SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SABAANKAAN

Yusuf Aw-Xirsi Xuseen,
E-mail: hersi64@hotmail.com


 Sabaankaan
Gabaygan magacisu waa Sabaankaan,waxaa tiriyey,Yusuf Aw-Xirsi Xuseen,E-mail: hersi64@hotmail.com  ,taariikhdu markay ahayd 27-07-2004,Isagoo jawaab ka bixinaya gabay uu tiriyey Shaafici Xassan Maxamed,01-07-2004, gabaygaas oo magaciisa la yiraahdo Sad Libaax.  Gabaga sad libaax waxaa ka heli kartaa meeloo badan oo bogagga internetka somaalida ah.

 

Sabaankaan ninkii suursanaa,yuu wax noo sixine’

Sabaabaa’da yuu noola iman, seera goyska ahe’

Salawaatka yuu nagu adimin,saamalayl dumaye’

 

suugaanna ruuxii tirshaa, waa inuu suga e’

Sal adayg ayaa laga rabaa,saajic nimo weyne’

Siduu doonayuu ruux kastaa,uga sadqaataaye’

Meeshay ka saarayd ayuu,uga sur gooyaaye’

Iyaduu ku siminsaabiyaa,uga salbuuxshaaye’

 

Safiraadda dheraadka ahi,wa u sun iyo booge’

Samir buu ka qataa haddii, sadar la leexshaaye’

Sideedabana lagumaba saxsaxo,sheeko saaidahe’

 

Suuqyada intaan laga akhriyin, baa la sahanshaaye’

Salkeedaa la toosshaa murtida, saad u aragtaane’

waa laga sifeeyaa wixii, lagu sidboodaaye’

Meeshaan laguu saamixayn,la iska saaraaye’

Sakatigana waa laga tiraa, seera goyska ahe’

Sanifaad mafiicnee  runtaa, lagu sifoobaaye’ 

 

Saadaasha fiicani maxuma,samid la dhawraaye’

Samaantoo qalbiga lagu hayaa,waa sad qaaliyahe’

Subxaan qaadir waa laga sugaa,inay sugnaataaye’

 

Sababahana waa lagu daraa,sii ka dariddiiye’

Baladuna hadday soo saglayn, waa sisibataaye’

Sibiq bayna kuu soo gashaa,saanad filanayne’

Sanka ka riixid mooyee malaha,sayn ad qabataaye’  

 

Saldhiggeeda maahmaahda waa, lagu sad qaataaye’

Soomaali saytiri mar hore, yay u socotaaye’

Saantaada ruuxaad katolan,waa la sahanshaaye’

Sifadana middii uu qabaa, lagu saleeyaaye’ 

 

Sidaadoo kaleetay khalqiga, saf u galaayaane’

Saxariirta kuu muuqatay,sal u ahaayeene’

Silic bay kaddaaleen dadkay,ugu sarreeyeene’

Waa saan madooboow kufrigi,saaqidka ahaaye’  

 

Soomalilaantaad xustaan,kuu safirayaaye’

Suluxooda sooma aysan  gelin,gaalo saman wayne’

Samadoonno loo soo xulay,baa salka u dhigaye’

Salli iyo ducaa lagu khatimay,sidad ogaydeene’  

 

Sarrayntoo dhan xamarbaa leh bay, uga sarriigteene’

Sagaal dabaq ayay leedahay, uga santaageene’

Sancadaas inay suubiyaan,yaa u sahalnayde’

Soddonkii horay uga samreen,sama jacaylkeede’

Sed  ayaan u leenahay kursigu, saas ka sii darane’  

 

Sare uma ay duuline dhulkay,kugu sugaayaane’

Salow  qaylo lama doonayiyo,seef la boodnimo e’

Sun colaad hadday qaraxdo, saaqbay kicisaaye’

Sunnadaan ahayn maalin qura,inay ku suushaaye’

  

Samaantaada way jecelyihiin,saalix kuu kaca e’

Safraddaa ku haysaa ma’aha,waxay ka seexdaane’

Sug ayay intaa leeyihiin,waxay sameeyaane’

 

Saluugmadu aday kaa timide,Sixid ma weeydeene’

Sabuuraa laguu qori lahaa, sadarro waa weyne’

Salliyaa laguu dhigi lahaa,geedo salal weyne’

Sumallaa laguu qali lahaa,sararo waa weyne’

 

Sixinkii riyaa laga dhigaad,sugi  lahayd jeere’

Sanuuntooda yuu yare qalbigu,saaxi dhigi laaye’

Salka buu dhulkii dhigilahaa,suuxdin kii qabaye’

Sakiiraalihii tuugaduna, wuu samri lahaaye’

Samadoonka kharkiyo runtaa,soo degdegi layde’

 
Wabillahi Towfiiq
Yusuf Aw-Xirsi Xuseen
hersi64@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | JULY 31, 2004

SAD LIBAAX.... GUJI

MAANSADII KANEEC

DOODWANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD