SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Ibraahin Yuusuf Axmed
hawd99@hotmail.com
Gothenburg, Sweden



Ibraahin Yuusuf Axmed

Daawad

Ibraahin Yuusuf Axmed
Gothenburg, Sweden



Silsiladda ”Doodwanaag” dadka ilaa hadda ku jiraa waa kuwo anshax ahaan hufan, ujeeddo ahaanna qumman. Waxay inoo xaqiijinayaan in ay ummadda weli unugyo nooli ku jiraan. Waxaanse hubaa in laga jecel yahay kuwa qabiillada caaya ee nacaybka gaboobay dhan walba u firdhiya. Waayo? Qofka qabyaaladda addoonka u ahi ma oggola in uu arko qof xor ah oo isaga hoos u eega; hoos ayuu u jiidayaa si uu heerkiisa u geeyo. Dadka soomaaliduna maanta waxay u badan yihiin ”addoon qabiil”.

Haddaba hufnaanta iyo daacadnimadu haddii ay tahay sifada ugu wanaagsan ee ”Doodwanaag” dhaliisheeda ugu weni waa iyada oo ilaa imika ogaan uga gaabsanaysa waxyaalo badan oo ay ahayd in ay ka hadasho. Digtooni badan oo laga qabo xumaha dibbiray in uu marmarsiinyo helo iyo eed ka carar ayaa keenay in laga dhawrsado foolxumo badan oo ay ahayd in la duqeeyo.

Maansadan ”Daawad”oo ah tii siddeedaad ee silsiladda Doodwanaag qudheedu iyada oo aan dhaliishaas xal u keenin ayey haddana talinaysaa oo boogta ugu daran farta ku fiiqaysaa. ”Daawad” waxay soo baxday afarta juun 2004.

Darka maanso aan koro
dawliskeeda xaabsado
dardarsado wadaamaha
soo horo dammaanaha
”Doodwanaag” bidhaansado
dawgeeda sii maro
abwaankeeda daydayo
duco iyo ammaan faro
uga digo dulxaadsiga
iyo damaq ka dhawrsiga

Aan dardaaran kale faro:
nabarkaad u dagan tahay
eegmo kuma dawooboo
boog hadal ma deeqee
ha ka daato mililkuye
ka dillaaci qoloftoo
kula daal wixii dana

haddaad tahay dabiibkii
qaaxada dawayn laa
yaan qudhaada duumiyo
daacuunku kugu dhicin
dabaylahan inkaarani
yaanay daaf ku qaadsiin

kor u dhaaf daruuraha
dhulka diirad soo saar
dusha sare ka soo eeg
marna hoos u soo dego
danta meelo ka abbaar

degelkaad ku noolayd
dabka gubay candhuufee
mugdi kale iftiin daar
duulka dhaxanta yuurura
oog daba u xaabee

dananaha rasaastiyo
nin ku nool dil iyo dhiig
doonistiisa ha u dhiman
durbaan dhiillo ha u tumin
ha u noqon difaac adag
marna weerar daacada
uga xilo damiirkiyo
dareenkaaga qarannimo

geel diday habeennimo
haddaan wiilal diirrani
orod miiggan daba dhigan
dirashada habaarkiyo
duco sooma celisee
doondoona baadida
raadkeeda daba gala
hadba lebi dushii kora
gabbal dhacay dinniiqsada
marba geed dugaashada
doc dhegaysta laamaha
u dhakada dabaylaha
duurka hore u sii xula
boholaha dadqaadkiyo
ugu gala dalluumaha.

Denbi dhacay la maaree
dulmi hore la soo dhaaf
wax kastaba wax loo daa
danta maanta laga raac
arrin baanse doogteed
weli daawo loo helin
anigana dubaaqiyo
degi weyday maankay:
ruux dilay malyuun ruux
dacwad lagu aloosiyo
deldelaad ha joogtee
maxaa loo dalliciyee
derejooyin loo sudhay?
dadka dhiigga laga qubay
dambar iyo ma dhay baa?
dulligiyo dhibaatadu
ma dal horumarkiisaa?
boqol dhaylo-dubato ah
ninba kuu ka daran yahay
maxaa loogu diimaa?

Ummadnimo waxaa dilay
qof leh dookha bahalaha
iyo diirka aadmiga
shalay maatadoox dhigay
maantana dardaro qaba

daandaansi badanaa!
kama daalo godobaha!
Ku ye: waxaan dorraad dhimay
waxaan dumiyey ee lumay
iyo ruux waxaan dilay
waa duudsi laga yeel
daadxoorta raacsii
ha lay doorto maantana!

damaciisu kama foga
dadaalkii waraabaha
magacii dugaagnimo
dar IIaah u shuufee
doonyaystay geedkee
yidhi: maanta dabadeed
cuni maayo duunyada
didin maayo xoolaha
idinkuna dadoow hooy
denbidhaaf Allaa lehe
iga daaya magacaa
doobka reerka ii qira

la ye: waa gar iyo daw
deeqse guushu maahee
naanaystan duugga ah
ha kuu diido camalkaa
hashaa Daawad raacoo
soo hoo dareen li’i

dadaalyoo hashii raac
nirigtii u dalandali
hadba doox ku soo celi
daafaha ka joogjoog
duhurkii kulaylaha
geed damala soo hadhi

daaddaaway neefkii
candhadeeda daymoo
kolba hore u soo durug
naasaha dibnaha saar
caanaha isdiidsii
dufankiyo hilbaha doon

hasha baasi daganaa!
daribteedu fududaa!
baahidaydu daranaa!
haddaan meel dahsooniyo
xubin doqon ma garato ah
diihaasha kaga baxo
asay Daawad nooshahay
denbi weyn miyaan galay?

dabcigiisi bahalnimo
dib u soo rogaalceli
irmaantii candhada diir
ku dabbaalay dhiiggii
ka durduuray miiddii
nirigtii dibnaha goo

la isu soo deg fiidkii
in la maalo duunyada
loo deebi gaawaha
bahalkii dibka lahaa
waxaa loogu duurxulay:
Cali-deeq-ammiinow
hashii Daawad soo godol!
isagoo durduradii
ka dul booday ooddii
durba ayda sii galay
wuxuu yidhi dugaaggi:
dibnahee ku nuugtaa!
dararteese nuugtaa!

Xaajadan dellagantee
tobannaanka dayrood
baadinnimo dilootee
duddo gaalo joogtee
hadba qolo dulsaar ku ah

xaajadan dan seegtee
tol u diira waydee
ku dibbootay kayntee
doofaarka raacdee
bahalaha la deriska ah

xaajadan dadkeedii
lagu duugay iilkee
loo dooray cadawgee
loo diiday khayrkee
dadqallada u maganta ah

xaajadan dul iyo hoos
dulin loo dhammeeyee
halaqyadu degeenee
guggumuhu dalooshee
diigaanyo dhabadka ah

xaajadan la dayrshee
ehelkeedu diidee
dir qalaad la raacshee
laga doorshay midabkee
daayeerka laga dhigay

intaas oo duruufood
iyo qaar ka sii daran
xaajadan u dagatee
duufaantu wadatee
saaran doonta sheydaan

haddaan daacad loo noqon
dakharrada run loo dhayin
deellaydan curatiyo
doodahan ibaha furay
waa iska diirnax caalwaa
xaalku waa dundumo maydh.

----------------------------

Ereyqeex:

dawlis: xadhigga wadaanta ceelka loogu rido.
dammaan: fardo (marna waxaa ku jira dameeraha iyo baqlaha).
daw: jid, waddo.
daaf: cudur indhaha xabbajo ka buuxiya.
diirad: weynayso, toorbin.
degel: guri, degaan, dal.
lebi: geed Soomaaliya ka baxa.
dhakasho: dhukus, dhuumasho.
doog: nabar duug ah oo soo kaca.
dubaaq: garasho, dareen.
dhaylo-dubato: maato-dooxato, wax ma reebto.
daadxoor: qashinka ay biyo socdaa tuuraan.
camal: dabeecad, dabci.
dalandalin: maatada iyo xoolaha jilicsan oo qunyar la wado.
damal: geed weyn oo hoos qabow, siiba qudhaca.
darib: hilib.
diihaal: gaajo daran oo raagtey.
miid: dareere kasta oo dhadhan iyo dheef leh oo wax kale laga soo miiro, sida malabka.
deebin: in uumiga dabka wax lagu kululeeyo, sida weelka caanaha.
duurxul: sarbeeb.
darar: marka uu neef irmaani caano badan candhada ku sido.
duddo: reerka ama xerada debeddeeda.
dibbood: dibjir, xoolo xeradooda baadinnimo uga dhaxay.
dulin: qaniin, cayayaan dadka iyo duunyada dhiba, sida shilinta i w m.
halaq: xamaarato, sida mas, abeeso i w m.
guggume: bahal xamaaratada ka mid ah oo godadka dundumada gala.
diigaanyo: dulin aad u badan oo mar meel ku wada dega.

 

Ibraahin Yuusuf Axmed
hawd99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD