SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net



Anwar Maxamed Diiriye

Deeq Eebbe

Deeq Eebbe, waa maansadii 10aad ee silsilad-suugaaneedda Doodwanaag. Waxaa curiyay Anwar Maxamed Diiriye oo ku nool magaalada Minneapolis ee waddanka mareeykanka.

Deeq Eebbe, qayb ahaan waxay jawaab u tahay maansadii hore ee uu Anwar curiyay ee Deleb, waxayna maansadu tilmaamo ka bixinaysa dayowga ku dhacay dadkeena iyo nimcada Eebbe nagu manaystay ee dhex dangiigta dhulkeena haddana aanu ka qatanahay. Maansadu waxay toosh ku ifinaysaa in kuwa na horboodayaa yihiin dadka kuwii u liitay ahna kuwo duleysan oo diirkooda iyo dareenkoodu kala laba yahay. Deeq Eebbe, waa hoga-tusaaleyn, cadaalad bidhaamin iyo baryo Eebbe gacmaha loogu hoorsanayo.

Maansadu waxay odorosaysaa nidaam dawli ah oo caddaalad iyo iimaan ku dhisan lehna dastuur loo siman yahay oo kan u sareeya iyo kan u hooseeya bulshadaba isku si u qaban kara markii loo baahdo, waxayna farta ku fiiqaysaa boogta qabyaaladda ee na naafeysay oo ay ahayd in kuwii wax noo bartay naga bedbaadiyaan ayse nasiib-darro iyagii noo bakhti afuufayaan.

Dammiinnimadu waa ceeb
Waa wax laga duceystoo
Mugdiyoo dammoo xiran
Aan daaqad qura iyo
Doc ileysle lagu arag
Qoomkii ku daahaa
Waqii uu dibbood yahay
Marna aan darkaba iman
Xoolaha la dararoo
Iska daadsan seeraha
Dalanbaabiyoo maqan
Aan miraha diiree
Dawanoow dhac aashaa
Waxaad ii diraysaa
Diilalyada na haysaa
Inay daarantahay cudur
Cilmi lagu dabbaaliyo
Dastuur loo sinnaadiyo
Iimaan na deeqiyo
Danahoo la wada jiro
Qofba dhinac ka daajay
Ku danaani doontaa
Daawadiisu waa taa
Haddaan dhego dalooliyo
Jir dubaaxsha leenahay!

Ma tanaado duuflaal
Abidkii ma daahiro
Duco lagama raystee
Deeqdaada Eebboow
Doobiga u culanaye
Ummaddeena daawee
Mar uun xaqa dareensii

Marmar bay ducada guud
Habaarkaba ka daran tahay
Dacar soo butaacdaa!
Waxaa taa daliil u ah
Soomaali daba go’an
Degdeg lagu afuufyaye
Immisaa diktooraa
Buugaag da’ waaweyn
Cilmigii ka daadsaday
Oo weli dareen qaran
Iyo daacadnimo guud
Dibedaha ka jiifoo
Arrad uu diloodoo
Maskaxdiyo dubaaqaba
Dun middii u adag iyo
Dawaar looga tolayoo
Dullinimada jeceloo
Ka daboolan samahoo
Dadkoo laysku laayiyo
Qabiilkoo la daawado
Ka macaashta dire-dire?

Ma tanaado duuflaal
Abidkii ma daahiro
Duco lagama raystee
Deeqdaada Eebboow
Doobiga u culanaye
Ummaddeena daawee
Mar uun xaqa dareensii

Duduntaan dugaalsiga
Dareensiga jecleysane
Ummadyahay is doortoo
Ruux na daadeheyn kara
Maatada debberi kara
Danta guud hor kici kara
Sharcigana daneyn kara
Talo daah ka rogi kara
Samir iyo dulqaadba leh
Kibir aan dugsanahayn
Aqoontoo la duugiyo
Jahligoo la daabaco
Aan nagu dirqinahayn
Sanka nooga durahayn
Daw-dabiya xaajada
Aynu dalabno maantaba
Haddii kale daleel iyo
Iska daba wareeg iyo
Dawgoo aan seegnaan
Doorka nooga baqayaa!

Ma tanaado duuflaal
Abidkii ma daahiro
Duco lagama raystee
Deeqdaada Eebboow
Doobiga u culanaye
Ummaddeena daawee
Mar uun xaqa dareensii

Danteed-moog bahdaydaay
Intaa waan dillaamaa
Looxbaan daabacaayaa
Daalacasho ii dheer
Duul aan la arag baan
Deeqsiinayaa hadal
Waxse iiga sii daran
Marna lama dekeeyoo
Kanshe doora uma helo
Dadkan aan ku maqanahay!

Dib u celi xusuustoo
Degmadii waqooyiyo
Koonfur degelladeedii
Waatay is doorteen
Gumeystaha darbeeyeen
Daadihinta calan qura
Durdurkay wadaageen
Ay door bideenoo
Danahooda raacdeen
Waxay doodi iga tahay
Dadkii dhaliyey gobonimo
Haddii Daa’in oofsaday
Dambi dhaafka Mowlaan
Gebigood u dalabnaye
Is duggaashigoodii
Dareenkii ku dheehnaa
Waan u daallanahayoo
Docdaa waan tebaynaa
Dantuna seeto weeyee
Waa in laga dab qaataa
Aynigood la doonaa
Haddii uu dareen iyo
Damaq naguba harayoon
Daba qabasho leenahay

Dood kalana waxay tahay
Darwiishkii Illaahay
Dambigii ha dhaafee
Isna wuu na daafacay
Waatuu dardaarmoo
Is daryeela nagu yiri
Ana waxaan ku darayaa
Ummadyahay is daahiri
Diintaada daalaco
Dabka iyo rabshada daa!

Ma tanaado duuflaal
Abidkii ma daahiro
Duco lagama raystee
Deeqdaada Eebboow
Doobiga u culanaye
Ummaddeena daawee
Mar uun xaqa dareensii

Dullinkaan na jaqayeen
U duubayno suxuladda
Sidaan wada darderanahay
Bal dabeecadoodaan
Idiin daabac marinine
Dadweynoow ku soo toos
Ila daawo filimkaan
Iska daalac guudkoo
Wuxu waa dadkeenii
Waxse aad dabxaysaa
Aad dibin cunaysaa
Markaad furato daymada
Waayo waa dugaagoo
Dareenkooda hoosiyo
Diirku waaba kala laba
Dan markay hadlaayaan
Duul kalay u foofaan
Intaa daafacaayaan
Danahooda dhawraan
Intaa ay u doodaan
Inaguna dareen li’
Iyagaan u dabannahay
U durbaan tumaynaa
Dawlad lagu qaboobiyo
Danaheen ka dhawrnaa
Ileyn waan dullownoo
Maankii dayeysani
Doqonnimo ma toosee!

Ma tanaado duuflaal
Abidkii ma daahiro
Duco lagama raystee
Deeqdaada Eebboow
Doobiga u culanaye
Ummaddeena daawee
Mar uun xaqa dareensii

Haddaan lays duduucayn
Runta aan la dedahayn
Beeni aanay dananayn
Xaqa daah la saarayn
Daa’imow Allahayow
Degmadeenu naga badan
Dalkeenaa balaarani
Hoy iyo degsiimiyo
Degel lagu negaadiyo
Dangiig noogu wada filan
Deeqdaadu way taal
Duul shisheeye nama dhicin
Nama didin abaarina
Duunyo way ka buuxdaa
Dahabka iyo maartiyo
Risqi lagu dabaashaa
Wuu noo dul yaalaa
Waxse loogu daw galay
Qalbigaa durbaan iyo
Daf miyuusik reemiyo
Dawan qaylo dheer iyo
Dabshid aan dhamaan iyo
Wax kaloon la daalacan
Darruuraha korkoodiyo
Dallow looga tumayaa!
Anagaa is dubanoo
Qoysba qoys dab geliyoo
Dibjirnimada wacanee
Rash dawaawi dhacayiyo
Dambaaburo na qaaddee
Asqoy dan iyo xeeshaa!
Damqashiyo xanuunkaa!
Diihaal badnaantaa!
Dalambaabi socodkaa!

Doodwanaag tixgelinteed
Cibaar iyo dadaalkii
Nuux daacadnimadii
Cabdallana daryeelkii
Stanzaw nin doorkaa
Daawadeey tilmaantaa
Daba-qabad tacaalkeed
Aniguna dareenkay!

Ma tanaado duuflaal
Abidkii ma daahiro
Duco lagama raystee
Deeqdaada Eebboow
Doobiga u culanaye
Ummaddeena daawee
Mar uun xaqa dareensii.

--------------------------
Dhammaad
Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD