SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JUBBADA HOOSE

Waa Geed Cambe ahaa ooTaagan intaaan la Jarin. Eeg sawirka hoose Geedkii oo la ajarayo

Mid kamida Xaalufiya yaasha oo Jaraya Geedkii Cambahaahaa

Geedkii oo uu jaray Ninka xaalufiyaha ah kadibna uu u kala Goynayo labo Qaybood si uu u qaado

Geedkii oo ay soo hartay Guntiisa.

Gaari wada Dhuxushii Dekada Kismaayo Gudaheeda

Qamada Midoobey oo Warbixin Kasoo saartay Maamulka Col. Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga Dhuxusha...

  • Qaramada Midoobey waxay Shaaca ka qaaday in Dekedda Kismaayo muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah, dakhliga lacagta ah ee ka soo baxdayna waxay ahayd $5,856,740 doolar - waa $5.8 million - iyo Col. Barre Hiiraale oo qaatay lacagtaas Faa'iidadeeda ugu badan....

Isha: Qaramada Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 13, 2005

Warbixin dheer oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday lacagta Col. Barre Hiiraale kasoo gasha Garoonka, Dekeda iyo cashuurta qaadka iyo Dhuxusha. Warbixintaas oo aan soo tarjumney hoos ka akhri::

Maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo Magaalada Kismaayo:

  • Horjoogayaasha Dekeda iyo Garoonka Kismaayo waxa ay inta kharash ama dakhli ee maalinkasta soo xeroota toos maalin walba ugu warbixiyaan Col. Barre Hiiraale.
  • Dakhliga lag ahelay Dekeda Kismaayo Afartii bilood ee ugu horeeyey sannadkan (Janaayo ilaa April 2005), waa $1,398,063.50,
  • 18 isugu Jira Maraakib iyo Doonyo ayaa Bil Kasta K aDHoofa Kismaayo kuwaas oo qaada Dhuxul iyo Biraha loo yaqaan Scrap-ka
  • laba diyaaradood oo sida 60 joonyadood oo Qaad (Khat) ah ayaa soo caga dhigta garoonka Kismaayo maalin kasta. Dakhliga Garoonka bishii laga helo waa $58,200.00 doolar
  • Kismaayo waxaa muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah, dakhliga lacagta ah ee ka soo baxdayna waxay ahayd $5,856,740 doolar - waa $5.8 million.

Kismaayo waa magaalada shanaad ee Soomaaliya, waxayna ku taal gobolka Jubbada hoose, oo ah dhanka koonfureed ee dalka. Tirada dadka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasay 88,000.  In badan oo dadka magaalda deggan waxay ku noolaayeen xerooyinka dadka ku barakacay gudaha ilaa sannadkii 1992. Meelaha ama Ilaha dakhliga ee dadka halkaas ku dhaqan waa beeraha, guryaha oo ay ka shaqeeyaan, xamaaliga dekeda, ka shaqaynta garoonka diyaarada, soo ururnta xaabad, iyo shidida dhuxusha.

Colonel Barre Hiiraale waa madaxa Isbahaysiga Dooxada Jubba (IDJ), waana qofka kow ka ah in uu ka faa'iido dakhliga laga helo Gobolka Jubbada Hoose, oo ay kamid tahay magaalda Kismaayo. Dhaqaalaha waxaa laga sameeyaa cashuurta la saaro ganacsiga, iyo cashuurta la saaro garoonka diyaaradaha iyo dekeda Kismaayo, oo ah meesha ay ka soo xeroodaan kharasha ugu badan.

Col. Hiiraale ayaa guud ahaan xakuma maamulka maxalliga ah. Waxa uu leeyahay urur gacan yarayaal oo ka caawiya wadista hawlaha maamulka ee ka socda magaalada Kismaayo iyo inta kale ee Gobolka Jubbada Hoose. Si uu u maamul gobolka, Col. Hiiraale waxa uu Kismaayo u magacaabay Guddoomiye, wakiilka degmada iyo duqa magaalada. Si uu u xaqiijiyo gacan ku haynta maamulka, waxa uu kalsooni ka dhigtaa tiro badan oo maleyshiyo ah, abbaanduule Militeri ah iyo ku xigeen isaga caawiya. Ururada shacabka iyo milieriguba waxaa xarun tooda ah Kismaayo, iyadoo ay gobolka ku baahsan yihiin kuwo matala. Lacagta dakhliga ah ee laga sameeyo gobolka uu xakumo waxa uu hub ugu iibiyaa maleyshiyadiisa.

Maadaama dekeda iyo garoonku ay muhiimad weyn u leeyihiin dakhliga ka soo baxaya awgeed, Col. Hiiraale waxa uu ku sameeyey dib u habayn isagoo sidoo kale dib u habayn ku sameeyey dadka ka shaqeeya. Waxa uu sameeyey nidaam ah saraakiil dakhliga ka soo ururisa dekeda iyo garoonka. Waxa ay ku lebistaan dhar direys ah, waxana ay adeegsadaan waraaqo leh calaamad, waxana dhawaan la sameeyey qayb xisaabisa kuwa xisaabta haya [Odhod]. Garoonka waxaa maamula nin hor-jooge ah iyo 11 ah kuwo cashuurta ururiya kana shaqeeya qaybta "custom"-ka, shan qof oo qaybta socdaalka ah iyo shaqaale kale. Qaybtaas dibu habaynta lagu sameeyey ee Garoonku waxa ay shaqaalaha saraakiisha ee rasmiga ah ka hawl galayeen laga soo bilaabo May 2005.

Dekedu waxay leedahay Hor-jooge, toddoba ururiya cashuurta kana shaqeeya "custom"ka, saddex ama afar qaybta socdaalka, saddex kabtan oo qaabilsan soo xirida maraakiibta. Inkasta oo saraakiishaasi ay hoos yimaadaan nidaamka maamul ee ka dhisan magaalada Kismaayo, hadana horjoogayaasha Dekeda iyo Garoonku waxa ay inta kharash ama dakhli ee maalinkasta soo xeroota toos maalin walba ugu warbixiyaan Col. Barre Hiiraale.

Dekedda Kismaayo

Dekedda Kismaayo oo ah mid ku taal meel jasiirad ah oo cirirka ku haysa magalada, biyeheeduna ay aad hoos ugu qodan yihiin. Dakhliga waxaa laga dhaliya cashuurta waxa la dhoofinayo iyo waxa soo degaya. Kooxda Qaramada Midoobey waxay ogadeen dakhligii laga ururiyey dekedaa laga soo bilaabo Janaayo ilaa April 2005, in uu ahaa $1,398,063.50 doolar. Afartaas bilood dakhligii k asoo xerooday dekedda waa kan shaxda hoose ka muuqata.

Dakhligii ka soo xereeday Dekada Kismaayo, Janaayo-April 2005
(Lacagtani waa doolarka Maraykanka)


Import (oo ah waxa la soo dejinayo) waxay u badan yihiin sonkor, bariis, iyo alaabooyin kale oo bagaash ah.
Export (oo ah waxa la dhoofinayo) waxay ugu badan waa dhuxusha iyo biraha loo yaqaan Scrap.

Dhuxushu waa boqolkiiba 99.7% cashuurta laga ururiyo waxyaabaha laga dhoofiyo Kismaayo, halka inta soo hartay oo ah 0.3% ay yihiin biraha (scrap) ee la dhoofiyo. Celcelis ahaan 18 markab ayaa bil kasta kusoo xirta magaalada Kismaayo. Labo ama saddex keliya aya ah maraakiibta waaweyn ee xamuulka, halka inta kale ay yihiin doonyo. Badanaa maraakiibta iyo doonyaha imanaya Kismaayo waxay ka yimaadaan Imaaraadka Carabta, halka qaar kamid ah maraakiibtaas iyo doonyahaasi meelaha ay aadaan ay kamid yihiin Hindiya, yemen iyo Sucuudi Careebiya.

Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo

Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, oo markii hore loo aqoon jirey garonka caalamiga ah xilligii xukuumadii Siyaad Barre, waxa uu ku yaalaa meel 10 km woqooyi bari ka xigta magaalada. Col. Barre Hiiraale saraakiisiisa socdaalka iyo customka ayaa lacagta ka ururiya dadka diyaaradaha la socda iyo kuwa ka ganacsada Qaadka (Khat). Badanaa dakhliga halkaas laga helo waa kan ka soo baxa qaadka magalada la soo gelinayo. (bishiiba waxaa garoonka ka soo xeroo ta lacag dhan $58,200.00 doolar) sida ka muuqata shaxda hoose.

Kharashaka ka soo xerooda Garoonka Kismaayo
[Lacagta waa doolarka Maraykanka]

Sida warbixintu sheegtay , laba diyaaradood oo sida 60 joonyadood oo Qaad (Khat) ah ayaa soo caga dhigta garoonka Kismaayo maalin kasta. Waxaase dhici karta in tiradaasi ay is bedesho iyadoo ku xiran xilliga socodka diyaaradaha, cimilada, iyo arrimo kale.

Dhuxusha Laga Dhoofiyo Kismaayo

:: DAROOGADA SH/HOOSE::

Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkii ka helo $600,000 Guji
 

Warbixinta Qaramada Midoobey markii ay ka hadleysey dhuxusha laga dhoofiyo Soomalaiya waxa ay xustay meelaha ugu badan ee dhuxusha laga dhoofiyo in ay yihiin marsooyinka ama dekedahada Kismaayo, Ceel-macaan, Ceel-Cadde (Muqdisho), Berbera iyo Boosaaso. Waxaana dhammaan meelahaas maamulada gaarka ah ee ka jiraa ay dhuxushaas la dhoofinayo ku leeyihiin khidmad ay ka qaadayaan kuwa wax dhoofinaya ama wax soo dejinaya iyo lacag laga qaadayo si loo ilaaliyo inta ay markabkaasi ku jiro biyaha Soomaaliya. Meesha dhuxushaas laga dhoofinayo inta aan dhuxusha la keenin ayaa lacagta loo sii qadimaa si markaas hab fudud ay dhuxushu halkaas uga dhoofto.

Qaramada Midoobey waxa ay xustay meelaha ugu badan ee dhuxushaas loo dhoofiyo in ay yihiin dalalka Sucuudiga Careebiya, Imaaraadka Carabta iyo yemen. Waana ganacsiga laga helo lacagta adag ee doolarka Maraykanka.

Waxana ay Qaramada Midoobey qoraalka ku adkaysay in dekedaha Soomaaliya ee lagu ogyahay in dhuxusha laga dhoofiyo in ay yihiin Kismaayo (oo ah tan xaddiga ugu badan laga dhoofiyo), Ceel-macan oo 30km woqooyi ka xigta Muqdisho iyo Ceel-Cadde oo ku taal Muqdisho.

Kismaayo waxaa muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah (halkii Metric Ton waxa uu la mid yahay kun Kiilo [1,000 kiilogaram], sidaas daraadeed afarta bilood ee sannadkan ugu horeeyey waxaa Kismaayo laga dhoofiyey 29,283,700 Kg - waa 29million oo kiilogram oo laga shiday dhirta Soomaaliya) dakhliga lacagta ah ee ka soo baxayna waxay ahayd $5,856,740 doolar - $5.8million.

Shaxda hoose ayaa muujineysa dakhligii ka soo baxay dhuxusha laga dhoofiyey dekedaha Kismaayo, Ceel-Macaan iyo CeelCadde bilihii Janaayo ilaa April 2005

::: WARBIXINTA UN :::


Warbixintii Qaramada midoobey ay ka qortay Soomaaliya Oct 5, 2005, oo ka kooban 60 bog oo ku qoran Af Ingiriisi..
[PDF]


Tarjumaada qoraaladan waa soo dhoweyneynaa..
::: WARBIXINTII I.C.G:::


Warbixintii Ururka "Crisis Group" ay 11kii July 2005 ka qoreen Soomaaliya oo ka kooban 28 bog oo ku qoran Af Ingriisi
[PDF]

Warbixinta Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay: in kasta oo ganacsiga dhuxusha ay nolol maalmedka ku xiran tahay dadka ka shaqeeya aagga laga shido dhuxusha, hadana faa'iidada ugu badan dhuxusha Soomaaliya waxay ku negaata gacmaha dadka xukunka haysta, faa'iidadaasi ma gaarto dadka soo saara oo ah kuwo shaqadooda aan wax buuran laga siin. Dhuxusha si loo sameeyo waxa ay soo marta heerarkan:

  1. Soo saarid: Jarid, gubid, iyo jawaano ku gurid (Soomaaliya)
  2. Ururin: Isku ururin, ku rarid gawaarida Looriga iyo gaarsiin dekedaha (Soomaaliya)
  3. Ganacsi: Qiimaha ku rarida maraakiibta, kawada hadalka ama ka munaaqashoodka kala iibsiga, iyo shuruudaha kala iibsiga (Soomaaliya)
  4. Gaarsiin: Hab Jumlo iyo Tafaariiq ah (Wadama shisheeye)

Qiimaha dhuxusha ee heerarkaas waxaa lagu qiyaasay $0.30 jawaanka qaada 25Kiilogram. Marka la kala iibsanayo (heerka 3aad ee sare) waxaa qiimaheeda rasmiga ah uu yahay $1.50 jawaanka qaada ama muggiisu yahay 25 Kiilogaram (qiimahaas oo ay ku jirto kiradii lagu soo qaaday). Qiimaha ugu dambeeya marka ay timado Dekeda Kismaayo waa $5 jawaanka qaada 25 Kiilogaram ama $200 halkii Metric Ton. Lama oga Qiimaha rasmiga ah ee jumlada ah ee gaarsiinta (heerka 4aad), laakiin qiimaha tafaariiqda jawaanka 25kiilogaram waxaa lagu iibiyaa $15 ilaa $20 doolar.

Qaramada Midoobey waxa ay ogaatey in madaxda maamulada Soomaalliaya ay si toos ah gacanta ugu hayaan maamulidda heerarka ay soo marto soo saarida dhuxusha, ururinteeda iyo ganacsigeeda, sidaas daraadeedna in inta ugu badan faa'iidada ka soo baxda ay iyagu helaan; faa'iidada ay helaan shacabku waa wax aan la sheegi karin ama aad qaliil u ah. Qayb kamid ah faa'iidadaas waxaa lagu iibiya Hub iyo xoojinta maleyshiyada maamuladaas. Tusale ahaa, Bishii May 2005 waxaa lagu soo waramay in Col. Barre Hiiraale uu taageero lacageed iyo taageero mileteri siiyey Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dagaalku Baydhabo ku dhex maray DFKMG. Ayey warbixinta Qaramada Midoobey qortay.

Warbixintii Qaramada Midoobey halkan ka akhri... GUJI
{Waa qoraal u bahaan Tarjumaad si shacabku u fahmaan arrinta ka jirta Soomaaliya}

Isha: Qaramada Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 13, 2005


Laascaanood: Dhuxul shidayaal Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubay

  • Dadkii Loo Haysto in ay Gubeen Dhul Soolasha Oo Gaadhay 50 Maxuus Ayaa Jeelka Laascaanood Lagu Hayaa.
  • Labo Oromo ah oo kamid ah dhuxul shidayaasha.....

Waxaa Soo gaadhay magaalada Laacaanood dadkii looga shakisanaa in ay gubeen dhulka Soolasha, dadkaas oo gaadhaya 50 maxbuus, waxana haatan lagu hayaa jeela magaalada Laascaanood.


Dhuxul Shidayaasha la xiray, loon ahaysto in ay gubeen dhul daaqsimeen

Dadka la soo qabtay ayaa waxa ka mid aha laba qof oo Qawmiyada Oromada ah ee dalka Itoobiya kuwaas oo ay shaqaaleeyeen dad deegaanka u dhashay oo dhuxusha shida.


Oromada dhuxusha ka shidayey Soomaaliya ee la xiray

XAALUFINTA SOOMAALIYA:::

Waa geed Cambe ah oo qoyan oo la jarayo si looga shido Dhuxul. Akhri wararka maalinta dhirta Guji

Taliyaha hawlwadeenkan Gaashaanle Maxmuud Nuur Muuse ayaa saxaafada u sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan dadkaas , iyada oo ay hada gaadhayso dhulka ay gubeen 80km, oo u badanaa dhul daaq sameed dabkuna uu sii fidayo. 

Max’med Max’muud Gaaxnuug
SOMALITALK LAASCAANOOD
August 1, 2005

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2


Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Dhirta Adduunka oo lagu Qabtay Boosaaso

Fadumo Jibril: Geesiyadii deegaanka oo ardayda Minnesota la shirtay  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD