadaan waxaana ardayda wajiyadooda ka muuqatey farxad ay u qabaan waxbarashada ka socota dugsiga hoose .dhexe iyo sare bustaale. 

Waxaa isku so dubariday

JiisowMuuse Maxamud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2006

Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho