SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Xasan Bulxan Cali
C/waaq, Soomaaliya
Bulxan105@hotmail.com



Abwaan Xasan Bulxan Cali

Maansada kale ee abwaanka: DIGRI... GUJI


Dalka
Curiye: Abwaan Xasan Bulxan Cali
Caabud-waaq, Soomaaliya


Maansadan la magac baxaday Dalka, waxaa curiyay Abwaan Xasan Bulxan Cali oo ku nool Magaalada Caabud-waaq ee Waddanka Soomaaliya. Maansadan oo ah maansadii 27aad ee silsiladdda Doodwanaag, waxay taxanaha maansooyinka ku soo biirtay 04/12/2004.

Maansadu waxay xambaarsantahay oo ay u soo tabinaysaa shacbiga soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, dhambaal aad u muhiim ah ka yimid dhulkoodii hooyo. Dhulku wuxuu ka cabanayaa dhibaatooyin iyo darxumo, waxa uu ummaddiisa waydiinayaa, waxa loo dayriyay ama loo dayacay, waxaa loogu diiri la'yahay ee ka dhigay goob doqonno-galeen ah, dadkiisiina ay dibadaha ugu yaacayaan iyo su'aalo kale oo dhammaantood jawaabo lagu qanco ka sugaya ummadda uu dhambaalku ku jeedo.

Dalka

Deelleyda maansada
Dabuubteeda sheekada
Inta anan u daadagin
Duco iyo ammaan sare
Diyaafadin waxaa mudan
Abwaaniinti daabacay
Doodwanaag amaamuday
Anna doorka maanta ah
Dulucdiyo ujeedada
Inta aanan daah-furin
Maah-maah da’weyn iyo
Murti aan daliishado:

Nin duddumo wacdiyayow
Dan adaa u noogiye
Dhagax inaad dubbaysiyo
Dufan inaad marmarisaa
Dareen waa isaga mide
waxaan ula danleeyahay
Ama taa la darajo ah
Somaalidaan dedan
Oo daqarro halisiyo
Daabka culus ku dhacayee
Misna aan dareenkiyo
Caqli duxaba lagu arag !!.

Dawladnimiyo sharafteed
kuwa diiday ee nacay
Ee daarad dhaxan badan
Ku meersaday duggaalkee
Dirri meel ah yuurura
Dantiinnii gartaan iri.

Masaakiinta daashee
Dacaskiyo rafaadkiyo
Darxumada ka dheregtee
Wax u diirnaxaayiyo
Duul caawinaayiyo
Aan helayn daryeel iyo
Daawiyo wax quudshiyo
Wax daneeya oo raba
Waa duul la ciilaye
Halla daafacaan iri.

Qabqablaha dibbirayee
Doollaraadka haystee
Mooryaan wax dumisa le
Oo darajo beeniyo
Duub bililiqaa iyo
Wax dhac tahay dantiisuba
Dad-qalkaa wax jarayee
Dam ka siiyay shacabkii
Halla dayriyaan iri.

Duunyadaan lahayn iyo
Deeradiyo cawshii
Qaalmaha la didiyee
Dekedaha ka dhoofiyo
Dheddigaan la daabulay
Xooleheenna dabar-go’ay
Dahab iyo macaadiin
Dheemankeeni duugnaa
Doqonkaan xaraashana
Ha loo diro xabsaan iri.

Halkaa diillin ii saar
Dabra celi ujeeddada
Daalaco wixii tagay
Dulmanaha u buro daa
Dacay geli cadaawaha
Dalkiibaa hadlaayee
Ha dacwiyo markiisoo
Danihii ha sheegtee
Su’aalahaan is-dabayaal
Ummaddii u daabaca?

Wuxuu yiri dadweynow
Sow ma ahi dalkiinii
Degelkaad ku dhalateen
Degaankaad lahaydeen
Maxaa lay duminayaa?
Loo bur-buriyay daarihi?
Waxa lay dayacayoo
Lay dayrshay yaa garan?

Nacab inuu i soo dago
Miyaad doorbidaysaan?
Maydin deeqi waayoo
Ciriiri baad dareenteen?
Dalagga iyo beeraha
Miyaan iga dul-bixi Karin?
Ninka yaambo daabtoo
Dibjiryooday waa kuma?!

Webiyada dur-durayiyo
Dooxooyinkaygaan
Dacar miyay dhadhamayaan?
Baddaa deeqa Eebbaa
Goormaad dayaysaan?
Macaadiinta dihin iyo
Daakhilkayga waxa yaal
Nimcadaan ku daahnahay
Yay dani kahaysaa?!

Kuwa dibedda aadow
Maxaa layga didayaa?
Haddii aad i diiddeen
Yaa iga dun wacanood
Igu doorsanaysaan?
Degaan miyaa qaxootigu?
Dal ajnabi ma guri baa?
Miyaa laygu kiin diray?!

Aqoontiina dahabkaa
Dunjigeeda yayska le?
Maad igu dadaashaan
Doqontiyo ma-garatada
Dayradood miyaan ahay?
Dhaxalkayga duuggaa
Yaa dheefsan doonoo
Hadhow loo dambariyaa?!

Aawaye dadkaygii
Digta igu dhacaysiyo
Madfacaan i dooxiyo
Dhiigga daadanaayee
Dushaydii hareeyiyo
Waxa daanno igu taal
Yaan u dabagalaayoo
Dacwaddayda yaa qori?!

Tahriib doonayaashiyo
Doonyaha la raacee
Lagu daatay waayahan
Daliil weeye igu filan
Inaad iga rug-dayateen
Dawladaha kaleetee
Derisnimada ii xiga
Way i daawadaanoo
Dulligaan i haystay
Dusha sare ka eegtaan !!.

Ninkii dumi lahaa geel
Uu sii didinayaa
Ilayn doy ma celisee
Hooyadii nin dayrshoo
Daleel uga dhaqaaqana
Inuu habaryar daadihin
Diiwaan ma qorayee
Jiilaal dangiigsaday
Cawskiisa duuggaa
Lama huro dabaadiye
Midka iga dallacayow
Adigiyo dadnimadaa!!

Anigu daawadaan ahay
Xummaantayda doonaha
Duugaaya sharaftay
Dibindaabyo taliyaha
I duleedinaayiyo
Midka daacaddayda ah
Kala ogi dirkoodaba.

Dad Islaama baan nahay
Waayagaa ku doodee
Diintay sheeganaayaan
Ma dibnaha korkoodaa?!
Haddaan ficilku daakhilin
Oon lagu dabbakhin camal
Aayad ruux dareershaa
Dux miyuu ka helayaa?!

Dulmi qoom bannaystaa
Daal wuu ka haagiye ( ka dhargiye)
Maxaa dirir ka xaasilay
Aakhirana danab iyo
Naar baa dambaysoo
Diiwaan la qoraybaa
Daabacan hortaadoo
Dafir la is xaqiro iyo
Doodi waa dhammaate
Qof kastaa wuxuu dilay
Wuxuu duudsiyoo dhacay
Wuxuu daba-maryeeyoo
Dulmanaha ka meersaday
Dakanadiyo godobaha
Deyn weeye laga rabo!!
Dooddiina ii xiran.

--------------------------
Xasan Bulxan Cali
C/waaq, Soomaaliya
Bulxan105@hotmail.com

AKHRI MAANSADII DIGRI... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 15, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD