SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Mayahay mid Lagu Dhiiran Karo Ammaanka Gobolada Jubbooyinka, Gaar ahaan Midka Kismaayo 

Cabdiqadar Nuur Maxamed (filipiin)
Kismaayo, Soomaaliya 
Cabdiqadar kala xiriir halkan...

March 1, 2005

Ilaahbaa mahad iska leh naxariis iyo nabad galyana rasuulka muxamed ahaa bay u sugnaatay ( swc).

Waxaa ay had iyo goor sheegaan dadka ku dhaqan gobolada soomaaliyeed qaarkood in marka laga hadlayo ammaanka gobolada jubooyinka gaar ahaan gobolka jubbada hoose uusan ahayn mid lagu dhiiran karo islamarkaana had iyo goor ay ka taagantahay xaamasad u dhaxaqysa hogaamiye kooxeedyo ku sugan ama u dhashay dadka degaanka dagan tasoo runtii ka dhigtay sida dad badani ka aamin sanyahiin halka salka u ah ama aan wali ka ilbixin dagaaladii ahliga ahaa oo ay ku la'deen soomaali fara badan. 

Waxaa dhab ah in gacan ku hayenta gobolka jubbada hoose aysoo martay xiliyo kala duwan islamakaana ay ka soo taliyeen hogaamiye kooxeedyo fara badan ayadoo marba marka ka danbaysa ku sii tilaabsanaysay falalka laga argagaxo oo lidiga ku ah xaquuqda aadanaha iyo bulshada ku dhaqan deegaankan tasoo  indhaha dadyowga kale u bidhaaminaysa in amaanka gobolka jubbada hoose uu san marna taganayn halkii lagu istareexi lahaa. 

Kaddib markii ay burburtay dowladii Soomaaliya ayaa gobolka jubbada hoose waxa uu gacanta u galay hogaamiye kooxeedyo iyo ururo siyaasadeed oo ku salaysan hab qabiil hadaba ururadaasi waxaa ka mid ah urukii U.NC oo ayagu gacanta ku hayay gobolkan gaar ahaan magaalada kismaayo dabayaaqadii1991 ilaa 1992 ayagoo ay gayesteen gumaad baaxad weyn oo aan loo aabe dayin  saqiir iyo kabiil waxaa sidoo kale kasoo taliyay gobolkan ururukii S.L.A oo uu madax u ahaa Maxamed Cumar Jees iyo waliba urukii kale ee SPM oo ay madaxda u ahayeen Aadan Gabyoow iyo general Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayagoo markii danbe taladii ay ku ekaatay hal shaqsi oo uu si toos ah ola wareegay general Moragan ayadoo la ogaa falalkii ka dhacay gobolkan xiligii uu hayestay general Morgan.

Waxaa sidoo kale la wareegay gacan ku aheyenta gobolkan sanadihii 2000 ururka isbahaysiga dooxada jubba oo uu madax u yahay Col. Barre Aadan Shire "Barre Hiirale" ilaa iyo hadana ayaga ayaa gacanta ku haya islamarkaana in badan isku dayay in ay wax ka badalaan qaska iyo fowdada ka jirta gobolkan balse ay marar badan ku fashilmeen. 

Waqti xaadirkan waxaa  uu gobolka jubbada hoose ku jiraa marxalada adag ayadoo ay wali ka jiraan hardanka ururada iska soo horjeeda ee ku salaysan hab siyaasdeed tasoo wali ka dhigaysa gobolkan mid la ciirciiraya qaska iyo nimaadam la'aanta sii shan iyo tobon jirsatay ayadoo maalin walba ay ka dhacdo falal dil dhac iyo waxyaabo kale oo liidaya xaquuqda dadka tabarta daran ee ku dhaqan gobolkan waxaana falalkaas ka mid ah dilka joogtada ah ee loo gaysanayo dadka aan waxba galabsan oo ay maleeshiyada hubaysan oo qoryaha heeryaysan ay sida gumaadka ah ugu fuliyaan ayadoo in badan ay wax garadka iyo odayaasha dhaqanka isku dayeen in ay arintan wax ka qabtaan balse ay suuro gali wayday. 

Kaalinta  looga baahanyahay maamulka gacanta ku haye gobolkan 

Waxaa had iyo goor ku soo dhaca dhagaha dadka ku dhaqan gobolkan in ay maamulka isbahasiga uu bilaabay howlo lagu sugayo amaanka sidoo kale ay fuliyeen howlo lagu soo qabqabanayo burcada dadka waxyeelaysa  taasina ay tahay mid ladoonayo in ay ka dhabeeyaan maamulka isbahaysiga dooxada jubba ayadoo looga fadhiyo sidii ay u xadidi lahaayeen falalka ay sameeyaan burcada kuwa loo sameeyo sida aargudshada ah oo noqday baryahan kuwo had iyo goor soo noqnoqda islamarkaana lagu waxyeeleyo bulshada aan waxaba galabsan ee ku dhaqan gobolkan gaar ahaan magaalada kismaayo. 

Sikastooy ahaataba waxaa iyana xusid mudan in la tilmaamo howlaha lama ilaawaanka ah oo ay sameeyeen maamulka isbahasiga dooxada jubba oo in dhaawaana ah ba waday sidii ay maamul goboleed ugu sameyn lahayeen gobolkan jubbbada hoose arintaas oo ah mid halku dhag u ah isbahasiga, howlaha lama ilaawaanka ah ee ay sameyeen isbahaysiga ayaa waxaa ka mid ah in haatan ay wax weyn ka qabteen wadada dheer ee isku xirta gobolaada  jubooyinka iyo muqdisho tasoo ahaan jirtay markii hore cari lama galaan ah oo ay isku bahaysteen maleeshiyo aan cidina ka amar qaadan islamarkaana u bareeray in ay waxyeeleyaan dadka ku safra wadadaas arintaas wax ka qabasheeduna ay noqotay mid isbahaysigu kalsooni wayen kaga kasbadaan dadka ku dhaqan gobolada jubboyinka, waxaa sidoo kale haatan ammaan u ah isbahaysiga doxada juba  gogoshii dhexdhexaadinta ahayed oo ay ku heshisiyeen beelihii dhawaantan ku dagalamay degaan ka mid ah gobolka jubbada hoose. 

Isku soo wada duuboo waxa mar waliba looga baahanyahay maamulka gacanta ku haya gobolada jubooyinka in ay nabad ka islaaxiyaan dadka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanada hoosyimaada maamulkooda iyo waliba in ay sameeyaan sharci iyo kala danbayn kala hagta dadka deegaanka islamarkaana ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay isaga reebi lahaayeen magaca uu ku caanbaxay gobolkan ee ah  qaska iyo fowdada ayagoo ilaalinaya sharaftooda islamarkaana wax walba ku dhamaynaya wada hadal iyo wada xaajood taasoo ah xalka kaliya ee maanta looga bixi karo dhibaatada curyaamisay gobolkan j/ hoose iyo deegaanad ku teedsan. 

Doorka duubabka dhaqanka iyo culumaa'udiinka ay ku leeyahiin islaaxinta gobolka 

Hadaba sidii lagu yaqiinay dhaqanka soomaaliyeed waxa uu ahaa in ay duubabka dhaqanka iyo culumaa u diinka ay kaalin lixaad leh ka qaataan aslaaxinta iyo nabadaynta haddii dad wada dagani ay musiibo ka dhex aloosanto waxaan taas ola jeeda  odayaasha iyo culumaaudiinka inay  ka qayb qaataan sidii loo damin lahaa gulufka colaadeed ee aan dhamaadka lahayn ee ku soo laablaabta dalka soomaaliya gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolada jubboyinka  taasina ay tahay mid saaran odayaasha iyo culumaa udiinka waa sidii looga bartay ama aan ka firsanayno odayaashii ina dhalay

Gunaanad 

Sida ay diinteenu qabto waxaa haboon in haddii ay dad muslimiin ah ay meel ku kulmaan ama ay dani wadaagaan in ay isku dhaqaan shareecada islaamka sidaa daradeed waxaa haboon in ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay ku dhaqmaan shareecada islaamka isla markaan ay joojiyaan dhiiga sharci darada ah ee la daadinayo ayadoo aan lagaranayn sababta ay isu dilayaan mar haday yahiin isku diin isku dhaqan iyo isku deegaan. 

Cabdiqadar Nuur Maxamed (filipiin)
SomaliTalk.com | kismaayo, Soomaaliya 

Faafin: Somalitalk.com | March 1, 2005


gawaaridii oo lagu xiray Calaamadaha soo dhaweynta  Photo By Cabdifataax Jaamac MireWaftigii DFKMG oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Boosaaso
Waxaa maanta Isku soo bax aad loo soo Abaabulay oo lagu soo Dhawaynaayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha DFKG ay ka Dhacday Magaalada Boosaaso Guji... Feb 27

Beesha Hawiye oo Kulankoodii Maanta Ka Soo Saaray Go'aamo
Xubnaha Labada Gole ee DFKMG ee Beesha Hawiye ayaa shir Sedex cisho Socday ka dib waxay soo saareen shan qodob oo ay beesha wada saxiixday oo uu kamid yahay qodob ah "In caasimadda ay ka saaraan maliishiyaadka iyo hubkooda." Guji Feb 27

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD