SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com



Maxamed Dhagaafe Cilmi 

 Dan-ka-hadal

Curiye: Maxamed Dhagaafe Cilmi 

Maansada Dan-ka-hadal waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ku nool magaalada Mbale ee Waddanka Uganda. Wuxuu Abwaanku maansada uga qaybqaadanayaa Silsilad-suugaaneedda Doodwanaag oo ay ku soo biirtay 29-12-2004.  

Dan-ka-hadal oo ah maansadii 30aad ee Doodwanaag, wuxuu Abwaanku ku cabirayaa xanuunka uu dareemayo  iyo damqashada uu hayo Dalkiisii hooyo. Waxay sidoo kale maansadu aragti ka dhiibanaysaa waxyaabaha sababta u ah burburkii gaaray dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

Ugu dambayntii Wuxuu Abwaanku kula talinayaa inta sama- doonka in  dadaalkooda ay kordhiyaan, iyadoo tallaabo kasta oo wax lagu hagaajinayo loo baahanyahay in ay noqoto mid hufan oo daganaansho leh. 

Dan-ka-hadal


Sow dulucda maansiyo
Murti docodocaynteed
Anoo daayay geeraar
Doodwanaag ma daalacan
Sow Abwaanno dooroo
Dadnimiyo aqoon loo
Cibaar daaqadda u furay
Dooddoodi maan arag
Sow damiirka garashiyo
Durba dhiiggu ima kicin
Sow inaan daf dhaho oo
Dawanka iyo qeeylada
Anna dacal ka soo galo
Damacayga maan galin .

Daash furan aroortii
Dadna gudaha uga jiro
Adoon hooddi dee oran
Dalaq lama yiraahdee
Waxaan dulucda hadalkiyo
Warka daaha uga rogay
Salaan daacado wacan
Inta daawaneysiyo
Aan udiray Abwaannada
Doodwanaag ka qeyb galay.

Waa niman damqanayoo
Dalkoodiyo dadkoodii
Dib usoo xasuustee
Alle darajadiisiyo
Deeqdiisa how furo.

Duco iyo salaan kadib
Anna doorka maantaya
Waxaan dulucda maansiyo
Doodwanaag ku darayaa
Dan-ka-hadal tix dabadheer
Waa dakano socotiyo
Dulmigiii la soo maray
Dirirtiyo colaaddii
Dadku iney illaawaan
Dibna loo heshiiyaa
Aanse hoos u daadago
Dildilaacsho sheekada.

Waxaa duumo igu riday
Diihaalka ciilkiyo
Dawakheyga sabab u ah
Niyadeeyga dilantoo
Markaan dayo dalkeennii
Jirkaa ii dubaaxshoo
Qalbigeey damqaayoo
Marna waxaan i dagaheyn
Ii  diiday jiifkii
S
u' aalahan isdaba yaal :

Dadkeygoo walaalaa
Diintuna mid qura tahay
Duwanaansho hadal iyo
Aan lahayn dir kala mida
Halkee dacartu uga timi?
Dambigaan ninkee dhigay?
Isku diray dadkoo idil?
Ka danbeeyey ceebaha
Diiwaanka noo galay?

Dalki yaa burburiyoo
Yaa kadhigay dukaafada?
Yaan daynta naga maqan
Dib ugala xariirnaa?
Warshadihiyo dahabkii
Yaa ka dhigay daleel maran?
Dilka iyo dhicii hore
Yaan wali ka daaline
Dad ineey ku laayaan
Kursi doonis ugu jira?
Darbadiyo xad-gudubkiyo
Dulmigeey sameyeen
Waxey ducuf xasuuqeen
Y
aa in loo daldalo mudan?!

Jawaabteedu dulucdaan
Inta garasho dihinoo
Suugaanta dihatiyo
Dadkeeygeey u furantahay
Dhankeygase haddaan dayo
Jawaabtaan u doorbiday
Dambigaan waxaa dhigay
Dhaqan-dooris baa dhacay
Digrigii Ilaah  iyo
Diintaa la garab maray
Rag u dooda gaaloo
Daba-dhilifa baa badan!

Kuwo digada huriyoo
Kursi donayaa jira
Kuwo dihashadoodii
Qabiil laga dardurshoo
Dunta laga gashaa jira
Kuwo sida Dad-qaadkii
Kaan ayaga dooneyn
Dalaq siiya baa jira
Kuwo dowdarraayoo
Isbaarada dul-joogoon
Cidna daynin baa jira!
Kuwo booli-daaqoo
Caqligii ka doowroo
Dad kaleeto xoolihi
Wali doonayaa jira!!.
 
Waxaa taas ka sii daran
Ma-daalow  dadkeygii
Wali waa is dilayaan
Samir iyo dulqaad maleh
Darajiyo xaq-dhowr maleh
Waxaa laga danbeeyaa
Dad ninkii wax dili kara
Diinkiyo waxbarashadi
Qori deeg la saartiyo
Dab dhacaaya weeyaan!
Dadnimiyo waxqabad ma leh
Dur-durradiyo wabiyada
Dalaggii ka bixi jiray
Digir lagama soo guro
Geed dirin la geystoo
Inta duhur la jiifsado
hurdo lagu dangiigsado
kuma harin dalkeennii
Dibir oodla'  weeyaan
Raggii daajin jiray baa
Dirirtiyo colaaddiyo
Dagaallada ka doortoo
Duunyadii wax kama harin
Xoolihiina dabar go' e
Dadkeenniina kala yaac
Dacallada aduunkaa
Qofba meel ka dagayoo
Dulsaar baanu wada nahay!

Waxeey darajo moodaan
Daneeyaan dadkeenii
Qurbe ineey u duulaan
Deeq baanan moodnaa
Ceeyrta nalaku dabayoo
Dantu eey ku larantahay
Mase garan dadkeenii
Ineey gaalo dacar iyo
La dooneeyso dabinoo
Sunti eey diyaar tahay
Kufriyada aan diirnixin
Ee Ibliis la deriska ah
Oo kii na dilayoo
Darxumada na bada iyo
Taageera Daaquud
Waxa ay dantood tahay
Ineey ubadka doorshaan
Diintooda lumiyaan.

Kuwa daba sagaaradau
Markeey dabinka xirayaan
Ubax bey kor-daadshaan
Dulli weeye gaajee
Inteey daaq is leedahay
Ma dareento xariggee
Dusheey uga istaagtaa
Markaasuu daf siiyaa
Anakuna la darajiyo
La doow baanu nahay taas
Soomaali dowdhaye
A
llow maanta dabaqabo.

Hadaan hoos u sii dago
Dildilaacsho sheekada
Ninkii taasi damaqdoo
Doonaaya samahoow
Aan kula dardaarmoo
Dariiq furan ku siiyee
Inta daamankaagiyo
Dubaakhaagu noolyahay
Ha ka daalin waanada
Dulmanow dadkeennana
Dagganaan wax ugu sheeg
Danteen maaha jiifkuye
Da'yartiyo bulshada dihin
Daba-qabashadoodiyo
Aan u doodno Qarannimo
Inta Dalawo gurantahay
Qabqablana dagaal wado
Shacabkuna Dulmane yahay
Abwaannada dalkeeygoow
Deelleeyda maansiyo
Doodwanaag inoo furan

--------------------------------
      DHAMAAD
M
axamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 31, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD