SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.8aad

(Siraha Qarsoon )


W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

cobol319@gmail.com

Qormo Taxane ah...



Cutubka Sadexaad.

Waayihii Horu-socdka Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Sideedaad.

Afgembigii fashilmay ee Aprile1978-dii ee la doonayey in awooda looga tuuro si xoog ah hogaamiyihii hore ee Soomaaliya Jalle Maxamed Siyaad. Ayaa bilow u noqday mucaaradkii hubaysanaa ee Itoobiya kaga soo duulayey Soomaaliya. Mucaaradkaasi waxaa uu baal cusub u faray siyaasadda iminka jirta ee ah in Itoobiya noqoto hoyga laga soo duulo Soomaaliya. Oo uu awal u dhexeeyey xayndaab adag. Isku milanka labada dal ee dhinac walba. Waa tan ay iminka ku shaqaynayso siyaasadda dawladda uu madaxda ka yahay Males Zanaawi.

Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mingistu Xayla Maryam ayaa ka jeediyey khudbad taariikhda gashay fagaaraha magaaladda Adis-abab 01 Maarso1978-dii isu soo bax lagu xusayey maalintii Itoobiya dagaalka ku jebisay Talyaaniga Adwa 01 Maarso 1896-kii wuxuuna yiri16

’’ Maanta dagaalkii Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Militariga Soomaaliya ku soo qaadeen Itoobiya waa dhamaaday. Itoobiya ayaa guulaysatay. Waxaa mahad leh Midowga Soofiyetka iyo Kuuba iyo saxiibadda kale oo wax walba u huray inay Itoobiya badbaadiyaan la’aantoodana guushaas lama gaaareen. Laakiin dagaalku ma dhamaan, waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya.’’

Hadalka Mingistu Xayle Maryam ayaa lagu macnayn karay inuu ula jeedo jabahada mucaaradka ku ahaa dawldii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Jalle Siyaad. Inay noqon doonaan kuwa iyagu dalkooda hooyo dagaalka ku qaadi doona iyo in weliba qabiil qabiil Soomaalida la iska horkeeni doono si ay awooda isugu qabsadaan. Waayo waxay keliya ee Soomaalidu si dhab ah u aaminsan tahay ayaa ah qabiilaysiga.

Kooxaha Islaamiyiinta waxay marwalba ka koobnaayeen xubno kala qabiil ah. Halka mucaaradkii hubaysnaa uu u muuqanayey qabiil qur ah oo doonaya inay awooda dalka xoog ku yimaadaan, lahayna barnaamij siyaasadeed oo wax ka bedeli kara xaaladda dhaqaalaha iyo bulshada ee waqtigaas Soomaaliya ku jirtay.

Islaamityiintu waxay si tartiibtartiib ah bulshaweynta ugu soo bandhigayeen ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Iyagoo dhexmaquurayey dadka muhiimka ah ee loo qaateenka ah oo dacwadda fidinteeda si furan uga qayb qaadan kara. Kuwaas oo u badnaa dhaliyarra-da waxbaratay ee lahaa rag iyo dumarba.

Mucaraadka hubaysnaa ayaa xilligaas u sii kala dhanbalmayeey qabiil qabiil iyo jifo-jifo hoose oo aan dhaafsiisnay awood ku faan qabiil iyo dib ugu noqoshadii waqtigi jaahiliyadda. Waxaa bilaabmayey kala furfurasho jabhadihii mucaaradka ahaa ee ku midoobaySSDF oo ahayd midi ugu horeeyeysay mucaaradka hubaysan ee Soomaaliya, dulaankana Soomaaliya uga soo qaada Itoobiya. SSDF waxaa Oktobar 1981-kii ku midoobay Jabhadda Badbaadinta Soomaaliya (Somali Salvaition Front), Xisbiga Shaqalaha Soomaaliyeed (Somali Workers Party) iyo Jabhadda Dimuqaraadiga Xoraynta Soomaaliya (Democratic For the Liberation of Somalia ) .

Waxaa la isweydiin karay Afgembigii 9 Aprile 1978-dii ee dhicisoobay lug ma ku lahayd Itoobiya?. Marka qumaati la isugu dardaro xisaabaadka qaarkood Sirta qarsoon ee Soomaaliya ma tahay in saraakiisha qaarkood ee ka qayb qaatay afgembigaas inay Itoobiya dabada ka riixaysay?. Waa la is weydiin karaa mar labaad markuu fashilmay afgembigaasi sababtay Itoobiya dabada ula galeen saraakiil badan oo fikrad ku lahaa afgembigaas? Ma la oran karaa waxaa jiray xiriiro qarsoon oo ka dhexeyey abid Itoobiyaanka iyo saraakiisha Soomaaliyeed qaarkood ee fulinayey qorshahaas afgembi?.

Islaamiyiinta ayaa qorshahoodu waxaa uu ahaa hoos ka soo dhisid bulshada si loo helo awood dhinac walba ka qaabaysan. Waxay marwalba farta ku fiiqayeen khaladaadka muuqda ee ay galaysay dawldii kacaanka ahayd oo waqtigaa la daalaadhacaysay la dagaalanka mucaaradka hubaysan ee qabyaaladu u ahayd Dastuurka.

Waxay Islaamiyiintu sahleen baritaarka burburkii dawladaas Maxamed Siyaad sii liicaysay xilligaas. Islaamiyiintu oo ka koobnaa dhowr garab oo ka kala jiray Waqooyiga iyo Konfurta Soomaaliya. Waxdada ayaa ka dhisnayd Waqooyiga halka Jamaaca Islaamiya iyo Al-Islaax ka jireen Konfurta Soomaaliya.

Hawshaas ay hayeen garabyada Islaamiyiinta ayaa muhiim waxay u ahayd baraarujin dhinaca diinta ee shacabka. Waxaa soo shaac baxay koboca siyaasadeed iyo bulsho ee Islaamiyiinta ku dhexyesheen dadweynaha ka biya diidsanaa arrimaha muuqaday ee kacaanku uu wadey. Iyadooy Islaamiyiintu heleen dhega raaricinta bulshada cabursanayd ee Soomaaliyeed oo xilligaas la daalaadhacaysay niyad xumadda kacaankii Oktoobar. Meesha kama maqnayn khilaaf ku kala dhex jira xooggaga Islaamiyiinta. Waxaan soo bidhaamayey kala guullan dhexdooda ah. Iyo sida loo wajahayo arrimahaa taagan goor kasta. Hase ahaate waxaa mar walba qarinayey inaanu soo shaac bixin khilaafkoodaasi culayska saaraa ee kaga soo wajahnaa dawladii kacaanka ahayd oo isku si u wada arkaysay kooxaha Islaamiyiinta. Inkastoo aanay Sanadihii dambe waxba ka qaban karayn awoodoodaas sii kordheysay.

Ururkii la oran jiray Waxdada ee Waqooyiga iyo xarakadii Jamacaa Islaamiyaa ayaa midoobay Sanadkii 1983-dii Bishii Nov, lana baxay ururka Al itixaad Al-islaami, waxaa door muuqda ku lahaa midaynta Ururadan Ikhwaanka Sudan oo xiriirsiiyey labada dhinac Maarso 1983-dii, waxaana xarun u ahayd intaanu dalku burbruin magaalada Burco oo uu ku sugnaa hogaamiyihii waqtigaas ee ururka Al–itixaad al-islaami, Sheikh Cali Warsame oo lagu naanayso Cali Kibisdoon. Ururkaasi waxaa uu ahaa goobta midaysa awooda in badan oo Islaamiyiinta Soomaaliya ah. Marka laga reebo ururka Al–islaax oo isaga qudhigiisu ahaa awood Islaami ah oo feer socota ururukaas kale.

Ururka Al-Islaax oo la asaasay Sanadkii 1978-dii ayaan waqtigaas wax door ah ku lahayn arrimaha dhaqaalaha, kuna koobnaa goobo waxbarsho iyo daryeelka bulshada. Ma aysan lahayn Ciidan u gaar ah. Balse waxaa marwalba jirtay afkaar kala duwanaasho labadan urur. Soomaali badan ayaa la dhacsanayd waqtigaas ururka Islaamiga ah ee Al-itixaad oo isagu cududiisa dhaqaale iyo ciidanba kordhayeen, lana jaan qaadayey dabaysha Islaamiyiinta caalamiga ah(Salafiyiinta).

Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa ku kala xiran wadamadda Masar iyo Sacuudiga. Dhaliyaradii wax ku soo baratay wadanka Sacuudiga ayaa u muuqanayey kuwa firfircoon oo nashaad gelinayey barashada diinta Islaamka iyo jihaadkaba. Halka kuwa ku xiraa Masar ay ku hawlanaayeen waxbarashada iyo wacyi gelinta. Waxaan Islaamiyiinta Soomaaliya u kala miirmayeen labadaa aragtiyood. Inkastoo markii dambe soo shaac baxeen ururo kale. Waxaa muuqatay tartankii ka dhexeeyey Al-islaax iyo Al-itixaad ee wax la qabsiga Ikhwaanka guud. Ururka Al-islaax ayaa uga dheerey Al-itixaad dhinaca Ikhwaan Al-Muslimiinka. Oo ah urur diineed ka jira 81 Dal,lehna hogaan midaysan oo la yaqaan sida ay isu maamulaan iyo cida xukunta. Iyadoo Salafiyiintu aanay lahayn hogaan guud oo mideeya wadamada Muslinka ah ee ay kooxahani ka jiraan. Wadan weliba gaarkiisa ayuuu leeyahay cid xukunta. Ma jiro qorsha guud iyo manhaj siyaasadeed oo isku xira sida Ikhwaanka. Waxa keliya ee ay wadaagaan ayaa ah mabda’Salafiyadda.

Islaamiyiinta ayaan wax xiriir ah la lahayn jabhadihii hubaysnaa ee mucaaradka ku ahaa dawladii Maxamed Siyaad Barre. Si aan u xaqiijiyo hadal hayntaas ayaa waxaan magaaladda Boosaaso kula kulmay sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonkii noocyadda badnaa ee xukuumadii kacaanka ahayd Col.Maxamed Xuseen Jaamac ’’Haraa’’. In badan ka soo shaqeeyey Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu qiray hadalka ah inaan wax xiriir ahi ka dhaxayn mucaardkii hubaysnaa iyo Islaamiyiinta, waxaana uu yiri:

’’ Horta laba manhaj ayey kala lahaayeen. Kuwo waxaa manhaj u ahaa diinta , kuwa kalena qabiilka marka sidaas ayaanayba isugu milmi karayn.”

Waa sii watay hadalkiisii:

’’Anigu Waqooyiga ayaan u badnaa waxay Islaamiyiintu xoog ku lahaayeen ardayda dugsiyadda waxaana xagaas looga yaqaanay Waxdada. Sanadihii 1977 ilaa 1982 aad ayey dhinacaan joogay ugu soo xoogaysanayeen. Waxaa nala faray inaan si aad ah ula socono welibana aad u ilaalino dhaqdhaqaaqooda. Waxaan xayirnay dhamaan kutubta naloo bar tilmaamay. Waxayse marmar kutubtaasi uga soo geli jireen dhinaca Jabuuti. Waxaan u isticmaali jiray inaanu baqdin gelino oo aanu mararka qaarkood xirxiro. Si wadar ah ayaan u xirxiri jiray, ka dibna soo dayn jiray. Waxaa jiray faaf reeb adag. Waxaa dagaalka lagu hayey Waxdada ka qayb qaadan jiray lix haya’dood oo dawlada ahaa , kalana ahaa Garsoorka, Nabad Sugida, CID-da, Hangashta (DISA) Department intulegance Service Army iyo Wasaaradda Warfaafinta. Waxaanu ku dadaali jiray inaan fikirkooda dadku raacin. Sir doonka ayaa lacagp siin jiray qaybo bulshada ka mid ahaa si ay u dacaayadeeyaan. Sandkii 1982-dii ayey Waxdadu waxay dab qabadsiiyeen fooqa la yiraahdo Bis-ta oo Hargaysa ku yiilay.”

Waxdada waxay si aad ah awood ugu lahaayeen Burco oo runtii ahayd meel ay si aad ah uga hawlgalayeen. Waxaan ogahay inaanay marnaba u liicin dhina qabiilka waqtigaas oo ay SNM-tu dadka ku hawlgelinaysay qaab qabiil. Waxaana jiray is –diid dhinaca fikirka ah xataa markay SNM-tu sheegteen inay ku dhaqmayaan diinta islaamka uma debcin. Waxay Waxdadu ku dheganaaayeen midnimadda Soomaaliya taas ayaana sal u ahayd waxyaabaha is fahami waaga dhex dhigay labadan awoodood ee mucaaradka ku wada ahaa dawladii Siyaad Barre. SSDF qudhigeedu waxaa manhaj u ahaa qabiilka sidaas darteed ayaan Islaamiyiinta la haybta ahaa waxba ugu darsan .

Dacwada ayaa ahayd waqtigii dhexe ee Islaamiyinta Soomaaliya mid si xawli ah ku socotay. Ma jirin wax siyaasaday ah oo dawcada lagu dhex milayey oo ku beegnaa bartamihii Sideetamaadkii. Goobaha ugu muhiimsanaa ee ay ka socotay dacwadu waxaa ka mid ahaa Masaajidka Ceel Hindi oo saalada Maqrib ka dib laga akhriyi jiray tafsiir. Iyadoo uu masaajidku buux dhaafi jiray dadka dhegaysanaya tafsiirka ee masaajiku ka buuxsamo waxaa caado u ahayd inay hareeraha masaajidka ka dhegeystaan Tafsiirkaas. Waxaa kaloo dacwadu ka socotay Masaajid ku yaalay bartamaha suuqa Bakaaraha iyo Lafaweyne.

Sanadkii 1986-dii ayaa kacaankii Oktoobar oo waqtigaa ay mucaaradku ku hayeen olole dagaal iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa uu dareemay in Islaamiyiintu si muuqata oo xaawli ah u xoogaysanayaan. Isla markaa abaabul ugu jiraan siday u kasban lahaayeen bulshada inteeda badan. Intaas ka dib waxaa kacaanku qaaday talaabo adag oo u yara eg, amaba uu ka soo dheegtay qorshahiisii 1975-tii koklkii la samaeeyey Xeerka Qoyska. Waxaa la qabqabtay oo si baahsan loo xirxiray Cullimaa’udiin iyo hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-Itixaad Al-Islaam iyo Islaamiyiinta kaleba. Xabsiga ayaa la dhigay in badan, kuwa kalena waa ka baxsadeen dalka. Xubnaha Baxsaday waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha Al-itixaad ee xilligaas Shiikh Cali Warsame. Waxaa Sanadkii1987-tii la horkeenay Maxkamada Badbaadada Dalka Islaamiyiintii ku jiray Xabsiyada intii ugu muhiimsanayd. Waxaa qayb ka mid ahaa ragaas lagu xukumay Dil. Iyadoo loo cuskanayey ka horimaansho shuruucdii Soomaaliya ka jirta ee uu dejiyey Kacaankii Oktoobar. Xubnaha dilka waqtigaas lagu xukumay waxaa ka mid ahaa Dr.Cabdicasiis Faarax oo ahaa mufikir Islaami ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys. Shiikh Nuur Baaruud. Aweys Maxamed Ibraaim. Shiikh Xaashi Colhaye. Maxamed Xuseen Faarax. Maxamed Cismaan Siidi. Yuusuf Cabdi iyo Shaafici Axmed.

Laguma fulin xukunkii dilka ahaa Islaamiyiiintii17 ee ay ku riday Maxkamdii Badbaada Dalku ka dib culaysyo kaga yimid xukuumadii Madaxweyne Siyaad Barre gudaha iyo dibadda. Gaar ahaan Boqortooyadda Sacuudiga. Bishii May 1987-dii ayaa xukumadu jebisay xukunkii dilka ahaa. Si shuruud la’aan ahna ku siidaysay dhamaan cullimadii xirayd oo dhan. Waxaa kaloo dalka dib ugu soo noqday xubnihii Islaamiyiinta ahaa ee dibadaha u baxsaday. Waxay kaloo qabteen kulan lagu cusboonaysiinayo hogaanka Al-itixaad Al-islaam. Waxaa hogaankaas cusbaa madax looga dhigay hogaamiyihii hore Shiikh Cali Warsame iyadoo ku xigeena loo doortay Shiikh Xasan Dahir. Waxay kulankoodaas ku go’aansadeen ku dhigaanta jihaadka si loo fuliyo ujeedooyinka Ururka Al-itixaad Al-islaam.

Waqtiyadaas horusocodnimadda Dacwada ayaa si weyn waxaa u jiray dareen ay qabeen wadadadii Dariiqooyinka oo ku tilmaamay baraaruga cusub ee Islaamiyiinta inuu yahay Bidco. Hase ahaatee Islaamiyiinta Salafiyiinta ahi waxay ku guulaysteen inay hantaan dhalinyaradda aqoonta leh ee dhigta Dugsiyadda Sare, Jaamacada Ummadda (Somali National University). Waxaa dhici jiray inay mararka qaarkood iska horimaad ku dhexmari jiray wadooyinka magaalooyinka waaweyn qaarkood. Is ulayn, is caayid iyo is handadid qolba qolada kale waxkaga sheegayso.

Xigasho.

  • 16- Maxamed Nuur Wardheer . Qoraal Internet-ka Lagu Qoray Somalitalk.
  • 17-Tajribatu Maxaakiimat Soomaal. W.Q. Dr. Cumar Iimaan Abuukar.

Akhri... Qaybta 9aad....

mireW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS