SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA INDHADEERO

cali-amiin khadar xuseen{indhadeero}
indhadeero@msn.com


 DAA'INOW ALLAHAYOW

Tixdan waxaan ku biirinayaa mansada dood wanaag. Anigoo aan cidna ku cambaaraynayn tixda, kana hadlaysa kolley dadka aannu ka dhalannay iyo dalkeennii ballaarnaa halka uu maanta ku sugan yahay.
tixduna waa sidan: magaceeda waxaan u bixiyay(DAA'INOW ALLAHAYOW:)

deeq ilaahay baa leh
dadnimo cidduu siiyaa leh
dullinimo kan caasiyaa leh
dabnaareed munaafiq baa leh
dunuub lagu cadaab tago
dambiilhii gaystaa leh.
************************
daa'inow allaahayow
adaan kuu dacwoodeye
daawadayda haayee
dabiibi kara mariilkee
dacwadayda ajiiboo
dariiqii rasuulkiyo
tubtii asxaabtiyo
tii saalixiintaba
tusmo nooga yeel abid
dibindaabyo naga eeg

*&*&*&*&*&*&*&*&&
daa'inow allahayow
dunidaan billowgiyo
dhamaadkaba adaa iska leh
duul aan waxgaranayn oo
doorsaday dalkoodiyo
diintoodii macaanayd
dantoodii duleed maray
dabinkii shaydaankiyo
dabarkii ibliiskiyo
dankaloo dul taalliyo
dowgoodii ka bayroo
dalanbaabbay baan nahee
daliilkii adaa hayee
dukum daakum ha naga dhigin
oo noo noo dulqaado allahayow
*
&*&*&&*&*&*&&*&*&*&*&

daainow allahayow
dacwadaydu waxay tahay
dan ii gaar ah maahee
danwadaagta aan nahay
dhabbeheedii laga tagay
damiirkiina naga lumay
daryeelkii la qaadacay
dibnahana laga duday
deeqdiina laga tagay
dusha laga dudaayoo
dowgeed aan la garanayn
dan qabiileed mooyee
dadka kale maxaa i baday
damaceennu ahaadeye
daliilkii adaa hayee
dambigayaga noo daa

&*&*&*^*&*&*&&*&*&*

daa'inow allahayow
deelleeyda maansada
dulqaad bay rabtaayoo
dowliskeeda nimaan aqoon
dibnihiisa kuma deyee
deelka aan galaayana
deelqaafkiisa iga dhowr
da'curad sidiisaan
dacwad kuu dirsanayaa
dembigana iska dhowrayaa
daa'inna aan talo saarayaa
dal dalool wixii gala
da'da maanta joogtaan
diiwaanno u dirayaa
daa in ha ila garab galo.

*&*&*&*&*&*&*&*&***&*
dulucdiyo ujeeddada
markaan hoos usoo dego
degmadaan kusoo koray
dalag jaadba nooc yahay
duruus iyo higaad iyo
da'yarta iyo waayeelkuba
dantoodee yaqaanneen
damankii waxaa rogay
duruuf aan dhammaanayn
dad aan is daryeelayn
duunyo isla doonayn
diintana ka xishoonayn
damacoodu toosnayn
daa'inkiina dhalan rogay
dulli hore daraaddii
iinkeennu siduu yiri
duul alle ma dooriyo
dembigooda mooyee
deeqdiisana kama qaadoo
dhuqyaankooda mooyee
daa'inow allahayow
dembigii naftaydiyo
dadkaygii badnaa iyo
dakanadii qabiilkaba
dib ha noogu daabicin:

*&*&*&*&*&*&*&*&*&&&**&*&**

dadkeennii walaalaha ahaa
dadanadii qabiilkiyo
danayste gaariyo
duqay daan cirrooliyo
doqon aan garaad lahayn
dantoodiina daba galay
taayadiina daayacay
baa lagu dibboodaye
dadwaynoow is daba qabo

dillaalkiyo mallaalkiyo
deriskii la dhibayiyo
derbigii adkaaiyo
dulqaadkii la diidiyo
dibindaabyo sokeeyaa
lagu kala dibboodeye
dadwaynoo isdaba qabo
dalkeennii balaarnaa
duurjoogta cowshiyo
deeradiyo garanuugtiyo
dawacadii ku noolayd
dib dambe laguma arag
dembigay galeen iyo
dowgeeda maan garan

*&*&**&*&***&*&*&*&*

dooddan aan tilmaamiyo
danyeelkii carruurtiyo
dumarkii darnaa iyo
da'yar iyo waayeel
da'aan la gowracin
diiwaanka laguma arag
dadwaynow dugaaggiyo
dayday aan wa dayniyo
dablay aan naxayniyo
da'yar qaad cunaysoo
dabadeed dudaysoo
diintoodii gadanaysoo
duuflaalku daashaday
dib haddaan looga harin
dalka aad ku dambayn
daa'inkaa garanayaaye
dadwaynoow is daba qabo

*&*&*&*&*&*&*&*&*&*&**&

doodda yaan ku daaline
da'aaddeena maansadu
waa digniin da'waynoo
dabaylaha xagaagiyo
diyaaradaha duuliyo
duufaannadaa sida
docda kale waxay tahay
dux ninkay ku hartiyo
diiwaankay ku qoran tahay
daftarkay ku taallaa
duugoobi mayso abid
dembina way ku hadashaa
daawana waaba dowgeed
ducadan kamaba marna
deelleyadana nimaan aqoon
deelqaafkeeda kama baxee
daa'inow allahayow
ducadayda ajiiboo
docda khayrku naga jiro
dowga noogu toosiyoo
durriyad qurana naga yeel
dembigana ha noo qaban


maansadii imminka intaa ayay igaga dhan tahay , waxaanna ka afeefanayaa wixii deelqaaf ah inuu eebbe iga dhowro
sidaa iyo nabad gelyo


cali-amiin khadar xuseen{indhadeero}
indhadeero@msn.com


Faafin: SomaliTalk.com | JULY 31, 2004

MAANSADII KANEEC

DOODWANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD