SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Itoobiya oo Gen. Cadde Muuse u sheegtay in ay Qunsuliyad ka Furaneyso Garoowe/Boosaaso

  • Warbixintii & Faalladii SomaliTalk.com | Oct 14, 2007

May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse oo beryahan ku sugnaa Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa waxaa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Seyuum Mesfin, una sheegay in Itoobiya ay Qunsuliyad ka furaneysa Puntland. Mesfin waxa uu Puntland ku sasabay in iyagana loo ogolaalanayo in ay Qunsuliyad la shaqaysa Itoobiya ka furtaan Addis Ababa.

Mesfin waxa uu Gen. Cadde Muuse u sheegay in ujeedada Qunsiliyadda ay uga furanyaan Puntland in ay la xiriirto xiriirka xagga dhaqaalaha.

Warar ku dhowdhow madaxtooyada Puntland ma sheegin waxa ay DGPL ka faa'iideyso soo jeedinta Itoobiya ay qunsiuliyadda kaga furaneyso Puntland.

Gen. Cadde Muuse waxa uu September 9, 2007 caddeeyey in uu ku "daalay" madaxweyna nimada, oo la gaarey waqtigii uu nasan lahaa, taas oo reer Puntland u qaateen in Janaraalku uusan xukunka ku soo noqon doonin marka waqtiga xukuumadiisu dhammaado.

Haddaba, haddii arrintu sidaas tahay, waxay reer Puntland (oo laga caburiyey dhinac kasta, xagga saxaafada, dhaqaalaha, hab-fikirka xorta ah, iwm, iwm....) is weydiinayaan: danta gaarka u ah ee Itoobiya ay ka leedahay Puntland ma ka dambayn doontaa maamulka Gen. Cadde Muuse, mase waxaa Puntland mar kale laga soo askumi doonaa maamul "baq-baqaa" u ah Addis Ababa, oo aan ka talin danaha gaarka ah ee reer Puntland ama Soomaalida?, waa sida ay hadalka u dhigeen qaar ka mid ah aqoon-yahanka reer Puntland'e.

Waxaa dhici karta in akhristuhu is weydiiyo, waa maxay danta gaarka ah ee Itoobiya ka leedahay Puntland? Waxaa jawaab fudud arrintaas u ah dhawrkan arrimood:

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo
  1. Si loo ilaawo dhulka ay Itoobiya ka Gumeysato Soomaalida ee SoomaaliGalbeed,
  2. Inay la baxdo Shidaalka (Batrool iyo gaaska dabiiciga ah) ee Dhulka SoomaaliGalbeed iyadoo ra'yi caalamka ku khaldaysa una muujinaysa inay xitaa qunsuliyado ku leedahay dhul Soomaaliyeed (Puntland),
  3. Si ay u adeegsato Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee Puntland maadaama aysan Itoobiya bad lahayn,
  4. In ay fuliso hadafka u Qoran Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya,
  5. iyo dano kale oo u qorsoon...

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2007


Gen. Cadde Muuse oo Addis Ababa Kula Kulmay Safiirka Maraykanka u Fadhiya Itoobiya:

  • SomaliTalk.com | Oct 12, 2007

Madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse), oo dhawaan booqasho aan hore loo sii sheegin ku tegey dalka Itoobiya ayaa kulan waxa uu magaalada Addis Ababa kula yeeshay safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Itoobya, Donald Yamamoto.


Donald Yamamoto
Gen. Adde Muse
Gen. Cadde Muuse

Kulankaas oo ka dhacay Safaaradda Maraykanku ku leedahay Addis Ababa ayaa la sheegay in Gen. Cadde Muuse uu ka warbixiyey mashaariicda horumarinta dhaqaalaha Puntland iyo sidii ay Puntland u yeelan lahayd nidaamka xisbiyada badan. Waxaana wararku intaas ku dareen in Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse iyo Danjire Yamamoto ay ka wada hadleen guud ahaan xaaladda gobolka .

Waxa kale oo ay Puntland safiirka u sheegeen sida ay DGPL wax uga qabataya arrimaha ay ka mid yihiin Shuftada Badda, Maraakiibta Kalluunka xaalufiya, ammaanka badda, iyo tahriibayaasha badda.

Waxaa warar ku dhow madaxtooyada DGPL tibaaxeen in Madaxweynaha DGPL uu safiirka Maraykna weydiistey in beesha caalamku ay wax kala qabtaan arrimaha la xiriira ammaanka badda si wax looga qabto "khatarta ka iman karta badda" iyo sidii looga faa'iidaysan lahaa khayraadka ku jira badda Puntland.

Wararku ma cadayn waxa uu safiirka Maraykanku ugu jawaabay DGPL ama gaar ahaan waxa uu kala hadlay. Laakiin sida laga soo xigtey ilo la socda siyaasada Puntland, waxaa jira in shirkadaha Shidaalka baara ee Maraykanku ay aad u danaynayaan Puntland.

Sida laga warqabo, DGPL waxay heshiis shidaal/macdan baaris la gashay shirkad yar oo laga leeyahay dalka Australia (Range Resources), taas oo muran weyn ka dhalisay Soomaaliya, gaar ahaan DGPL iyo DFKMG. Shirkaddaas oo sida la sheegay suuq-geysey khariidado muujinaya macluumaad cilmi baarisyo lagu sameeyey shidaalka Puntland oo ay lahayd shirkadda Maraykanka ee Conoco oo shidaal ka baari jirtey aagga Garoowe ka hor intii aysan dhicin dagaaladii sokeeye, shirkaddaas oo dalka uga baxday xaalad ammaan awgeed. [Waxay hayd July 8 , 1986 markii Heshiis shidaal baaris uu dhex maray Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya iyo shirkadda Conoco Inc. ee USA. Heshiiskaasi waxa uu ku saabsanaa dhul baaxaddiisu dhan tahay 98,700 Km2 oo ka mid ah Gobolada Nugaal, Sool iyo Togdheer ee dalka Soomaaliya.]


Peter Landau

Waxaana beryahay soo shaacbaxay in shirkadda Range Resources ee heshiiska la gashay Puntland ay walaac muujisay. Sida laga soo xigtey Media Monitors Australia Oct 11, 2007 oo ah markii uu soo shaacbaxay in Gen. Cadde Muuse uu safar ku tegey Itoobya, ayaa maamulaha shirkadda Range Resources, Peter Landau, waxa uu qiray in shirkaddiisa (maalgashiga lagu samaysanayo) uu yahay mid aad halis u ah.

Shirkadda Range waxay ku andacootaa in ay haysato xuquuqda shidaal baarista dhammaan dhulka Puntland, in kasta oo mar sii horeysey ay DGPL sheegtay in ay Puntland u qaybineyso qaybo ah waxa loo yaqaan BLOCKS.

Dhanka kale, waxaa sanadahan dame soo shaacbaxaya tartan weyn uu u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka, tartankaas oo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee Afrika.

Dr. Knoop

Dhanka kale, Gen. Cadde Muuse waxa kale uu Addis Ababa kula kulmay safiirka dalka Jarmalk u fadhiya Itoobiya, Dr. Claas D. Knoop.

Waxaana wararku sheegeen in Madaxweynaha DGPL uu safiirka Jarmalak eee Itoobiya siiyey warbixin la mid ah tii uu siiyey safiirka Maraykanka u fadhiya Addis Ababa.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2007 {Ciidda Soonfur Shawaal 1, 1428}


Shirkadda Medco oo Shaaca ka qaaday in ay $1 million oo doolar ku bixisay helitaanka Saamiga Hay'adda Batroolka Soomaaliya...

  • Tarjumadii iyo faalladii: SomaliTalk.com | Oct 11, 2007

Shirkadda laga leeyahay dalka Indonesia ee Medco Energy ayaa shaaca ka qaaday in ay gorgortan xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd saamiga boqolkiiba 49% ee Hay'adda Batroolka Soomaaliya (HBS), saamigaas oo markii hore la sheegay in ay wadaageen shirkaddaas iyo shirkadda Kuwait Energy Company (KEC), laakiin ay hadda ay soo ifbaxayso in labadaas shirkaddood ay geeska isku riixayaan tii u hari lahayd saamiyadaas.

Waxaana hadda soo shaac baxay in shirkadda Medco ay gorgortankaas loogu jiro saamiyada HBS si ay keligeed u hesho in ay ku bixisay lacag dhan Hal million oo doolar (US$1 million).

Hilmi Panigoro

Waxaa aarrintaas caddeeyey Madaxweynaha shirkadda Medco, Hilmi Panigoro, oo jariidada Investor Daily u sheegay (sida ay Isniintii Oct 8, 2007 faafisay jariidada qorta wararka batroolka ee RIGZONE.COM) in uu si xooggan dadaal ugu jiro sidii ay shirkaddiisu ku heli lahayd saamiga Hay'adda Batroolka Soomaaliya (Somalia Petroleum Corp.). Waxana uu intaas ku daray in Dawladda (FKMG) ee Soomaaliya ay si siman fursad u siin doonto shirkaddiisa (Medco) iyo shirkadda reer Kuwait ee KEC (si ay ugu gorgortamaan saamiga HBS oo mid u harto labaas shirkadood).

Hilmi Panigoro waxa uu si cad shaaca uga qaaday in shirkaddiisa Medco oo keligeed ah ay diyaar u tahay in ay saamigaas oo dhan (49%) ay hesho, taas oo meesha ka saareysa shirkadda Kuwait Energy. Waxana uu intaas raaciyey in ay gorgortankaas ku bixiyeen lacag dhan Hal malyuun ($1 million) oo doolarka Maraykanka.

Hilmi Panigoro, madaxweynaha shirkadda Medco, wax caddayn ah kama bixin cidda ay lacagtaas siisay.
Sara Akbar
Sara Akbar

Dhanka shirkadda Kuwait Energy weli arrintaas wax jawaab ah kama bixin maadaama ay labadaas shirkadood (Medco iyo KEC) ahaayeen labada shirkadood ee wax ka soo dhisay sharciga batrooolka Soomaaliya ee lagu soo sameeyey magaalada Malindi Kenya ee aan weli baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo ansixin. Gabadha madaxa u ah Kuwait Energy ayey ahayd tii sida weyn ugu doodeysey in ay shirkaddeedu saamigaas ah 49% shirkadeedu leedahay ama wax ku leedahay.

Labadaas shirkaddood (Medco iyo KEC) waxaa la tibaaxaa in ay gacan saar la leeyihiin Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, waxaana la sheegay khilaafka Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf in uu qayb ka yahay arrimaha la xiriira heshiisyada shidaalka iyo lacago aan la garanayn meesha ay mareen.

Dhowaan ayey ahayd markii wasiirka batroolka DFKMG uu ganafka ku dhuftay saamigaas 49% ee la sheegay in ay yeelan doonaan shirkadahaasi (Medco iyo KEC), waxana uu wasiirka Batroolka iyo Tamarta, C/llaahi Yuusuf Xaraare, sheegay in hay'adda Batroolka ay 100% yeelan doonto Dawladda Soomaaliya.

Haddaba su'aashu waxay tahay "maxay ku gorgortamayaan Medco Energy iyo Kuwait Energy haddii wasaaradii shaqada ku lahayd batroolka Soomaaliya aysanba aqoonsanayn waxa ay ka hadlayaan.. Yaase Medco lacagta halka malyan ah siisay...?

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2007

batrolWasiirka Batroolka: "Inta aan ahaa wasiirka Betrool wax heshiis ah oo ay wasaaradu saxiixday ma jirto, heshiisyadii horena weli way jiraan, Buugga weyn iyo waxyaalaha kale ee ku xiran masoo gudbin wasaaradu

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH