SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Inj. Cabdicasiis Maxamed Cabdullahi (Mataan)
Ghent, Belgium
Mataan74@hotmail.com


Dadkaygoow!    


Inj. Cabdicasiis Maxamed Cabdullahi (Mataan)

 W.T.: Inj. Cabdicasiis Maxamed Cabdullahi (Mataan)

Maaansada Dadkeygoow waxaa curiyay inj. C/casiis Maxamed Cabdullaahi ( Mataan), oo ku nool magaalada Ghent ee waddanka Belgium. Maansadu waxay taxana maansooyinka Doodwanaag ku soo biirtay  25-12-2004, waana Maansadii 29 aad ee Silsilad-suugaaneedda Doodwanaag.

Maansada DADKEYGOOW waxay xanbaarsan tahay arrin aad muhiim ugu ah horumarka ummaddaha, taas oo ah inay waxa ay aaminsan yihiin ee diin ama dabeecad ah ka runsheegaan. Inay aqoonta ahaato dhaxalka soo jireenka ah ee la kale qaado oo jiilkasta kan xigga uu u gudbiyo. Waxaa Maansada ka  muuqanaya  seddex arrimood oo muhiim u ah kobcinta wacyiga dadka soomaaliyeed. Waxay maansadu tilmaantay:

Inay Diinta Islaamka oo ay dadka Soomaaliyeed ku abtirsadaan ay ahayd midda dadka carabta ka saartay dhibaatoyin, xilli ay ahaayeen raashin fudud oo cidii doonto ay si sahlan dhuunto u mariso, iyada loo adeegsanayo kuwa iyagga ka mid ah. Cudurkaa (dhuuni-qaate) ayaa ah kan ugu weyn ee dalkii iyo dadkeena ka bogsoon la' yahiin.

In dadku ogaado inay jirto xisaabtan dhab oo hadii uu aamino ay ku adkaani inuu ku xad gudbo cid kale, waayo maalinta qiyaamaha qof wax qarin karaa ma jiro oo jirkaaga ayaa markhaati ah. Cid waliba waxaa lagu abaalayaa wanaag iyo xumaanba intuu doono ha la ekaadee, meeshaad dageysana iyaga ayaa xaddidaya.

Qaybta ugu danbaysa ayaa ah in ubadka lagu abaabiyo aqoonta iyo jeceylka dhulkooda, taasoo keeneysa inuu Ilmuhu  dareemo inuu dhib iyo dheefba la wadaago kuwa la filka ah oo aanan cidi si gooni ah u lahayn dheefta, kuwana dhibaatada. Caddaalad darro ku dhacdaa qaybinta hantida dhulku leeyahay waxay dhalinaysaa kale durugsanaan iyo is naceyb joogta ah.   

DADKEYGOW  

  • Dawankaan dhawaaqee
  • Dhagaheyga diirshee
  • Dibnahii gu’yaal badan
  • Gabaygaba ka daahnaa
  • Dabarkaba ka jarayee
  • Kheyrka loogu dawgaley
  • Kuwii soo diyaarshee
  • Doodwanaag inoo furey
  • Iyo kuwa dalbanayee
  • Aan daaliheynee
  • Kolba bayt degsiiyee
  • Diiwaannadaan qorey
  • Salaan baa u dirayaa
  • Diirranaan ku idishahay
  • Daacadnimana dheer tahay
  •  
  • Ma og tahay dadkeygoow
  • Inay diintu nabad tahay
  • Dugsi kheyrka keeniyo
  • Doog iyo barwaaqiyo
  • Meel damiirku nagi yahay
  • Dadka uu walaal yahay
  • Aan laysu dudin oo
  • Dilka iyo colaaddiyo
  • Qoloqolo u diririyo
  • Daris laysu laayana
  • Degmadu ay ka faantaa
  • Nabad lagu dekeeyaa
  • Cirka roob ka da’ay iyo
  • Dhulkoo soo dillaaciyo
  • Durdur aan go’ayn iyo
  • Deeqaha Ilaahana
  • Daahiiba laga furo.
  •  
  • Ma og tahay dadkeygow
  • In Qabiil Dir-Jaan yahay
  • Duumada ka daran yahay
  • Marna inuu dilaay yahay
  • Cudur aan dawoobayn
  • Qofka uu duraantee
  • Mudda badan duljiifee
  • Daris wacan la yeeshaa
  • Inuu duluf ka dhigayoo
  • Dareenkiisa lumiyoo
  • Dhiig durduura mooyee
  • Wax damqaaya ay jirin.
  •  
  • Maansadan da’ layda ah
  • Dareenkeyga gaar ka ah
  • Dadkaygaan u farayaa.
  •  
  • Da’ yar waxaan iraahdaa
  • Dhagahood ku diirshaa
  • Dibjirradan yaraannimo
  • Dugsiyadii ka yaacee
  • Daroogada la barayee
  • Qori deegta saartee
  • Dilku uu la fudud yahay
  • Soo dabaaliddood iyo
  • Daba-qabashadoodaba
  • Inay dawrka maanta ah
  • Dusha ay ku qaataan
  • Caqligana la doodaan
  • Aqoonta ay ka duulaan
  • Dagaal xooggan kiciyaan
  • Dunidda ay mushaaxaan
  • Iyagoon dalkoodana
  • Docna ooga baxahayn
  • Illayn duul horaa yiri
  • Shimbiraha dabaashee
  • Laamaha dulfuulaa
  • Mid waliba debeecada
  • Tii ay la daristeey
  • Damaashaad wadaagaan.
  •  
  •  
  • Dagaal oogayaashaan
  • Damiir laawayaasha ah
  • Dhiiga daadintiisiyo
  • Dawarsiga shisheeyiyo
  • Guri uu dad lee yahay
  • Duggaalkiis u wacan yahay
  • Dabin baan u dhigayaa
  • Dayr oodan baan galin
  • Barkood waa dibqabateyn
  • Dugsiyaan u furayaa
  • Darsi baan u dhigayaa
  • Aqoon baan la daris dhigi
  • Danta guud ayaan bari
  • Kuwa diidmo keenee
  • Aan digigixaynee
  • Dareenkuba ka maqan yahay
  • Garanayn danteenaba
  • Waan kale dilaayaa
  • Midba maalinbaa duban
  • Isagoon dareemeyn.
  •  
  • Maansadan da’ layda ah
  • Dareenkeyga gaar ka ah
  • Dadkaygaan u farayaa.
  •  
  • Waayeellada duqoobee
  • Aqoon duug ah haystee
  • Dawladnimo waxay tahay
  • Dawgeeda garan iyo
  • Aqoon yahanka diiree
  • Dabku uu dhibaayiyo
  • Dooxatada afcaasheed
  • Xilli hore ka diday ee
  • Dal shisheeya tubanee
  • Aan helin daryeelkiyo
  • Waxay daw u mudanyiin
  • waxaan kula dardaarmaa
  •  mar Inay dalkeennii
  • Dib u soo jalleecaan.
  •  
  • Dibad inuu wanaag jirin
  • Dacar iyo dhunkaal tahay
  • Dadku inay dhammaantood
  • Daciif kugu tilmaan
  • Inaad tahay nin duur-joog
  • Daris ay wadaagaan
  • Ficilkana ka duwaneeyn
  • Kuwa soo didaayee
  • Doomuhu idleeysteen
  • Ayaan deelka maansada
  • Diiwaankan qoran ee
  • Daris iyo xigaaladu
  • Ay ku diirsadeenoo
  • Indhahoodi doojiyey
  • Aan ugu diraayaa.
  •  
  • Maansadan da’ layda ah
  • Dareenkeyga gaar ka ah
  • Dadkaygaan u farayaa.
  •  
  • Hooyada la dilayee
  • Daldalaad la badayee
  • Waa hore duqeediyo
  • Doorkeedi dhaafee
  • Xabbad lagu dalooshee
  • Garanayn wixii dilay
  • Ee dakanadaa galay
  • Ayaan dood la yeeshaa
  • Oo dareemayaa ebed
  • Xanuunka ay la diiddee
  • Mayirkeed daboolee
  • Daaduun ka dhigayoo
  • Mar waxaan la doonaa
  • Dawadii wacneydee
  • Dajin leyd qofkaa maqan
  • Marna waxaan ku daalaa
  • Wakhti badan duljoogaa
  • Dulmigaa kuwii dhigay
  • Sidee loo dacwiyayaa
  • Daliil loogu helayaa
  • Dabadeedna loo marin
  • Sida dawga uu yahay?
  •  
  • Ma ogtahay dadkeygow
  • Inuu Daa'im nagu yiri
  • Dib baa loo xisaabtami
  • Deerada kollay tahay
  • Tii ay daciifnimo
  • Hardi ay ku daabtaa
  • Waa looga soo dari
  • Markii uu danbeetada
  • Dawankeed dhawaaqee
  • Miisaan la wada dayi
  • Dulmi uu ka dheer yahay
  • Lagu kale dan boganaa
  • Dadka waa la kala mari
  • Kooxba meel ayey dagi
  • Darajana la kale badan.
  •  
  • Meeli waa dab Naaroo
  • Anbiyadii la soo diray
  • Gabigood ka digayoo
  • Dadka iyo dhagxaantaa
  • Dogob looga dhigayaa
  • Waa dabaqye hoosoo
  • Naxariisba laga daday
  • Waxaa loo diyaarshoo
  • Lagu daadinaayaa
  • Dulmi kii sameeyee
  • Rusushii isdaba tiil
  • Wixii ay ku dooddee
  • Dadka ay u keentiyo
  • Dikrigooda neceboo
  • Markey oon dareemaan
  • Waxaa lagu duwaayaa
  • Weel loo daraayaa
  • Danbarsada la wada dhihi
  • Milil daadanaayoo
  • Dab cadaab la galiyoo
  • Markuu daakhilkaa galo
  • Calooshaba dib laga dhigi !
  •  
  • Docna waa Barwaaqoo
  • Doox iyo xareediyo
  • Sariir lagu dangiigiyo
  • Malab dililiqaayiyo
  • Caano soo durdurayiyo
  • Fardowsaa la degayaa
  • Nafta wixii ay doontaa
  • Durbadii la falayaa
  • Waa dayaafad kheyroo
  • Waxaa loogu darayaa
  • Daymada Illaahee
  • Naxariis ku deeqdiyo
  • Guri dabaqyo weynoo
  • Dumar xawral-ceyniyo
  • Dahab weelku yahayoo
  • Dadku ay is jacelyiin!.
  •  
  • Maansadan da’ layda ah
  • Dareenkeyga gaar ka ah
  • Dadkaygaan u farayaa.
  •  
  • Ma og tahay dadkeygow
  • Dunidaan ku noolnahay
  • Ummadaha duljoogee
  • Deggan eed arkeysaan
  • Waxa ay ka duulaan
  • Diiraddooda saartaan
  • Da’ yartiyo ma-garatada
  • Ducufada u sheegaan
  • Midnimo inay duggaal tahay
  • Inay Doobir buuxiyo
  • Dix barwaaqo nagi tahay
  • Meel doog ka baxayiyo
  • Deegaan wanaag yaal
  • Oo loo dalxiis taggo
  • Anagguna dadkeygow
  • Ways wada dileynaa
  • Waan Kala didaynaa
  • Dab uun baa dhexdeenna ah!
  •  
  • Dir midaan kawa nimid
  • Diin kaliya baan nahay
  • Diirna waan wadaagnaa
  • Duul yahow maxaa dhacay?
  • Qalbigeen maxaa daday ?
  • Duxdii yaa ka muudsaday?
  • Yaa daah ku soo rugay?
  • Ma dareemayaashii
  • Dadka loo abuuraa
  • Waa hore daboolmoo
  • Dhagax baan la darisnoo
  • Dareen aan ka simannahay
  • Maxaa laysu dilayaa?
  • Oo laysu dooxaa?
  •  
  • Dalkeenaa burburayee
  • Dirirta iyo cooladuhu
  • Muddo badan la daristee
  • Day-dayga iyo mooryaan
  • Iyo kuwa ka daran oo
  • Darajada ku raadsado
  • Dadkii ay idleeyeen
  • Aan la diidi Karin oo
  • Waxay iyaga doonaan
  • Dood la'aan la fuliyoo
  • Dallacaadna lagu helo
  • Horta yaa dabkaa shadiday?
  • Xaggee nalaga daakhilay?
  • Sideen kaga dawownaa?
  •  
  • Dadku waxay yiraahdaan
  • Cadawbaa daf soo yiri
  • Waa hore dab huriyoo
  • Damiirlaawana u helay
  • Dibjiroon wax garanayn
  • Dabadeed wuxuu rabo
  • Ayuu dabacsanaan fulin
  • Ka daayana ma oran karo
  • Ducufana ma waayn karo.
  •  
  • Anna waxaan ku doodaa
  • Damiinnimo uun weeyaan
  • Waa horaa dadkeen yiri
  • Geed baa dagaal galay
  • Dariskiis dhibaatiyo
  • Aan ka daynin hadimoo
  • Dal shisheeye loo tagay
  • Dacwa kululna lagu furay
  • Waxaa dalab ku yimid oo
  • Dagaalkii ka qayb galay
  • Gudin daab le adag oo
  • Meeshii la doonaba
  • Iyadoon dib eegeyn
  • Laba dalab u kale dhigi
  • Markii uu la diidee
  • Darbadihii nugleeyeen
  • Ayuu yiri dadyahow jaan
  • Daabkaa I ciiloo
  • Ii horseed daalkane
  • Waligey ma diideen!
  • Waxaan uga dan leeyahay
  • Dulucdeydu ay tahay
  • Hadii uu dadkeygow
  • Cadowgeen damiin helin
  • Oon dantiisa loo fullin
  • Ducfiga aan ku noolniyo
  • Duliggaan ma mudaneen!!
  •  
  •  Maansadan da’ layda ah
  • Dareenkeyga gaar ka ah
  • Dadkaygaan u farayaa
  •  
  • Ma og tahay dadkeygow
  • Duul waxaa wax tari kara
  • Damiirkood naf galin kara
  • Dulligana ka bixin kara
  • Danta guudna bari kara
  • Aqoon lagu dadaloo
  • Gu’yaal badan la duugoo
  • Dugsi loo fariistoo
  • Ubad lagu dardaarmee
  • Hadii taa la diidane
  • Dib baa loo shallaayaa
  • Oo sida dalkeennaa
  • Doorkii la laaynaa
  • Lays dooxanaayaa
  • Iyadoo la dayiheyn
  • Docda layska soo galay.
  •  
  • Dabka waxa shidaayee
  • Xaqiiqdii dilaaga ah
  • Waa diin la’aantiyo
  • Aqoontii la dabamaray
  • Ubadkaan la daayacay
  • Aan la barin dantoodiyo
  • Dagta uu wanaag jiro
  •  
  • Waxaa taa daliil u ah
  • Adinkaba bal daawada
  • Dadkii carab ahaayee
  • Dibjirada ku caan baxay
  • Dilka iyo colaaddiyo
  • Daris laysu laayiyo
  • Kala durugsnaan iyo
  • Dagaal joogta oon bi’in
  • Siday Diin ka yeeshee
  • U hoggaansheen dunidaan
  • Muddo gaaban dabadeed
  • Markii ay duntoodiyo
  • Diirkooda galiyeen
  • Dacwadii Ilaahee
  • Digaheenna keenoo
  • Aqoonna ay darduurteen
  •  
  • Mar kalana bal ila daya
  • Dawladaha aduunkee
  • Daruuraha cirkee sare
  • Qamarkaa la dariska ah
  • Ee dagaal sokeeyaad
  • Qarnigii na dabamaray
  • Dam ka siiyey qaarkood
  • Siday uga dabaasheen
  • Markii ay dadkoodiyo
  • Da’ yartood ku beereen
  • Aqoon daawadeed iyo
  • Jahli durugsanaantiis
  • Wuxuu dabarjar leeyahay
  •  
  • Daawadu halkay taal
  • Waa inaad damiin noqon
  • Dadku ay nuglaystaan
  • Waa inay dantaadiyo
  • Midda dawladnimadaba
  • Aysku daba nudnaadaan
  • Isku dawlis haytaan
  • Waa inaadan Diintaa
  • Marna aad ka diga rogan
  • Aqoontana ka duushood
  • Dadka aad ku beertood
  • Dabaqooyin laga dhigo
  • Jiilba kiisa daba yaal
  • Uu u sii daliilshaa.
  •  
  • Waa inaad dadkaadiyo
  • Ubadkaba ku deyrtaa
  • Dalka inay ku faanaan
  • Dulligana ka dhawraan
  • Damiirkooda waxii dhibi
  • Waa inaad ka daysaa
  • Waa inay dareemaan
  • Dadku inuu u siman yahay
  • Dacwadiyo xuquuqdaba.
  •  
  • Maansadan da’ layda ah
  • Dareenkeyga gaar ka ah
  • Dadkaygaan u farayaa
  •  
  • Allahayow dadkeygow
  • Dirirtu ay dhammaataa
  • Dagalladu nabdoobaan
  • Dugsiyadii dib loo furo
  •  
  • Allahayow dadkeygii
  • Way daal bogteenoo
  • Danbigood ogaadee
  • fahamsii dantoodoo
  • Dihanka iyo barwaaqada
  • Aan wali la daalicin
  • Daljirkii aqoon adag
  • U daliishan laayoo
  • Soo dooxi laa keen

-----------------------------

Aamiin Aamiin Aamiin

W.T.: Inj. Cabdicasiis Maxamed Cabdullahi (Mataan)
Ghent, Belgium
Mataan74@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 31, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD