SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KANEEC

c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi


c/rizaaq A.adan ali kaneec
 
Lasoco isbuuc kasta suugaanta alaha una xariistee abwaankii
waynaa mujaahid Ismaaciil Mire Cilmi:
C/risaaq A.Ali Kaneec
kaneec1@hotmail.com

silsilada gabayada ismaaciil mire 

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa xustay gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka mid ah.

Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin misana misena waxaynu dad waynaha ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid ismaaciil mire,hadaba yaanana idinku dheereene maanta ayenu qaadano labadana gabay ee ugu horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan labadan gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin

  • 1-Ragow kibirka waa lagu kufaa
  • 2-Jahaadkii wada dheer

hadaba waxaanu kubilowaynaa gabayga hore ee ah rago kibirka waa lagu kufaa wuxuuna kubilowday sidan

1-Ragow kibirka waa lagu kufaa

Gabaygan waxuu tiriyey Ismaciil mire mar Nin la odhan jirey carab dheere oo saajin Askartii gumaysiga ingiriiska u shaqayn jirey ahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah Nin weydiistey Walaashii, markaas buu yidhi maxaad ku falaysaa? markaas baa ninkii yidhi waan guursanayaa, halkii jawaab ka sugayey ninkii,Haa iyo maya ayuu yidhi hala toogto, markas baa la yidhi carab ninka maxaad u dishay markaas buu yidhi anigoo carab dheere ah oo sabaankan jooga ninka walaashay i weysdiistey barina wax kale ayuu soo wataa (Hadalka waan qarinaynaa) Arinkii waxaa maqlay Ismaaciil mire oo halkaas joogay ayaa waxuu tiriyey gabaygan qiimaha weyn leh oo ragii somalida kibrey wakhtigaas ku soo wada daray marka laga reebo Mataan ciideed, ilaa hadana lama oga sababta uu uga reebay mataan ciideed ma oodhan karno ismaaciil, mataan ciideed maqal waxuuna yidhi:

Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Raguu muxumud waal raray haduu saanta uga kaadsho
Kulcad uma ay dileen oo hadana koor magaliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye

walaalayaal waxan filaya in aad gabaygaa hore ku diirsateen taariikhda marka laga sheekeeyaad moodaa in ay hadaba taagan tahay hada yanan war idinnku daalin aan bilaabo gabaygii labaad ee uu tiriyey abwaan al-mujaahid ismaaciil mire waana kan

2-Jahaadkii wada dheer

Dhalinyaro sodomeeyo ah oo Daraawiish ah ayaa duullaan aan loo fasixin ugu baxay degmooyin Burco agaheeda degganaa oo Ingiriiska meel kala soo jeeday Miirana u ahaa. Bancawl meesha la yidhaa oo Beer u dhow ayey ka soo qaadeen geel 400 ah; dabadeedna waxay keeneen Orgiya oo ay Daraawiishi daar ku lahayd Waxaa la isku raacay in geela aan dhalinyarada la siin maadaama ay iska baxeen naftoodana halis gesheen oo laga dhigo {xoolo daareed}

Ismaaciil Mire oo ka mid ahaa ciidankii ay nimankaasi ka tageen aad buu maqnaanshahooda uga murugooday isagoo ka cabsi qabey inay {Gaalo} hesho oo ay dib dambe u soo noqon waayaan. Markaas buu tixdaan rabbi-bariga ah goor Caweysin ah mariyey in teysan Dhalinyaradii Orgiya ku soo noqon waxuu yidhi :-

Nin welwelhayaad Maxamedow weedh u dirataane
Waayadotan maansaduna waa iga wayiignayde
Waddigii habeenlkii ma ledo welef sidiisiiye
Jahaadkii waddada dheer maraan weli u jeedaaye

Wejigoodu gubeygii haddii weerar lagu baaro
Weyraxa la soo tubo hadday weydo Ololeyso
Waysaaqa dirireed haddii sumucu wiifleeyo
Waaxidow Allahayow adaa lagu wakiishaaye

Eebboow walaalahay quwee wahantay laabtiiye
Warsame iyo Xuseen iyo saciid walaftankii Yuusuf
Wabarkii Obsiiyiyo Cashuur warammadii Ciise
Wanaagii Hurruuse iyo Dhaal wereftankii Xaashi

Caliyaan u waalanahayaan weheshigoodiiye
Waxtarkii Ducaaliyo Hayaan waanadii Maxamed
Iyo weyraxii Nuur warsame wadanihii Aadan
Iyo wiilashaan garanhayiyo wadar dhammaantoodba

Wadnahay qadhqadhi jeerahoy wada yimaadaane !
Eebboow waxyeellana ka dhawr hana iswaasiinuun
Waxba ima taraan caanahaan wabaxsanaayaaye

Dhallintii aan soo waaban jirin waw welwelayaaye
War bishaaro Eebbow ka keen waaga barigiisa!

DIYAARIYE QORAA IYO TARIIKHYAHAN

C/RISAAQ A.ALI KANEEC
kaneec1@hotmail.com
 qaahira bariga dhexe


Faafin: SomaliTalk.com | JULY 16, 2004

QAYBTA 1aad:: KANEEC

QAYBTA 3aad:: KANEEC

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD