SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

W.T: Maxamd Bashiir Jaamac
Darevsjø, Norwey
Gumburi1885@yahoo.com


Dabiib
Curiye: Maxamed Bashiir Jaamac
Darevsjø, Norwey

Maansadan la magacbacday Dabiib waxaa curiyay Abwaan Maxamed Bashiir Jaamac oo deggan magaalada Darevsjø ee Waddanka Norwey. Dabiib waa maansadii 25aad ee silsiladda Doodwanaag, waxayna taxanaha maansooyinka ku soo biirtay 18kii Nofember 2004ta.

Maansada Dabiib waxay muujinaysaa sida ay dadku ugu daaleen dabhurinta iyo dagaallada sokeeye ayna diyaar ugu yihiin iscafin iyo isgarabsi, waloow ay jiraan dullaalo dhibaato -ku-naax ahi. Waxay maansadu tilmaantay walaaltinnimada aan gorgortanka galayn ee ka dhaxaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo sida uusan u kala maarmin. Ugu dambayntii wuxuu abwaanku dhambaal duco ah u dirayaa geesiyadii u soo halgamay, naftoodii qaaliga ahaydna u soo huray gobonnimada iyo sharafta ummaddooda.

Dabiib

Bismilaahi Duur iyo
Daahaan cuskanayaa
Alla doori sheydaan
Rabbiyow ha nagu dirin
Dadkaygaan ku faanaa
Dalkaygaan ku faanaa
Doodwanaag dabiib iyo
Wax qalbigu ku diirsado
Daweey noqotay aan hubo.

Doog rays ka baxay iyo
Ubax soo dillaaciyo
Waa degin barwaaqoo
Nabad lagu dakeeyoo
Lagu wada dalxiisiyo
Gole daacadnimo oo
Nin damiirli jecelyahay.

Marna daad rogmanayiyo
Qalab lagu dagaaloo
Geesiyadu ku diriraan
Duufaanno weeyaan
Dakhar iyo culaysloo
Darbaddeedu halis too
Dagaal-oogeyaashiyo
Damiir waxan lahayn iyo
Inta dufan ku noosha ah
Denbiilahana wow nabar!.

Cibaarkii dareershiyo
Kuwa daabacaayana
Salaan baan udirayaa
Derejeyna mudanyiin.

Dabka nimanka shidayee
Didinaaya beelaha
Oo diiday nabaddana
Digniin baan u dirayaa
Dawankoodii baa ciyey!!

Dadkii way dareemeen
Dirirtiyo colaadaha
Digrii iyo aqoonbaa
Diiwaanno lagu qoray
Dibindaabyo iyo been
Waa laga dareeroo
Dantaa door la bidayoo
Dulli wayska tuurroo
Dadkayagi heshiisbaa
Derin loo firaashoo
Daannadii la kala qabay
Ducaa laysku dhaafsaday.

Doodwanaag dabiib iyo
Wax qalbigu ku diirsado
Daweey noqotay aan hubo.

Dadkii way ogaadeen
Diintaa islaamkiyo
Dirka faraca dhalashiyo
Inay diir wadaagaan
Oonay kala durkaynoo
Walaalnimadu dahab tahay
Deegaanna kala xirin
Hadalkaana daabaca
Qalbigana ha lagu duro.

Ma nin diiddan baa jira
Inaan dowlad noqonnoo
Maatida daryeelnoo
Duul jira ahaannoo
Qayrkeen la daaqnoo
Duni sharaf ku joognoo
Qarankeennu doogsado?!

Ma nin dooni baa jira
Dibad inaan ku waarnoo
Hadba meel u duul iyo
Doonyahan ku le'enniyo
Darxummooyinkii dhacay
Dawersiga ku faannoo
Doolli iyo wax baas iyo
Doofaar naloo qalo ?!

Mayee dooni maynee
Xaqii baa dillaacoo
Dogobkii baxaayiyo
Colaaddiiba damminnoo
Dugsiyada caruurtii
Waa loo dareershoo
Diintiyo culuuntaa
Deyr loo adkeeyee
Kaalaya dalxiisnee
Kaalaya dawaafnee
Damaashaad dadkaygow
Damaashaad dalkaygow.

Doodwanaag dabiibiyo
Wax qalbigu ku diirsado
Daweey noqotay aan hubo.

Digta iyo durbaankiyo
Dabbaaldegidda teennaa
Duni ruuxi joogaa
Waa daawanayaa
Anna doodda sheekada
Waxa aan u dirayaa
Nimankii dadaalee
Dullinnimo gumaystiyo
Diiday heeryo nacaboo
Geerida ka doorbiday.

Gaalada dirayska leh
Sayidkii la diriroow
Waxay dummin qabyaaladi
Suldaankii ka digayow
Duhur Shiikh la toogtiyo
Doorkii Bashiiroow
Da’ yartii Es Waay Eel(SYL)
Duqowdii halgamayow
Afqallooc darbaday iyo
Halyeeyadan dabcaynow
Idiin barinnay Daa'ime
Dacallada firdowsaad
Jannadii durduurtoo
Ducaan soo hibaynee
Doodwanaag ku diirsada.

Dabbaal lagu adeegtiyo
Danta guud mid aan rabin
Doqon dabin ma garato ah
Dullaal haba badnaadee
In dardaaranakiinnii
Dayac aanu galinoo
Wax dabayli qaaddiyo
Daadraac ka waynyahay
Diiwaanna lagu qoray
Qarniyaal la daalacan
Daafaciina wali jiro
Daliilkeeda weeyee
Dacallada firdowsaad
Jannadii durduurtoo
Ducaan soo hibaynee
Doodwanaag ku diirsada.

---------------------------------
Ilaah ha u naxiisto intii u soo halgantay ee naftoodii, maalkoodii iyo waqtigoodiiba u hurtay sidii ay dhaxal aad u qaali ah ummadooda ugu dhaafi lahaayeen.

AAMIIN.

W.T: Maxamd Bashiir Jaamac
Darevsjø, Norwey
Gumburi1885@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 15, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD