SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KANEEC

 c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi


c/rizaaq A.adan ali kaneec
Waa suugaan taxane ah lasoco isbuuc kasta...

lasoco suugaanta abwaankii waynaa alaha unaxariistee abwaan mujaahid ismaaciil mire"

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa xustay gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka mid ah, Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan kusoo koobi karin,maanta waxaanu soo qadanaynaa labadii gabay ee isbuuc kasta aanu ka qaadan lahayn maanta waxaanu qaadanaynaa 2gabay ee kala ah. taleex iyo ibbsi lacageed. markaa maanta waxaynu soo ban dhigayaa labadaas gabay waxaana kubilaabay sida. gabayga uguhoreeya waa sida magaciisuma waa taleen anagoo naal.

Annagoo taleex naal: Ismail Mire

Gabayga aan kor ku tilmaamay, wuxuu ahaa warbixin, uu Ismaaciil Mire, ka mariyey dagaalkii ay isaga hor yimaadeen Daraawiishta iyo Ciidankii Ingiriiska ee uu ammaanduulaha ka ahaa Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii. Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dhimashdii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela. Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Maxammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Gabaygu wuxuu ka mid yahay gabayada nooca ugu sarreeya. Qofkii bartaana uu aqoon weyn ka heli karo. Wuxuu Yidhi Abwaankii:

  • Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,
  • Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,
  • Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay.
  • Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,
  • Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,
  • Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray.
  • Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,
  • Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,
  • Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.
  • Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,
  • Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay,
  • Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.
  • Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,
  • Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay,
  • Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.
  • Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay,
  • Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay,
  • Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage.
  • Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay,
  • Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay,
  • Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray.
  • Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday,
  • Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday,
  • Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare,
  • Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray.
  • Tala xumada awrtuu xiray baqi tarraarsiinnay,
  • Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela,
  • Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,
  • Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay.
  • Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,
  • Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,
  • Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay.
  • Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle,
  • Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay,
  • Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaarka,
  • Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay,
  • Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay,
  • Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe,
  • Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay.
  • Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo,
  • Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey,
  • Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda,
  • Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray,
  • Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto,
  • Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne,
  • Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye.
  • Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye,
  • Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye,
  • Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere.
  • Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye,
  • Tunkaana waan ka soo xirahayaa Timirki dheeraaye,
  • Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye?
  • Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye,
  • Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye,
  • Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye,
  • Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye,
  • Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Gabayadan oo aad iyo aad uga helidoontaa haduu ra bi idmo hadaba gabaygan xiga ila eeg akhristoow

Iibsi Lacageed: Ismaaciil Mire

----------------------------------------------

Noloshiisa inteeda badan, Ismaaciil Mire, waxa uu ahaan jirey Darwiish. Intaas uu darwiishka ahaa, shuqul magaalo iyo sida loogu dhaqmo dhegtuu kala socdo mooyaane, wuu ka indho la'aa.

Mar baa se jirtey taariikhda gashay oo uu Ismaaciil u safarsaday adhi magaalada Burco. Gabaygan soo socdaana taas ayuu ku saabsan yahay.

Maalintii uu Ismaaciil Adhiga Burco u ka xaynaayey ayaa dad deriskiisa ihi adhi u sii dhiibteen, kulana ballameen waxa uu gooyo in uu ugu soo gado raashin iyo waxyaale kale oo oo miyiga looga bahanaa. Ismaaciil markuu Burco galay ee u hoydey, ayuu salaaddii adhigii uu wadey kula kallahay sayladda xoolaha.

Muddo yar dabadeedna dillaaliin ayuu kula heshiiyey in ay adhiga u iibiyaan. Dabadeed dilaaliintii ayaa arkay in uu Ismaaciil ka dhego xidhan yahay shuqulka wax loo iibsado, dabadeed dilaaliinti waxay ku heshiiyeen in Odayga la dhaco. Markaa lacag yar oo uu Ismaaciilba qawedey taas oo aan u dhigmin adhigii ayaa layidhi qaado.

Reerii uu u safray markii uu ku soo laabtay isaga oo fara madhan, ayaa dadkii xoolaha lahaa Isamaaciil ka waraysteen xoolii halkay mareen, markaa isagoo ka waramaya waxa laga filayo iyo waxa uu sidaa siday u kala fogyihiin, ayuu gabaygan yaabka iyo qoslkabaleh curiyey.

Gabayga hadii aan si kale u idhaa halay saxo, anuu sidaan u maqlay waa sidan.

  • Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
  • iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
  • Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
  • Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
  • mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
  • afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
  • albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida eh
  • Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye
  • Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye
  • Dar iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye
  • Amankaagay goortay wankii adhaxda tuujeene
  • Inta weeye iyo maahadii la is ilaaqaayey
  • Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
  • Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
  • Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye
  • afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene
  • Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
  • kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
  • usha, jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
  • Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya.

Qaybtii 2aad ee Silsilada Ismaaciil Mire... Guji

diyaarintii c/rizaaq A.adan ali kaneec

{abdirizaqkaneec}qoraa xaga taariikhda iyo cilmi ga bulshada

c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

 

QAYBTA 2aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD