SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA

 Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya.

Cali Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Hyderabad India. 
_________
_____
__

Xafladan oo ahayd mid aad u qurux badan oo dhacday habeenkii Axada ayaa waxaa isku soo dubarriday Ardayda Somaliyeed iyo kuwa Jibuutiyaanka ah ee Hindiya wax ka barta kuwaas oo ahaa Ardaydii ugu badnayd ee ka qelin jebisa jaamacadaha Hindiya inta la og yahay.

Xafladan oo ka dhacday Hotelka wayn ee Anmol Continental ee magaaladan Hyderabad ayaa waxaa Ardaydii ka qalin jebisay oo ka koobnaa 30 Arday oo ka qalin jebisay shahaadada Bachelorska iyo 6 Arday oo iyagana qaatay shahaadada Master-ka la gudoonsiiyay shahaadooyin. 

Waxaa xafladan ka soo qayb galay marti sharafeed kala duwan oo ka kala socday qaar ka mid ah Jaamacadaha iyo Kolleejoyinka ku yaala magaaladan iyo sidoo kale qaar ka socday jamacadaha Somalia.


Prof. S. Satyanarayana

Furitaankii xaflada ka dib waxaa halkaa hadala qiimo leh ka soo jeediyay Diritoorka Kolleejka Nizam ee ku yaala magaaladan Prof. S. Satyanarayana oo halkaa hambalyo uu u soo jeediyay Ardayda ka dib u sheegay Ardayda inay dadaalaan oo waxbarashadu aysan intaa ku ekayn ee ay sii wadaan dadaalkooda, waxaa kale oo uu shegay Diritoorku inay Ardayda ay dadaalaan maadaama ay ka yimaadeen wadan aad u fog oo ay ka soo tageen dalkoodii iyo ehelkoodii sidoo kalena ay soo dhex galeen bulsho ka dhaqan, cunto iyo luqad duwan loona baahan yahay inay ku sabraan waxaas oo dhan oo ay waxbarashadoodana xooga saaraan si ay uga miro dhaliyaan. 

Waxaa kale oo uu Porfosoorku aad ugu mahad celiyay Ardaydii soo qaabaysay xafladan quruxda badan leh wuxuuna aad u ammaanay Ardayda Somalida iyo Jabutiyaanka oo uu ku tilmaamay inay yihiin Arday aad u fir-fircoon. 

Intaa ka dib waxaa isagana halkaa ka hadlay Porfosoor wax ka dhiga jaamacada East Africa ee ku taala Bosaaso Porfosorkaa oo magiciisa la yiraahdo Prof. Maxammed Muumin, wuxuu sheegay porfosoorku in Ardayda halkan wax ka barata ay yihiin Arday aad u dadaal badan marka uu si fiican u eegay isagoo tusaale u soo qaatay xiligii dawlada dalka ay ka jirtay oo uu  joogi jiray waxbarasho wadammada Yurubta bari isagoo sheegay Ardaydii xiligaas dawlada ay u diri jirtay waxbarashada ay badanaa noqdeen kuwo aan ka faa’iidaysan fursadaas oo waxaa dhici jirtay in nin maqnaa 9 sano iyo ka badan oo la yimid shahaada Bachelor ah ama Diploma keliya taas oo ay ugu wacnayd iyagoo bartay waxyaalo aan fiicnayn.

Wuxuuna Porfosorku sheegay in Ardaydan Hyderabad joogaa yihiin kuwo asluub wanaagsan in kastoo uusan tagin magaalooyin kale oo Hindiya ah lakin si wayn uu ula dhacay ardaydan. 

Sidoo kale waxaa isagana muxaadaro baraarujin ah halkaa ka soo jeediyay Sheekh Kamaal Axmed Yuusuf oo isagana ardayda kula dar-daarmay in cilmiga ay barteen ay ku dabaqaan noloshooda ayna wax ugu qabtaan bulshada dhibaataysan ee Somaliyed waa og tihiin ayuu yiri dalkii dhibaatooyin ayaa ka jira waxaana loo baahan yahay ummadiina jahliga ku jirta inaad wax u qabataan aadna noqotaan kuwo halkaa ka sii wada waxbarasha oo aydan is oran shahaadadii jaamacada ee Bachelor-ka ama Master-ka waad qaadateen oo intaa ayaa idinku filan ee waa inaad sii dadaashaan oo cilmiga aad sii kororsataan aadna noqotaan kuwo himiladoodu aad u sarrayso oo meel intaa ka dheer sii gaara. 

Sheekhu wuxuu tusaale u soo qaatay qiso dhacday taas oo u dhacday sidan.

Xiligii adoonsigu ka jiray wadanka Masar ee waayadii hore ayaa waxaa la keenay suuqa laba adoon oo iib ah ka diban labadii adoon intii aan la kala gadan ayay is waraysteen oo wuxuu weydiiyay midkood kan kale waxa uu jeclaan lahaa maanta inuu helo dabadeedna wuxuu ku jawaabay anigu waxaan jeclaan lahaa inuu maanta i iibsado nin Hotel wayn leh oo aan barwaaqadaa ku dhex jiro iyo cuntadaa iskaga dhex noolaado, kii kale ayuu isagana  waydiiyay markiisa waxa uu jeclaan lahaa. Ka dibna wuxuu ku jawaabay anigu waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo ninka magaaladan ama wadankan ka taliya, ka dibna labadii adoon waa la kala iibsaday, kii Hotelka inuu ka shaqeeyo jeclaa waxaa iibsaday nin Hotel leh, kii kalena waxaa gatay ninki magaalada haystay oo gurigii boqorka ayuu ka shaqayn jiray mudo ka dibna boqorkii ayaa dhintay oo waxaa la waayay nin ninkaa dhaama oo ka siyaasisan oo wadankaa maamuli kara dabadeedna adoonkii reerka boqorka u shaqayn jiray ayaa loo doortay boqorkii wadanka.

Maalin isagoo magaalada maraya ayuu Arkay ninkii waagii suuqa ay isku arkeen ee jeclaa inuu nin hotel leh gato oo hotel ka shaqaynaya kuna dhex jira nimcadii uu jeclaa ee ahayd cuntadaii iyo hotelki, ka dibna wuxuu yiri aniga iyo ninkan waxaa na kala kexeeyay oo keliya niyad wanaaga isaga niyadiisa aya waxay jeclaysiisay inuu hotel ka shaqeeyo wuuna helay anigana waxay niyadaydu ahayd  inaan Madax ka noqdo dalka  waana helay. 

Ka dib waxaa halkaa Gabayo majaajilo iyo wacyi gelin isugu jira halkaa ka soo jeediyay Ardayga ahna  Abwaanka ardayda Somaaliyeed Cartan. Cartan waa Abwaan aad caan ugu ah Ardayda dhexdooda oo munaasabad kasta ka jeediya Gabay ku haboon.

Cartan ayaa labadii gabay ee uu halkaa ka akhriyay kiisii ka hadlayay dhibaatooyinka qaadka uu u gaysto bulshada Somaliyeed ayaa wuxuu gabaygiisan u soo qaatay Qoys Somaliyeed oo mashkilad dhex martay ay ka bilaabatay qaadka Odayga reerka oo ahaa Qalxiye iyo xaaskiisii oo ahayd Qamar. Gabaygiina sidan ayuu ku bilaabay.

Qalxiye

  • Hortada dee qamareey

  • Sida kale waad u qabowdee

  • Qadadaa karinteediyo

  • Qorshahaadan aqoonoo

  • Waad qiyaas xuntahay

  • Quudkan aad I horkeentey

  • Sufurbaa ka qadhaadhoo

  • Milixdaa qasiftoo

  • Qajalaa afkaa joogoo

  • Qashinbaan la hudheynba

Qamar

  • Afkaagaa qashinle

  • Intaad soo qayshid qayshidoo

  • Gidaarkii ina quulle

  • Afqashoosha dhigtidoo

  • Siigadii qaydar buule                                          

  • Ciidii ay qarqinaysey

  • Ilkaa kaa qabsatoo

  • Illaa qawlalka bawdhleh

  • Ayuunbaad qadadeyda

  • Qashinbey leeday tidhaaye

  • Afkaagaa qashinlee

  • Wax la qoonsado keen

Qalxiye

  • Horta miyaad qamareey

  • Qaladkaaga aqoon

  • Sufurbaa ka qadhaadhoo

  • Maad qasaasilinbee

  • Marka aan qalad sheego

  • Maxaad ii qabsataa?

Qamar

  • Sufurtee ka qadhaadh

  • Intaad qaadatey haashoo

  • Sigaar soo qallistey qallistayoo

  • Wax qadhmuun iyo badeecad

  • Intaasoo qolokeentayoo

  • Afkaagii wada qiiqyey

  • Ayaad ii qoshqoshleedoo

  • Maad qasaasilin iyo

  • Qawqaw iigu dartaaye

  • Yeyga kaa qabanaaya

Qalxiye

  • Alleylee waa qororosh !!

  • Iyo intaasoo is qalluufa

  • Naa waxaad qoontey halkaad

  • Qaxii aad nabareysee

  • Intaa aan qarsanaayee

  • Waadigaa qarxiyee

  • Runta oo qayaxanbaan

  • Maanta kuu qorayaaye

  • Adigoon is qalloocin

  • Qorigaa ku fadhiiso

Qamar

  • Waaba kuu qarinaayee

  • Marka aad qolka joogto

  • Adigoo qofacaagiyo

  • Quxuudaada la yaaboo

  • Qaaca kaa kamkamaaya

  • Qudheydii wax u gaystayoo

  • Qatar joogta nafteydiyoo

  • Qalloocaa ku samraayaad

  • Waliba ii qacqacleedey

  • Qodaxyey I aroortee

  • Leyga soo qaban waayey

  • Waxaad ii qarineyso

  • Qaliyoo wada sheeg

Qalxiye

  • Naa anigoo qardo liitoo

  • Illaamaa qorrax waaga

  • Waxaad qoodanlahaydiyo

  • Qadhaabkaaga eryaayoo

  • Shilin soo qaban waayoo

  • Qamraddii madaxeygu

  • Sidii dhoobo qarxaayoo

  • Xaaladeydu qalayltaad

  • Markaan soo qado doonto

  • Dheeli ii qudhqudhleedoo

  • Sidaad qaadley ahaydoo

  • Layga qaatey marduufoo

  • Layga soo qori waayaad

  • Qaanabtaa dahrigeygoo

  • Kalladhka I qabsataaye

  • Qabriyow hadlayaa

  • Dibba kuu qabi maayee

  • Halka aad qabanayso

  • Ka qorsheyso adduunka

Qamar

  • Waar aniga hay qacqacleyne

  • Qaabkii aan kugu raaciyo

  • Qorshii waad badashoo

  • Qoraalkii ina dhexyiiliyo

  • Qaynuunkii waad jabisoo

  • Qalloocbaad ballankeenii

  • Qaadacdoo ku samaysoo

  • Qaadi mayso nafteydu

  • Dulmigaa qaradiisa

  • Sida buurta qadhiidha

  • Qarinaaya cadceedeee

  • Qarafyow bixi waayey

  • Waxba hay qacqacleynine

  • Halka kuu quman taabo

Qalxiye

  • Naa qadafkiibaa igu biiriyo

  • Qaloocaan tirsanaayoo

  • Anba waa ka qatoobey

  • Qaashka kaa imanaayee

  • Siddii daadkii qoryaaliyo

  • Qaraqii wabiyaashee

  • Inta uu qarka goostey

  • Dadkii qaadey shabeele

  • Qodonyow dhiga waayey

  • Cidda aad qabsanaysee

  • Qaadi doonta gartaadiyo

  • Qareenkaagii u yeedhe

Qamar

  • Waar illaa qool iyo mareegle

  • Ama qaylo baraarle

  • Qiyaastii curadkeniyo

  • Inteynu qoyska ahaynee

  • Ama qaybtan caruurta

  • Marba qaar dhalanaysey

  • Waa qofkii todobaade

  • Midna qayd ma u keentey?

  • Wali qaar ma kaxaysayoo

  • Ma u gaysey quraan?

  • Anuunbaa qaatey nasiibkiyo

  • Ilaahay qadarkiisoo

  • U qisaasey nafteydoo

  • Qoobkaan kaaga xidhnaaye

  • Qabyow aan ku hungoobey

  • Qofyow uu dhinaciisa

  • Ku qadaa ubadkiisu

  • Quusyey reerka u weyni

  • Wixii kuu quman yeel

Qalxiye

  • Waa runtaa qamareeyoo

  • Ilaahay qadarkiisiyo

  • Qoraalbaa xukunaayoo

  • Illaamaa qarni jiitiyo

  • Markii aan hana qaadee

  • Qamarey ku nikaaxay

  • Sidii qawdhan waraabe

  • Adaan kuu qafilnaayoo

  • Qabley kuugu jiraaye

  • Qafladyey aanan ogeyni

  • Mansoyey wax qaniintee

  • Halka ay qabsato

  • Qasab loogu jaraa

  • Qaadigaan tagayaayoo

  • Waxaad qaadan dalaaqdee

  • Haku qaado aduunku

Qamar

  • Qabqabyey lagu eed

  • Qushiyoow dayni ku raacdey

  • Qorraxdoon gudka gaadhin

  • Qaalmihii meherkeyga

  • Waa inaad qadintaayoo

  • Qaadigu kaa tiriyaa

  • Islaantii ina qawdhanee

  • Qaadka aad ka daliigtee

  • Suuqa kaa qabsanaysee

  • Adigoo qarnigaasa

  • Qandaraastey dharkaagee

  • Kuu qisaastey caqaartana

  • Qarashkey kugu leediyo

  • Qaantii kaa bixinmaayee

  • Waa halkaad qabataa!!

Qalxiye

  • Qardhabyey dhegeheeda

  • Aan quraanku mareynee

  • Qaadanayn taladeeda

  • Hada qaado alaabta

Qamar  

  • Qalbiyow aan wax maqleynee

  • Qafil uu madaxiisa

  • Ku qaacsiiyey ibleysku

  • Qalloocuun ka helaa

  • Qaladkiisa aqooni

  • Qolku waa mulkigeygoo

  • Qaraf kaama dhexyaale

  • Adigu qaado bustaha

Qalxiye

  • Barkinyey aan ku wareeree

  • Bidaartaa madaxeyga

  • Bilowgeeda lahayd

  • Bixisaa ku wadoo

  • Budhkeygaad ogolaatey

  • Naa hoow maad iga baydhi!!

Qamar

  • Baanyow aan lacagtiisa

  • Ilaahay barakeynee

  • Bacadkuun ku dhammaatey

  • Bisadyey aan wax qireyni

  • Ka bax waar gurigeyga!.

  •  

  • Markii leysla qamaaree

  • Qoraxdii casar joogtey

  • Islaantii faraqaadoo

  • Kalladhkey qabsatey

  • Odeygii qalxiye

  • Isna waw quturey

  • Iyana weys qalladey

  • Odeygii qalxiye

  • Inuu qaatey hangoolbuu

  • Qalbowdaa kaga saarey

  • Dhiigiibaa qulqulay

  • Baroorbay qabsatay

  • Alla yaa kaqabta!

  •  

  • Falaasbaa qaraxdey

  • Weelku waa qububuc

  • Siigadaa is qabsatey

  • Qayladaa dawatey

  • Caruurtaa qaaqda gurtey

  • Caqaartii qaxarkeedu

  • Qaxoontuu sababay

  • Waa qasuumo horleh

  • Qoyskiina waa burburey

  •  

  • Mar la qaadey gartoodana

  • Midkastaa qalad sheegye

  • Qaadkuu eelkii fadhisstey.

Waxaa soo tebiyey: calishukri@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2006

Xafladii Nugaal University ee Minnesota U.S.A
Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota... Guji....

TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD