SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
London, UK



Cali Maxamuud Xiirane

     Deegaan
     Curiye: Cali Maxamuud Xiirane

Tixdan maansada ah waxaa curiyey Cali Maxamuud Xiirane 01/06/04, waana maansadii 11aad ee sil-silad maanseedda la magacbaxay Doodwanaag oo uu billaabay Maxammed Cali Cibaar, uuna kaga dambeeyey Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon), dabadeedna oodda goosatey kaddib Markey soo jiidatay dad badan oo suugaanta daneeya. Cali wuxuu deggenyahay waddanka Ingiriiska, magaalada London, wuxuuna London South Bank University ka bartaa Business Information Technology.

  Deegaan waxay tilmaameysaa inaan aqoonyaro mooyee edeb xumadu ummadda Soomaaliyeed ku badnaan jirin, ciqaabaha dalka ka jirana ay u sabab tahay diin ka fogaasho, qabyaalad iyo gaalo raacnimo, daawaduna ay  tahay, toowbad keen, ka digtoonaanta dadka gumeysigu ku adeegto iyo in deegaankii, dhaqankii wanaagsanaa iyo diinta lama huraanka ah dib loogu laabto.

Mahadnaq: Waxaa mahad mudan (1) Sheekh Ibraahim Xasan Maxamuud Xiirane oo qayb wax ku ool ah ka qaatey ka talo bixinta, tafatirka, iyo turxaanbixintaba, hal abuurkana ku kordhiyey in door ah. (2) C/salaam Xasan Maxamuud Xiirane oo isna dhowr meelood ka qurxiyey (3) iyo ugu dambeeyntii  Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon) oo dhiiri geliyey iney maansadu mudantahay iney la saanqaaddo sil-silad maanseedda Doodwanaag.

Deelleyda maansee
Damiirkaan bukaan qabin
Uu ku diirsanaayee
Dawo iyo dadaal iyo
Dareen uu ka muuqdiyo
Daruuraha is doontee
Aan ku doogsaneynee
Sidii danabkii laba dhacay
Anigoon ka didahayn
Daacadnimo xaggeygiyo
Salaan baan u dirayaa .

Aaladaha deg-dega oo
Lagu diro akhbaartoo
Daatada is dhaafshee
Waayahan la doortee
E-mailka lagu diro
Suugaanta daabacan
Raggii noogu duubee
Diiwaanka geliyee
Laga daalacanayoo
Marna aan ka daaleeyn
Dhambaal baan u dirayaa
Ducana wawgu sii daray
Anna darafta aan jiro
Difaac baan ka gelayaa.

Danta iyo ujeeddada
Haddaan hoos u daadego
Ma duuloow tixdaadii
Duceysane warkaagii
Hadalkii dahaarnaa
Ee daaha loo rogey
Maanso doqon ma garatoon
Diimoone nacisiyo
Ducufaa’u diinkaba
Qalbigooda laga dedey
Adaa noo dillaacshee
Innagoon ka daaheeyn
Dayac aan ka dhowroo
Aan daadahaynoo
Aan wada daryeelnee
Waa dood wanaagsane
Darafteeda ii qabo
Dawligeeda iga hoo.

Taariikhda duuggaa
Wixii deeq la soo maray
Ama haatan weli dihan
Ayaan daalacdaa weli
Walaal deggannadeennii
Dhulka daafihiisii
Markii dooxa loo kaco
Daran gabiib ku taalliyo
Dusha sare cadduunkiyo
Daruur soo hillaacdiyo
Mayey da’ay aroortiyo
Daad labarka yaaciyo
Dooggiyo xareeddii
Doogsindhabadka geelii
Markii awrka lagu daro
Hadduu doobbo soo rido
Wiiloow diririgteedii
Buuruhu daryaamaan
Balliyada dushoodana
Ari cowska daaqiyo
Lo’du deexda warantahay
Darar ay la riimaan
Ciirta dabaroggeedii
Dumarkii ku daaleen
Damaashaadka dheeshii
Dhallinyaradu duhurkii
Daal li’i ciyaaraan
Caafimaad durduriyaan
Koox-koox u didayaan
Habeenkuna markuu dumo
Dayaxa ay la eegtaan
Deegaan wanaagsane
Loo wada dalxiiskaan
Daymadu ka daaleyn
Duul ilaahay siiyoo
Ugu deeqay baan nahay
Aniguna dareenkeey
Qalbi dihashadiisii
Rabbaa deeqa bixiyee
Haddaan daalacdaa weli.

Beero laga dambeeyoo
Duni laga yaqaanniyo
Doolo soo baxaysiyo
Webi daadayaa jira
Digirtiyo galleydiyo
Sisin dibadda loo diro
Cambe daadanaayoo
Darfo geed ka raaraca
Mooskoo la diirtiyo
Dildillaacso qarihiyo
Miro duur ka baxayiyo
Waxaad dalamsatoo idil
Babaay kaa dejinayaa
Dalka meelkasataba yaal
Dambiilaha Bambeelmiyo
Saytuun diirka lagu cuno
Dallac yaanyo noqotiyo
Mid qudaarta lagu daro
Barwaaqada dadkeennii
Abidkood dal-dalayaan
Dalag soo go’oo badan
Dhul Ilaah daleeyoo
Rabbi darajo siiyoon
Deymadu ka daaleeyn
Deegaan wanaaggiis
Duul ilaahay siiyoo
Ugu deeqay baan nahay
Aniguna dareenkeey
Qalbi dihashadiisii
Rabbaa deeqa bixiyee
Haddaan daalacdaa weli.

Duunyiyo wanaag iyo
Badda dacalladeedii
Kalluun daafta yaalliyo
Midka cirifka daadiyo
Kuwo hoos dabaashiyo
Yaxaasyada la dabo iyo
Qubo doolar lagu gado
Dahabkiyo xariirtiyo
Dheeman daakhillada jira
Maacaadiinta kala daran
Xeebta dadabka loo waray
Dekedaha yar iyo weyn
Markabka iyo doonyuhu
Badeecada dejinayaan
Wanka dacasha dheer iyo
Orgi geesku dogob yahay
Rati doobbo lulayiyo
Waxan dibi la dhoofshiyo
Xoolo daabuleeyneey
Dunidii la yaabtaba!!

daawad geel irmaanoo
Inta doobi loo culo
Caanahu dif siiyaan
Nirgihuna dibbiro iyo
Dharag ay la daataan
Dabadeed ku daabtaan
Dambarkana la maaloo
Dadka xoolaleeydaa
Dabaadiga wixii haray
Socotadawgu deeqaan
Amey deriska siiyaan
Darduurashada nimcadiyo
Dar ilaaheey khayrkaa
Innagaa ka daahane
Dal shisheeye aad iyo
Dawarsiba miyuu jiray?!

Waxaan jiif la diidoo
Jiirku ii damqanayoo
Dildilloonka ugu wacan
Dalkii qani ahaan jirey
Deegaan wanaag badan
Duul ilaahay siiyoo
Ugu deeqay baan nahay
Aniguna dareenkeey
Qalbi dihashadiisii
Rabbaa deeqa bixiyee
Haddaan daalacdaa weli.

Alle daa’in weeyee
Waxaan dib u xasuustaa
Odayaal da’ weynoo
Darajiyo cisaba mudan
Degmadooda maamula
Oo intay is doontaan
Kaftan deris wanaag iyo
Nabad loo daneeyoo
Xigmad la isu duurxulo
Isku doojinaayoo
Maah-maahda deyneyn
Culumadu dadaal badan
Daliil iyo qur’aan iyo
Ducadaba akhrinayaan
Dadka diinta barayaan
Laba ceel ku dirirtiyo
Dakaniyo dhibkii jira
Durba ay xallinayaan
Dagaal uusan dheeraan
Walaaluhu dawoobaan
Dadka laysu soo dumo
Colaaddana la dabar jaro
Xaqa aan la daayicin.

Waxaan dib u xasuustaa
Duggaal geed leh oo weyn
Ooy duqoow ku xaalaan
Diiwaan ku xeertaan
Kolkay doodda furayaan
Ducaa lagu hormari jiray
Dulucdeedu ay tahay
Wixii naga dahsoomee
Aqoonteen ka durugtee
Dannigeennu gaareyn
Ama nagaba diimoon
Eeboow ha nagu dilin
Damallada cadaabtiyo
Ciqaab dalaq ha nagu siin
Dembigeenna noo dhaaf
Waxaan daacad loo dhihin
Amey eexi dabataal
Yaannaan dabaalane
Deg-deg nooga qabo oo
Rabbow naga dabool taas.

Waxaan dib u xasuustaa
Duruufihii la soo maray
Daqar iyo dhib kale iyo
Dooxitaan koleey tahay
Diyo reer isugu yimid
Gartoo aan la duudsiyin
Duwiddeedu ceeb tahay
Kii diida doqon yahay
Diciifnimona loo qiro
Sokeeyuhu dareensado
Dibindaabyaduu wado
Dadka looga wada digo
Oon loo durbaan tumin
Daba dhilifna loo noqon
Dib loo xiro gacmaha oo
Dulmigiisu joogsado.

Waxan dib u xusuustaa
Dadkoon laysku sii dirin
Dabin qoolan lagu dhicin
Ibleys loo dallaal noqon
Dabka aan la sii hurin
Dambaaburo la sii kicin
Degmo kale la sii gubin
Dawan been ah loo lulin
Reerkana dam laga dhigin
Dareenkeennu noolyahay
Dadku nabad daneeyaan
Waayeel duuban uu jiro.


Xilliyada is doorshiyo
Kolba heer duruufuhu
Waa xaalka dunidee
Annagoo dakeeynoo
Aan dareen xun qabin buu
Dooraale gaal iyo
Daalim mid ah na soo galay
Siin buu la soo degey
Duuflaaladeenniyo
Waxaan diin lahayn iyo
Dabbaal buuna duufsadey
Dastuur buu inoo qorey
Kuwii diidey oo nacay
Dabley buu u soo direy
Dam-damliyo afmishaar
Hunguri doonayuu helay.

Qof dalkiisii iibsadey
Doofaar sidiis iyo
Alla doori weeyee
Waa lagu daneystoo
Dadkoodey qatalayeen
Duf ku baxe inuu yahay
Doolar buu ku siyaa
Damiir laaweyaashaas
Dawladnimada aan rabin
Ayaguu u doorbidey
Danihiisa fulintood
Doorbinkey wateen iyo
Diiraddey u dhiibteen
Direyskiina loo reeb
Albaabkuu ka sii degey
Daaqadduu ka soo galay
Dugsi buu u soo dhigay
Duruus buu u meeriyey
Kuwuu baray dabaashee
Dallacaad kasbaday baa
Maamul loo diyaariyey.

Qaar u duugan baa jira
kuwa daba ordaayoo
Dirri iyo cad-ceed iyo
Duur baas jafaayoo
Kaafir baa duqoodaa
Dariiqeey wadaagaan
Ilaahey dulleeggii
Waa la sii dar-daarmoo
Diinta dooriyuu yiri
Kaan i dabarucleeynoo
Igu dayanin anigoon
Dulli ii ahaannoo
Ka diqooda xumahoo
Diira oo ka dhiidhiya
Aan la wada dagaalnee
Wada dayriyuu yiri
Xabsiyana ha loo diro.

Diktatoorigeenniyo
Dimoqraadigooduba
Qallinkey ku duugeen
Dacay inay na geliyaan
Ama nagu duqeeyaan
Diyaaraadka lala iyo
Dabbaabaad wax guba iyo
Wax kastoo na dabar jara.

Waxaan taas ku darayaa
Dawladdii xumaataa
Waxa ay nin doorkiyo
Ducaaddiyo wax garadkiyo
Kuwa diinta fidiyiyo
Intii samo u dooddiyo
Munkar diide laysaba
Haddii uu dareemoo
Shacabkeedu diidoo
Dullinnimo ka dhiidhiyo
Mar unbay duntaayooy
Dukum-daakum noqotaa!!!!

Doodse waxay ka joogtaa
Ooy su 'aasha diran tahay
Inaan wada dareernoo
Deyrinno xummaantoon
Is doonanno ha joogtee
Mooryaan dideysoo
Diiraneysa reerkiyo
Jirri lagu daneystiyo
Day-day aan dhammaan iyo
Dagaalkiyo shiddada iyo
Dabka nagu baxaayoon
Abidkii dameyn iyo
Kala duruggu waa maxay?.

Shirkan laga dambeeyee
Dan shisheeye leeyahay
Lagu daafacaayiyo
Docashada wax baas iyo
Dib u dhacani waa maxay?
Maxaa gaal na daba dhigay?
Riyo duur ku lumay iyo
Deero kala haboowdiyo
Geel diday miyaan nahay?
Damiinnimadu waa maxay?
Maxaa dibadda noo diray?.

Duqoowdiyo Dhallaankiyo
Dumar qaar umulo yahay
Daciifiin bukaaniyo
Dadkeenii dhammaantood
Maxaa loo dagaajiyey?
Daaraha qalaad iyo
Dal shisheeye naga riday?
Dawarsiga maxaa baday?
Yaa dabinka noo dhigay?
Oo naloogu daw galay?.

Xaaska amarka diiddiyo
Kala diridda qoyskiyo
Boorso dibad u tuurkiyo
Ilmo laga dambeeyoon
Xumaan daa la dhihi karin
Haddey deris wareegaan
Dukaan shay ka doonaan
Ballaayadu dafaysoo
Dabadoodu halis tahay
Dibna loo arkeyn abid
Dareenka iyo yaabkiyo
Dulligaani waa maxay?!!

Iska daadi ubadkiyo
Ha daboolan madaxee
Bishimaha dushoodiyo
Tinta daraf guduudsiyo
Dabagaabka qaadiyo
Goonnada dillaaca leh
Dirac qaawanaaniyo
Xuddun deylku waa maxay?!.

Waxbaa taas ka sii daran
Duluq-duluqda socodkiyo
Dacashiyo falleeyrtiyo
Ragga dahabka qaatiyo
Dhegta durani waa maxay?!.

Daadahaynta eeygiyo
Doofaarra cuniddiyo
Timo qaar la dabayiyo
Qaar kaloo ka sii daran
Ninka dumar la moodoo
Akhlaaqdeennii dooriyey
Duqa wiil ku dara iyo
Daba rogadku waa maxay?!.

Waxaa kaaga sii daran
Ilaah loo dusinayoo
Nebi lagu daraayiyo
Malaa’igtoon la deyn iyo
Muslimkoo is durayiyo
Dacaayado raqiisiyo
Diin aan laga xishooniyo
Danbi kii u weyn iyo
Dabbaalnimadu waa maxay?
Yaa duway axkaamtii?
Oo dilay akhlaaqdii?.

Dabayshii madoobeyd
Duulkii Caad wixii rogay
Dogob-dogob u soo riday
Qoomu luudna dabarjaray
Kuwey caro dabooshee
Daanyeerta laga dhigay
Dabaadigii ka soo haray
Xoolo daaqa cawskiyo
Kuwey duunyo dhaantoo
Dacayaha mariidka leh
Dameera uu ibliis wado
U dareershay jahannamo
Waxaan diin lahayn iyo
Doorshaan wal-waal iyo
Dayuusiin xumaatiyo
Dareemihii dhinteen iyo
Kuwaan xumo ka diireeyn
Shayaaddiin la deyrshiyo
Duufaan dhacaysiyo
Xaabo daadku qaatiyo
Dameer dhaanka raacdiyo
Dambaaburo firdheysiyo
Dambas biday miyaan nahay?
Maxaa gaal na daba dhigay?

Haruub daatay oo dhacay
Duceysane ku boodoo
Dabadiisa laacoo
Dhaqso daba qabtaa iyo
Qalbi soo duxaayiyo
Daacadnimo ma haynaa?
Dacda ma ka kaceeynaa?
Mise dalamsashada iyo
Iska daaqid mooyee
Feker wayska diidnaa?!.


Afka daamankiisiyo
Dalqadaas wixii mari
Adoon daalin oon jabin
Ama aan dagaag mudan
Safar dheer ku dabo lumin
Ayaa daa’imkeen qoray
Deeqdana Allaa lehe
Waxaa iga dar-daarana
Inta aan la dabar go’in
Danaheen an garannoo
Dalkii aannu aadnoo
Diinta aan u noqonnee
Dib dhulkeenni noo rara.

Dacwad kale waxaan iri
Dab ninkii u diirtaa
Dambaskiis ka cararee
Sida looga wada digey
Anna waa ku darayaa
Nin ku dagay kumuu dilin
Dareenkiisa kuu sheeg
Danjiraha shisheeyaha
Haddaan laga digtoonaan
Culamadii duqii diley
Waa loo darsanayaa !!
Kuwo doobbiyaa jira
Oon doowr u soo marin
Duul cadaawaheennaa
Ayey daawo yeesheen
Ooy daba ordaayaan
Loona yahay dalaalimo.

Waxaan taa ku sii dari
Cudurrada dilaagiyo
Daacuun calooliyo
Qofay duumo qabatoo
Dawdarnimo ka nabad galay
Hadduu damac ka leeyahay
Inuu duni ku ceeshaa
Dabiib buu la doontaa
Xannuunkii damqinayoo
Deg-deg wuxuu ku cararaa
halkeey daawo taallee
Annaguna dareennoo
Dabool nagama saarnee
Qabiilkaan na daashaday
Kala dilay walaalaha
Deriskiina kala diray
Dhiiggeenna daadiyey
Duubaano baaskiyo
Isku dirada jaaniyo
Duufaan abaariyo
Dayuus dhaqanki weeyoo
Daciifnimaa rugteedaa
Dulmi baa u aabbaa
Duddo lagu xareeyiyo
Deyrkeedu waa naar
Dembigaa u hooyaa
Dhabtii darawalkiisuna
Diinlaawe weeyaan.

Waxaan taa ku sii dari
Geed daanno gaartoo
Laamuhu ka daatoo
Isku dii dumaayoo
Dacwoonaaya baa yiri:
Godinyahay duqowdee
Afka daamurtaa lihi
Anigaa is dooxoo
Daabkaygaa i dilayoo
Ii kaa dibrinayee
Mayrax igama diirteen
Dogobkey ma jebiseen
Diirka igama hoosheen
Dulucdiyo ujeeddada
Waxaan uga danleeyahay
Docda nalaka soo galay
Ee naloogu dawgalay
Miskiin deeg nin fuuloo
Sida daab masaareed
Dirqis lagu hagaayiyo
Dagaal oogayaashaan
Diirka nala wadaagoo
Dhaqankii duggaaga leh
Ayaa ina dabraayoo
Sir halkaan ku duugniyo
Dariiqyada tusaayee
Nalamaba damaacsheen
Tigree sooma duuleen
Darxumana ma geysteen!!.

anoon durkinin sheekada
Waxaan dooddi uga baxay
Qoomkaan is doorine
Is dulleynin abidkood
Ilaahey ma dabar jaro
Ma dulmiyo addoomaha
Dubbihiisu kuma dhaco
Daciifiinna kama dhigo
Haddey diinta raacaan!.

Annagaa damboownoo
Daqal jaan ku soconniyo
Doow aan habboonayn
Iska daba wareeg iyo
Dullinimo ku faannoo
Amrkaagi diidnee
Adigaa dulqaad liyo
Naxariis wax deeqdee
Ilaahoow na daba qabo
Damiirkeena soo celi
Diinteenna noo dhowr!!.
 

          AAMIIN, AAMIIN

_________________________

      Cali Maxamuud Xiirane
       Xiirane2@hotmail.com
              London, UK

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD