SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cabdi-nuur Aadan Faarax
Sweden
Dhidaryare@hotmail.com



Cabdinuur Aadan Faarax

DIGNIIN CULUS!
Curiye: Cabdinuur Aadan Faarax

Digniin Culus, waxaa curiyey Cabdinuur Aadan Faarax oo deggen dalka Sweden. Maansadani waxay ku soo biirtay taxanaha “Doodwanaag” 23 Luuliyo 2004. Iyadoo laga dabqaadanayo dadaalka dhallinyarada maansooyinka “Doodwanaag” isku bahaystay ee uu bud-dhegaha u yahay walaalka qaaliga ah, “Inj. Maxamed Cali Cibaar”, ayuu curiyuhu isku deyayaa inuu u soo gudbiyo shacabka soomaaliyeed maansadan la magac-baxday Digniin Culus, oo ka hadlaysaa afar qeybood oo si cad u qeexaya ujeeddada murtida ay maansadu xambaarsan tahay.

Qeyba 1aad waa digniin qofka la xusuusinayo inuu is xisaabiyo inta aan isaga la xisaabin. Waa murtidii Cumar bin Khadhaab (Allaha ka raalli noqdee), waxayna ina ku baraarujinaysaa geerida xanuunkeeda iyo qabriga oo cid kuugu ceelalyo ahi aysan jirin illaa camalkaaga mooyaane. Qeybta 2aad waxa ay ku xeel dheeraanaysaa maalinta qiyaame walaahowga iyo wadno gariirka dadka haysta iyo sida qof waliba tiisa maalintaas uu meel ugu la’ yahay. Qeybta 3aad waa abaal marintii dadka cadaab iyo ciqaab ama cafis iyo naxariis Rabbi midkood. Qeybta 4aad oo gunaanadka ah, waa dardaaran uu curiyuhu shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu dirayo, si ay walaaltinnadooda, wadajirtkooda iyo sharfkooda u caynshaan isla markaasna halaagga Aakhiro iyo Adduun seegga ah ee ay ubadkooda u horseedayaan uga digtoonaadaan.

Gabagabadii maansada “Digniin Culus” oo ah maansadii 14aad ee silsiladda Doodwanaag, waxay bidhaaminaysaa sidii calanka ummadda dhulka looga qaadi lahaa; sidii loo soo celin lahaa kala dambeyntii iyo dawladnimadii kala dhantaalantay; sidii xukun caddaalad iyo wanaag falid ku haga waddanka loogu sameyn lahaa, si qiimaha waddaniyadeed, tan qarannimo iyo wadajirka ummaddu u taabbo-galo.


DIGNIIN CULUS

Soomaalaay dareenkeey
Dannigeygu siduu qabo
Dalaloowsin baas iyo
Daan baad ka lulataan
Dux wax aan lahayn baad
Intaa daba ordaysaan
Dib u eega xaajada
Qof walboo digtoonow
Qalin iyo warqado doon
Xumaantaada daalaco
Is xisaabi doqon yahay
Intaan diiqu kugu ciyin
Dijaal Cawarna soo bixin
Duufaanno kugu kicin
Dusha caguhu kuu marin
Oo deryaamin buunkii
Malag lagugu soo dirin
Geeridu dinnaahyeeyn
Dhimashadu dan kuu noqon
Duubkii caddaa iyo
Kafan lagugu daafyeyn
Naxash duudki lagu gelin
God lagugu dilaandilin
Oo kii dad kuu jecel
Meeshii yar diisane
Dhulku debacsanaadaba
Damag ciidda kugu siin
Adiga oo daciifoo
Daanka ciid laguu dhigay
Lagu seexshay didib adag
Camalkaaga deris la ah
Yaan lagaa dareerine
Degdeg hore u soo noqo
Dafiraad ma fiicnee
Adoo diliq candhoofoo
Darradaba ka liitoo
Uur hooyo dadab ku ah
Allihii dad kaa dhigay
Dambi dhaafid waydii!

Intaa waano diriddeed
Digniin iyo wax sheeggeed
Waayeel dardaarmiyo
Duco qabe warkiis dhaha
Bal haddana dantaan rabo
Dugay-dugayda suurkiyo
Aan ka digo dareen culus!

Xaqii waa la diidaye
Dabadeed maxaa dhici?
Marka duni dhammaatee
Qiyaamahu dillaacee
Xabaalaha la dumiyee
Ayax degay sidiisii
La soo dumo dadkoo idil
Hadba dali dhacyeyntiyo
Dammanaanta waallida
Wax is-dayiba ayan jirin
Oon ceeb lakala dedan
Qorrax diirka laga rogay
Dusha sare la taagoo
Jahannamoo la daadihin
Oo laba dible u xiran
Dabar iyo hoggaan iyo
Xargo duuban lagu wado
Dadka loo horaayee
La is wada dacweeyee
Markhaatiga la durayee
Dahabadaad jecleyd iyo
Hooyadii ku dihatiyo
Oday duudki laga yimi
Kuwii adi dad kuu xigay
Riximnimo la deyrshee
Qofba tiisu daran tahay
Weli duuli kara iyo
Garab daar mid lihi jirin
Dad kuwii u fiicnaa
Nabiyadii la soo diray
Een dambaabin weligood
Baqo dabada jeedshaan
Rabbaa tala u doorrroon
Dadku labay u kala bixin:

Midi waa dulloobaa
Naartuu dabaashaa
Waana daar halaagoon
Loo dulqaadan karinoo
Cuntaduna dariic iyo
Saquum aan degeyn iyo
Wax la doorshay ay tahay
Nafta dooji kii yiri
Wixii dumaca jiifiyo
Xiidmihii daliiqnaa
Calool xaydh ku duubnayd
Dabaduu kadhigayaa
Dabku markuu bisleeyee
Dambas ay noqdaan baa
Harag lagu daboolaa
Dibna loo abuuraa
Si jirkoodu u damqado
Ooy dib u shallaayaan!

Shaydaan dawaadliyo
Daaquud is-mahadiyey
Isku dire munaafiqa
Ee duni qarribi jirey
Marka naarta loo diro
Darka hoose ee kulul
Lagu duqaanduqeeyee
Daakhilkeeda lagu rido
Ayaa waxaa dabaaqtamay
Rabbi deeqdi kuwa heloo
Intay dunida joogeen
Sama-doon ahaan jiray
Iyo daalimiintii!
Kolkaas bay ku durayaan
Oraah doqon magarata ah
Jeesjees daraadiis
Oo wiirsi dabayaal
”Alle doorigiiyoow
Saqaraa ku dubataye
Dacdaad jiifto waa maxay?”
Duluqbaash wuxuu yiri:
”Salaaddaan dayici jirey
Deeqdana lamaan bixin
Shaaqullaa i duufsaday
Aakhiraan dafiri jirey
Ilaa daqarka mowdkiyo
Dubbe culisi igu dhacay”

Hadalkiis dalliganaa
Doqonniimo badanaa
Mid duleedka joogoo
Dambigiisu fudud yahay
Dhimbil dab ah la siiyee
Dul istaag la yiri baa
Laabtii dillaacdoo
Maskaxdii dillaantaye
Ninwalbow digniin iyo
Daalac reebid weeyee
Intaan amarku soo degin
Nafsaddaada deynbixi !.

Intaa waano diriddeed
Digniin iyo wax sheeggeed
Waayeel dardaarmiyo
Duca qabe warkiis dhaha
Imminkana bal dacaskiyo
Daalka goobta lagu tiro
Daartii nimcada iyo
Aan u dego dar khayraad.

Liibaan dadkii hela
Jannaday dawaafaan
Wel-welkey is-daayaan
Sariiray dangiigaan
Farxad bay dareemaan
Raaxadu ka sii daran
Durdurrada fardowsee
Afar webi dilqanayaan
Midi dixi qabowiyo
Biyo diliqle uu yahay
Midna geel darmaday sidi
Dambar xoor leh uu yahay
Midna dawo macaan iyo
Malab diiqi uu yahay
Midna dalab khamra ahoo
Maskax doorinaynoo
Dawakh iyo Wareer iyo
Daaca kulul lahaynoo
Naftu dooni uu yahay
Darkii Nebigu kuu dheer
Mar haddii laguu daro
Jirku daahir noqonoo
Aadan dib u harraadayn
Jannaduna dallaal tahay
Bacrin aan la degin tahay
Damaashaad xaqiiqiyo
Nimco dagatay ay tahay
Cuntadana dayaafado
Dhallin yaro an daalayn
Hawshana u daacada
Kula soo dul marayaan
Wax kastoo ad doontana
Dibnahaba adoon furin
Durba qaado ay tahay.

Waxba wax baa ka sii daran
Waxan iliba daymoon
Dhegahaagu soo dumin
Qalbi dadeed ku soo dhicin
Jannaday dul yaalliin
Da'yar baa la wada yahay
Dadku wada qorxoonoo
Gabow iyo duqnimo jirin
Dulin iyo qaniin jirin
Duumo iyo xanuun jirin
Dalandool hayaan iyo
Digarogasho ayan jirin

Hablo wada da’aadoo
Indho-deera leeyoo
Dayax naylo-qaadiyo
Quraarado daboolliyo
Nal la daaray mooddoo
Dunuunaca masayrkiyo
Dumar naaquskii iyo
Dood iyo xumaan iyo
Wixii reer ku dumayaba
Dabcigooda laga tiray
Oo xariir dunteed iyo
Dahab aan la goyn karin
Oogada dulsaaroo
Taashkooda dunidaba
Lagu doorsan karinoo
Diib wada udgoon iyo
Dusha cadar ku soo dhayey
Ammaan kula dul joogaan
Waxad doonto yeelaan
Daar lagula hooydiyo
Derin lagula seexdiyo
Daandaansi daayee
Mar un aad daymootiyo
Daawashadooda keliyaa
Maskaxduba daraandarin

Darajo iyo siyaadiyo
Daa'im noloshu ay tahay
Rabbi deeqdi lagu jiro
Ridduhuna ku soo dego
Daymada Raxmaankana
Daahaa ka feydmoo
Qalbigaa ku diirsada
Indhahaa ku doogsada
Derisnimo Allaa jiri
War waa degel la mahadshee
Aan u wada dadaalnee
Docda kheyrka tiigsada.

Intaa dareen la qaba iyo
Digniin Aakhiraad dhaha
Waayeel dardaarmiyo
Duca qabe warkiis dhaha
Imminkana bal dunidaan
Doowdaba irmaanoo
Dabuubteedu nabad tahay
Doorkeed wanaag yahay
U doorbidi dadkaygii!

Walaalahan is-dooxiyo
Seeddiyaal is-diley iyo
Deriska is-wareemaan
U dabqaad is-leeyahay
Dawaduna waxay tahay
In ay diinta qaataan
Xaqa dib u jalleecaan
Nabaddana daneeyaan
Xasadnimada duugaan
Dib u dhisid bilaabaan
Hambo caano daataba
Dabadaa la qaban jirey
Dawladnimo abuuraan
Madaxweyne daacada
Dig iyo dooh ma diida ah
Caanaha ma daadsha ah
Daadihiya shicibkee
Duddo iyo bulshaba jecel
Dumarkiyo carruuraha
Waayeel duqoobiyo
Da’yartiyo agoomaha
Dhamaantood u diirnaxa
Oo daryeela maatada
Dabadeed la doortoo
Cadowgana difaacaan
Dabadhilifyo tuug iyo
Diradira la waayoo
Beeshu nabad ku daaqdoo
Dastuur iyo caddaaliyo
Yeeshaan dareen qaran.

Shacabyahow dadnimadaa
Haddii taa ad diiddaan
Adinkaan is deyneyn
Dukumdaakum baad noqon
Khayrkuna dabeyl raac
Duufaannada colaadduna
Samaday dul marayaan.

Dulmanoow dadkaygoow
Halka dunidu gaartiyo
Dadaal iyo wax soo saar
Farsamooyin kala daran
Arka dowladnimadiyo
Sida duul u noolyahay
Dabadeed Dhulkeennii
Miisaan dulsaar oo
Dayac saan u nahay eeg
Khaladkiinna dib u saxa
Waanwaan ha diidina
Fidno doonisteed naca
Shisheeyuhu ma diirnaxo
kulay duni carbeed tahay
Mar i dage Alla ha dago
Mabaadii’ dad dhigay iyo
Dimuqraadi jaan iyo
Maskax daashay hadurkeed
Daallim xeer ka soo fuley
Horaa loogu daalaye
Adiguna ha dabagelin

Dhaldhalaalka dunidani
Damal hooski weeyee
Haddeydaan dantiin garan
Inta degelku saan yahay
Duunyo aad ku dhaqataan
Dambar aad ka maashaan
Intaad doobi culataan
Qurqurada digsiisaan
Mindhaa kama dacaantaan!

Waxaan dooddi uga baxay
Dhagihii daloolaa
Waanadu u dixataa
Qalbigii dareenlana
Khayrkaa u daaddega
Qofkii aan dekana iyo
Xaaraan durduran bay
Ducadiis ajiib tahay
Deelqaaf u diidaye
Murtidaan is-dabadhigay
Dabeyl raacin maayoo
Dacaayado raqiisiyo
Dulmi ugama jeedee
Inta samaha doontaay
Dulucdaydu waa taas!

By: Cabdi-nuur Aadan Faarax
Sweden
Dhidaryare@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | August 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD