SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Mowliid Xasan Curjin
Curjin2003@yahoo.ca
Edmenton, Canada



Mowliid Xasan Curjin

DUCO
Curiye: Mowliid Xasan Curjin
Edmenton, Canada

Jiiftadaan la magac baxday Duco waxaa curiyay Mowliid Xasan Curjin, oo ku nool magaalada Edmenton ee waddanka Canada. Maansadan oo ah tii 15aad ee silsilad-suugaaneedda Doodwanaag, waxay ku soo biirtay taxanaha billoowgii 10kii Ogoosto 2004.

Qaybta hore ee maansadu waxay tilmaameysaa, in dhibaatooyinka maanta taagani ay ka dhasheen danbiyadeennii, kuwaasoo uu ka ratibmay ciqaab Rabbi. Qaybta xigtaa waxay ka warrameeysaa hab-dhaqanka dagaal oogeyaasha, iyo qaab-fekerkooda aadka u liita ee aqoon-xumida iyo iimmaan-darrida la ildaran

Maansadu waxa kale oo ay xustay ,dadkii ku baaba'ay dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii sokeeye. Dadka ku dandareeysan waddamada jaarka la ah dalkeennii hooyo, iyo waliba dadka u soo qaxay waddamada reer galbeedka oo iyagu is lahaa ka badbaada colaad iyo gaajo, balse dhex maquuranaya musiibo dhaqan iyo mid diimeed, oo ka dabaalashadeedu aad ay u adagtahay.

Ugu dambeeyntii maansadu waxay ku dheeraatay Alla-bari, Alle wayne looga baryayo in uu noo gargaaro, naguna rido dariiqa habboon ee ay danteenna adduun iyo teenna aakhiraba ku jirto.

Doodwanaag dariiq furan
Darajiyo xaqdhowrleey
Daryeel iyo wanaagleey
Dowgii nolashu layd iyo
Dabayshii nasteexee
Dadwaynuhu u baahday
Durdurradii xareeddiyo
Doog iyo ugbaadeey
Daadkeedu nabad iyo
Digo-xaadhis keenaay
Duco iyo ajiibkeed
Daa' iim lagu baryaayaay
Dan soomaali leedahay
Dooddii ka curatiyo
Dawadii abwaankee
Dakharadiyo nabarrada
Doogta lagu dhayaayaay
Da'yar teey habaysee
Diiwaannada xuusta leh
Lagu daabacaayaay
Salaan diirran dabadeed
Dulucdaydu waa nabad
Daymadaydu waa khayr
Daadihin kalgacliyo
Daalac an idhaahdee
Aniguna docdeeydii
waxba daahi maayee
jiiftadan diyaarka ah
Duco maanta iga gunud.

Dar Allee wixii dhacay
Dagaalliyo colaaddii
Dagalkeennii baaba'ay
Dadkan idile barakacay
Daarahan la dumiyiyo
Duunyadan lakala dhacay
Duqaydiyo dhallaankiyo
Umulahan la dooxiyo
Duulba duul wareenkaa
La is wada dirsoociyo
Dadkan idile waashiyo
Dakanadan tarmeysiyo
Shaydaankaa durbaan tumay
Xumaan daawaneynoo
Aanu diidi wayniyo
Dunuub aan sameeyniyo
Daa'im cadhadii weeyaan.

Dooddaasi daabacan
Darka wali kamaan bixin
Kama daalin maansada
Daaqadaha intaan furo
Haddaan hoos u daadego
Arrin kale ku soo durug.

Haddii dawlad lagu kaco
Digdigteey ku socotiyo
Dariiqeeda loo bogin
Daryeel iyo wax qabad iyo
Daadihinta maatiyo
Darajiyo waanaaggii
Dadwaynuhu ka waayaan
In dareenku leexdo
Dulmigii la diidoo
Dood iyo daagaal iyo
Dabin lagu halgaadaa
Duni way ka simantahay
Waana dawga nolashee
Aadmigu ku daaqaan
Xukun lagu afduubaa
Laakiin dayoow iyo
Dambi falid waxyeelloo
Dambas uu ka harayiyo
Shirqool dalaq la yidhi iyo
Balo naga dadnaydoo
Dulin dhalisay weeyaan
Xaalkan sii darsanayaa .

Dooddaana daabacan
Darka wali kamaan bixin
Kama daalin maansada
Daaqadaha anoo furi
Haddaan hoos u daadego
Dagaal-oogeyaashiyo
Bahalaha duggaagga ah
Aan u diro su'aalee
Arrin kale ku soo durug:

Dumi dawladdaadii
Ha danayn dadkaagana
Dubo maatidaadoo
Daarihiyo hantida boob
Dakad iyo dariiq goo
Duullimaadku yuu kicin
Dugsi yaan ardadi tagin
Dersi kii dhigaayiyo
Diktoorada ugaadhsoo
Culimadana dabar goo
Dagmo yay dagmo u kicin
Dareensii qabiilkana
Duullaanno kicin iyo
Mid dab shidaya mooyee
Danwadaagba yay noqon
Diiratana ku si daa
Sida ayaxa soo daga
Adiguna dabbaalnimo
Dabaq dabaqa dul fuuliyo
Dhiso daaro waaweyn
Dahab iyo xariir dhigo
Darajiyo xil aan jirin
Nacasnimo dingiigsiga
Dilaanimo ku faanoo
Dadqalnimo kucaan noqo
Ma dan baa ma doowbaa ?
Ma dabeecad aadmaa?
Mise waa derdereniyo
Ficil doqonku leeyahay?

Haddii ay dillaalnimo
Dabadhilif inaad tahay
Damiirlaawe saaqida
Dadkii kugu naceenoo
Ay kuuba dayrsheen
Digdig beena iyo xoog
Doolar been-abuuriyo
Ma inaad duqeeysood
Dabbaabaad ku kicisood
Daldashaa wax-garadkiyo
Dirqin baad ku maamuli
Dareenkaagu waa see?!

Dooddaana daabacan
Darka wali kamaan bixin
Kama daalin maansada
Daaqadaha anoo furi
Haddaan hoos u daadego
Daymo kale aan eegee
Arrin kale ku soo durug:

Nimanyahaw dubaakhiyo
Dareenkeenna nololeed
Duruufahan na haystaa
Dadkeenuna u badan yahay
Waa mid lagu daliilyoon
Darxumadu u hooy tahay
Diiftiyo dhibaatadu
Dusha ay u sudhantahay
Haba kala darnaatee
Dabku waa ku shidan yahay
Maalintii la kala diday
Dabayshii colaadeed
Dagalkeena saaqdee
Qof waliba dariiq maray
Intii damug ku noqotee
Lagu duugay ciiddiyo
Duulkii qabriga galay
Rabbi daarti aakhiro
Janno howgu deeqee
Iyagu way kudaayeen .

Dadkii galay qoxootiga
Dal shisheeye magansaday
Ducfi iyo darxumo iyo
Diihaal dhib iyo oon
Dawarsiga aduunyada
Daasad garawa loo keen
Dayr lagu afmeeriyo
Dushaa laga ilaashaa
Dibindaabyaadaasay
Dar Ilaah ku noolyiin.

Intii daqaqantee timid
Dibadaha aduunyada
Iyaguna ma doorshaan
Diiftan way wadaagaan
Dumarkiyo raggoodii
Danbaa kala kaxaysoo
Is dugaashiigii ma le
Ubadkii daryeel waa
Dayac noqotay diintii
Doorsan dhaqankii waa jiray
Hidihii dulloowyoo
Dadnimiyo qabkii ma leh
Dabci aad la yaabtiyo
Duul xiimayaa yimi
Oo ceeb la dilisleyn
Muran aan damayn iyo
Kala diridda qoyskiyo
Dalqad aan dhammaaneyn
Dhagtu ragey u durantahay
Arrin laga diqoodoo
Lagu diimayaa badan.

Waxaa taa ka sii daran
Markuu xaalku doorsomo
Doodduna ay kulushahay
Marwadaa ka diiqoo
Duqdaa reerka maamuli
Haduu odaygu diirana
Durba boolis baa iman
Dabadeedna waa soco
Intaan xabsi laguu dirin
Dood iyo wax sheeg iyo
Dibnahana ha kala furin.

Dooddaana daabacan
Darka wali kamaan bixin
Kama daalin maansada
Daaqadaha anoo furi
Haddaan hoos u daadego
Arrin kale ku soo durug:

Daa'im baa ku mahad lehe
Deegaannadeenniyo
Dalku waa barwaaaqoo
Wabiyada durdurayiyo
Dahabkaa dhex-jiifoo
Dheemankaa dul-yaalloo
Dalagga iyo beeraha
Batroolkaa dimdimayee
Danwadaag heshiisaa
Deeqdiisa maashee
May doobke qaataan
Oo dibiga kacayiyo
Lo' daa cuni dareemada
Daaqsin adhiga geeyaan
Baddaa dacalka dheeree
Rabbigay ku deeqana
Doonyo intay kaxaystaan
Ka dabtaan kalluunkoo
Daldashaan hantida taal !!.

Dammanidu ma fiicnee
Wali miyeey dareemeyn
Cimiladeenan dahabka ah
Ee qaboow wax dilayiyo
Duufaan wax dumiyiyo
Dabaylaha wax baabi 'in
Kulka daran lahaynee
Deeq ilaahay lagu helay
Nabad inay ku daaqaan
Mise oday dillaaliyo
Dabajoogga raaciyo
Danaystiyo mallaal iyo
Wax is dabamarsiin iyo
Shaydaan dariiqii
Agoontoo la dafo iyo
Baryadeey dan moodeen?!

Dooddaana daabacan
Darka wali kamaan bixin
Kama daalin maansada
Daaqadaha anoo furi
Haddaan hoos u daadego
Daa' im lagama quustee
Aan duco san iyo khayr
Markan soo dareeriyo:

Raboow dulliga naga qaad
Deeqahaaga Eeboow
Nagu sii wax darajaa
Soomaalina dayoowdoo
Daal bay u badantoo
Ku daandaantay nolashee
Allaw sii dadnimo iyo
Sharafkoodii doorraa
Dabayl nabada Eeboow
Daruurtii afgaradkee
Isu soo duwaysiyo
Same loo durbaan tumo.

Ummad aan is dilinoo
Is duggaashaneeysoo
Isku duuban gabigeed
Dantood garad aan noqonnee
Alloow dami colaadaha
Oo nabadda noo door
Dowladnimaa wanaag lehe
Dushoo calan ka muuqdiyo
Damaashaadka loo kaco
Ubax loo daleeyaa
Farxad aan dilaacnaa !!.

Alloow dayrtan maanta ah
Ay fitno dibbootaa
Kii waday ay dabartaa
Khayrkuna u soo dego
Xooluhu ay dararaan
Oon barwaaqo daaqnaa.

Alloow dayrtan maanta ah
Uu dulmigu suulaa
Diktaatoorku baaba'o
Danta-guud tixgelin iyo
Daacadnimadu badataa
Caddaaladna la doortaa.

Alloow dayrta maanta ah
Dabinnada gumeystiyo
Diredire aan fahannaa
Dibrinnaa ka noo daran
Doorkeennu dhiidhiyo
Daafacuna adkaadaa.

Alloow dayrta maanta ah
Dibindaabyo gaaliyo
Waxay nagu dirqinayaan
Aan shartooda diidnaa
Daliilkii rasuulkiyo (NNKH)
Xaqu dowga uu yahay
Diintana aan raacnaa
Jahli aanu duugnaa
Cilmigana daneynaa
Kuwa noo dubnaxayoo
Daadihiya maatiyo
Indheergarad la duubaa.


Aaamiin Aaamiin Aamiin

Mowliid Xasan Curjin
Curjin2003@yahoo.ca
Edmenton, Canada

Faafin: SomaliTalk.com | August 11, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD