SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net



Anwar Maxamed Diiriye

Deleb:

Deleb waa maanso ka curatay sansaanka silsiladda Doodwanaag ee uu bilaabay Cibaar, waxaana Curiyay Anwar Maxamed Diiriye oo deggan magaalada Minneapolis ee carriga Mareykanka, taariikhdu markey aheyd 14 may 2004. Maansadan oo ah tii toddobaad ee silsiladda Doodwanaag, waa dood hal-abuur oo la kowsatay afkaar khayr oo ay dhallinyaro isku kaashatay. Waa maanso u badan su'aalo, jawaabahoodii dib loo dhigtay si ay garaad-cabir ugu noqoto bulshadda ay u socoto. Waa maanso hiil u ah ummad ba'day, laakiin khayr & shar badaniba ka horeeyo lagana doonayo in waayaha habowgu wax baro oo ay ka faa'iideystaan.

Deleb waxay u habar wacanaysaa bulshadda inteeda waxgaradka ah ee damiirka wadaniyaddu ku dambeeyo; waxay bakhti afuuf u tahay bulsho dad habowsani garwadeen u noqdeen dabadeedna ay karamadoodii iyo sharafkoodiiba la degeen! Deleb waa saadaal wacan, waxayna ka turjumaysaa marxallada maanta taagan ee Soomaali haysata, waxayna naawilaysaa in bahwadaagta Doodwanaag ay noqdaan tusaalle lagu daydo oo sama-talis ah & unug bulsho oo la soo baxa afkaar cusub iyo wadaniyad dhab ah.


Deleb
Curiye: Anwar Maxamed Diiriye

Dhallinyahay dareertee
Maansada dalleysee
Doodwanaaga noo furay
Doc walbood ku nooshiin
Salaan daacadoo billan
Sooryo aan idiin dumay
Dareenkeedu wacan yahay
Ayaan deeq abwaan iyo
Dunji idiinka dhigayaa
Delebkaana ii ridan!.

Kolka xigana dannabkiyo
Deeleydan curatiyo
Da’yartaan iskaashaday
Darfahana ishaystaan
Dacwadayda qalinkiyo
Dookhiyo damiirkaba
Doodayda dhiibane
Delebkaana ii ridan!.

Duf-ku-baxe habaarani
Markuu daacadii nacay
Daba-dhilif harraadani
Markuu dumiyey samihii
Dulucdii Qur’aankiyo
Markuu diiday qawlkii
Ummaddiina dubayoo
Dab buu geliyey qarankii
Daleel buuna nagu furay
Inagoon digtoonayn
Shaydaan na duufsaday
Durbaan beena noo tumay
Sidaan wada dayow nahay.

Dabuubtaydu waxay tahay
Debedaha u dhoofnoo
Dalkii wada hilmaanaye
Duulkeenan idilkii
Horta yaa dambiilaa?
Yaa daacadoo haray?
Dabkan yaa bakhtiin kara?
Ina kala daweyn kara?
Mise duul shisheeyoo
Ina doca-doceeyaan
Daryeelkeen ka dhawrnaa?
Delebkaana ii ridan!.

Daahyada la kala rogay
Shacabkaan la kala dilay
Hooyada la duudsiyey
Laga dooxay ubadkee
Hadday daaya oran layd
Kufsiga loogu sii daray
Doorkan aan bal toydee
Dhaqankaan duleysani
Hadmuu yimmi degsiimada?
Delebkaana ii ridan!.

Maalinkay darnaatee
Ay belaayo dihatee
Dunidoo dhan fuushana
Horta yaa la diran jiray?
Ummad yaa daweyn jiray?
Yaa daadaheyn jiray?
Qaran yaa dabiib iyo
Daryeelkii la bidi jiray?
Delebkaana ii ridan!.

Dooc-doocin maayoo
Duur-xuli aan maayee
Dadkaan magac wadaagnaa
Diin iyo damiir iyo
Dareen lagu ciseeyiyo
Horta door ma leeyiin?
Danahay wadaagaan
Dabarkaa isugu xiran
Xarigaan debcaynoo
Midba daraf ka haystaa
Ma dabeec xumaadiyo
Dabayood qalalayoon
Danba laga lahayn baa?
Delebkaana ii ridan!.

Intaa waa dabuub guud
Deleb aan bulshadu garan
Jare aan la wada degin
Degelkiise laga raray
Daymadu ka maqan tahay
Duluc hoos ka diga-rogan
Immikana ku soo durug
Dacwad kalana iga maqal.

Ruuxii dan garadoow
Dulmi kaan jeclaynoow
Soomaali dihatoow
Damqadoo xusuusloow
Dullaal aan ahaynoow
Dadka kala gadaynoow
Dadqal aan ahaynoow
Daalaco dhankaagoo
Daawada tan koowaad
Ku dabiib naftaadoo
Dayri way imaanoo
Gugu wuu daroorine
Kuwa ay dalaaftiyo
Darxumadu u taalaa
Marna yaanay kula dumin
Kaabad lagu dan gaariyo
Daqays shiishka lagu gano
Darbi yaanay kaa dhigan
Ummaddaada kugu dilin
Daab yaanay kaa dhigan
Miinsaarta lagu dabo
Danni yaanu kula tegin
Delebkaana ii ridan!
--------------------------
Dhammaad
Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD