SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Maalinta jaceeylka Rasuulka

C/waxed C/llaahi Shaafici

London U.k

bukuraale@hotmail.com

Tan iyo September-tii sanadkii hore markii uu wargeeyska jyllander-posten uu soo daabacay sawir gacmeedyo lagu aflagaadeeynayo nabi maxamad (S.C.W) waxaa isa soo tarayay carada muslimiinta dunida eey ka muujinayeen falalkaas iyaga oo aan u kala harin shacab iyo xukuumad. Caradaas ayaa waxa eey gaartay meeshii ugu sareeysay Labadii todobaad ee aan soo dhaafnay. Dhoowr doowladood ayaa safiiradooda u yeertay, waxa laqaadacay badeecooyinka Denmark, isla markaasna waxa eey muslimiinta bilaabeen banaanbaxyo aad u balaaran oo looga soo horjeedo falalkaas guracan .

Waxa uusan shaki ku jirin in xuriyad kasta eey leedahay xuduud, xuriyadaadu waxa eey ku egtahay meesha eey ka bilaabaneeyso xuriyada iyo xuquuqda qofka kale, in kasta oo saxaafada wadamadaan reer galbeedka eey tahay mid xur ah oo madax banaan hadana waxa jiro xeerar hoosaadyo la isku ogyahay oo ku saleeysan dhaqanka, caadada, iyo dookha bulshada oo eey saxaafadu ilaaliso kana reebo in eey ku xadgudubto muqadasaadka iyo shucuurta bulshooyinka kala duwan ee dunida.

Carada muslimiinta eey ka muujiyeen sawiradaan waa mid sharci ah oo la fahmi karo laakiin hadana waxa xusid mudan in carada qudheedu eey leedahay xuduud. Waxaa wax laga xumaada ah in dibadbaxyadii rabshada la,aanta ahaa oo eey muslimiinta doonayeen in eey ku cabiraan dareenkooda uu markii danbe dhaafay xadkiisii isaga oo isku badalay rabshado geeystay dhimasho, dhaawac iyo in dab la qabadsiiyo safaaradahii Denmark eey ku laheeyd wadamada islaamka qaarkood.

Sababta ugu weeyn ee banaanbaxyadaas ka weeciyay hadafkoodii waxa uu ahaa iyada oo eey kooxo ajandooyin siyaasadeed oo qarsoon wato eey ku soo dhax dhuunteen dadkii banaanbaxa sameeynayay iyaga oo u arkay dhacdadaan in eey tahay fursad qaali ah oo eey ooga faa’iideeysan karaan ujeedooyinkooda guracan. tusaale waxa ku filan dibdbaxii ka dhacay Jimcihii magaaladaan London oo eey kooxahaas wateen boorar xumbaarsanaa naceeyb iyo hanjabaad aan loo baahneeyn.

Dibadbaxyadaan rabshadaha watay ayaa waxa eey meelkadhac weeyn ku ahaayeen karaamada nabiga iyo diinta islaamka, waxa eeyna maslaxad weeyn u aheeyd kuwa neceb islaamka. Hadii sawirada wargeeyska Jyllader eey ku xadgudbeen maqaamka sare ee Rasuulka falalka kooxahaan ayaa waxa uu xadgudub ku ahaa maqaamka rasuulka iyo risaaladiisa labadaba.

Afxumadaan lala beegsanyo maqaamka nabigeena ma aha mid hada bilaabatay. Qureeshtii Maka ayaa waxa eey ugu yiiri jiriin Saaxir, Majnuun, Shaacir, Kaahin iyo magacyo kale oo aad u xun hase yeeshee Qur,aanka isga oo isticmaalaya usluub ku dhisan dood wanaag, caqli iyo qancin ayuu difaacay maqaamka nabiga isaga oo ka fogeeyay dhamaan waxa yaabaha xunxun oo eey ku sheegeen kuwa uu xiqdiga dilooday. Qof kasta oo aqoon yar u leh siirada nabiga waxa uu ogyahay dulqaadkii badnaa ee nabigeena iyo sida uu mar kasta isaga cafin jiray kuwa cuqdeeysan ee maqaamkiisa wax ka sheega.

Waxa aad ii cajabiyay jawaabtii golaha Muslimiinta France eey ka bixiyeen sawirada kartoonka. Golaha waxa uu go,aansaday in maalintii Jimcaha ee aan soo dhaafnay loogu magac daro “Maalinta Jaceeylka” isla markaana khudbadaha Jimcada loo gaaryeelo Siiradii suubaneeyd ee nabigeena. Sidoo kale jawaabtaas mid la mid ah waxaa qaatay muslimiinta ku nool Roomeeniya oo iyagu soo saaray buugaag yaryar iyo cajaladooyin fara badan oo eey dadka reer Roomeeniya ugu sharxayeen risaalada islaamka iyo taariikh nololeedkii nabi Muxamed (C.W)

Ugu danbeeyn Hadii muslimiinta Jimcihii hore eey ugu magac dareen maalintii carada waxa haboon in jimcadaan eey ugu magac daraan “maalintii jaceeylka” sida eey horaba u sameeyeeen golaha Muslimiinta France iyo Muslimiinta Roomeeniya, isla markaana dhacdadaan eey noqoto munaasabad lagu soo bandhigo akhlaaqdii sareeysay ee nabigeena iyo waliba mabaadi,dii waaweeyneed ee uu u soo halgamay, iyada oo waliba bulshooyinka dunida oo dhan loo sharxayo shakhsiyada weeyn ee nabigeena iyo macnaha eey u taagantahay risaaladiisa oo ah naxariis, cadaalada, sinnaan, jaceeyl, karaamada iyo xuquuqda aadanaha.

C/waxed C/llaahi Shaafici

London U.k

bukuraale@hotmail.com

 


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARAR KOOBAN:
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD