SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

cali-amiin khadar xuseen{indhadeero}
indhadeero@msn.com


Dabiibaa

Waxaan halkan hadal jawaab gaaban uga diryayaa walaalkay cumar maxmuud maxamed oo tiriyay maansada la magac baxday dahab taasoo uu ku waydiistay abwaanada soomaaliyeed su'aal uu garan waayay jawaabtana ka sugayo waxa silaca ina baday.

 
Sidaa awgeed ayaan waxaan curiyay maansadan la magac baxday maxaa lagu dabiibaa?
 
 
bisinkii ilaah baan
ku billaabay maansada
deeqdiisa guudiyo
raxmaddiisa gaareed
isagaan udaayoo
cid kaleeto lama simin
ducadiisa mooyee
damci kalena kama lihi
dulucdeeda maansadu
darrandoorri weeyoo
danta aan ka leeyahay
debbeddaan idiin dhigi
damcigayga maan gelin
deelleey inaan tirsho
dacwad baa walaalkay
abwaannada udirayaa
jawaab buu ka sugayaa
jahwareer baa ka haysta
balse dooddu ma foga
dib hadduu u daalaco
diinteennii islaamkiyo
dakanadii dadkii hore
danta reer samuud iyo
durdurradii reer caadiyo
duunyadii fircooniyo
dabahabkiii qaaruun iyo
deeqdii ilaahoo
laga tagay daraadeed
inay doontu caariday
duunyadana la daba rogay
dembi ay galeen iyo
dariiqii rusushoo
dhuqyaankooda awgii
duufaanno sow kuma kicin
 
dulucdiyo danteedana
markaan hoos usoo dego
dalkeennii gumaystaa
dowlad ka ahaan jiray
diidmo wada jirkeenniy
dacwaddii ilaahbaa
daaqaddii la inoo furay
dabadeedna deeqdii
dooggiyo cagaarkii
digirtiyo gallaydii
dugsigiyo quraankii
duruustiyo iskuulkii
ayaa loo dareeroo
dadku wada damaashaad
 
 
deeqdaa intaa la eg
markii lawada daayacay
dadabdeedna shugrigiyo
laga tagay alla mahaddii
dowladdiinna deelqaaf
loogu sacab tumaayay
ninkii dood ka keenana
lagu deldelay horteennii
markaasaa la quustayoo
dibhagaaga dhowr iyo
dood yaan laguugu arag
lagu wada dardaarmay
dulligaa intaa la eg
dadkii ina baday baa
dalkeenniina dumiyay
dadkeenniina isku diray
doollar dhiig ku doorsaduu
nagu yiri dugaaggii
dadna way ka diideenoo
dibedeheey u doogsadeen
dawarsiga shisheeyahey
dugsi iyo door moodeen
 
dagaal ooge dulli ah bay
dadna doorkood moodeen
doollarkay ka gurayaan
dabna way ku shidayaan
dadkana way ku dilayaan
dantoodii adduunkiyo
dawgoodii qiyaamaha
duunyaday ka doorteen
illayn doqoni calaf maleh
doqonnimo mooyee
 
waxba dooddan yaan badin
deedna waxaan ku soo xiray
abwaankii su'aashoow
salaan diirran iga gunud
jawaabtaana iga hoo
sidkay anig ila tahay
waa araar warkayguye
haddaad dood ka leedahay
abwaannadii badnaa iyo
culumaan i dirayaa
wixii anigu aan dowley
ama ama gayax maray
ama aan garan waayay
ama aan guntiisii
gaari waayay waayadan
dib dambaan jawaabaha
diiwaannada ku qorayaan
doodwadaag ku darayaa
adigana dadaalkaa
daa'inbaa kuu barayayaa
inuuu kuula garab galo
danta aad ka leedahay
soomaaloo midowdoo
dar ka wada cabbaysoo
docda aan iska wada dhugan
intaasaan ku soo xiray ee
daa'inoow allahayow
ducaddeennna noo aqbal
 
abwaankii su'aashow
dood yaroo ii dihinoo
aan kaa doonayaa jirtee
haddii cudurka la hayo
daawaduna maxay noqon
dowgeen oranaynaa
dariiqeen maraynaa
dulligaan na daashaday
maxaa lagu dabiibaa
dan yartiyo maatada
maxaa lagu dabiibaa
duqaydiyo caruurta
maxaa lagu dabiibaa
diqtoorkiyo macallinka
maxaa lagu dabiibaa
dumarkii la kufsaday
maxaa lagu dabiibaa
dadka dagaalka doonaaya
maxaa lagu dabiibaa
dulliga iyo ifsaadka
maxaa lagu dabiibaa
doqon wax ma garato ah
maxaa lagu dabiibaa
caaqil aan xal keenayn
maxaa lagu dabiibaa
dadka xumaha ka taliya
maxaa lagu dabiibaa
doodahaas dhamaantood
dawadoodu waa mide
maxaa lagu dabiibaa?
 
  
aammiin aaamiin aaaamiiiin

cali-amiin khadar xuseen{indhadeero}
indhadeero@msn.com

MAANSADII DAAINOW ALLAHAYOW

Faafin: SomaliTalk.com | August 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD