SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Beesha Reer Khalaf ee Cumar Maxamuud oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay Waqooyiga Gaalkacyo 

Nov 4, 2006 | Galkacyo, Soomaaliya

Taariikhdu markay ahayd 03/11/06 ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa shir u fariistay dadweyne gaaraya 150 qof oo ka socda beesha reer Khalaf ee Cumar Maxamuud. Dadkaasi waxay lahaayeen culumaa’udiin, aqoonyahanno kale, odayaal iyo dhallinyaro badan oo beeshaas ah, waxayna ka  soo saareen war-murtiyeed ay ku taageerayaan maxkamaddii Badbaado ee ay furteen walaalahooda Maxamed Cumar ee isla Cumar Maxamuud. 

War-murtiyeedkaas waxaa shaaciyey saxaafadda magaalada Gaalkacyo ooy ku jiraan idaacadaha magaaladaas. Sidoo kale waxaa arrintaas qiray Axmed Muuse Nuur oo ah afhayeenkii  maxkamadda Badbaado sheegayna iney soo gaartay warqad taageero ah ooy walaalahooda reer Khalaf soo gaarsiiyeen. 

Dadweynahaas reer Khalaf waxay sheegeen inay xaq tahay in Puntland lagu xukumo shareecada Islaamka waxayna caddeeyeen iney taageero hiil iyo hooba la garabtaaganyihiin walaalahoodaas furtay maxkamaddaas. Waxay kaloo sheegeen dadkaas ka socda reer Khalaf iney sida ugu dhaqsiyaha badan u furandoonaan  maxkamad Islaami ah haddii Ilaah idmo. 

Shirkaas wuxuu si xalaal ah oo cad uga dhacay magaalada Gaalkacyo iyadooy Gaalkacyo joogaan madaxda u sarreysa ee Puntland. Dadkii shirkaas ka soo qeybgalay ayaa sheegay inaan reer Khalaf sida qolooyinka kale ee Soomaaliyeedba  aysan 100% u dhammeyn in la taageero maxkamaddaas ama la furto maxkamado laakiin waxay sheegeen in beesha inteeda badan ay qabaan in wax lala qabsado Midowga Maxkamadaha. 

Waxaa dadweynihii reer Khalaf u soo jeediyeen qolooyinka kale ee Puntland dega inay iyaguna sidoo kale furtaan maxkamado.

Waxaa warkan SomaliTalk.com soo gaarsiiyey:
C/waaxid Khaliif, email: cabdulwaxid@hotmail.com

XUSEEN CAYDIID OO ARIMO XAASAASI AH....

Dowladda Federalka somalia ayaa sheegtay inay hayaan cadeymo muujinaya inay Kooxo dagaal yahano Carab iyo Shis-heeye ah oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Muslimiinta Maraykanka ay taageerayaan Maxaakiimta, isla markaana ay qeyb ka yihiin Deggenaansho la'aanta ka jirta dalka Somalia

Ku xigeenka Ra'isul wasaaraha dowladda Federalka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Eng. Xuseen Max'ed Caydiid, ayaa sheegay inay Dowladdiisu hayso Macluumaad iyo cadeymo muujinaya inay Kooxo Dagaalyahanno Carab ah iyo kuwo Ajnabi ah oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Muslimiinta dalka Maraykanka inay la safan yihiin dhinaca Maxaakiimta, waa sida uu hadalka u yiri.

Eng. Xuseen Caydiid waxaa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo Maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa Magaa-lada London, wuxuuna tilmaa-may in Joogitaanka dagaal yahanadaasi Ajnabiga ah ay u sabab tahay Mushaakilka amaan xumidda ee ka jira dalka Somalia iyo dalalka ku hareeraysan Geeska Afrika.

Mar wax laga weydiiyey inuu faah faahiyo Kooxaha dagaal yahannadda shisheeyaha dalalka ay u kala dhasheen, waxa uu sheegay inay ka kala yimaadeen dhowr Dal oo Carab iyo Islaam ah, oo ay ka mid yihjiin Masar, Sacuudiga, Yeman, Pakistan, Afganistan. Indonesia iyo qaar ka tirsan Muslimiinta Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu Carrabka ku dhuftay inay doonayaan inay arrintaasi ka galaan Wada xaajood, in-kastoo uu ka gaabsaday inuu sii faahfaahiyo cidda ay Wada-xaajoodka kala galayaan iyo dhinacyadda ay la kaashan doonaan.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya Eedeymaha ay Mas'uuliyiinta dowladda Feder-alka ku sheegaan inay Dagaal yahanno Shisheeye ah ay taageeraan Maxaakiimta, iyadoo ay Madaxda Maxaakiimta gaa-shaanka ku dhufteen eedeym-ahaasi, kuna casuumeen Khub-uro Caalamka ka socday inay kormeer baaritaan ah ku yimaadaan goobaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan, si ay u ogaadaaan waxa ka jira inay dagaal yahanno shisheeya ah la safaan yihiin Ciiddamadda Maxkamadaha.

Mar wax laga weydiiyey inay Madaxweynaha dowladda feder-alka C/laahi Yuusuf iyo Mas'uul-iyiin sarsare ee dowladda Federalka ka wada hayaamay-aan Magaalladda Baydhabo oo ay Ciiddamadda Maxkamadaha ku soo wajahan yihiin, wuxuu sheegay inuusan haba yaraatee jirin qorshe ay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowladda kaga hayaamayaan Xaruntooda KMG Somalia ee Baydhabo, xitaa haddii ay Ciiddamadda Maxkamadaha soo weeraraan.

Eng. Xuseen Caydiid ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu Madaxwe-ynaha dowladda Federalka gaashaanka ku dhuftay Hindise loogu soo jeediyey in Xaruunta dowladda Federalka laga wareejiyo Baydhabo, lana geeyo Degaan kale oo aad u Nabdoon, gaar ahaan Magaaladda Muqdi-sho ama Gaalkacayo, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inuu isagu noqon doono qofka ugu dambeeya ee ku sii hari doono Magaalladda Baydhabo haddii la soo weeraro.

Ra'isul wasaare ku xigeenka dowladda Federalka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federalka Somalia, Eng. Xuseen Max'ed Caydiid, waxaa kaloo wax laga weydiiyey waxa ka jira inay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya soo dirayaan ciidamo difaaca Magaaladda Baydhabo, wuxuuna sheegay inay labadaasi Dowladood diyaar u yihiin inay ciidamo soo diraan, si ay u difaacaan Masla-xada ay ku leeyihiin dalka Somalia, waxayse ciidamadaasi ku koobnaan doonaan ilaalinta Xuduudka dheer ee ay la wadaagaan dalka Somalia.

Eng. Xuseen Caydiid waxaa kaloo wax laga weydiiyey aragtida uu ka qabo Gudoomi-yaha Gudiga Shuurada ee Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo inuu yahay Hoggamaiye Nabadeed, waxa uu yiri: "Waxaad og tahay in Sh. Xasan Daahir Aweys waalid iiga yahay dhinaca Hooyadda, isla markaana ay Walaalo yihiin Xaaska aan qabo, waa Sarkaal hore iyo Nin hawl kar ah, Waxaan rumeysnahay inuu Nabadda nala xaqiijin karo".

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623

Wararkii kale ee maanta hoos ka akhri...


Wararkii Nov 4, 2006
  • Mareykanka oo dharbaaxo ku dhiftay wadamada Kenya iyo Itoobiya…

  • Guddoomiye Shariif Xasan oo beri ku soo fool leh Magaalada Muqdisho

  • Kala qaybsanaan xoog leh oo soo kala dhex Dowladda Federaalka..

  • Maxkamadaha Islaamiga ah oo ku raad jooga..

  • Magaalada Baydhabo oo ay ka bilaabatay sidii..

  • Amal Bank oo furatay xarun caalami ah..

  • Go’aano kasoo baxay shir ay Nairobi ku yeesheen Beesha Harti iyo Meheri.

  • Xaflad lagu taageeray maxkamada Beesha Jareerweyn

  • UK: Xafladda Soo bandhigidda Waxqabadka Hay’adda Danwadaag 

Mareykanka oo dharbaaxo ku dhiftay wadamada Kenya iyo Itoobiya…

Digniintii Mareykanka ee ahayd in falal aragigixo ay ka dhici doonaan wadamada Itobiya iyo Kenya oo uu sheegay inay ka imaan dooonaan dhanka Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo uga digay muwaadiniintiisa in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ay ku tagayaan wadamadaasi ayaa waxaa arrintaani aad uga carooday Dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyagoo sheegay in Mareykanku uu dharbaaxo weyn ku dhiftay dhaqaalahooda, waayo wadamadaasi waxa sanad walba ka soo gala dalxiiska Malaayiin Doolar, kuwaas oo ay faa’ido weyn ku qabaan wadamadaasi. Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya ayaa waxa  uu sheegay in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo halka ay ka imaanayaan qaraxyadaasi iyo goobaha lala beegsan doono, afhayeenku waxa uu sheegay in ay habooneyd in inta uusan ku dhawaaqin digniintaasi Mareykanku uu xiriir la soo sameeyo hay’adaha Sirdoonka dalka Kenya, wuxuu kaloo sheegay Afhayeenku in ciidamada Sirdoonka wadanka Kenya ay maalmahan wadeen howlo aad u baax weyn oo ay ku sugayaan ammaanka wadanka Kenya, dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa markii ay soo baxday digniintaasi waxay bilowday baaritaan xoogan oo ay ku sameyneyso dadka shisheeyaha ah ee ku sugan dalkeeda iyo waliba ku soo gala. Dalxiisayaal fara badan oo ku soo jeeday dalka Kenya ayaa dib u dhigay safaradooda markii ay soo yeertay digniintaani, hase yeeshee madaxa dacwada iyo war-faafinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh C/raxiim Cali Muuday ayaa sheegay in Sirdoonka Mareykanka ay qorsheynayaan in ay qaraxyo ka ridaan wadamada Kenya iyo Itoobiya si qaraxyadaasi dusha loogu saariyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay ka digtoonaadaan hawlaha ay wado Dowladda Mareykanka, si aan mar kale loogu gelin shacabkooda.

Guddoomiye Shariif Xasan oo beri ku soo fool leh Magaalada Muqdisho

      Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay la socdaan ilaa 60- Xildhibaan ayaa ku soo fool leh maalinta beri ah Magaalada Muqdisho.

      Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa wada hadal la furi doona Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, kaddib markii ay burbureen wadahadaladii u dhexeeyay Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.

      Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan iska casilay xilkii Guddigii Dowladda uga wakiilka ahaa shirka, kaddib markii uu Dowladda ku eedeeyay inay caqabad ku tahay shirkaasi.

      Guddoomiyaha Baarla- maanka oo la filayey in uu ka qaybgalo wajiga saddexaad, balse waxaa arrintaani ku canseyray madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

      Warar ayaa waxay sheegayaan in haddii uu guddoomiyuhu ka qaybgali lahaa shirka ay wax badani hagaagi lahaayeen isla markaana uusan fashilmi lahayn shirkaasi, sidoo kale Caasha Axmed Cabdala ayaa fashilka ku yimid shirka ku eedeysay Dowladda Federaalka, iyadoo sheegay inay dowladdu dirtay wafdi aan u qalmin wadahada-ladaasi.

Kala qaybsanaan xoog leh oo soo kala dhex Dowladda Federaalka..

      Waxaa soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka kaddib markii Guddoomiyaha Baarla-maanka uu sheegay in ay wada hadal la furi doonaan Maxaakiimta Islaamiga ah.

      “Dowladda waxay markii hore ku dhisneyd in wada hadal lala galo kooxaha ka soo horjeeda taas ayaana fulineynaa” ayuu yiri Guddoomiye Shariif Xasan.

      Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay yimaadaan ilaa iyo 90 xildhibaan iyo dhowr iyo taban wasiir oo ka tirsan Dowladda, waxaana soo if baxaya kala qaybsanaantii u dhexeysay Dowladda oo kala fadhin jirtay Jowhar iyo Muqdisho.

Arrintaan uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay ayaa waxaa ka hor yimid Xildhibaanad Qamar Aadan Cali oo sheegtay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku xadgudbay axdiga Dowladda, iyadoo sheegtay in aysan habooneyn in meesha ay soo gasho wax iska dhicin, balse loo baahnaa in uu u adeego Bulshada Soomaaliyeed 

Maxkamadaha Islaamiga ah oo ku raad jooga..

      Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegay inay ku raad joogaan Markab laga afduubtay shalay Xeebaha Soomaaliya, kaas oo dhuxul ka qaadya dekedda Ceel-Maan.

Markabkaan oo ka diiwaan-gashanaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shaqaale ka ahaa 10 nin oo Hindi ah iyo iyo hal nin oo Itoobiyaan ah.

Maxaakiimtu waxay sheegeen in haddii markabkaasi lala soo galo deegaanada ay ka taliyaan ay gacanta ku dhigi doonaan, sidoo kalana ragga afduubay Markabkaasi haddii ay soo galaan deegaanada Maxaakiimta, iyana maxkamad la soo taagi doono. Waa markii ugu horeysay oo Markab laga afduubto deegaanada ay Maxaakiimtu ku sugan yihiin tan iyo markii ay la wareegeen Muqdisho iyo gobalada ku dhow dhow mudo haatan laga joogo shan bilood.

Magaalada Baydhabo oo ay ka bilaabatay sidii..

      Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xaaladda Magaalada ay aad u cakiran tahay kaddib markii ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaaladaasi ay la wareegeen dhamaan goobihii ay fadhiday Dowladda Federaalka iyo waliba isbitaalkii Magaalada Baydhabo.

Dadweynaha ku nool magaaladaasi ayaa bilaabay inay u cararaan Tuulooyin ku dhow dhow magaaladaasi, iyagoo ka cabsi qaba in uu dagaal dhex maro Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, sidoo kale shacabka ku nool magaalada Baydhabo ayaan ku qanacsaneyn ciidamada Itoobiya, iyagoo sheegay inay noqdeen dad la haystalayaal, waxaana laga cabsi qabaa in gudaha magaalada Baydhabo ka dhacaan iska hor imaadyo iyo in Miinooyin la geliyo wadooyinka Magaalada, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay u soo carareen dhinaca Magaalada Muqdisho. 

Amal Bank oo furatay xarun caalami ah..

      Munaasabad xariga looga jarayey dhismaha cusub ee Bankiga Amal ayaa maalintii shalay ahayd ka dhacday xarunta bankigaasi ee Magaalada Muqdisho .

      Furitaanka Bankiga oo uu xariga ka jaray Cali Yaasiin Faarax oo ah Guddoomiyaha Bankiga Amal ayaa waxaa munaasabaddaas goob joogayaal ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotay Maxaakiimta Islaamiga ah, Midowga Ganacsatada Gobalka Banaadir, Shirkadaha Xawaaladaha iyo martisharaf kale. 

      Furitaanka Bankiga kaddib oo sooryo qado ah loo sameeyay martidii halkaa isugu timid, ayaa waxaa halkaa shir jaraa’id ku qabtay Guddoomiyaha Amal Bank Cali Yaasiin Faarax oo sheegay in dhismaha Bankigaas oo ka kooban labo qaybood qayb Hotel ah iyo qayb Banki uu dhismihiisu socday mudo hal Sano ah, isagoo intaa raaciyey in qaybaha kala duwan ee ku yaala Magaalada Muqdisho ay si rasmi ah uga hawlgali doonaan maanta oo ay bishu tahay 4 xarunta Bankiga, waxaa kalloo uu intaa ku daray Cali Yaasiin in hawlihii ay horey u qaban jirtay Shirkadda Xawaaladda Amal ay sii balaarin donaan, isla markaana ay gaarsiin doonaan mid dibad ilaa dalka gudihiisa.  

      Ugu dambeyntii mudane Cali Yaasiin waxa uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyed in ay isku kaashaadaan dib u dhiska Dalka iyo horumarintiisa. 

      Waxaa kaloo halkaasi iyaguna ka hadlay Sheekh Cabdi Wali iyo Injineer C/llaahi kuwaas oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay dhismaha daartaasi oo ay sheegeen in ay ka mid tahay daaraha ugu bilicdasan Magaalada Muqdisho, taas oo loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed oo  mudo 16 sano ahba u oomaneyd Banki casri ah iyo adeeg nadiif ah, waxayna mas’uuliyiintaasi hoosta ka xariiqeen in ay tahay xarunta tani mid horseedi doonta fulinta hawlaha ay u hayso Ummadda Soomaaliyeed. {Warbixin dheeraad oo la xiriirta Amal hoos ka akhri)

   W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
   E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com 

 


Shirkadda Xawaaladda amal Bank oo xafiis weyn ka furatay magaalada Mudisho  

Shirkadda Xawaaladda Amal Bank oo la aas-aasay 1997dii ayaa maanta degtay xarun cusub oo dhowr dabaq ka kooban, kaasoo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.  

Furitaanka xaruntan cusub oo ay shirkaddu ugu talo gashay inay degto ayaa waxa uu ka kooban yahay labo qeybood, qeyb ah xawaalad iyo qeyb hotel ah, wuxuuna dhismahani soconayay muddo dhan hal sano. 

Maamulaha Shirkadda Xawaaladda Amal Bank Cali Yaasiin Faarax ayaa sheegay in shirkaddoodu ay saamiley ka yihiin dad u wada dhashay Soomaali, wuxuuna sheegay in ay xarumaheeda ku yaalla dalalka dibadda oo idil ay yihiin kuwo sharciyeysan oo caalamka laga ogsoon yahay.  

Marti aad u fara badan oo ka kala timid dibaddiisa iyo gudihiisa ayay shirkaddu Maanta ku marti qaadday furitaankeeda, waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin fara badan oo qaarkood ka yimid dalka dibaddiisa, iyadoo masuuliyiintii furitaanka xaruntan cusub ka qeyb gshay uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka Midowga Maxkamadaha C/qaadir Cali Cumar.  

Suxufiyiinta dibadda iyo gudaha ayaa su'aalo weydiiyay maamulaha shirkadda, wuxuuna sheegay inay shirkaddu diyaar u tahay mar walba sidii ay macaamiisheeda u qancin laheyd, isagoo sheegay in xaruntii hore ee shirkadda ka soo guurtay, haatanna dhismahan ay tahay mid ay iyadu leedahay.  

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in ay si rasmi ah uga soo guureen xaruntan cusub.

“AMAL waa Shirkad xawilaad oo ay Soomaalida oo dhanna u dhan tahay, waxayna mas’uuliyiinta ku mideysan isku taxa luujiyay intii uu dalka burburka ka jiray in ay horumariyaan adeega bulshada guud, gaar ahaan arrimaha xawilaada” ayuu yiri Cali  

Md. Cali Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in ay xoogga saaraan meelaha ay ku badan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana ay ku u qaadis ay ku wadaan howlaha shirkadda “Waxaan dhowaan bilownay adeegga deg dega ee ONLINE-ka, goor dhowna waxaan fureynaa Bank Service oo sidii hore ka ballaaran, mar walibana shacabka wuxuu codsado iyo baahidiisa ayaanu ku cabirnaa” ayuu yiri Cali Yaasiin oo mar aanu wax ka weydiinay dhismaha oo aad u bilicsareeya horeyna aanu Muqdisho loogu arag qarashka ku baxay “No Coment” waa uu ka gaabsaday.     

Dhinaca kale Cabdi-weli Muuse  iyo axmed cabdulleoo ka midah madaxda bangiga amal  shirkadda Xawilaada AMAL ee K/Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo socday dhismahan cusub ee shirkadda Muddo sanad ah, ayna maalinta beri si rasmi ah uga howlgeli doonaan, isagoo xusay in uu qeyb ka yahay dhismooyinka shirkadda ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale. 

 Muuse Maxamuud jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdishosomaliya
002521576666/002521653623


Go’aano kasoo baxay shir ay Nairobi ku yeesheen Beesha Harti iyo Meheri.

Waxaa dhawaan  shir iskugu yimid  magaalada Nairobi ee caasimada Kenya gaar ahaana Hotel-ka 680 iyo  Dhismaha AMAL PLAZA qaybta shirarka, Beesha harti iyo Meheri.

Shirkaas oo ujeedadiidiisu  aheyd in ay dadka beelahaas si wada jir ah mowquf middeysan uga qaataan arimaha soomaaliya. Shirarkaas waxaa iskugu yimid xubno ka kala socda qeybaha bulshada sida Culumo awdiin, ganacsato, siyaasiin, odayaal iyo dhalinyaro intaba, waxaana ka soobaxay qodobo dhowr ah oo loo arkey xal. 

1)        waxaan ugu baaqeynaa dhamaan ummada     soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba in ay qaataan kuna dhaqmaan shareecada islaamka.

2)       Shirku wuxuu baaq nabadeed u soo jeedinayaa  dowlada kumeelgaarka ah iyo maxakiimta islaamiga ah in ay joojiyaan colaada dhexdooda ah.

3)       Waxaan cambaareyn u soojeedineynaa qarrixii  loogeystey madaxweynaha Jamhuuriyada federalka somaliyeed cidii  kadanbeeyey.

4)       Shirku wuxuu soo jeedinayaa in wixii khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal iyo wada xaajood,  shirku wuxuu kale oo kuboorinaya dhinacyada is’haya in ay si buuxda oo niyad sami ah uga qeyb galaan shirka magaalada KHARTUUM ee dalka Sudan .

5)       Shirku wuxuu ugu baaqayaa dowladaha shisheeyahaa in ay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan soomaaliya.

6)       Waxaa loogu baaqayaa Beelaha harti iyo Meheri meelkasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dib-uheshiisiinta iyo xal uhelidda dhibaatada soomaaliya ka taagneyd mudada dheer.

7)       Shirku wuxuu isku raacay soomaaliya waxay dowlad la’aan aheyd dhowr iyo toban sano, waxaa ladhisay dowladaan ku meel gaarka ah oo soomaali oo dhan ka dhexmuuqato, sidaas darted shirku wuxuu  soojeediyey in dhamaan shacabka soomaaliyeed  taageeraan, iyaduna ay qaadato shareecada islaamka ; ayadoo dhanka kalena ay maxaakiimta islaamiga ah meelaha  ay gacanta ku hayaan nabad kasameeyeen.

8)       Shirku wuxuu isku afgartey in guddi laqabto labada beelood ka kooban, qeybaha bulshadana ka mida yihiin, sida culimada, siyaasiinta, odayaasha iyo ganacsatada, ku waas oo  dabagal ku sameyn doona wixii kafuley qodabadaas. 

Ka Qayb galayaasha shirka 

  • 1.    Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax.
  • 2.    Cumar Cusmaan xaaji (HEELO)
  • 3.    Maxamed Xasan Jibriil (geeswalac)
  • 4.    Xareed Xasan Cali.
  • 5.    Cumar Maxamed Muuse (dariiqo)
  • 6.    Maxamuud Shire Faarax.
  • 7.    Maxamed Khaliif Xasan ( giir)
  • 8.    Cabdulaahi yuusuf axmed.(tumay)
  • 9.    Maxamed yaasiin ismaaciil
  • 10.           Maxamed Cali Xaashi.
  • 11.           Cabdiweli Biixi Jaamac
  • 12.           Mursal Cabdi Qase.
  • 13.           Khadar Yaasiin Cabdille.
  • 14.           Maxamed Guuleed Ciise.
  • 15.           Cali-dhoof Kilwe Cawaale.
  • 16.           Maxamed Baddel Maxamuud
  • 17.           Cabdirisaaqa Xareed Xuseen.
  • 18.           Cabdi-casiis Isbariije.
  • 19.           Bashiir Cabdullaahi Nuur.
  • 20.           Cabdisalaan Xandulle.
  • 21.           Cali Muuse Maxamed.
  • 22.           Cabdullaahi Faarax Kaarshe.
  • 23.           Aadan Cumar Warsame.
  • 24.           Yuusuf Geelle.
  • 25.           Cismaan Shire Cabdulle.
  • 26.           Aadan Cukaash Ahamed.
  • 27.           Xasan Cali Ciise.
  • 28.           Maxamed Maxamuud Guutaale.
  • 29.           Cabdullaahi Guuleed Looyaan.
  • 30.           Maxamed Dalmar Warsame.
  • 31.           Cusmaan Maxamed Faarax.
  • 32.           Yaxye Maxamed Warsame.
  • 33.           Cabdullaahi Maxamed Ciise.
  • 34.           Suldaan maxamuud Axmed (guushaa)
  • 35.           Sheikh Mustaf 
  • 36.           Suldaan cabdiraxmaan koodhaa
  • 37.           Daahir cilmi cali ( ilkacase)
  • 38.           Yaxye maxamed
  • 39.           Maxamed Jaamac Xirsi
  • 40.           Barkhadle Cumar Xirsi
  • 41.           Cabdirashiid Maxamed Sayax (Ciiro)

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
botaan1@hotmail.com

Somali Talk,Nairobi,Kenya


MUNAASABAD LAGU TAAGEERAYAY MAXKAMADA KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKA EE SAYID BILAAL EE BEESHA JAREERWEYNE OO KA DHACDAY XARUNTA MAXKAMADDAASI EE DEGMADA YAAQSHIID EE MAGAALADA MUQDISHO 


Guddoomiyaha maxkamada  Sayid Bilaal

Nov 2, 2006: Munaasabad  ay ka qeyb galeen maamulka Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Sayid Bilaal, ugaasyada, salaadiinta, culimaa'udiinka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo taageerayaasha beesha Jareerweyne ayaa maanta lagu qabtay xarutna Maxkamaddaas degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.  

Qabashada munaasabaddan ayaa laheyd dhowr weji kuwaasoo kala ahaa in beesha Jareerweyne oo la sheegay inay deegaan ahaan ku nool yihiin toban gobol oo ka tirsan 18ka gobol ee dalka Soomaaliya in lagu fidiyo maxkamaddan ku dhaqanka shareecada Islaamka, in maxkamaddan ay noqoto maxkamaddii ugu horreysay ee si toos ah uga jawaabta baaqii jihaadka ahaa ee ka soo yeeray guddoonka sare ee Guddiga Fulinta Golaha Maxkamadaha islaamiga, In beesha Jareerweyne ay isku xukunto wixii hadda ka dambeeya shareecada Islaamka, isla markaana laf dhabar u noqoto in gobollada dalka guud ahaan laga hirgeliyo gaar ahaanna tobanka gobol oo ay beesha Jareerweyne ku abtirsato.  

  

Munaasabaddan ayaa sidoo kale leyskula soo qaaday doorka beesha Jareerweyne ee kaga aaddan dhinaca jihaadka lala galayo ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan qaar ka mid ah deegaannada Soomaaliya iyo sidii ay wax ula wadaagi lahaayeen Soomaalida inteeda kale, iyadoo jihaadkaasina ay Alle dartiis uga qeyb qaadanayaan, iyagoo guud ahaan xubnihii ka qeyb galay munaasabaddaas ay cod dheer ku aqbaleen.  

Waxgarad, culimaa'udiin, ugaasyo iyo suldaano ka qeyb galay munaasabadaas ayaa hadallo waaweyn ka soo jeediyay fagaaraha munaasabaddaas iyagoo ballan qaaday in ay tahay shareecada Islaamka midda kaliya ee ummadda Soomaaliyeed ku kala badbaadi karto, iyadoo dib loo milicsanayo waxyaabihii 16ka sano dalka ka dhacayay, balse haatan laga soo gudbay loona gudbay iftiin, mar haddii mugdi gudcur ah lagu jiray 16 sano, waxaana waajib ah ayay yiraahdeen inaan marnaba iftiinkaas aan la khasaarin ee qof kasta ee ka mid ah beesha Jareerweyne ay kitaabka Alle kor u qaaddo, tobanka gobol ee beesha Jareerweyne ku abtirsatana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, iyadoo gacanta midigta ahna lagu qaadanayo, gacanta bidixda ahna lagu qaadanayo qoriga si loogu daafaco, diinta, dalka iyo dadka.   


Bakooradaha iyo tooreeyada oo la is qaaday...

Munaasabaddan ayaa kulmisay beelaha jareerweyne kuwaasoo ka kala socday tobanka gobol oo ay ku firirsan yihiin beeshaasi, waxaana ka mid ah lixda Shiidle, Beesha Kaboole, Shabeelle, Makanne, Bah salaamo, Naasdheer, Galladi, Shambara, Kaboolo, Cubeyr, Eylo iyo seddaxda Cumar.  

Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee Sayid Bilaal Sheekh C/risaaq Tifow Arwaax (Xaaji Daqarre) ayaa cod dheer ku yiri "Waxaan ugu baaqayaa beesha Jareerweyne inay taageeraan ku dhaqanka shareecada Islaamka, gaar ahaanna labada maxkamadood ee kala ah Sayid Bilaal iyo Buulo tikniko oo ah labada maxkamadood oo ay beesha Jareerweyne haatan gacanta ku hayso.  

Taliye ku xigeenka ciidanka Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Sayid Bilaal Nuux Cabdulle Amiin ayaa sheegay in Maxkamaddu ay furan tahay muddo toddobo bilood ah, wax weynna ay ka qabatay deegaanka ay ka furan tahay isagoo hoosta ka xarriiqay in laysku halleyn karo howlaha nabad gelyo oo ay qabato maxkamaddu, isagoo sheegay in ay haatan xabsiyada ku jiraan seddax eedeysane oo uu ku jiro nin hooyadiis qudha ka jaray. 

Muuse Maxamuud jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdishosomaliya
002521576666/002521653623


Galkacyo: Madaxa amaanka Hay'adda hormarinta u qaabilsan Qaramada Midowbay ee UNDP oo laga Mamnuucay Puntland.

Nov 2, 2006: Xukuumada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxay shaqadii ka joojisay sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda UNDP ee Qaramada Midowbay u qaabilsan arimaha hormarinta.

Qoraal Nov 2 si rasmi ah uga soo baxay madaxtooyada puntland ayaa waxaa lagu soo qoray in dalka laga mamnuucay in uu cagaha soo dhigo Mr: Henry oo Hay'adda UNDP u qaabilsanaa arrimaha Amaanka iyo Nabadgalyada.

Qoraalkaasi oo saaka la soo gaarsiiyay saxaafada gudaha iyo tan dibeddaba ayaa waxaa ku saxiixnaa Diiwaanka madaxtooyada Mr: Caydaruus Cismaan Yuusuf Boqor, oo ah afhayeenka madaxtooyada si wayna ay isugu dhawyihiin Madaxwaynaha hadda talada haye ee Gen: Cade Muuse Boqor.

Mamnuucidda Mr:Henry ee gobolada Puntland ayaan ilaa iyo hada cadayn rasmi ah laga bixin sababaha dhabta ah ee looga joojiyay shaqdii uu u hayay Hay'adaasi ee UNDP qaybteeda Amaanka oo ah runtii waax Balaaran marka laga hadlayo dhanka amaanka.

Laakiin warar aan si rasmi ah u cadayn ayaa sheegaya in Mr:Henry lagu eedeeyay in uu faraha la galay arrimo lid ku ah jiritaanka iyo amaanka Puntland, taasi oo laga soo xigtay qaar ka mid ah madaxda sar sare ee Puntland mana aysan cadayn sida uu faraha ugula jiray Arimaha lidka ku ah jiritaanka iyo amaanka Puntland, laakin tan ayaa hada u muuqanaysa in lagu cabsigalinayo waaxyaha Haay'addaha ee qaabilsan arimaha amaanka.

C/risaq koronto.


Xafladda Soo bandhigidda Waxqabadka Hay’adda Danwadaag 

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham iyo agagaarkeedaba, waxaanu la socodsiinaynaa in ay hay’adda Danwadaag soo bandhigi doonto waxqabadkeedi inti ay jirtay hay’adda. 

Waxaa lagu dhigayaa xafladaas:-

Small Heath Youth & Community Centre
Muntz Street
Small Heath
Birmingham

Saacadda/ Taariikhda
Axad 12/11/06   16:30 ama Afarta Iyo Barka  

Sidaa iyo kasoo qeybgal wacan 

Faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriir

Cabdixakiim jaamac jooje
0116 – 2516977 ama 0790349 3209
Email: saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD