SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Curiye C/salaam Cismaan X. Cige (Cige)
Cigge77@hotmail.com


 Distuur
Curiye ; C/salaam Cismaan X. Cige (Cige)
Manchester, UK

Maansadan la magacbacaday Distuur, waxaa curiyay Abwaan C/salaam Cismaan X.Cige, oo ku nool magaalada Manchester ee waddanka Ingiriiska. Waa Maansadii 26aad ee Silsilad-suugaaneedda Doodwanaag, waxayna taxanaha maansooyinka ku soo biirtay 25kii Nofeembar 2004.

Maansada Distuur, wuxuu Abwaanku ku soo bandhigayaa aragtidiisa ku wajahan Sooyaalka dhibaatooyinka iyo musiibooyimka haysta ummadda, bar-biloowgoodii iyo waxayaabaha loo aanaynayaba. Maansadu waxay xusaysaa marxalado kala duwan oo taariikheed, iyadoo farta ku fiiqaysa marba halkii ay wax khaldanaayeen.

Abwaanku wuxuu waano iyo talo u soo jeedinayaa shacbi waynaha soomaaliyeed oo uu kula dardaarmayo; in ay u soo noqdaan Alle- waynihii abuuray oo ay yeelaan wixii uu faray, wixii uu ka reebayna ay iska fogeeyaan, taasoo ah tan badbaadadooda aduun iyo tooda aakharaba ay ku jirto. Wuxuu sidoo kale Eebbe ka baryayaa inuu musiibadan ummadda ka dulqaado isagay awooddiisa tahaye.


Daa'inow Allahayow
Dan kastoo aan leennahay
Waa daruuri magacaa
Inaan deyr ka dhigannoo
Darka lagu askumo oo
Dawlis lagu bilaabo e
Bismillah daa’in guullow

Dibnahaan ku hadalliyo
Maskax garasho duubtiyo
Caqliga duunyo tabaysiyo
Sanqaroor dabayshiyo
Neefta laga dur-duurtiyo
Carrab dhadhan dacaamshiyo
Dhego dahabku gudin iyo
Daymada indhaha iyo
Nimcadaan isdabadhigay
Iyo qaar kaloo dadan
Eebbahay madaalow
Adaa noogu deeqoon
Digri mahada kuu niqi.

Rabbow! uma diyaar ihi
Darajiyo wanaaggaa
Inaan duul ku maagoo
Daa’iro ku booboo
Ku duudsiyo xaqoodoo
Dulmi ugu adeego e
Waxaan deeqsi Mawlow
Maanta kaa durraantoo
Debadda ugu soo baxay
Ducadaada weeyoo
Dalab baan sidaayoo
Ummad darraw1 haleeloo
Daadduunshay silicoo
Aan la diidi karinbaa
Hiil iga dayeysoo
Ergo ii dirsanaysoo
Dood baa isu gaysee
Rabbi daa’in mowlow
Deebaaq haduu yahay
Xaqa inaan dillaacshoo
Aanan dedin wax daahira
Anigaw diyaaree
Adiguna maddaalow
Sida dawgu yahay iyo
Dabuub toosan igu beeg.

Rabbi daa'in Mowlow
Haddii weedha dalab iyo
Deelqaaf ku jiro oo
Dadka qaar u qaataan
Inaan ula dan leeyahay
Wanaag doonistii baa
Dariiqaa i mariyaye
Danbidhaaf Allahayow
Ayaan kaa dalbanayaa.

Afartaa dabuub guud
Arar dadabteed weeyee
Aan Doodwanaag iyo
Shaxda goob far-daarkee
Rag ku dooddamaayee
Ruuxii ilduufana
Dawdaba irmaan iyo
Jare lagu dal-dalayoo
Aan dib loogu celinayn
Aan dego godkaygoo
Badda dacalladeediyo
Durdur aan go’ayn iyo
Aan deexdo sidi wabi.

Inkastoo da’dii gabay
Muddo aanan dayinoo
Inaan dawray2 lay qabay
Damcigaasi igu yidhi
Mar haduu dadkaagii
Yahay dhagaxdixeed iyo
Didib aan la karinoo
Samuhuba ka deginoo
Aan danaynin waanada
Dirqinta iyo maansadu
Makaa hadal dirraminbaa?

Markii uu dubaaqay
Weedhahan daliilsaday
Naftaa dood ka celisoo
Igu tidhi nin dudayow
Sowdigan danbeedshee
Darajadi laguu qabay
Dayacay kas gaabow


Armaad darawalkii bari
Lamid tahay intuu Doon
Ay duunyo iyo maal
Daafaha ka joogaan
Dadna uu rakaab saday
Dekadduu ka bixi jiray
Duhur kala boqoolee
Intuu diiradda u rogay
Badda dacal u saaree
Waxay sii dakaysoo
Maanyada56 dul-maaxdoo
Hadba hirar darbaysaba
Markii shaaci damayee
Ay dam tidhi cadceediye
Xidigihii badh daateen
Ay dabaylo xoog liyo
Duufaan heleenoo
Mawjado isduuboo
Darandoorri socodihi
Doontii haleeleen
Dawakh sow ma dhicinoo
Darbaalki3 hawada iyo
Deebaanigi4 ma goynoo
Ma ay jabinin dakhalkii5.

Markay xaajo durugtee
Dadki yoobsadeenee
Hadba doc ay u guulmeen
Dadaal bay ka tahayoo
Dawuu raadinaayee
Naakhuudihi ma diginoo
Sow dadkii kumuu odhan
Doontu caari weeyoo
Waa delidhac xaal kuye
Ruux wallow deg booskaa !

Dadka jaha-wareer iyo
Geeribaa dul joogtee
Cidna hadalki kuma duxin
Sow darawalkii cadho
Lama duukhin halisoo
Mar hadaan dar 6 yohow jaan
Kuu daloolin maqal kuba
Ka dabaashay aniguye
Isdabbara ma uu odhan !

Waxay tiri nin dudayow
Darmaan sabi carruuroo
Duleed sabada joogoo
Intuu hore u daqaqamay
Digo raran ah hoostoo
Danbas guudka uga eeg
Doonaya inuu galo
Deg-deg qabasho mooyee
Wuu i diiday ma afbaa?

Waxay tiri nin dudayoy
Ruux daymihii arag
Dam yihiin indhuhuyoo
Dogob lagu kufaayiyo
Dabin uu gondihi yaal
Ka duw hadimmo mooyee
Ma la daawan karayaa?!

Tusaalooyin dooroo
Duluc iyo muhiim laa
Naftii igula daashoo
Aniguna dadaal iyo
Wax sheeg daysan maayoo
Dadkan hooggu haystee
Nacab diirnax laga jiray
Ay u dalab riteenee
Hayin aan didayn iyo
Wada biyo ma daadshe a
Kuma daawanaayee!!!
Bal in ay dareemaan
Ama kaahu daaraba
Dogob oog ah aan shido.

Caku yey dadkaygow
Damqashiyo xanuun iyo
Doog iyo lur badanaa
Sidee duul fayow oo
Inta daa’in khaalaqay
Ugu darajo mudanoo
Dirkii aadan gala oo
Dunidaan ku noollahay
Xilkeed duudka saaroo
Ogow dayactir keeduna
Dummaddooda yahayoo
Degta saartay waa hore
U falaan wax duunyiyo
Dugaagguna samayn oo
Duurjoog ka dhiidhiyo
Inay dugaxda laayaan
Ay dubtaan carruurtood
Dumarkood bireeyaan
Dooxaan walaalkood
Dab sudhaan rugtoodii
Waa hal aan damiirkiyo
Kas wax-garada deeqino
Duun7 kayga gubayee
Dadku suu u qaayibay??

Afartaa hore u diray
Waxaan uga dan leeyahay
Nin waliba daqiiqado
Ha la shawro damicii
Dareer8 kiisa kaalmeed
Dawgiisu wuxu yahay
Xilkan doqon-magarato ah
Ha dareemo garashadi.

Afar kalena dooddiyo
Halkay daarantahay iyo
Dareenkaygu sidu qabo
Aan dooxe iga maqal :

Ninki hadal dudubiyiyo
Kii deeyr u yeelaba
Duxduun baa qormaysee
Waxaan anigu doorbiday
Dadku siday u dhuuxaan
U fahmaan dabuubtiyo
Dulucdiyo ujeeddada
Uguna daalin jiiftada
Shan inaan u kala duwo

Dadku maxaysu laayeen?
yaase diiddan nabaddii?
Isku duubni iyo kali
midkee dooyada u roon?
maxay tahay dawada guud?
Haddii aynu doognaba
Digniin waajib weeyee
yaynu dooran doonaa?


Dadku maxaysu laayeen
Waa jawaab dibnaha iyo
Durba hadal afkaw fudud
Dadku inay yidhaahdaan
Digtaatoor na laayiyo
Darxumaan nacaynoo
Xornimaan dalbaynoo
Diq buu reerku yaallaye
Dooggiyo barwaaqada
Dooxooyin baadkood
Dadku uu u simanyahay
Daaqood mubaax yahay
Dimuqraaddi lagu dhaqo
Degel rogashadoodaa
Duullaan colaad iyo
Loo galay dagaalkoo
Dabka loo adeegsaday.

Fakradaa dadkeen qabo
Ruux diiddan baan ahay
Dacwaddna waan ka leeyahay

Soomaalidu dunjiyo10 abid
Sharci lagu dabaaliyo
Distuur kala hagaajoo
Heer dawlo gaadhoo
Diiwaanno lagu qoray
Duug uma lahaan jirin
Daaqsatay ahayd oo
Deegaanno gaariyo
Beelay u dagaysoo
Xeerbeegti dooroo
Duubab ay unkeen bay
Ku dabberi jireenoo
Dadku uu ku noolaa.

Qabiil baa laysu dili jiray
Loo doonan jiray hiil
Loo daryeeli jiray ruux
Loo dooni jiray gabadh
Loogu deeqi jiray qolo
Loogu diidi jiray qoys
Diyo laysu siin jiray
Duudsi loo samay jiray
Marna la isku dayn jiray.

Dulcaddaagi gaalkiyo
Duulashii na haystiyo
Dawladihi na soo maray
Ma’ ay doorin waayihi.

Waxa taa daliil u ah
Doorashadi timaadaba
Inkastoo durbaan iyo
Inta daramal loo tumay
Xisbi loogu magac daray
Nin waliba duddadi11 buu
War I doorta yidhiyoo
Iga jira daleeshay
Ahayd doorka xaajadu.

Dariiqii horeetaa
Laga diiray shaadhkoo
Dirayskaa la eegtaye
Lama doorin camalkii
Digtoor iyo Sarkaal iyo
Duqay baarlamaan iyo
Dable iyo askariguba
Ku deg saami qolo boos.

Duruufihi na haystiyo
Dibindaabyadii iyo
Dadku wuxay tabaayeen
Urur dhaax daneeyoo.
Doorashada intuu galo
U dacwiya Shaqaalaha
Ama duunyo dhaqatiyo
Beeralay difaacoo
Dawadooda xoolaha
Dalaggoo la saacido
U damaanad qaadoo
Qaybtaa dareersada
Dadku maanay arag wali.

Qolo taa ka duwanoo
Tacliin door bidaayoo
Jahlibaa wax dumiyee
Duurka kii ku nool iyo
Kii magaalo degayaba
Dadku si’ ay aqoontiyo
U darsaan waxbarashada
Dugsigiyo iskuulkuba
Waa daruuri mahurtee
Aan diirad saaroo
Dabadeed hagaagnoo
Danaheenna gaadhnee
Soomaalay na doortay
Kuwo saa ku dooddiyo
Duulkaana may arag.

Dar kaloo akhyaaroo
Dhaqan galiya diintoo
Ku dabakha Quraankoo
Sunnihii daliilshoo
Nooga dhiga distuuroo
Dalka taa ku maamula
Duul kaana lama arag.

Iyadoo dadkii badi
Dib u liqay hankiiyoo
La dareemin shaygay
Gaalkii la diray iyo
Danabbada cusube yimi
Dubka midabka mooyee
Wax kalay isku doorshaan
Danyaruhu sidii wali
Duleeddada u jiifsado
Dumarkuna gurboodkii
Daryeel caafimaad iyo
Dhuuni ay la doonaan
Oo diin islaamkii
Dadku wali sidoodii
Ugu yare danaystaan
Oo duunyo dhaqatadu
Haba kuu danbaysee
Aan dadkii magaalada
Cidi wali dabba u shidin
Digtoonow askri loo
Dabcidii illaawiyo
Towrad doobyaysaa timi
Bulshaduna ma diidino
Ruux dirayskan wali qaba
Hore uma danqaabino
Doobi uu ka qubay iyo
Nimco uu ka daadshoo
Ka diiraanna ma ay jirin
Duniduna casriga jecel
Iyana doorarkii hore
Halla duugo qoladiyo
Danwadaag walaaliyo
Diiwaan galin afkeeniyo
Da’dii hore ka roonaan
wax la dooni karo fale.

Balose way danbaysoo
Iyagu dawladihi hore
Diintaba ma maagine
Tani dumisay qoyskii
Dumarkiyo ragguba siman
Duqa reerka geeridu
Haddii ay daguugtana
Dalmar iyo ugaasaba
Durriyaddiisa weeyee
Deleb dhaxalka loo rido
Isma doorshaan saamiga
Ayay qalin ku duugeen!

Meel diinta Eebahay
Lagu yare dalleensaday
Danabar lagama maalee
Sidii awr la dabarfuray
Dadkii ruuxba meel aad.

Degmo iyo ilaa gobol
Deked iyo ilaa waadh
Wasiirkeedi debeddiyo
Kii daakhil joogiyo
Dable iyo ilaa janan
Ninba xeelad ugu duul
Dam kasii wuxuu rabay
Sharcigii dalka u yiil
U dabakhay siduu rabay
Hadba duul ku naafee
Darka qaar ka weetee
Qolo kale dur-duur iyo
Dib rakaad kolba u mari.

Dulmi labo heshiis ku ah
Dirir kama maqnaato e
Mid daluunta hoosiyo
Isha yeelka darayoo
Tilmaan dawliskaan wadan
Wadaantii duwaayoo
Daasad aan ku shubahayn
Baadisooc dabeedkana
Loogaba danbeeynjiray
Wuxuu doorkaa yeeshoo
Daabaqad badh mariyoo
Dacallaha u gooyaba
Marki dayr la waayee
Ay diraaci timiyee
Din-dinkii biyaha iyo
Danbeeddadi gablooleen
Dantu seeto weeyoo
Xaqu dabar gar weeyee
Isagoo dingiigoo
Ka digtoonayn buul oo
Dallacaad sugaayaa
Waaran duulayaa yimi
Deg-deg xilka sootira
War ma loogu soo diray.

Garanwaayey darajadu
Waxay damac ku leedahay
Dulmigoo la naco iyo
Dadkoo loo adeego e
Haddii doorarkii hore
Carrab dalab leh uu jiray
Markan toosi deridii 12

Garanwaa dillaalladi
Wax is daba marinayiyo
Dam kuway ka siiyeen
Adaw dhuun dalooloo
Labadooda dooc oge
Markan daacadda u baydh.

Garanwaayey duulkeer
Dacdarradu 13 hadhaysee
Darayaysay baahiye
Qorrax aad ku dubateen
Maantana ha daginoo
Marlabaad ha dabargoyn
Mugga tali dantood uun.

Garanwaayey duumadan
Dawladii la jedentahay
Haku durin sunteediye
Dawo uga day meel kale.

Markii debedda uu yimi
Duub qabiil u soo xidhay
Durba gaar u toy toyay14
Dirsay shalay kuwuu rogay
Kuye duullan baan ahay
Dabataagan raadoo
Xaqii nalaga duudsiyey
Yaan doonistii ahay
In uu iga dammado oo
Aan daaho ma ogoli !

Daris iyo xigaalow
Mar hadduu gar-diid dhaco
Amlay daab la haystiyo
Waran baa jid doonee
Ninkii jiidh dubaaxshiyo
Dub dhanaan ku yaallow
Doqon baa hullaabtee
Ka dagaallan quudhsiga
Dirgo15 waajib weeyee.

Bulshadi dabinkan may garan
Dalqaf beeshu kuma odhan
Iyamaad dorraatiyo
Maanta daacad noo tahay?!

Dawdar cidi ma waydiin
Dakharka iyo qoontiyo
Dubaaqada lafaha jaban
Daadku beelo badan buu
Dooxada ku buuxshoo
Danab iyo hilaac iyo
Jibin16 daafadaysoo
Mugdigii dibjirayoo
Dacas17 nala wadaagaye
Dawan18 kaad ruxaysaa
Ma mid daylo hudi iyo
Geela aan danaynoo
Geeslaho19 u digayaa?

Gol-dalooladoodiyo
Intay doogtii dheehdeen
Qalbigii dillaanyoo
Dalqaf hadalki loo rixi
Ummaddii dagaal gali
Isna gaadh dantiisiyo
Ratigiisa deebluu
Rabay duhur wax kiciyee
Si aan dus-dus kiisiyo
Looga didin ujeeddada
Magac guudka dahab ka ah
Guntase daamur kaga yaal
Intuu dooxay wayshii
Dibigi ugu yeedh-yeedh
S- tii daanka kaga taag.

Labo diif wadaagoo
Diilalyada20 qaraabo ah
Danni lagu abuuryoo
Dibiro isu file oo
Iswanjale21 dulmanayaal
Isna dirirki cawleed22
U darooryay dhiigoo
Dooggii ka soo baxay
Danbiil harag abaydina
Ku dabool dhamaan oo
Galimaayo dirirta e
Dabadda ula dhoofyoo
Isagiyo dirkiisii
Meelaha la daawado
Dalxiis wada ahaadoo
ku dabaashe dheecaan.

Dooyaduna23 sidii bay
U dayaysantahayoo
Dadqal baa balleeyaye
Diric iyo wax-garadkii
Aano24 loo daldalayaa!


Doodi ila fogaataye
Aan soo dabaalee
Dig -dhawgii wax loo falay
Dulucdeedu waxay tahay
Dawgal badani waa jiray
Dira-dirana dhoob-dhoob
Danihiisa gaarka ah
Dun QABIIL u soo raac
Deebaaq u malabee
Balse damalki wuxu yidhi
Si kastaad daruur iyo
Deelayn u leedahay
Haddaan daabkay kugu jirin
Wallee gudin daboolay
Nabar iguma damaqdeen.

Afartaa darbeeyaye
Aan daleeyo qodobka ah
Yaa diidan nabaddii?

Waxan doonayn nabadii
Daydada25 biyaha badan
Marka dirirku hooree
Seermawaydo26 dihatee
Cuudku uu ku dararee
Loo culayo doobiga
Nin leh meesi27 dixidiyo
Daran uu cantuugiyo
Doomaarta28 cuninoo
Dureemiyo barwaaqada
Aan maal u daaqayn.

Daabaddiisu nimay tahay
Daahiyad ad-adagoo
Sida diinka cawskiyo
Aan dumaaga57 nicinoo
Ku dakaamin29 orodkoo
Mar dulaalo fuuloo
Ku dawaafa socodkoo
Marna dahab ka lula oo
Damaashaadka ciidaha
Ku dabbaaldegaayoo
Marna daynsha qaaroo
Deebaaji qaatoo
Ku dabbara masruufkoo
Marna qori dulsaaroo
Ku daabbula rasaastoo
Marna sidii damaankiyo
Daabaxa u dhoofshoo
Doollar lacaga dhaafsada
Danti sidan nin moodoo
Doorbidaya omoskoo
Dalandool aroorkiyo
Dabandeeb ka guulkiyo
Aan danaynayn waayaha
Dunqaaradu30 ku sugantahay
Degmaduna sidaa wali
In ay ugu ducaysoo
Ugu dooddanaatoo
Diric loo yaqaannoo
Ay difaacdo mooyee
Ka diimoontay xumihii !.

Afartaa darbeeyaye
Aan daleeyo qodobka ah
Isku duubni iyo kali
Dadka kee u doorroon

Dabadheer abaaroo
Danbasame31 lawaayaa
Doob iyo walaalkii
Geel daransad geeyeen
Baarqab waayo dooloo
Uu lahaa ducaaloo
Guyaal da’ furraayoo
Debed meer ahaa baa
Isagoo dawaaddiyo
Isku duugay dhabiyoo
Dixil-qooq u muuqdoo
Doob jibin la moodana
Ka diryaaminaayuu
geelii daf soo yidhi.

Ba’nanki saw ma kala didin
Rimay qaar ma darayayn
Igadh doob ku leeyahay
Doobbada makala goyn.

Sow doobki muu odhan
Ratigaa ducaalow
Mar hadduu dardaray webi
Barritana dur-duradii
Dumadayda weeyee
Dibindaabyo igu filan
Doonkay32 asiibtaye
Digta waaga subaxdii
Inoo kala duw gaanaha.

Ducaalaa jawaab yidhi
Awrku geela kala didi
Daannadana33 wada yeel
Anba dayr-cadkaygii
Qaarbaa dibboodaye
Haddaan dawgal kale jirin
Geela maysu daynaa?

Wuxuu taana dabadhigay
Iyadoo dareertoo
Balli docol ku taalliyo
Daaqaysa malafoo34
Nirgo wada dunuunuci
Dugsi ay u jiifaan
Daartaan ku noolahay
Damac lagama waayee
Haddii duullan qaar ihi
Dabro35 weerar galiyaan
Dhalinyaro darraystoo36
Danbarkeed ku ababoo
Aan lahan dagaalkoo
Isku duuban taladaa
Debec guluf ka dhicin kara
Ceelkana ka diri kara.

Ducaale hadalki sii waday
Doc kaleeto falanqee
Waydii su’aal daran
Wuxu yidhi; nin doorkii
Aannu daradhig37 maadhiyo
Darar nalagu habay iyo
Deddadiyo38 qabowgiyo
Dihashada wadaagnow
Diiriyow ratigakani
Hadduu daribka dhigay igadh
Gibil dalad la moodiyo
Ha dan-daansho aqalkee
Doh dheh oo dhufaanoo
Ku dar rarayda qoyskiyo
Dabarkuna xal weeyee
Kala sooc ma dow baa?

Ducaaloo an gaagixin
Dulmar hadal sarbeeboo
Dayoo gacalle buu yidhi :
Waa baa digtoor kuray
Xubin gale dulbaax29 tiray
Dawo inuu ka siiyiyo
Ka cod saday dabiib keed
Wuxu yidhi digtoorkii
Lugtu dayro weeyoo
Inta kalay ku daarane
Doobir40 lawga aan kuro

Daymoo yarkii hoos
Docohoo dhan wada eeg
Aabihii ma digigixan
Hooyadii ma diir-nixin
Dabeeb maleh sokeeyihi
Deriskuna dhib uma arag
Wiil darmaan ah mooyee!

Muddo doora dabadeed
Digtoorkii su’aalyoo
Kuye duubis kabin iyo
Duugis iyo baxnaaniyo
Dufan baan filaayee
Ma ogtahay digtoorow
Amlaydan diyaarka ah
Haddii aad dareemiyo
Igu goyso duubiga
Daa’uusku garab maqan
Dheehashadi ma doogtee
Inaan dalandal socod iyo
Durduro iyo orod iyo
Laafyood is daynoo
Dooddi 41 layga badinkaro
La dahnahay awood li’i ?!


Afartaa darbeeyaye
Hada maqal Dabuub42 kale
Dafac faraska kaa gala
Haka gubin darmaan ugub
Ha takoorin dacardhiig
Ruux diiran guudkow
Ha u galin dakano Saqaf
Asal faraca ha u durin
Nin damaaci kugu wada
Falki dokhaa yuu rabin
Dibindaabyo kooxeed
Hawla dhicin dubbaha wadar
Daliig cadawgu kugu dhigay
Dildilihi ha qiimayn!

Ogsoonow dundumadaba
Aboor wadar ku daadihi
Daayeerku kooxuu
U doontaa qudhaabsiga
Shinni kala danbayn bay
Boqorka ula duushaa
Da’da dhalata Yayduna
Inta duusha mooyee
Daryeel gaadh mid baw hadha
Dinaahyeynta Aarkana
Dudashada waraabuhu
Diigaanyada ku quusdhabi !!

Haddaan loolka duurka ah
Lagu duubin jilay oo
Tiro la isku darin badan
Aqal laba - deryaale ah
Ma xejeen dulsaarkii!
Dawliskii likowli i
Kuma doojo jiilaal
Usha diirku xoog buu
Dadab ugu yehee garo!.

Aan dooxo qodobkoo
Daalacad far waawayn
Khadka qalinka aan daro
Dadka ha u bidhaantee

Maraykanku dal weeyaan
Darbigeedi Baarliin
Jarmal dummiyey bari hore
Yurub fidisay deyrkii
Afrikaa dummaysoo
Carab wali ma damac jabin
Dekeddeeda Taylaan
Shiinuhu dabaabaad
Diyaarado ku soo kici
Diraal43 Kuuriyaa maqan
Deeley abwaanliyo
Darwiish iyo wax-garadow
Dhanka dooga loo fili
Miyaan daba martaynaa?

Afartaa darbeeyaye
Aan daleeyo qodobka ah
Maxay tahay dawada guud?

Waxay tahay dawada guud
Dimuqraaddi lagu eeg
Dacar baana uu dhalay
Shuuciyad la daadihi
Danbiyo cidhib xun laga dhaxal
Duunkiyeel44 la muunee
Magaydadi dawaar mari
Dimcad inagu meegaar
Dagaal-ooge loo rixi
Waabeeyo noo door
Digta dhaafi noolihi
Dukum-daakum xaal noqoy !!


Sooyaalka duugga ah
Hadaynaan dafirahayn
Runtii doocin45 teeduna
Debecsani tilmaamayn
Docdan kale ma dhugannaa
Da' mara ma dhawrraa
Firka daawad noo dhalo?

Dulucdiyo ujeedada
Daaha aan ka qaadee
Bal su’aal ku soo durug
Qalbigana u sii daa
Dirri lama biyeeyee:

Ma dareen santahay shay
In uu jiro distuuroo
Ruux dunidan soo maray
Ama daahir maanta ah
Duud kaaga xigin oday.

Ma dareen santahay shay
In uu jiro distuuroo
Marki uu ma-ddaaluhu
Aadan dunida keenee
Dhulka darin ka dhigayee
Cirka uu daleeyee
Dur-durada ku qoofalay
Uu doonay lagu dhaqo.

Ma dareensantahay shay
In uu jiro distuuroo
Duf- kubexe Fircoon iyo
Ka warqaba dajaal oo
Daaquuddo weeyee
Midna kaaga digayoo
Dulalaati46 kaa hiri
Midna kuugu duurxuli
Dunuubtuu sameyn jiray
Adiguna ha dalaq odhan.

Ma dareensantahay shay
In uu jiro distuuroo
Dhibkan aan la diidniyo
Dalanbaabigeenniyo
Daleeshaynu naalliyo
Daliigtaan ku sugannahay
Beelo dulin ku helayoo
Innagaba darraayoo
Dhaqan xumo daraaddeed
Dulmar iyo gurboodkood
Nolol duugi jirayoo
Koodii diciifana
Dago-goys47 ahaayoo
Duul kale lahaayeen
Daruuraha kormariyoo
Ka dhigay dayaxa aadmiga.

Ma dareensantahay shay
In uu jiro distuuroo
Doorarkiisa waa wayn
Darkeen mooganaynoo
Diiwaan la baahshiyo
Duruus kaaga baahnay.

Ma dareensantahay shay
In uu jiro distuur aan
Ruux u doonanaanayn
Qaarna daafadaynayn
Ku dusaan-dus bari ka ah
Dulku-neefle hodi karin
Xagal daacna laga jiray.

Sharcigani dadkaygow
Hadduu doorin karo xume
Dar-dar samaha gelin karo
Dar walaal kadhigi karo
Danwadaag alkumi karo
Fursad ma u yar daynaa???

Afartaa darbeeyaye
Aan daleeyo qodobka ah
Hadii aynu doognaba
Digniin waajib weeyee
Yaynu dooran doonnaa?

Waxaan dooranaynaa
Mid aan shalay wax naga dilin
Aan dorraad na aafayn
Waxaan dooranaynaa
Ninkii diinta Eebehay
Deelkeeda nagu dhaqa
Waxaan dooranaynaa
Mid dantiisa gaarka ah
Dalka aan ka hore marin
Waxaan dooranaynaa
Xeer buug ku daabacan
Nin uu duhur xukumi karo
Waxaan dooranaynaa
Nin ammaano daaye ah
Daacad aan wax khaayimin
Waxaan dooranaynaa
Nin caddaalad doorbida
Xukunkana u qaba dayn !!

Waxaan dooranaynaa
Dadku nimuu u kala xigo
Sida dawgu uu yahay
Waxaan dooranaynaa
Nin aqoon u daban tahay
Dunidana warkeed qaba
Waxaan dooranaynaa
Nin ay taladu dooxiyo
Ay u tahay jad48 lagu dego
Waxaan dooranaynaa
Dun-wanaag samaan iyo
Nin akhlaaq ku daahira
Naxariis u debed-baxay
Kaadsi iyo dulqaad badan
Deeqsi fiiro gaara leh.

Afartaa daleeyaye
Inta aanan ducadiyo
Gabagabada daakhilin
Hadal dayro noqon kara
Runta daris wadaagaan
Aan ku daro intaan idhi

Inta aan wadduur iyo
Daariyaad la hawl gelin
Dubad49 yahay wax-garadkii
Doorashadu qabiil tahay
Xilka dayday lagu rabo
Garta darayga50 lagu qaban
Maxkamadu duleed tahay
Dingaxduna bannaan taal
Mudducigu dulmilow yahay
Muddaacigu ka daran yahay
Xaakimkuna dagaar51 iyo
Uu dusaaga52 caabudo
Dibqalooc sokeeyiyo
Lagu daayo gacalnimo
Doobir iyo ayaan iyo
Deeq Eebbe mooyee
Dayraa mooradii53 galay
Ximraa54 faalki dalaq yidhi
Degina mayso aragtiday !!!!!

Afartaa daleeyaye
Aan dabaalo maansada
Quuddarrayna55 weheshado

Eebbahay ma-daalow
Waxaad adigu doontaa
Ka hagaaga dunidee
Dumarkiyo carruurtiyo
Duqowdiyo saboolkii
Duunyiyo ugaadhii
Dalagga iyo beerihi
Daannaa haleeshoo
Xukun maamul dawliya
Waa loo darsadayoo
Dawarsigi shisheeyaha
Isna waa ku daalloo
Meel gacal ma daya aa
Daahii ka qaadmoo
Ceeb baa dabadda taalee
Rabigayow dalkaygii
Kuway duufsadeen iyo
Dabadhilifka gaaladu
Intaynan darmada dhigan
Digrigii la’ iimayn
Dugaxday la dhalan rogin
Inta daakhil joogtaa
Diilalyada ha reebtoo
Dallow qaarkan iga maqan
Dib ha loogu celiyee
Rabbi daahi noo curi
Dadku aanay kala xigin!


Amiin Amiin Amiin.
Curiye C/salaam Cismaan X. Cige (Cige)
Cigge77@hotmail.com


Fududaynta qaar kamida Erayada jiiftada kujira

1- Darraw, Darrow(ga) = hoog; inkaar; silic; belaayo; iwm.
2- Dowray, Dowrid(da) = (ceel) biyo ka gudhid; engeg; kagguur noqosho; goof.
3- Darbaalkii, Dabaal(ka) = shiraac.
4- Deebaanigi, deebaani(da) = Xarig doonyaad isu haya faarmaanka docdiisa midig iyo doonida.
5- Dakhalkii, Dakhal(ka) = tiir deer oo qori ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago.

6- Dar, Dar(ka) = (halkan waxay ugu jirtaa,) dad; duul.
7 –Duun, Duun(ka) = laf; naf ( laftayda; naftayda)
8 – Dareer, Dareer(ka) = ( halkan wuxuu ugu jiraa) saf; fayl; kuyuu, marka xoolaha laga waraabinayo ceelasha aan shubaasha ahayn ee wadaanta ninba ninka kuxiga uu u gudbinayo iyagoo isdaba taag taagan, ayaa dareer layidhahdaa.

9 – Diq, Diq(da) = geedaha ka soo baxa dhul aan ugbaad ahayn,
10 – Dunji, Dunji(ga) = dhammi; giddi.
11 – Duddadi, Duddo(da) = cid meel wada degen, beel degmo.
12 - Deridii, Deri(da) = dhiico, godnaansho sida dhabarka dadka ama fardaha; amaba laamaha dhirta.
13 - Dacdarradu, Dacdarra(da) = Rafaad iyo sixun u noolaansho (ka yimi hagar iyo isku ladid.)
14- Toy toyay,, Toyasha(da) = Haybsasho.
15 - Dirgo, Dirgasha(da) = nuuxnuuxsi; dhaqdhaqaaq.
16 - Jibin, Jibin(ta) = Dhawaaq wayn oo lamaqlo ( “laguna sheego wax hawada ka soodhacay oo qarxay markuu cimiladeena soo gaadhay”.)

17- Dacas(ka), Dacas = Rafaad; dhib; dandarro (2 kabo korka ka furan).
18- Dawan, Dawan(ka) = Koor badanaa bir ka samaysan, oo fardaha qoorta loogu xidho. ( marmarna xafiisyada iyo dugsiyada ladhigo oo laysugu baaqo.

19- Geeslaho, geeslaha(da) = Lo’da iyo riyaha.
20- Diilalyada, Diilalyo = Dhaxan daran; qadhqadhyo; gabayoox; gabaddano ama roob keeno.
21- wanjale, Wanjalid(da) = “shirqoolid dil wehesho”.
22- dirirki cawleed, Dirir(ka) cawl = Xilli roobeed, (3dirir xilli roobeed ee waa wayn mid kamid ah) Dirirka laftiisu waa XIDIG if wayn oo naafaha ugu danbeeya; wuxuuna u dhexeeyaa dirirday iyo garbo.

23- Dooyaduna, Dooyo = Col isku duuban; duul; dad. 2 Cawska jaad/nooc kamid ah.
24- Aano, Aana(da) = Godob; Utun; Dakano;Gashi;Asaaye.
25- Dayda(da), Daydo = Xilli roobeed, (3dirir xilli roobeed ee waa wayn mid kamid ah.)
26- Seermawaydo, = Xilli roobeed, (3dirir xilli roobeed ee waa wayn mid kamid ah.)
27-Meesi, meesi(ga) = Jaadadka/noocyada Xoola mid kamida, sida Geela; Lo’da; riyaha; idaha iwm.
28- Doomaar(ta), (Halkan macnaha ay wadataa waa) naq degelada ka baxa. 2 geedo yaryar oo saaruqda kamida ah oo aan jirid iyo caleemo dhab ah midna lahayn; waa cagaaran yihiin waxayna ka baxaan dhagxanta, goomaha iwm ee biyaha ku dhexjira korkooda.

29-Dakaamin, Dakaamid(da) = tabargab, daalid, (fardahaa loo isticmaalaa.)
30- Dunqaaradu, Dunqaara(da) = dadka maahee naflayda inteeda kale: “dad iyo duunyo”; Duunyo.
31-Danbasame, Danbasame(ha) = Xilli badanaa roob leh. (barwaaqo)
32- Doonkay, Doon(ka) 1 Xoolaha jilicsan ( bay halkan ugu jirtaa)2 Ciidda iyo dhoobada ceelasha laga soosaaro.

33- Daana(da), Daanno = Dhib, “hagardaamo”.
34- malafoo, Malaf(ka) = daaqa baarkiisa jilicsan. Ama Muluf.
35 Dabro, Dabrayn(ta) = weerar aan ahayn sida heeganka iyo raacda reebta, colka gadaal ka ilaaliya’e, waa weerar rogaal celis ah oo kedis ah, oo wax dhaca, burburiya ama laaya.
36 Darraystoo, Darra(da) = Malaas, Xaraar, balaso, beed, timahaa la marsadaa.
37- Daradhig, Daradhig(ta) = sariir yar oo carruurta yaryar loo sameeyo (“sida rabrabadana dhirta laga sameeyo”.)

38- Deddadiyo, deddo(da)= Qabow badan, qadhqadhyo, dhaxan.
39- dulbaax, Dulbaax(da)=1 Baruurta xalleefsan ee haragga xigta, 2 Meel sare oo babac ama taag ah.

40- Doobir, Doobir(ta) = Ayaan, nasiib.
41- Dooddi, Dooddi(ga) = Beredtan ama bedertan, tartan, orodtan.
42 -Dabuub, Dabuub(ta) = Hadal, dood, baane, baanise.
43-Diraal, Diraal(ka) = Guddi, Ergo.
44- Duunkiyeel, Duunkiyeel(ka) = Qof aan talada dadka kale maqal oo tiisa uun raaca.
45- Doocin, Doocin(ta) War ka doonid, waraysi.
46-Dulalaati, Dulalaati(ga) = Dalool ka muuqda geedo jiq ah ama waxii la mida dhexdood.
47-Dagogoys, Dagogoys(ka) = (neef)Zako gudi kara, u qalma; ama xoolo tiradii dagadu ku waa jibtay gaadhay.

48-Jad, Jad(da) = meel dhul ah oo godan oo biyaha iyo geedaha qoyaniba ku danbeeyaan.
49-Dubad, Dubad(ka) ama Dibbad, Dibbasho = 1 dhaxid. 2 Habeenka bisha dayaxa ugu danbeeya oo dayuxu uu san soo bixin oo la’arki waayo.

50-Daray, Daray(ga) = Geed berdaha ay isu eeg yihiin oo isna mirihiisa la cuno.
51-Dagaar, Dagaar(ta ka) = waa xidig xidigaha waa wayn ee caanka ah kamida.
52-Dusaa, dusaa(ga)= Cuddaar, waa Xidigga/meeraha udhaxeeya Qoraxda iyo Maqala/Waxaraxidhxidha.
53-Mooradii, Mooro(da) = Xero (faalkana waa loo adeegsadaa).
54-Ximraa, Ximra(ha) Min mininka faalka kamid ah ( oo faaliye yaashu dhiig in uu tilmaamo ay ku sheegaan).

55-Quuddarrayna, Quuddarrayn(ta) = Filasho, rajayn, sugid.
56 Maanyada, maanyo(da) = 1 badda 2 geed xoolaha qaarkood daaqaan
Dumaa, Dumaa(ga) =1 Cawsku kolkuu engego
Ciddii fududaynta weedhahan fakrad kale ka qabta waa soo dhawaynaynaa!

Mahadsanidin.

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 15, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD