SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Radio Australia SBS oo Waraysi La Yeelatay Salaad Faatax: 17.5.2007


Ciise Dholawaa | SBS Australia , Laanta Af-Soomaaliga

Waraysiga ku dhegeyso: Play Real | Play MP3 | [ama Dhegeyso halkan

Radio Australia SBS laanta Afka Soomaaliga ayaa waraysi la yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan magaalada Dubai. Salaad ayaa Radiyuhu ka waraystay dhagaxa shirkadiisu ay dhoofineysey ee madaxweyne ku xigeenka Puntland uu joojiyey, sida Salaad Faatax uu waraysigaas ku sheegay.

Salaad Faatax ayaa arinka joojinta dhoofinta dhagax ku tilmaamay mid siyaasad salka la gashay oo la siyaasadeeyey.

Salaad ayaa waraysuga ku sheegaya in dhaxani yahay mid ilaa 30 mitir xeebta u jira oo aan bada ku dhexjirin sida Somali websites-ka qaarkood qoreen.

Waraysigaas waxaa qaaday Ciise Dholawaa oo ka tirsan idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee Australia SBS.

DHegeyso: Play Real | Play MP3 |

May 17, 2007


Dhagaxa Xarshada waxaa Rartay Ganacsato reer Puntland ah, waxaana lagu Qurxiyaa Guryaha Qadiimka ah.....

Qoraal Kasoo Baxay Ganacsato reer Puntland ah

May 14, 2007 | Updated: Sawirada | May 16

Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Waxaanu halkan ku beeninaynaa maqaalada beryaan wesaydyada lagu soo qorayey ama afkaba laga sheegay oo kusaabsan dhagxaan Boosaaso laga raray.

Dhagxaanta mageceeda waxaa layiraahdaa korelriif (Corel reef) oo Soomaaliya looga yaqaan Xarsho, waana dhagxaantaa aanu soo sawirnay, waa korelriif dhintay ee aan badda gudeheeda laga soo saarin, badana wuxuu ujiraa ugu yaraan 30 mitir iyo inkabadan, marhaduu bada kasoo boxona waa dhintaa, marhaduu dhintana waxaa loo isticmaalaa Soomaaliya nuurada guryaha lagu cadeeyo, meesha hadda loo rarayna waxaa loo isticmaalaa guryahaa qadiimiga ah ee aad aragtaan oo lagu qurxinayo ama lagu dhiso dhagixii Boosaaso laga qaaday, waxaana dhagtaantaa rartay ganacsato reer Puntland ah.


Guryaha lagu qurxinayo/dhisayo dhagaxa loo yaqaan Xarsho

"Waxaanu u aragnaa maadaama aanu nahay ganacsatada Puntland in aanu xaq uleenahay in aanu rarano dhagaxaa aanu soo bandhignay, waxaanuna usoo bandhignay inaanu reer Puntland tusno, waxa aan kararnay dekeda Boosaaso si sharciya mana aha wax dawladdu ay shaqo kuleedahay, sida ay jaraaidku u qoray in ay dawladu leedahay ma aha. Marka waxaan kusoo gunaanadayaa xalaal iftiin baa lacunaaye ciddii haysa caday sidaas ha usoo bandhigto oo sawiro hakeento. Waxaana talo soo jeedinaynaa waa in lakala saaraa siyaasadda iyo ganacsiga ragga internetka wax kuqoraya amaba kahadlaya siyaasad bay kawataane cadayma hakeeneen sida aanu cadaymaha ukeenay".


DHagaxa oo lagu dhisayo guryo:: Dubai


NB:Qormadan waxaa lagala xiriiri karaa dadkan hoos kuqoran cidii faahfaahin rabta.

Bootaan Barre Samatar | Email: botanbare@hotmail.com
Faarax Maxamuud Saalax | Email: farax12@hotmail.com

Faafin: Apr 14, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD