SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MAANSADII - DHAKAFAAR !

Hal-abuurka Maansada
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com


DHAKAFAAR !

Curiye: Inj. Maxamed Cali Cibaar Delft, Holland

Maansada Dhakafaar waxay soo baxday dhamaadkii bishii maarso 2005-ta, waxaana curiyay Inj. Maxamed Cali Cibaar. Maansadu waxay ka warramaysaa natiijadii ka soo baxaday shirkii muddada sanada ah loo fadhiyay Kiinya iyo waxa ay soo kordhiyeen dagaal-oogeyaashii halkaas isku soo caleemo saaray.

Maansadu waxay dabasocotaa kuna hal-qabsanaysaa Maansadii ka horraysay ee Dhalanteed oo soo baxday bishii maarso 2004-tii iyo Maansadii Dhibaad ee uu curiyay Maxamed-Keyse oo iyaduna soo baxaday dabayaqadii sanadkii 2003-dii. Labadan maanso waxay ka mid yihiin suugaanta faraha badan ee ay hal-abuurada Soomaaliyeed uga digeen cawaaqibxumida ay yeelan karto in dugaag xoolo lagu aamino!.

Dhakafaar waxay wax ka tilmaamaysa hab-dhaqanka qaabka daran ee Soomaalida maanta . Waxay ka digaysaa khatarta culus ee ku soo fool leh ummaddeenna, waxayna ku baaqaysaa in aan la isku dhiibin oo laga dhiidhiyo dhagarta cadowga ummadda iyo dagaal-oogeyaasha uu ku adeegtaa ay dadkeenna, diinteenna iyo deegaankeennaba la damacsanyihiin.

Dhakafaar !

  • Keysow Dhibaad iyo

  • Huryo dhagas sirteedii

  • Waraabihi dhutinayeed

  • Tiri dhayladuu helay

  • Lafihii xitaa dhuux!

  • Dharaqdii afkiisiyo

  • Dhiinkii xinjirihiyo

  • Dhoollaha casaankii

  • Dharaartii la shuufee

  • Dhaygaggii la yaabeey

  • Dhug yiraahde riyihii

  • Dhurwaa xeeladdiisiyo

  • In dhagari kashifantoo

  • Dhabtii ay caddaataan

  • Dhiirranow u haystaye

  • Illeyn qaar dhagweynoon

  • Illaa cunaha lagu dhago

  • Waxba dhaadin baa badan!


  •  

  • Dhigaalkii abwaannada

  • Wixii gabayo dhaadheer

  • Dhalliil iyo canaan iyo

  • Lagu dheehay waanada

  • Dhalanteed digniin culus

  • Dhabtii waxay abbaartiyo

  • Amiin sawirraduu dhigay

  • Dadku inuu dhagaystoo

  • Ka dhergaan u haystaye

  • Illayn badidood maba dhicin

  • Dhawaaqiina lama garan

  • lama dhugan sarbeebtii !


  •  

  • Gobolladii dhamaantood

  • Dhibaatada colaadaha

  • Geeridiyo dhaawaca

  • Abaar lagu dhamaadoo

  • Cudurro isku dhafan iyo

  • Gaajadu ay dheertahay

  • Mar haddey dhadhamiyeen

  • Anaa dhalada hebelow

  • Iyo dhumuc anaa weyn

  • Xumaan inay dhammaatooy

  • Dhimeen baan u hasytaye

  • Illayn dheeshii waa weli.


  •  

  • Dhoofkiyo is dhiibkiyo

  • Dhaxantiyo qaxootiga

  • Ehel kala dhantaalmooy

  • Kala dhufte duruufuhu

  • Waxii qoysas kala dhumay

  • Ama ubad la dhalanrogay

  • Kaniisado u dhuuntoo

  • Diintiiba dhinac maray.


  •  

  • Wixii oday dhirbaaxiyo

  • Dhabannaano xoog badan

  • Dhabankiisu bararoo

  • Isagoo dhacdhacayoo

  • Waayuhu dhabaandhabe

  • Dhaaxa ciil huqleeyooy

  • Karkareen dhafoorradu.


  •  

  • Dhallinyaro hanwaynayd

  • Dhenged sida dameerihi

  • Wixii Lala dhacaayoo

  • Dhinacyadu dillaacoo

  • Dhacaan feerihii galay.


  •  

  • Rag wixii dhufaanmoo

  • Dubbihii ku dhacay iyo

  • Qabatadi dhab lagu yiri

  • Dhambaleen xiniinyihi

  • Ama loo dhammeeyoo

  • Seey yihiin dhilmaanyaba

  • Noloshii la dhaafiyay!


  •  

  • Xaamilo dhamaysoo

  • Dhuudhuutinaysiyo

  • Dumar caawa dhali raba

  • Waxay silic dhaxeenoo

  • Baranbaro dhajiiqiyo

  • Meel dhilqe ku badanyahay

  • Dhagax cuni jirkoodiyo

  • Xabsiyada dhex jiifteen.


  •  

  • Dharkooy qoysay oohini

  • Wixii dhibban itaal daran

  • Dhallaankii ay dihatoo

  • Dhiiggeed ka beermoo

  • Ilaahay u dhiibiyo

  • Kii ku koray dhabteedii

  • Ka dheerow la yiriyoo

  • Hooyo ubadkii laga dhacay

  • Ay dhamaatay murugada.


  •  

  • Dhibaatadaa xanuunka leh

  • Iyo boqol kaloo dheer

  • Mar hadday dhadhamiyeen

  • Anaa dhalada hebelow

  • Iyo dhumuc anaa weyn

  • Kibir inuu dhamaadoo

  • La dhimmaan u hasytaye

  • Shacabkaan dhugta lahayn

  • Illeyn waa gawaan dhaba

  • Dhadhaab aad u adag iyo

  • Dhul aan khayrku kuba duxin.


  •  

  • Dhiifoonaanti garashiyo

  • Dhiirridiyo kalsoonidi

  • Wacad dhowriddii iyo

  • Dhaqankiyo asluubtii

  • Dhaxalkii awoowgood

  • Kuwuu sahal ku dhaafoon

  • Waxba meel ka dhigan iyo

  • Duulkan dhimirki laga galay

  • Waa qaar dhashoodii

  • Dhuunigoodi laga horo

  • Oo dhibic caddaysiyo

  • Dhalo goror ku jira iyo

  • Wax carruurtu dhuuqdiyo

  • Shay kastaba dhunjinayoo

  • Dhaalalkii murdinayoo

  • Aan dhururuq reebayn.


  •  

  • Wax kastoo dhibaato ah

  • Waa duul ku dhaashada

  • Marba tuuggii dhacayoo

  • Khiyaanada ku dheer bay

  • Dheemankiyo lacagtiyo

  • Dhulka maal waxow yaal

  • Ammaanada u dhiibtaan.


  •  

  • Fulay dhabqiya nabaddiyo

  • Dhaadhaanka nacaska ah

  • Garashadu ka dhimmantahay

  • Naxariis ka dheertahay

  • Xishoodkiina meel dhigay

  • Been-kama-dhergaankiyo

  • Dhuuntu miday dalooshoo

  • Dhul fog laga hagaayiyo

  • Midka miinadow dhiga

  • Waaba kuway ku dhaataan.


  •  

  • Waxay dhiirrigeliyaan

  • Dhiig-miirad baas iyo

  • Kuwa dhaawacaayoo

  • Sharaftoodii dhumiyoo

  • Dhulka iyo dadkoodaba

  • Dhaafsanaaya shilinoo

  • Dhiig-yacabka laayeey

  • Ma dhintoow yiraahdaan

  • Xilalkana ku dhoobaan.


  •  

  • Kan dantooda dhowree

  • Qarannimo dhisaayee

  • Dhididaaya howshee

  • Dhalandhoolka milicdiyo

  • Habeenkii dhafraayee

  • Dhexdu ay u xirantee

  • U dhimriya bulshada iyo

  • Waa ummad ka dhiifoon

  • Geesigay dhaleen iyo

  • Caaqillada dhifka ahee

  • Laga wada dhursugayoo

  • Hadafkoodu dheeryahay

  • Ka dhooqaysa himilada.


  •  

  • Diktoor Cilmi dhammeeyiyo

  • Dugsi sheekha dhigayee

  • Xadiis laga dhagaystiyo

  • Kan qurbaha dhabacanee

  • Cayrta loo dhibcinayiyo

  • Kuwa howd dhex joogee

  • Dhaanteeya fiidkii

  • Badi wax isma dhaammaan

  • Qabiilkaa u dhaayo ah

  • Dhabna waxay u haystaan

  • Hadday saaka dhaafaan

  • Cirkoo dhinac dumayiyo

  • Dhimashaba in ay tahay !!


  •  

  • Qoom Ilaah ka dheeriyo

  • Dhiil agoon nin heensaday

  • Dhacay boqol jir waayeel

  • Ummul dhiig ka da'ayiyo

  • Gowracay dhallaankii

  • Haddaan weyne dhaafayn

  • In ciqaab ku dheelmado

  • Cilmi baa dhigaayee

  • Dhubuqdhubuqdi socotiyo

  • Dheelaas ciyaarkiyo

  • Dhoollatus qabiil iyo

  • Qabyaaladdii dharka la'ayd

  • Waa tan dhabannahaystiyo

  • Dhakafaar abuurtaye

  • Xaggee loo dhaqaaqaa?!


  •  

  • Dhegxumadiyo ceebtiyo

  • Middaan inaysan nagu dhicin

  • Horay uga dhawaajiyay

  • Adna aad Dhibaad iyo

  • Ku tilmaantay dhaxal-gala

  • Dhurwaagii dugaaggee

  • Dharka aadmi qaatee

  • Intuu dhaartay beenbeen

  • Yiri Aamin igu dhaha

  • Xoolo kii u dhiibtiyo

  • Doqon waa dhaliishiye

  • Hashii dhool ahayd iyo

  • Nirigteedi dhaylaba

  • Hadduu dhiig qulqulayoo

  • Dhaawacoodu halis yahay

  • Xaajadiina dhabaqdoo

  • Dugaaggii dhamaantood

  • Isu wada dhawaaqeen

  • Alla wuu ku dhagay iyo

  • Ka dhigaay ha joogtee

  • Dhiilaha la culayiyo

  • Dhaay maalid sugid iyo

  • Dhibishdhibishtan maanlow

  • Waxaan dhowranaynee

  • Dhaayuhu arkaayaan

  • Ma dhab baa widaayow

  • Mise waan dhadhabayaa?!


  •  

  • Waa dhiillo foolxume

  • In gafane dhulkeennii

  • Dhaxalakiisa rabo oo

  • Dhinac uu ka duso iyo

  • Dhabe haybsanaayoo

  • Inaan soo dhaweynoon

  • Ku ximbaarno dhabarkoon

  • Dhaaminno u naga rabo

  • Ninkii dhiidhinaayee

  • Dhaqdhaqaaq yiraahdana

  • Shaambad lagu dhajinayuu

  • Yahay ruux dhib kale wada

  • Waxan dhowranaynee

  • Dhaayuhu arkaayaan

  • Ma dhab baa widaayoow

  • Mise waan dhadhabayaa?


  •  

  • Intaan dheegtay buug iyo

  • Intaan dhego ku kaydiyay

  • Waa sheeko ii dhiman

  • Dhafandhaaf mas'alo iyo

  • Imtixaan dhibkiis loo

  • Dhiraandhirin innaga raba.


  •  

  • Markuu xaalku dhii tago

  • Rabbow talo dhammanteed

  • Kuu dhiibnay adigee

  • Dhanka khayrka noo door

  • Shaydaanna naga dhowr

  • Dadaal aad u dheer iyo

  • Duco waa ma-dhaafaan

  • Midna saaxib aan dhaho:


  •  

  • Mar haddii an dhoof iyo

  • Dhuudhuumashow iyo

  • Dhisme leysku meershiyo

  • Dhaqtar iyo quraan iyo

  • Dhereg iyo ladnaan iyo

  • Hanti meel la dhoobaba

  • Malag looga dheeraan

  • Cimrigii dhammaadana

  • Ammintiisa dhaafayn!


  •  

  • Shaqo dhididdayaa iyo

  • Xaaraan ka dheregtaa

  • Dhuunigii laguu qoray

  • Mar haddii uu dhiganyahay

  • Dhaandhaan kas daran iyo

  • Kii dhabbacanaayiyo

  • Dhabcaal aan wax quurayn

  • Dhoohane halkoodee

  • Sow inaan dhaqaaqnoon

  • Dhaliisheenna saxannoon

  • Dhiidhinnaa walaal oo

  • Dhallinyariyo waayeel

  • Sharafteenna dhowraa

  • Arrinkeennu kuma dhama?!


  •  

  • Nacab noo dhakanayoo

  • Dhabarkiisu muuqdaa

  • Weligiiba dhoollaha

  • Ha dhalaalsho ciridkoo

  • Dhiqdhiq qosol ha siiyoo

  • Intuu dhakal mariid iyo

  • Ku soo qoosho dhuunkaal

  • Dhanaan iyo macaan iyo

  • Ha ku sheego dheefoo

  • Ha yiraahdo waa dhabaq!


  •  

  • Nacab noo dhakanayoo

  • Dhabarkiisu muuqdaa

  • Waligiiba dhimaniyo

  • Mid wax dhiitinaayiyo

  • Dhangax iyo ma quusyito

  • Ma-dhimriye habaar qaba

  • Dhoombaca ha ababshoo

  • Intuu dhiinka darajada

  • Dhal-iblays u wada xiro

  • Ha dhoobdhoobo doqomada!


  •  

  • Inkastuu dhib jira oo

  • Dhaawac culusi nagu yaal

  • Dhaar waxaan maraynaa

  • Inaan dhabar-adaygnoon

  • Dhidibbada adkaynoon

  • Dhufaysyada ka bixinoo

  • Aan dhasheenna sahay iyo

  • Kaydkii u dhiibnoon

  • Hamigeennu dheeliyin.


  •  

  • Inkastuu dhib jiro oo

  • Dhaawac culusi nagu yaal

  • Dhaar waxaan maraynaa

  • Kuwa nala dhiggaa iyo

  • Haddaan qayrkeen dhaafayn

  • Dhinac inaan ka joognoon

  • Dhacsannaa xaqeennoon

  • Marna hoos naloo dhugan.


  •  

  • Inkastoo dhib jiro oo

  • Dhaawac culusi nagu yaal

  • Dhaar waxaan maraynaa

  • Inaan dhidar hamuun qaba

  • Iyo cadowga dhogorta leh

  • Dhuudhuumayaa iyo

  • Dhiirri soo bereeryaa

  • Dhulkayaga intuu dago

  • Noogu seexan dhacadiid.


  •  

  • Anigoon ku dheeraan

  • Shacabkii Dix-dhagaxeed

  • Dhago ha ka furaysteen

  • Ama ha na dhageysteen

  • Bal in waajib naga dhaco

  • Xaqiiqada dhabta ah iyo

  • Aan dardaaran kale dhaho.


  •  

  • Bulshayahay dhibkeediyo

  • Kala garan wax dheef laay

  • Hurdo laguma dhaanshee

  • Haddaan dowlis dheer iyo

  • Wadaan biyaha soo dhurin

  • Dhoomuhuna maranyiin

  • Dhallaankoo harraad qaba

  • Meel aan dhibici ool iyo

  • How tilmaamin dhalanteed!


  •  

  • Bulashayahay dhabtii iyo

  • Kala garan wax dheelaay

  • Haddaan dhoobo ciidiyo

  • Dhagaxantaad shubaysaan

  • Dhexda biro ku laabnayn

  • Dhisme dabaqyo-dabaqyoo

  • Dhista booc u tahay tiir

  • Dhushug bow dambaysee

  • Dhakadiisa how xilan

  • Gogoshana ha hoos dhigan.


  •  

  • Dhambaalkaygu wuxu yahay

  • Xaalkan halis u dhaadhacay

  • Haddaan diinta dhidibnoon

  • U dhawaanno Waynaha
  • Dhayiddiisu waa sahal

  • Waa dhowyahay xalkiisuna

  • Waxa uuse dheeryahay

  • Markaan eelka kii dhigay

  • Na dhaqtari ku Leenahay !!


  •  

  • Aanan kuu dhameeyee

  • Ilaahiisu dhaafyow

  • Waa dhibco la qorayoo

  • Dhito weeye taariikh

  • Dhuqdhuq iyo is-yeelyeel

  • Kii ruwaayad dhigayiyo

  • Midkii dhiidhinaayee

  • Dhexdu ay u xirantahay

  • La iskuma dhafaayoo

  • Diiwaanno dhigan buu

  • Ninba meel ka dhacayaa

  • Dharaartii qiyaamiyo

  • Aakhirana sii dhiman.

  • Rabbi ha ina dhowree

  • Annagana dhankeennii

  • Axdi waxa inoo dhigan

  • Alloo loo dhowaadiyo

  • Xaqoo lagu dhegaa iyo

  • Dhimashana koley tahay

  • Runta inan la dhinac marin

  • Dhaabaddeennu waa taas.

Dhammaad
 

Wixii falcelis ah ku soo hagaaji
Mohamed_ebar@hotmail.com

Halakaan ka aqriso maansadii DHALANTEED
http://www.somalitalk.com/maanso/dhalanted.htm

Halkan ka aqriso maansadii DHIBAAD
http://www.aftahan.com/gabayo/Kayse/dhibaad.htm

Hal-abuurka Maansada
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD