SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHABEELADA HOOSE

Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkiiba ka helo $600,000, Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday Dadkii Lahaan jirey...

Beerhaas daroogada oo lagu qiyaasay 10 Beerood waxay ku yaalaan dhul beeraadka Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey... Daroogada Tayada Xun ee aagaas ka soo baxda waxaa loo diraa Muqdisho iyo dalalka deriska ah, halka daroogada tayada leh loo diro dalal shisheeya....

  • Isha: Qaramada Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 11, 2005

Warbixin Dheer oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey markii ugu horeysey si faahfahsan uga hadashay waxyaabaha sababta u ah dhibka xalka loo waayey ee Soomaaliya in ay sal u tahay lacagta ay sida joogtada ah ee dhiig miiradka ah u helayaan qabqablayaasha dagaalka iyo ganacsadada Daroogada, dhuxul gurayaasha, Qaadka, iwm.

Qoraalka UN-ku waxa uu si gaar ah u xusay beeraha daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde uu ku leeyahay shabeelada hoose. Qoraalku markii uu arrintaas ka hadlayey waxa uu ku bilowday sidan:

Sheikh Yuusuf Indhocadde waxa uu ka arrimayaa gobolka Shabeelada Hoose; waa sidii governor (Guddomiyha gobolka). Xarrunta Indhocadde madaxtooyada u ah waa Buulamareer, oo ku taal aagga baaxad weyn oo uu ka baxo Moosku oo woqooyi galbeed ka xigta magaalada Marka.

Jograafi ahaan aagga uu ka arrimiyo waxaa kamid ah marsooyinka badda ee Marka iyo Baraawe - waxana uu leeyahay doonyo kalluumaysi - iyo garoonka diyaaradaha ee Marka.. Aggaas maxalliga ah ee uu ka taliyo waxaa kamid ah dhul beeraad - ay ku jiraan in badan beeraha daroogada ah, beerahaas oo laga qaaday dadkii lahaan jirey.

Si uu aaggaas u xakumo waxa uu leeyahay maleeshiyo u gaar ah oo uu isagu leeyahay, kuwaas oo ka kooban rag ka yimid beeshiisa hoose iyo qabiilkiisa (waxana qoraalku xusay qabiilkiisa). Waxa kale oo uu Indhacadde leeyahay waardiyaalaal tiro badan kuwaas oo ah kuwa uu ugu kalsoonida badan yahay oo ah beeshiisa hoose.

Miisaaniyada Sheikh Indhocadde uu ku iibsado hubka waxa ay ka timaadaa ganacsada, dekedaha Marka iyo Baraawe, garoonada diyaaradaha, isbaarooyinka, beeraha, NGO-yada, doonyaha kalluumaysiga, iyo ilo kale. Sheikh Indhacadde dad ka socda ayaa cashuurta ururiya Toddobaad kasta. Bilkastana lacagtii la ururiyey waxa uu ku bixiyaa ama siiyaa xubnaha maleyshiyadiisa, kuwa u dhowdhow ama ku xeeran ee jaalka la ah ama lataliyayaashiisa ah iyo cuqaasha qabiilka, waxana uu iibsadaa hub. Marka uu lacagahaas bixiyo, wixii soo hara, oo lagu qiyaasay $50,000 oo doolar waxaa qaata Sheikh Indhacadde qudhiisa.

Sheikh indhocadde waxa kale oo uu dakhli ka urursadaa NGO-yada oo la'aantiis aan aagaas ka hawl geli karin, waxaa shardi ah in ay lacag siyaan isaga si ay u helaan ogolaansho ay ku hawl galaan.  Waxa la siiyaa boqolkiiba 15% waxa loogu talo galay dadka aaggaas deggan. NGO-gu guryaha ay deggan yihiin lacagta ay ka bixiyaan waxaa loo kala baraa Sheikh Indhocadde iyo qofka leh guriga (ama mulkiilaha guriga). Isga ayaana leh kelmeda ugu dambaysa ee ku saabsan Soomaalida ka hawl geleysa NGO yada - kuwaas oo ah beeshiisa - waxana uu helaa qayb kamid ah shaqaalahaas mushaharkooda. Waxana uu leeyahay dad isku xiriirsan oo dusha kala socda waxa ay NGO-gu qabanayaan. NGO-ga aqbali waaya waa laga eryaa aaggaas.

picture of a marijuana plantSheikh Indhocadde waxa kale oo uu leeyahay Beeraha Daroogada oo ku yaal aagga uu xakumo, oo ay kamid yihiin Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey. Tirada rasmiga ah ee beeraha lama oga, laakiin Kooxda Qaramada Midoobey ee baaritaanka samaysay dad xog siiyey waxay ku qiyaaseen ilaa 10 beerood oo ku baahsan aagga uu Sheikh Idhocadde Xakumo.  Waxaa lagu eedeeyey in daroogada uu waarido ay tahay Marijuana (qiyaastaa noca loo yaqaan XASHIISH-ka*).

Beeraha Daroogada Sheikh Indhocadde waa kuwo aad u xirfadaysan oo looga shaqeeyo hab ama nidaam waraabineed, bacrimin iyo kala dagaalanka cayayaanka. Shaqaalaha beerahaas ka shaqeeya waa kuwo khibrad u leh beerista daroogada ganacsigeeda, waxaana la siiyaa mushahar wanaagsan si loo helo darooga "Tayo ahaan Heerkeedu sareeyo**". Daroogadaas waxaa la mariyan nidaam lagu qalajinayo, waana la cabeeyaa, waana la qariyaa si aan loo arag. Wixii ka soo baxa waa la qiimeeyaa: qaybta tayo ahaan hooseysa waxaa loo diraa Muqdisho iyo wadamada deriska ah si meelahaas loogu isticmaalo. Halka qaybta tayo ahaan wanaagsana lagu raro gawaari, lagana dhoofiyo garoomada ama Dekada Marka si loogu suug geeyo suuqyada caalamiga ah.

::: WARBIXINTA UN :::


Warbixintii Qaramada midoobey ay ka qortay Soomaaliya Oct 5, 2005, oo ka kooban 60 bog oo ku qoran Af Ingiriisi..
[PDF]


Tarjumaada qoraaladan waa soo dhoweyneynaa..
::: WARBIXINTII I.C.G:::


Warbixintii Ururka "Crisis Group" ay 11kii July 2005 ka qoreen Soomaaliya oo ka kooban 28 bog oo ku qoran Af Ingriisi
[PDF]

Qiyaastii sannadkii lix jeer ayaa la beeraa (Lix Dalag Qodaal oo la soo goynayo Daroogo). Sheikh Indhacadde waxa uu ballaarimayaa beerihiisa Daroogada, si uu taas u sameeyo waxa uu badinayaa tirada beeraha ama waxa uu kor dhinayaa xaddiga beertiiba ka soo baxda. Waxaa lagu eedeeyey in uu halkii mar oo la beeroba (Dalag qodaal daroogo) uu ka helo $100,000 oo ah beeraha oo dhan (waxaana la beeraa lix jeer sannadkii, 6x$100,000 = $600,000 sannadkii).

Sheikh Indhocadde waxa uu leeyahay "qof khaas ah" oo u kala wada hawl galkiisa beeraha daroogada, waxana uu adeegsadaa malayshiyadiisa si ay u waardiyeeyaan beeraha daroogada. Ayey tiri warbixinta Qaramada Midoobey [Eeg halkan..]

*NB: Xashiiska waxa laga sameeyaa ubaxa iyo iniinyaha geedka marijuana, waana maan dooriye halis ah  - Marijuana waxaa kujira aalad maanka doorisa oo loo yaqaan delta 9-tetrahydrocannabinol, loona soo gaabiyo “THC.” 

**"Daroogo Tayo leh" waxaa looga jeedaa waa darooga durbadiiba xiska ama maanka suulineysa, isla mar ahaantasna qofka isticmaalaa uu noqonayo mid markasta noocaas u baahan.

Warbixintii Qaramada Midoobey halkan ka akhri... GUJI
{Waa qoraal u bahaan Tarjumaad si shacabku u fahmaan arrinta ka jirta Soomaaliya}

JAWAABTII UU INDHACADDE BIXIYEY OCTOBER 20, KA AKHRI HALKAN....

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Oct 11, 2005


Hadda ayey ku haboon tahay in mar kale la akhriyo warbixintii ay hay'adda Elmen soo saartay Bishii Maarso ee 2004, gaar ahaan qaybt aku saabsan gobolka Shabeelada Hoose: Waana tan hoos ku qoran::

Elman Peace & Human Rights Center
WARBIXINTA SHABEELADA HOOSE
[Lower Shabele Report]

Kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in gobolka shabeelada hoose ay ka jiraan tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha ayaa hay’adda elman waxay isku taxalujisay iney u dirto gudi baaris kusoo sameeya baaris ka dhan ah tacadiyadaas iyo daroogo la sheegay in lagu beero deegaanada gobolkaas hoos taga, waxayna safarkoodii ka bilaabeen tuulooyinka kala ah Buulo golweyn, Buulo mareer, qoryoolay, Kutuwaarey, Abowheerow iyo Dacaraha, waxayna hay’adu intaa ka soo aruurisay xog kusaabsan daroogada iyo tacadiyada ka dhaca deegaanadaas.

Hay’addu waxay wareysatay dad beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan lagu beeri jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada jirin wax daroogo ah oo hada beeran waayo majiraan biyo wabiguna waa guray oo ma wado wax biyo ah daroogaduna waxay u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo waraabiyo sida bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada.

Waxaa kaloo ahay’adu waraysi la yeelatay odayaasha dhaqan ka ee degmada kutuwaarey iyo gudiga maamulka degmadaas waxaana wax ka weediinay dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda ee ku saabsan beeraha la sheegay in xooga lagu kala heesto waxaana ugu horeentiiba wax ka weydiinay suldaanka deegaanka kuntuwaarey Suldaan xasan Caliyow Beere wuxuuna yiri “anigu waxaan suldaan ka ahaay deegaankaan ilaa 1971dii waxaana ahay suldaankii dowladii maxamed siyaad barre kala tashatay in halkaan la keeno dadka ay abaaruhu ku habsadeen waxaana lay ga saxiixay isla sanadkaas waxaanan ogolaanay in deegaamadeena la keeno dadkaas illaa maantana wax dhib ah naguma hayaan faa’iido mooyee waayo waxaa faa’iido ah dadkii la keenay 1974 aysan aqoon markii halkaan la keenayey afafkeena gaar ahaan afka jiidada maantana afkeenii ayey wax nooga gadanayaan waa faa’iido fiican oo u soo hoyatay dadka jiidada ah, waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo dadka oranaya beeraa nagala dhacay tuulooyinbaa nagala gubay in aysan ahayn dad wax garad ah ama wakiil ka ah dadka, dadka gubay beeraha kama aysan imaan Mogadishu kuwa gobay tuulooyinka kama aysan imaan Mogadishu ee waxay yihiin deegaanka waana jiido kuwa wax laga gubana waa jiido taasna waxay kuu muujinaysaa tafaraaruq ku dhaxjira jiidada, hadii aan usoo noqdo beeraha lakala gadanayo waxa gadanaya waa dad jiida ah oo lacag raba waxaana diidan mid kale oo walaalkiisa, waaxaan rabaa in aan manta ogaysiiyo dadka walaalahey ah ee ku nool magaalada Mogadishu in aysan jirin wax hujuun ah ama barakicin ah ee lagu hayo dadka jiido balse ay jiraan jiido isdiidan oo aan waxba isku ogolayn”

:: DHUXUSHA J/HOOSE::

U.N. oo Warbixin Kasoo saartay Maamulka Col. Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga Dhuxusha... Arab bilooda dakhligii ka soo baxay dhuxusha waa  $5.8... Guji...
 

Waxaa kaloo wareysi layeelanay Gudoomiyaha degmada kuntuwaarey Salaad cali koofi waxaana wax ka waydiinay cabashooyinka ka imaanaya degaanka uu xukumo ee kuntuwaarey wuxuuna ku jawaabay “anagu waxaanahay maamulka degmada waxaana degmadaan hoos yimaada 45 tuulo nasiib darose noolamayimaan wixii howl ah ee ay u baahanyihiin hadii ay noqon lahayd beero la kala gadanayo kala wareejin dhul iyo khilaafaadka beelaha qolo walbana waxaad moodaa in ay howlohooda ay si gooni ah u qabsanayaa anagana way nala xumaatay in aanu faragelino deegaamo hoos yimaada degmadaan anagoo ka xishoonayna waxa maanta laga sheegayo deegaankeena, hadii aan u gurmanana la oranayo waa qabiil iyo xoogbay nagu haystaan taasina ay suurto gelisay in aan gacmaha kala baxno beelaha deegaanka si ay ayagu arimahooda u xalistaan, waxaan maqlaynay waayahaan beero ayaa nagala dhacay waxaan rabaa in aan cadeeyo beer aan suldanku saxiixin in aan lagadan Karin deegaankaan beeruhuna waxay isgu jiraan kuwa ay dowladii hore la hayd iyo kuwa dad shacabihi ay leeyihiin oo ay ka tageen waxaana gadanaya dadkii haystay 14-kii sano waxaana igu maqaalaa in rag xamar ka yimid oo lacag wataa ay yimaadeen deegaanka oo ay dhul gadanayaan dhulkaasna waxa gadanayaana waa dad deegaanka ah iyo kuwa deegaan kula nool oo ah dad kii la dejiyey deegaanka 1974 tii.

Waxaan kaloo la kulanay Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey :- Maxamuud yuusuf maxamed waxaana waydiinay bal in uu wax nooga sheego caqabadaha ka jira deegaanka siiba daroogada wuxuuna ku jawaabay “daroogada dhulkaan waa lagubeeraa mase ahan mid aan anagu shaqo ku leenahay ee waxaa beeranaya dad wax magarata ah oo fiirsanaya shilinka ay ka helayaan, daroogo la beero wax dhibaato ah maleh waayo waxaa la waayey dowladii kontarooli lahayd maamulkuna awoodiisu magaarin in uu galo dhulalka fog-fog ee lagu beero daroogada qofkii aad maanta tiraahdo maxaa u beeraysaa wuxuu kuugu jawaabayaa beerta anaa leh anigaana abuurtay waxaana nala xumaatay in aan faragelino nin beertiis illaa dowlad caadila laga helayo”.

Waxaa soo u ruuriyey madaxa baarista xadgudubyada ee hay’adda elman

Warbixintaas oo dhamaystiran Akhri...


Yemen oo Qiratay in ay Hub u Dirtay Soomaaliya iyadoo Jebisey Cunaqabatayntii Hubka ee Saarnayd Soomaaliya....

  • Khubaro ku talisay in cunaqabatayn lagu soo rogo Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya iyo maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya....

Oct 10, 2005

SANCA - Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Sanca ay maanta oo Isniin ah qiratay in ay horraantii sannadkan hub u dirtay Soomaaliya si ay ugu caawiso Dawlada Kumeelgaarka ah si ay xukunka u xegsato. Waxaa sidaas warka ku bilabay shabakada Khaleej Times.

"Yemen waxay dawlada sharciga ah ee Soomaaliya siisay hub si ay u tageerto Ciidanka Booliska kuwaas oo loo diyaarinayo, loona qalabaynayo, xoojinta dawlada la doortay si ay u kobciso nabada iyo kala dambaynta" sidaas waxaa laga soo xigtey sarkaal reer Yemen ah oo warkaas ka sii daayey warbaahinta ay dawlada Yemen maamusho.

Sarkaalkaasi waxa uu u jawaabayey koox khubaro ah oo kaasocota Qaramada midoobey kuwaas oo kor kala socdey hubka Soomaaliya, waxan aay khubaradaasi sheegeen liiska dalalka ku xad gubdey cunaqabatayntii Soomaalliya la saaray 1992, dalalkaas oo ah Yemen, Itoobiya iyo Eritrea.

Sarkaalka reer Yemen ee aan la magacaabin waxa uu sheegay in Yemen ay ogolaansho ka heshay cidda ay khuseysey.

Warbixinta Qaramada midoobey waxa ay sheegtay in hubka ay Yemen u dirtay Soomaaliya ay kamid yihiin 5,000 qori iyo 15,000 dereyska Militariga.

"Iyagoo adeegsanaya diyaarada nooca loo yaqaan Antonov 26 si ay hubka uga soo qaadaan magaalada Cadan ee dalka yemen, una geeyaan magaalada Boosaso ee dalka Soomaaliya, si ay ugu taageenaan DFKMG (Baarlamaanka) iyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa ay ciidanka Yemen hub gaarsiiyeen siddeed jeer intii u dhexaysey 2dii iyo 10kii July 2005," sidaas waxaa qoray warbixinta ka kooban 60-ka bog.

"Khubarada kasocota UN waxa ay soo jeediyeen in Soomaaliya lagu soo rogo cunaqabatayn ku saabsan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya iyo maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya, waayo waa isha dhaqaale ee ay hubka kusoo iibsadaan qabqablayaasha dagaalku", sidaas waxaa qortay shabakada Aljazeera .

Khubarada UN waxa ay intaas ku dareen in ay diiwaan geliyeen 175 jeer oo hub lala kla wareegey siddeedii bilood ee la soo dhaafay, taas oo 378% jeer ka badan sannadkii hore, waxaana hubkaas lala kala wareegey ka qayb qaatay 10 wasiir iyo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf, waa sida warku u dhigaye.

Isha: Khaleej Times | Aljazeera | Tarjumadii: SomaliTalk.com

Maanta waa sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey doorashadii DFKMG ee lagu soo dhisay shirkii labada sano ka socdey dalka Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2005

Warbixintii Qaramada Midoobey.....


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD