SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cabdi-weli Cilmi
Chicago, USA
Afmas91@hotmail.com



Cabdi-weli Cilmi

 Duggaal


W.T: Cabdi-weli Cilmi
Chicago, USA


Maansadan la magacbaxday Duggaal waxaa curiyay Abwaan Cabdi-Weli Seed Cilmi oo ku nool magaalada Chicaco ee carriga Maraykanka. Duggaal oo ah maansadii 24aad ee silsilad-suugaaneedda Doodwanaag waxay taxanaha maansooyinka ku soo biirtay 25kii Oktoobar 2004-ta.

Maansada Duggaal waxay tilmaamaysaa sida loogu baahanyahay in ay ummadda soomaaliyeed isku kalsoonaato, kuna kalsoonaato dhulkeeda dihin iyo khayraadkiisa. Waxay maansadu ka dayrisay damiir la'aanta Dagaal-oogeyaasha iyo diimoonaantooda, waxayna guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay ka feejignaadaan dibindaabyada cadowga iyo dagaallada sokeeye, kana durkaan qabyaaladda iyagoo badbaado iyo dawo ka raadinaya Diinta Alle.


Dibnahayga waxa furay
Deellay ku soo duway
Doodwanaag u door biday
Diintay dugsanayaan
Daacad weeye ururkuye
Dadkooday dalbanayaan
Durbaan bay u tumayaan
Dayr bay u ooteen
Dugaaggana yur bay oran.

Dadku hay dhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla doneen.

Dalbataye naftaydii
Dooggaan hillaacay
Dugsataa habeenkii
Diirsataa dharaartii
Daawee naftaadoo
Xumahana ka daayoo
Qabiilkana ka durugoo
Dabiibkaagu waa diin
Kutubada ka daalaco.

Dadku hay dhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla dooneen.

Dadkii gaajaa dubatoo
Dubkoodii jarjaratoo
Dariiqyaday ku daataan
Dullinnimo is-dabataal
Dalanbaabi iyo cayr
Dibjirnamada qaangaar
Da'dii waagii dhalataa
Dalbanaya qabiilkoo
Daadinaaya miinada

Dadku hay dhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla dooneen

Dadka yaa xukumi kara ?
Dumarkana xafidi kara ?
Daadahaynta ubadkiyo
Yaa diinta bari kara ?
Duqay wada ciroola ah
Daryeel yaa u fidin kara ?
Daahir-daacad yaa noqon
Dulmigana aan doonayn?
Dibbaa loo xisaabtamin
Dareenkiisa yaa gelin?!.

Dadku haydhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla dooneen.

Deeq gaala doonow
Dawarsade danbiilwayn
Doqon moogganow toos
Dalku waa bal dihinyahay
Dooggaa ka soo baxa
Dahabkaa ku hoos jira
Dabaq hoos usii dhaaf
Dakhar wayna gaarsii
Saliiddaa daf soo oran.

Dadku hay dhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla dooneen.

Dalab dalab u kala qaad
Deriskaa deryeel mudan
Diin aad wadaagtaan
Deeq baad u siisaa
Ama waa bal daynoo
Dib bay kuugu keenaan
Doonyaha ku qaadoo
Dalshisheeye noo gee
Doollarkana ka soo guro
Dayso raasumaalkana.

Dadku hay dhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla dooneen

Duf ku baxa duq-baas iyo
Dab-shidoow dhammaantiin
Duunyo waad ka darantiin
Iyadaaba daaqdoo
Dareemaaysa cadowgiyo
Daajiyaha daneed wada
Idinkuna duggaal iyo
Dawladnimaad ka doonteen
Damiir laawayaalow
Dib isugu noqdoo daya
Dayeerka Arab-mooy
Debinkuu idiin dhigay
Dawladaha u wada sheeg
Mana digigixootaan
Dareenkiinni wuu lummay!!.

Dadku hay dhegaysteen
Haysoo duggaaleen
Danta hayla dooneen.

Da'day waa danjirayaal
Ama waa danwadayaal
Dawladaha xukumayoo
Dalbanaaya taliskoo
Digtoonowda siiyoo
Daafacaaya cadowgiis
Anna waxan dugsanayaa
Damiirlaawe gaaloo
Dullaynaaya ubadkoo
Dumar iyo raggoodana
Dabka waa ku huriyaa
Dadaalkiisu waa dumin
Dab-hurshaa dantiis wada.

Dadku hay dhegaysteen
Hay soo duggaaleen
Danta hayla dooneen.

Dadan dawlad lagu sheeg
Danbas hoos ka nooloo
Duubcad lagu dirqinayoo
Duuduub ha loo liqo
Dadku yay dantood garan
Daymoon xumaan dadan
Diinteenna daahiran
Dariiqii rasuulkiyo (scw)
Dejinteenna xeer -dhaqan
Doc walbaba ka eegoo
Daallinkii bal gaalbaa
Dusha naga hoggaanshoo
Noo qora dastuurrada.

Dadku haydhegaysteen
Hay soo duggaaleen
Danta hayla dooneen.

Dibnahaygu khayr sheeg
Iyagoon ka daalayn
Rag baa iga dambeeyee
Waxaan dooddi uga baxay:
Dersi aad ka baratiyo
Dugsiguu ku geeyaa
Dadkuu kaa dufeeyaa
Dacar kaaga darannoo
Dibbaad uga shallaydaa
Duhur shalayto kaa tagay
Inaad daba ruclaysaa
Denbi kuugu filannoo
Daqiiqadda aad joogtaa
Daayin kaa caroodaa
Berritay ka daran tahay
Dibna kuu xisaabaa
Maantana danteenniyo
Dirka naga farcamayiyo
Durriyadda waxow roon
Inaan diinta barannoo
Dulmigana u diidnaa
Daacaddana u sheegnaa
Duqay iyo nin doorroon
Isku duubnideenniyo
Danaheenna gaarka ah
Daafaca adkaynaa
Cadow inna dullaalaa
Yuusan noo dardaar-warin
Deegaankaan ku noolnahay
Derbi yuusan kala dhigin
Derisyadana kala rarin
Dabinnada uu noo dhigo
Waa inaan dareennaa
Dagaallada sokeeyaha
Waa in layska daayaa
Dulinnimo qabiil iyo
Waxa uu daneeyaba
Waa in layska diidaa
Ama layska daadshaa
Dadka laga daweeyaa
Diinta lagu tallaalaa.

Dadku haydhegaysteen
Haysoo dugaaleen
Danta hayla doneen.

-----------------------------
Cabdi-weli Cilmi
Afmas91@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 1, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD