SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

C/qaadir Cabdi Xaraare
Maanafharare@hotmail.com



C/qaadir Cabdi Xaraare

DABAQABAD

Maansadan la magacbaxday DABAQABAD waa maansadii 9aad ee silsilad maanseedda DOODWANAAG. Waxa tiriyey C/qaadir Cabdi Xaraare oo ku nool magaalada Michigan ee carriga Mareeykanka bishii May 2004.

Maansadu waxay iftiimisay in qaybaha loo aaneynayo dhibka gaaray ummaddeennu ay yihiin; dowlada shisheeye oo danahooda u duul ah, dagaal-oogeyaal calooshooda u shaqeysteyaal ah oo ay ku adeegtaan, iyo wax-magarato hubeysan ( mooryaan, jirri amaba dayday), ay naxariistii ka guurtay oo ay adeegsadaan qabqablayaasha dagaalku.

Maansadu waxay xustay dhibaatooyinkii dhacay iyo in tafaraaruq iyo sii tabardareeyn aysan xal u noqoneyn, loose baahanyahay in lala xisaabtamo dadkii ummadda sidan u galay oo wali maanta u heellan in ay falalkoodii gurracnaa ee shalay halkoodii ka miisaan iyagoo haba yaraatee aan wax shalleeyto ah ka qabin danbiyadii ay u geeysteen ummadda.

Ugu dambeyntii Dabaqabad waxay guud ahaan ummadda soomaliyeed ugu baaqday in ay ka dhiidhiyaan dulliga, una tafo-xeytaan sidii ay aayahooga uga tashan lahaayeen iskuna daba qaban lahaayeen.


Daruur iyo hillaac iyo
onkod roob da'aayoo
doog iyo cagaar bixin
dalaggoo la beertoo
dadku goosanaayaan
faqrigoo la dabarjaray
dabadeed mashxaradiyo
farxad iyo damaashaad
nabad lagu dakeeyoo
loo dabaaldegaayiyo
doog baan arkaayaa
Daa'inkaana mahad ku leh.

dhawaaq hoon la daariyo
Dawan qeylo dheeriyo
Baaq laysku dirayoo
Dardargeliyay khayrkoo
Samihii dardaarwarin
jahligoo la diidoo
laga doortay barashiyo
qalinkiyo dawaaddoo
cilmi loo dareeroo
lagu kala dambeeyiyo
isku duubni wadareed
duul isku hilooboo
damacoodu dheeryahay
danabyaan u jeedaa
Daa'in baana mahad ku leh.

Maansadan dillaacdee
Ducadii Hadraawiyo
Heshay wiilal duubtee
Cibaar uu dareeriyay
dabadeed la faaqiday
saxarladan la daabacay
da'yartii istaagtee
dadaalkooda muujiyay
doodwanaagna noo furay
salaan baan u dirayaa
dabadeed dhankeygaan
duullaanka loo kacay
wixi aan ku dari karo
anigoonan dabadhigan
daboolqaad is leeyahay.

Daanniyo dhibaatiyo
dirdir iyo colaad hurin
carrab dalab leh iyo been
Deelqaaf ku hadalkii
Dacar iyo dhunkaal sheeg
marna inaanan daakhilin
anigeey danteey tahay
waanan ka digtoonee
dambi Eebboow iga dhowr

intaas waa dabuub hore
Iyo ararta dooddee
Haddaan hoos u sii dego
Maansada aan soo diray
duurxulkiyo ujeedada
danta aan ka leeyahay
dulucdeedu waxay tahay:

Suntii shalay la daadiyay
dullinkii ka soo baxay
diigaanyadiisii
inaan weli la daahirin
dumarkiyo dhallaankiyo
danyartuna u halis tahay
dabinkiina wali yaal
kuwo hore ay duugeen
ummadduna dareemeyn
wali laga digtooneyn
badi dalaq la leeyahay
waa doodda aan qabo
waanan sii durkinayaa,

Dukumdaakumkii dhacay
Iyo umulo dooxii
shacabkii la ducufsaday
dabeylaha colaadeed
duufaan go'doonshee
Diihaal la badayoo
Dulligii gumeysiga
Maamullo daciifiyo
Jaahil aan dubnixinoo
diktaatoora uu helay
misna looga sii daray
oon wali daryeel helin
iyo door u hiilliya
dhiillo inay u daran tahay
digashadu u ciil tahay
daneeyste aan naxayn iyo
dabadhilif adeege ah
damdamliyo afmiishaar
diredire u yahay cadow
diintuna u tahay doow
dariiqeeda saxa tahay
dawo caafimaad tahay
samotalis dabiib yahay
waa doodda aan qabo
waanan sii durkinayaa.

Dagaalladi sokeeyiyo
darxumooyinkii dhacay
dhiiggii la daadiyey
qarankii la dummiyiyo
ehelkii la dabar jaray
wixii maal dadweyniyo
xaaraan la dalamsaday
wixii duumo iyo furuq
daacuun calooliyo
cuduradu na daashade
waxan doonyo raacnee
ay nala dageeneen
yaxaasyada la derisnee
meydkeenni daatee
aan duugi weyneey
badaha ku dambeeyeen!

Waxa ummad dibbootee
Firxad kala dareertee
bahallada la dega ee
dawarsiga ku nooloo
meel walbaba dagaagga ah
duullinimo in ay tahay
isku diidi maynee
yaa falay darxumadaan?
Dadka yaa u galay saan?
Duulka baasi waa kee?

Waa su’aal dayeeysaa
Jawaabteedu dadantahay
Darfo badanna leedahay
Iyo midabbo kala duwan
Doorbinkuu ku eegiyo
Ninba waa dadnimadii
Haddaan anna dareenkeey
Daacadnimada weheshado
Waxay deeqoow ila tahay:

Dakanadaa waxaa dhigay
dadka sidaa waxoow galay
dowlado fac weynoo
damiirkeenna adagiyo
diinteenna neceboo
barwaaqada dalkeenniyo
dhaxalkeenna dahabka ah
raba inay la duulaan
dagalxaar sameeyaan
dadka daadgureeyaan
dabadeed dhallaankiyo
bedelaan durriyaddoo
dhaqankeenna doorshaan!.

Dakanadaa waxaa dhigay
dadka sidaa waxoow galay
qolo kaloon la deris nahay
oo qeyb dalkeenna ah
duullaan ku haystoo
degel naga gumeystoo
rabin dayn in laga gudo
isku duubnideennuna
dakhar ay ku tahayoo
kala daadsanaantiyo
inaan dawakhno jeceloo
dabka sii hurinayoon
deggenaan ku waar iyo
nabaddeenna dooneyn!.

Dakanada waxaa dhigay
Dadka sidaa waxoow galay
Duulalkaa an soo xusay
Doqomeey sameeysteen
dano ay ku gaaraan
dabbaabbaadka siiyaan
rasaastawgu deeqaan
doolarkana u qariyaan
dummin iyo burburin iyo
daarahoo la fiiqdiyo
dalaggoo la gubo iyo
xasilooni diidana
ay kula dardaarmaan
midmid ay u durayaan
dufan afka u mariyaan
ku dhahaan dammiinyahow
annagaa ku dalacsiin
Dowlad beena kuu dhisi
Difaac baanu kula gali
Dahab baanu kugu qubi
Aadba ducuf ahaatide
Boqor duuban baad noqon
Kan ku diida waan dili
Adna danaha noo fuli
Dayuus amar ma diidee!!

Dakanadaa waxaa dhigay
dadka sidaa waxaw galay
duul kaloo ka daranoo
dadnimadu ka maqan tahay
damiirkii ka dheer yahay
dar mooryaan yiraahdaan
jirri wada dableeyiyo
dayday qaar ku sheegaan
diintoodu boob tahay
dastuurkood qabiil yahay
qarrib yahay dariiqood
caqligoodu dila yahay
xeeshoodu dagid tahay
da'yartana khiyaan tahay
dugsiyada u diid tahay
dalow baas ka tuur tahay
daroogada u beer tahay
maxastana daf ay tahay
daangada qalalan iyo
digsiyada ka guro tahay
is dibiri bilaash tahay
U danee cadaawoo
daacad ugu shaqee tahay
aad darajo gaartide!!.

Intaa waxan ku darayaa
soomaalaay digtoonow
Siday diintu nagu tiri
hadday labo dagaalaan
shaydaanna duufsado
xaqaa lagu daweeyaa
xalna laga dayaayoo
heshiis baa la doortaa
dulucdiyo ujeeddada
waxan uga danleeyahay:

inkastooy dakane iyo
daannooyin badan iyo
daqarraba na gaareen
dulmi badanna uu dhacay
kala durugsanaantiyo
jilib jilib u degiddiyo
daaquud addeec iyo
inaan ducufo noqonnoo
sidii dogobbo meel yaal
layska keen darbeeyoon
is difaaci waynoon
daldaloollo badinnoo
markuu daad na soo galo
duunyiyo dadba hafiya
aan dabaalan waynoo
shallaay noo dambeeyiyo
qoqobkaa ka sii daran.

Waxaan taa ku darayaa
dirkii falay xummaantaan
haddaan laga il duufeeyn
waa kuwaa duggaaggaa
dabcigoodu kii yahay
direeyskii ku raran weli
oon cidina dabagalin
dafiraad ka weyniyo
diiwaanno lagu qorin
daldalaaddi maatida
waxay dumar gablamiyeen
dunuubtoodi lagu qirin!

waa kuwaa na dabarjari
digdigtii ka harin wali
kufsashada dahabo iyo
waa kuwaa dhallaan dubad
bililiqo danguud iyo
darxumada ka taajira
dirham siistay sharftii!
Oon daawo mooyee
Cidi daaya oran karin
Hoostana la wada dayi

Waa kuwaa ka darayee
Dajaallada is moodee
Daalacashadeedii
La colloobay diintee
Daliilkii quraankiyo
Xijaabkiiba diidoo
Gaalo dabarucleeynoo
tigree noo diyaafadin
dalkii uu u yahay iib
oon daawo mooyee
cidi daaya oran karin
hoostana la wada dayi!

waxba yaanan daaline
haddii ay dullaalladi
maanta doobbinaayaan
darajiyo xil mudanyiin
qaarna aanba duubnooy
duni uga sareeyaan
ooy dastuurki hagayaan
sharcigii dejinayaan
dubbihiina haystaan
sidii xaakim daacadoo
ducaaloow la leeyahay
doorkeenni baad tee
ma duuloow na daadihi
anuunbaa damqanayee
daldalanku muxuu tari?!.

Waxaan dooddii uga baxay
Waa nala duqqqeyoo
qoom dayoobay baan nahay
Dalow baan ka lulannaa
Halis baanu daaqnaa
Daahna nagama saaree
Intaan markabku nala degin
Duqeeydiyo waxgaradoow
Maanta doowgu wuxu yahay
Dabbaqidda furqaankiyo
In Sunnaha la doortoo
Culimada la doonaa
Digrigana la badiyaa
Indheergaradku diiraa
Barbaartuna dadaashaa
Bulsho heeryo diiddaa
Gobonnimo u dirirtaa
Deyriso xummaantoo
Ka duddaa waxow daran
Danaheeda garataa
Doorataa midka u roon
Ducadana ay badisaa
Samir iyo dulqaad iyo
Dabaqabadna waa Talo!.

---------------------------------
dhammaad
C/qaadir Cabdi Xaraare
Maanafharare@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | JULY 8, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD