SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


 “GUUBAABO”

Abwaan maxamed dhagaafe cilmi
mbale Uganda
Email: m_dhagaafe@hotmail.com

Gabaygaan waxaa curiyay Abwaan maxamed dhagaafe cilmi, Waxa uuna gabaygan soo baxay 11,02,2006 da gabaygaan waxa Uu abwaanku uga hadlayaa gefkii loo gaystay Rasuulkeenii sharafta badnaa Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee oo asaga lagu caayay joornaallo badan Oo kazoo baxa dalalka reer yurub. Ayada oo waliba si ula kac ah arintaas loo sameeyay.

Gabaygan oo lagu magacaabo Guubaabo waa gabay guubaabo ah oo uu abwaanku Kula hadlayo dhamaan muslimiinta dunidan ku nool… 

Wuxuuna ku bilaabanayaa sedan…. 

  1. Inay dunidu goobaantahoo gabi dhaclaynayso

  2. Nin gu`wayni waa garanayaa galinka maantaaye

  3. Afarteeda gees haatan waa laysu goodiyine

  4. Ka gadood islaamkii halkay gaartay sheekadu,e

  5. Gafka uu kufrigu nagu wadiyo gacan togaallaynta

  6. Hadday naan ka guban iga walaal gaagna harahayne

  7. Muslim kow guntada maanta waa galin danbeedkiiye

  8.  

  9. Garaafada rasuulkeeni iyo muxamed loo gaystay

  10. Guulguulka iyo cayda ay gaalo nagu hayso

  11. Isgarsiinta kii galay xumaha lagu garaabbaayo

  12. Haddaynaan ka guban iga walaal gaagna harahayne

  13. Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.

  14.  

  15. Gardaraysigoodiyo fitnadu waa gad aan harine

  16. Ardul shaam gabood baa ka dhaca goor iyo ayaane

  17. Waagii guduudtana dadbaa lagu gumaaddaaye

  18. Gurbood iyo dhalaan lama cisiyo gaabanow oday,e!!

  19. Duul aan waxbana galabsan bay gowda ku hayaane

  20. Waxaa loo gol-leeyahayna waa gaasir noqod keene

  21. Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.

  22.  

  23. Kuwa qaraxa gaysanahayoo taas ka gubanaaya

  24. Oo gudinta soofaystay oo gaalo la hortaagan

  25. Inaan maanta garabsiino waa noo gudboontahaye

  26. Gardaraysi ruux kuula yimid oo ku gacan dhaafay

  27. Oo inuu ku googooyo iyo gowrac kula dooni

  28. Haddii aadan ka guban jahanabaa lagugu geeyaaye

  29. Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.

  30.  

  31. Geeliisi ruux laga dhacoo cadow ka guullaystay

  32. Guluf iyo collaad waayo badan wuu gigsanayaaye

  33. Geerina marbay wacan tohoon noloshu gaarrayne

  34. Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.

  35.  

  36. Iiraanba geesigi u kacay geyfay oo haddalye

  37. Garaafee israa`iilna yiri waan gubahayaaye

  38. U gargaaryay falastiin inleen goodi waa xubine

  39. Gacan dhowrna diid iyo inay niman gumaystaane

  40. Gar Allee wadaadkaas u bogay goobta uu dagaye

  41. Waxaa gayre iigaga socdaa waa guryaa kale,e

  42. Garwadeennadii carabtu waa gaalo raac badi,e

  43. Godka lagu  cadaabyow kufray daba gucleeyaane

  44. Garsoorkii Illaah iyo la diid gudasho diimeede

  45. Waxaa Gaawe loo culanayaa gaalo dhaqan keede!!

  46. Ganigiyo walee lacagta yurub wayna kala gayne

  47. Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.

  48.  

  49. Gacmo wada jir iyo talo ayay gool ku dhaliyaane

  50. Haddaynaan is garab taarin waa guul dariyo ceebe

  51. Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye

  52. Guubaabadaydana ku xiray gaalo how baqina……

                  Dhamaad

Abwaan maxamed dhagaafe cilmi
mbale Uganda
Email: m_dhagaafe@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARAR KOOBAN:
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD