SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SANAAG
Daabaco Boggan | Print
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan ka soo saareen Bosaso, Puntland Somalia
Beeluhu waxay go,aansadeen in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka si buuxda, kana dhigtaan Manhaj iyo Dastuur... GUJI...

Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah
waxayna ugu baaqeen ummadda ku dhaqan gobolada Puntland in ay sidaas oo kale qaataan shareecadda Islaamka... Guji...

Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in ay... Guji...

Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan.. Guji...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo Ganacsatada G/Mudug
Baaqaas oo shacabka & maamul Goboleedka Puntland ugu yeeray in ay ku xukuntamaan kitaabka Alle... Guji

Baaq ay soo saareen Culumaa'udiinka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  G/Mudug...
ayaa tibaaxay taageero siinaya in...
Guji...

Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  Nov 5, 2006



 Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka qayb ka mid ah beelaha dega Sanaag

Bismillaahi Raxmaani Raxiim:- Kadib markii aanu tixraac ku samaynay sooyaalkii Taariikheed ee dalkani soo maray oo ay kamid ahayd balamihii iyo cahdigii adkaa ee umadu ay Allaah lagashay marar kala duwan iyadoo gooni gooni ah iyo iyadoo isku duubanba, kaas oo ahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka fulintiisana laga rabay maamulka dalka, nasiib darose uu ka baaqsaday hirgelintiisa, iyadoo balamaahas iyo cahdiyadaas kuwii ugu dambeeyey lagu xardhay axdi qarameedkii 1991 iyo dastuurka dalka Qodobkiisa Shanaad.

Kadib markaanu aragnay in bulshada laga warwareejinayo laguna cabsi galinayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, cidhibteediina noqotay dulmi baahsan & cadaalad darro uu dalku ka bixi la’yahay,

Markaanu maqalay baaqyadii ka soo yeedhay qaybaha kala duwan ee bulshada reer soomaaliland & khudbadii taariikhiga ahayd ee Madaxwaynuhu ka jeediyey munaasibadii Ciidul Fidriga, oo nuxurkoodu ahaa hirgelinta Shareecada Islaamka,

Waxaanu soo jeedinaynaa Qodobadan hoos ku qoran:

1. Inay geed ka go’an noqoto gorgortana aanay gelin ku dhaqanka Shareecada Islaamku, dhamaan shacabka Soomaaliland qaybihiisa kala duwanina taageero hadalkaas madaxwaynaha, ee ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka si uu kalsooni ugu helo fulinteeda, una dedejiyo

2. Inaan la dhayalsan, hal bacaad lagu lisayna laga soo qaadin, bayaanada, baaqyada iyo talooyinka ay soo jeedinayaan culimada, salaadiinta iyo wax garadka kala duwan ee bulsho waynta soomaaliland,

3. In mas’uuliyiinta dawladu ka feejignaadaan hadalada lidka ku ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isla markaana dawladu cudurdaar ka bixiso kelmadihii wasiirka arimaha debedu ka jeediyay Idaacada British Broadcasting Corporation oo kala ahaa, in nidaamka somaaliland uu yahay cilmaani(diin la’aan) iyo in ku dhaqanka shareecada islaamku khatar aan la aqbali karayn ku tahay bulshada geeska afrika,

4.In warbaahinta dalka iyo debeduba aanay ka been sheegin dareenka dadka, soona koobin ama qoora goyn ku samayn baaqyada ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kana waan toobaan baahinta borobagaandada iyo wax kasta oo ka soo horjeeda Diinta iyo danta umada,

5.In loo hambalyeeyo lana baariko kacdonka shacab ee Maxkamaduhu hogaaminayaan ee koonfurta soomaaliya ka hana qaaday oo marna iyo sinaba aan u gayin in la cambaareeyo lana deedafeeyo,

6.In marna aan la hilmaamin in dalka dulmi dumiyay, dawadiisuna ay cadaalad tahay.

7. In aan loo bahalo galin dadwaynaha reer soomaaliland ku dhaqanka Shareecada Islaamka, looguna sheegin in ay ka hor imanayso xoriyada shakhsiga, hadalka, iyo xuquuqda binu aadamka,

Ugu dambayntii waxaanu mar labaad u hambalyaynaynaa sidoo kalena taageeraynaa hadalkii Madaxwaynuhu ka jeediyey munaasabadii Ciidul Fidriga ee ku saabsanaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka,

Magacyada Culimada, Waxgaradka & Aqoonyahanka Baaqan Soo Saaray

1. Sh. Maxamed Cali Biixi
2. Sh. Xasan Xuseen Ibraahim
3. Sh. Xasan Axmed C/Lle
4. Sh, Maxamed Xuseen Maxamed
5. Sh. Cali Yuusuf Cali
6. Sh Xuseen Jaamac Faarax
7. Sh. C/Risaaq Jimcaale Dirir
8. Sh. Siciid Cali Xasan
9. Sh. Muuse Ciid Ducaale
10. Sh. Cali Jaamac Xaamud
11. Sh. C/Salaam Maxamed Warsame
12. Sh. Maxamuud Maxamed Nuur
13. Sh C/Llaahi Axmed Maxamed
14. Sh. C/Rashiid Maxamed Warsame
15. Sh. Xasan Aadam Ducaale
16. Sh. Jamaal Axmed Ducaale
17. Sh. Siciid Axmed Cabdulle
18. Sh C/Raxmaan Xuseen Maxamed
19. Sh Aadam Xirsi C/Raxmaan
20. Sh C/Raxmaan Saalax Faarax
21. Shcismaan Maxamuud X.Dirir
22. Sh.Cismaan Siciid Ducaale
23. Jaamac Cabdi Xasan
24. C/Risaaq Siciid Cali
25. Faysal Cilmi Cawad
26. C/Risaaq Maxamed C/Raxmaan
27. Axmed Siciid Nuur
28. Maxamed C/Llaahi Xuseen
29. Ciise Xasan Ciise
30. Maxamed Muxumed Sh Aadan
31. Axmed Xasan Jaamac
32. Axmed C/Raxmaan X. Aadam
33. Aadam Siciid C/Raxmaan
34. Maxamed C/Llaahi Maxamed
35. Cali Xasan Warsame
36. Cismaan Maxamed Muuse
37. Xasan Maxamuud Maxamed
38. C/Llaahi Maxamuud Jaamac
39. Axmed Ducaale Aadam
40. Axmed Jaamac Ismaaciil
41. Jaamac Maxamed C/Lle
42. Mahdi Maxamed Ducaale
43. Ismaaciil Yuusuf Maxamed
44. C/Risaaq Saalax Maxamed
45. Xuseen Geeldoon Xirsi
46. Xasan Yuusuf Ismaaciil
47. C/Risaaq Xuseen Maxamed
48. Maxamed Jaamac Dhunkaal
49. Cabdi Xuseen Maxamed
50. C/Naasir Axmed Faarax
51. Abshir Maxamuud C/Raxmaan
52. Axmed Maxamuud Maxamed
53. Axmed Ibraahim Maxamed
54. C/Rashiid Maxamed Axmed
55. Maxamuud Aadam Maxamuud
56. Siciid Axmed Saalax
57. Axmed Siciid Xuseen
58. Jaamac C/Llaahi Shire
59. Maxamuud Maxamed Jaamac
60. Siciid Ibraahim Maxamed
61. Siciid C/Raxmaan Xuseen
62. Sulaymaan Muuse Xasan
63. Kayse Xasan Cali
64. Qaasim Jaamac Cabdi
65. Maxamuud Saalax Maxamed
66. Daahir Saalax Ciise
67. C/Wali Yaasin Xasan
68. Abshir Saalax Maxamed
69. Cumar Siciid Ducaale
70. Cali Maxamuud Xaaji Dirir
71. Cali Abokor Cabdulle
72. Axmed Maahir Cabdi
73. Axmed Xuseen Maxamed
74. C/Risaaq Abokor Ducaale
75. Maxamuud Aadam Maxamed
76. Musdafe C/Llaahi Aadam
77. Maxamed Axmed C/Llaahi
78. Axmed C/Llaahi Yuusuf
79. Axmed Xasan Aadam
80. Cali Maxamuud Maxamed
81. Maxamed Muuse Maxamed
82. Yuusuf C/Kariim Axmed
83. C/Raxiim Yuusuf Axmed
84. Maxamed Cali Maxamed
85. Yuusuf Xasan Faarax
86. Khaalid Axmed Askar
87. Khaalid Shire Jaamac
88. C/Risaaq Siciid Xuseen
89. Maxamuud Aadan Ducaale
90. Rashiid Ismaaciil Maxamuud
91. Axmed C/Llaahi Ismaaciil
92. Xasan Yuusuf Maxamed
93. C/Fataax Maxamed Muuse
94. Yuusuf Cabdi
95. Axmed Maxamed Jaamac
96. Cali Axmed Maxamed
97. Siciid Axmed Jaamac
98. Cali Aadam Ducaale
99. Musdafe Maxamed Axmed
100.Xuseen Maxamed Jaamac

Alaa Mahad leh

Afhayeenka Culimada Baaqan soo saartay
Maxamed Xuseen Maxamed
00 252 5 778144

Waxaa soo tebiyey:
Maxamuud Ciyoon
ciyoon10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2006


Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan ka soo saareen Bosaso, Puntland Somalia
Beeluhu waxay go,aansadeen in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka si buuxda, kana dhigtaan Manhaj iyo Dastuur... GUJI...

Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah
waxayna ugu baaqeen ummadda ku dhaqan gobolada Puntland in ay sidaas oo kale qaataan shareecadda Islaamka... Guji...

Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in ay... Guji... Nov 13

Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan.. Guji...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD