SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Qaddaafi: Batroolka ayaa Sabab u ah Dhibaatada Darfur (Sudan)

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Axad, Nov 19, 2006

Qadaafi: "Haysashada ciidamada Suudaan ayaa ka roon in ay haysan lahaayeen  ciidamada Qaramada Midoobey"  Sawirka: Wipedia

Muammar Qaddaafi ayaa reer Galbeedka ku eedeeyey in ay isku deyayaan in ay la wareegaan khayraadka saliida ceyriin (oil) ee dalka Sudaan iyagoo adeegsanaya qorshooda ah in ay ciidamada Qaramada Midoobey u diraan Darfur, sidaas waxaa warka ku bilaabay wakaalada wararka.

Waxaa warku intaas ku daray:

Madaxweynaha Liibiya, oo ah dhexdhexaadiye dhawr dagaal oo afrika ka dhacay, waxa uu ku celinayey cambaarayntii ay Suudaaniyiintu u soo jeediyeen ciidamada loo dirayo halkaas oo ay ku tilmaameen in reer Galbeedku isku deyayaan in ay gumeystaan.

Qaddaafi waxa kale oo uu ugu baaqay Dowlada Khartuum in ay diido soo-jeedintaas (ciidamada loo soo dirayo Darfur).

"Wadamada reer Galbeedka iyo Maraykanku waxa ay isku mashquulinayaan ma ahan dareen naxariiseed ee ay u hayaan dadka reer Suudaan ama Afrika, laakiin waa saliida ceyriin (batroolka) iyo in ay qaarada Afrika kusoo celiyaan nidaamkii gumeysiga" ayuu yiri.

Fikradaha Qaddaafi waa kuwo laga dhegeysto Afrika sababtoo ah waxa uu u ololeeyaa midnimada Afrika iyo horumarkeeda.

Qaddaafi waxa uu ka hadlaayey xaflad Axadii lagu qabtay magaalada Tripoli oo ay ka qayb galeen saraakiil ka tirsan dowlada Suudaan iyo garabka jabhada ka dagaalanta Suudaan ee loo yaqaan 'Sudan Liberation Army', waxaana xafladaas loo qabtay si loogu dabaal dego saxiixoodii Sabtidii (Nov 19, 2006) ee ku saabsanaa heshiiska si nabad loogu soo celiyo Darfur.

"In ay haystaan ciidamada Suudaan ayaa ka roon intii ay ka haysan lahaayeen ciidamada Qaramada Midoobey, khasaarada ugu weynina waa haddii ay yimaadaan ciidamada Atlantic si ay isugu meeleeyaan Suudaan," ayuu yiri, isagoo arrintaas ula jeeday ciidamada reer Galbeedka.



Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxa ay in muddo ah Suudaan ku cadaadinayeen in ay aqbasho ciidamada Nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobey oo yimaada Darfur si loo joojiyo rabshadaha socdey saddexda sano kuwaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Jabhaddu waxa ay hubka qaadatay horraantii sannadkii 2003 ayagoo dolwada Suudaan ku eedeeyey in faquuqday dhulkooda dhanka galbeedka ku yaal ee durugsan. Markaas ayaa Khartuum waxa ay isku dubaridey xoogag ah maleeshiyo kuwaas ka hortaga kacdoonkaas. Maleeshiyadaas aagaas haysata waxa ay shacabka u geysteen xasuuq kaas oo ay baaritaan ku wado Maxkamadda Caalamiga ah ee Faldembiyeedyada ee loo yaqaan "International Criminal Court".

Qaddaafi waxa uu muddo dheer ka soo horjeedey Maxkamadda Caalamiga ah ee Faldembiyeedyada ee Hague, taas oo uu ku tilmamay mid loogu gabanayo gumeysiga.

Waxa uu reer Galbeedka ku eedeeyey in ay rabaan in ay ka guulaystaan qorshihiisa ku saabsan in uu sameeyo hal dowlad federaal ah oo afrikaan ah oo loogu yeero Midowga Wadamada Afrikada ama "United States of Africa".

"Reer Galbeedku waxa ay ka faa'iideystaan qabaliyadda, kala-qoqobnaanta iyo midabka jirka si ay u huriyaan dagaal"
Qaddaafi, Madaxweynaha Liibiya

"Reer Galbeedku waxa ay ka faa'iideystaan qabaliyadda, kala-qoqobnaanta iyo midabka jirka si ay u huriyaan dagaal, kaas oo horseeda dib-udhac iyo in markaas ay reer Galbeedku soo kala-dhex-galaan tiro wadano ah: ayuu yiri.

"Dhammaan iska hor imaadyada Afrika waxaa sababay nidaamka gumeysiga, kaas oo aan rabin in ay soo baxdo Midowga Wadamada Afrikada, waxana ay ka shaqeeyaan kala qaybinta iyo dhex galka iyo inqilaabyada militari." ayuu yiri Qaddaafi.

Qaramada Midoobey waxa sheegeen in ay rabaan in ay Darfur u diraan ciidamo dhan 17,000 iyo 3,000 oo boolis ah. Waxaana hadda gobolkaas jooga 7,000 oo ah ciidamada Midowga Afrika. Laakiin Dowlada Suudaan waxa ay diidey in ay Darfur yimaadaan ciidamo aan ka socon Qaarada Afrika, waxana ay ku tilmaameen 'nidaamka Gumeysiga Cusub" ama "neocolonialists".

Cilmi baarisyo la sameeyey ayaa tibaaxay in dalka Suudaan uu ay kaysan tahay qiyaastii 563 million oo foosto oo ah saliida ceyriin (oil), inkasta oo aan dalka oo dhan weli si rasmi ah loo baarin si loo ogaado rasmi ahaan inta shidaal ku kaydsan hadana xukuumada Khartoum waxa ay sheegatay in dalka uu ku kaydsan yihiin 5 billion foosto oo saliida ceyriin ah. Inkasta oo taasi ay aad uga yartahay  billion foosto ee la caddeeyey in ay ku kaydsan yihiin lix dal oo ku yaal Gacanka Beershiya ee kala ah: Saudi Arabia, Iraq, United Arab Emirates, Kuwait, Iran, iyo Qatar. Haddana sannadkii 2005 waxaa la sheegay in dalka Suudaan dhaqaalah aka soo gala saliida ceyriin uu ahaa $1 million oo doolar maalintiiba.

Suudaan waxay Afrika kaga jirta wadanka toddobaad ee ugu soo saarka badan batroolka, waxaana ka horeeya dalka Nigeria, Libya, Algeria, Angola, Egypt, iyo Equatorial Guinea.

Sida ay qortay jariidada worldpress, shirkadaha Maraykanku waxa ay ka caaganaayeen ka fa'iideysiga khayraadka farah abadan ee baaritaanka shidaalka dalka Suudaan, waxaana halkaas aqlabiyadda ku lahaa shirkadaha dalalka China, Malaysia, India, Canada iyo qadar shirkado reer Yurub ah.

Warbixin ay qortay shabakada CBC (Canada TV) oo soo xiganeysey hay'adda Energy Information Agency (USA) ayaa sheegtay in 25-ka sano ee soo socda ay baahida loo qabo saliida ceyriin (oil) ay kor u kici doonto boqolkiiba 54%. Haddaba si loo daboolo baahidaas waa in dalalka uu ku kaydsan yahay shidaalku ay dhulka kasoo saaraan 44 million oo foosto oo dheeraad ah maalin kasta marka la gaaro sannadka 2025.

Saliida Ceyriin marka la iibinayo waxaa looga qiyaas qaataa foosto (ama fuusto) taas oo qaada 159 litres. Qiimaha foostada shidaalka ah waxa uu isla bedelaa xaddiga shidaalka ah ee la soo saaro iyo nabad gelyada adduunka, gaar ahaan ammaanka dalalka soo saara shidaalka.

Qiyaaso la sameeyey ayaa muujinaya in herdanka qarnigan 21-aad uu siyaadi doono herdanka khayraadka ku jira dhulka hoostiisa maadaama baahida loo qabo uu aad u kordhayo, waxaana herdanka ugu xoogga weyn ku wajahnaan doonaa qaarada Afrika maadaama aan weli si rasmi ah gebi ahaanteeda baaritaan loogu samayn khayraadka dhex ceegaaga weli laga faa'iideysan.

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: wakaaladaha wararka, sida: CBC, Aljazeera, worldpress, Google images, iwm
http://www.cbc.ca/news/background/oil/ , http://www.eia.doe.gov/ , http://www.worldpress.org/

(Shidaalka 2025: Halkan ka akhri warbixinta CBC).

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2006


ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD