SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Ciidamada Itoobiya oo Kasoo Tallaabay Xadka Soomaaliya.....

  • Marsada Ceel-Macaan oo ka Raysatay Qabqablayaashii Dagaalka...

Jowhar: Qiyaastii 300 oo ah ciidamada Itoobiya ayaa saaka Sabti (June 17) waxa ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, sidaas waxaa yiri guddoomiyaha Maxaakiimta Islaamka.

Ciidamada Itoobiya waxa ay Soomaaliya ka soo galeen magaalada Doolow oo ku taal Konfur-Galbeed ee Gobolka Gedo, waxana ay soo tallaabeen 8:00am barqanimo, sidaas waxaa yiri Shaikh Shariif Shaikh Axmed.

"Waxaan rabna in adduunka oo dhammi uu ogado waxa soconaya," ayuu yiri Sheikh Shariif. Waxana uu intaas ku daray "Maraykanku waxa uu Itoobiya ku dhiiri gelinayaa in ay aagaas qabsadaan. Itoobiya waxa ay kasoo gudubtey xadka waxana ay u soo jeedaa dhankanaga.

TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::

  • Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan "Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).
  • February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.
  • 1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987.
  • July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.
  • November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato.
  • June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya,  magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd  ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.
  • April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto.

Marsada Ceel-Macaan oo ka Raysatay Qabqablayaashii Dagaalka...

Dhanka kale warar ay hay'adda wararka ee Reuters ka soo werisey marsada Ceel-Macaan ayaa sheegay in laga raystay Qabqablayashii dagaalka ee laga saaray halkaas, ganacsigiinii uu aad u wanaagsanaadey.

"Weligana nama soo marin ganacsi noocaan ah," sidaas waxaa yuri Cabdulqaadir Nuur, oo ah agaasimaha marsada Ceel-Macaan oo ku taal Woqooyiga Magaalada Muqdisho, waxana uu sidaas u sheegay Reuters ayadoo markaas ay marsada ka soo degayaan lix Markab oo ka yimid Dubai oo sida looxaan, sonkor, saliida cuntada iwm.

Cabdulqaadir waxa uu intaas ku daray, hadda magaalada Muqdisho waa nabad boqolkiiba 90%, dadkuna aad ayey u faraxsan yihiin.

Tarjuandii: SomaliTalk.com | Isha: Reuters, AP, Aljazera | June 17, 2006


TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA:
Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com

  • February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada".
  • February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004.
  • February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka "Argaggixisada."
  • March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka "Argaggixisada", dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.
  • April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.
  • May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka.
  • May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.
  • June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.
  • June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka "Argaggixisada."
  • June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka "Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista - waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.
  • June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiri "Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha."
  • June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..."
  • June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.
  • June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.
  • June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.
  • June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact Group".
  • June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed, ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada hadlaan...
     
  • Si aad fikrad guud uga qaadatid arrimaha ugu dambeeyey ee Soomaaliya, akhri dhammaan qoraalada hoose. (Markaas ka bacdi ha u daymo la'aan in aad akhridid qormadii: Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2006).

  • C/Laahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan...
  • Warkii ka soo baxay Kulankii New York ee looga Hadlay Soomaaliya
  • Maraykanka oo Warqad labaad ka helay Midowga Maxkamadaha...
  • "...Qabqablayaashii Soomaaliya Markii ay Qaateen Lacagtii Maraykanka ayey guryihoodii addeen...."
  • Waxaa Lagu Qiyaasay in $100,000 ilaa $150,000 oo doolar bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliya...
  • Muddo 3-sano ah ayaa Lacagtaas la siinayey Qabqablayaasha...

C/Laahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan...

Tarjumadii SomaliTalk.com | June 16, 2006

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Sheikh Sharif

Cali Cabdala

C/lahi Yusuf

Midowga Maxkamada islaamiga iyo Dowladda Federaalka kumeelgaarka ee Soomaaliya ayaa aqbalay soo jeedintii Yemen ee ahayd inay wada hadlaan si nabad loo gaaro, sidaas waxaa magaalada Sanca ka soo weriyey Telefishanka Aljazeera.

Madaxa Midowga Maxkamadaha Islaamiga, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlada Kumeelgaarka ah ayaa aqbalay soo jeedinta ah ina ay ku wada hadlaan dalka Soomaaliya gudihiisa ama dalalka deriska ah, waxana ay arrintaas aqbaleen kaddib markii ay telefoon kulawada hadleen Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, sidaas waxa ay hay'adda AFP ay ka soo xigatey saraakaal reer Yemen ah oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin.

Madaxweyne Cabdullaahi iyo Gudoomiyaha Midowga Maxkamaduhu waxa ay wada hadalka u ogolaadeen waayo "Waxa ay mas'uul ka yihiin in la is fahmo iyo in Soomaaliya lagu suga nabada iyo deganaanta," ayuu yiri sarkaalka reer Yemen, isagoo aan sheegin in la isla meel dhigay taariikhda wada hadalkaasi dhici doono.

 VIDEO::: Hay'adda Reuters oo ka warbixineysa Soomaaliya: Daawo halkan ama Daawo Halkan.....

War-cad oo ka soo Baxay Shirkii New York ee Looga Hadlay Arrimaha Soomaaliya

  • warar cusub: June 16, 2006 | Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com

Sir Emyr Jones-Parry, Safiirka UK ee UN
Picture of John R. Bolton
John R. Bolton, Safiirka US ee UN

Johan L. Løvald, Safiirka Norway  ee UN

Khamiis (June 15, 2006) ayaa Magaalada New York lagu qabtay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya. Waxaana shir guddoomiye ka ahaa Norway, maadaama shirkaas lagu qabtay safaarada ay Norway ku leedahay xarunta Qaramada Midoobey. Waxaana shirkaas ka qayb galay dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania. Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU.

Kulanka waxaa ka soo baxay war cad oo laguxusay in aan arrimaha Soomaaliya lahayn jawaabo fudud. Waxaana la sameeyey koox (ama urur) ay xubno kayihiin dalalkii kulankaas ka qayb qaatay, waxaana loo bixiyey "Kooxda Caalamiga ah ee la xiriirka Soomaaliya" ama "International Contact Group on Somalia". Muhiimadda ugu weyn ee warka lagu cadeeyeyna waxa uu ahaa in la dhiiri geliyo wadahadal dhex mara DFKMG ee Soomaaliya iyo dhamaman qaybaha kale ee Soomaaliya --- wadahadaladaas oo uu asaas u yahay dib-u-heshiisiin ku salaysan Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya. [War-cadka ee shirka ka soo baxay oo dhamaystiran hoos ayaad ku arki doontaa]. Balse marka hore aan eegno waxyaabihii laga qoray shirku markii uu dhaammaday.

Kulanka ka dib war ay faafisay hay'adda waararka ee AP ayaa sheegay in Saraakiil Maraykan iyo British ay qireen in ururka "Somalia Contact Group" (oo kulankii New York lagu asaasay) aysan wax badan isla markiiba ka qaban karin dalka Geeska Afrika (Soomaaliya) ee dowlad la'anta ahaa 15-sano.

"Xaqiiqadu waxa ay tahay haddii aysan jirin qaab isku-raac-nabadeed iyo qaab nabadeed, markaas ma jirto wax la xasilinayo, ma jiraan wax la suulinayo." Sidaas waxaa yiri Safiirka dalka Britain u fadhiya Qaramada Midoobey, Sir Emyr Jones-Parry.

Hay'ada AP oo kulanka ka war bixineysey waxa ay qortay in "Somalia Contact Group" la sameeyey kaddib markii uu Maraykanku sidaas ku adkaystay.

"Waxaan u baahanahay in aan marka hore fahamno xaaladda Soomaaliya," sidaas waxaa yiri Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey, John Bolton. Waxana uu intaas ku daray "Waa arrin curdin ah in la qaabeeyo go'aan hadda."

Safiirka Norway u fadhiya Qaramada Midoobey, Johan Ludvik Løvald, oo arrinta shirkii New York ka hadlaya ayaa yiri: Waxaan rajayneynaa in aan wax ka dhehno sidii loo dardar gelin lahaa nidaam dhinacyo badan ay ku jiraan (ama ka qayb qaataan) oo ku aadan Hay'addaha Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo kuwa kale ee gudaha Soomaaliya.

Jariidada New York Times oo warbixin dheer qortay shirka ka dib ayaa tiri: Lix wadan oo uu Maraykanku ka mid yahay ayaa ayaa waxa ay ku baaqeen wadahadal dhexmara Dowalda Soomaliya ee aan awooda lahayn ee dibad joogga ah iyo Islaamiyiinta qabsaday Muqdsiho iyo Koonfurta Soomaaliya.

Jendayi E. Frazer oo ah Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha dibada USA u qaabilsan Afrika ayaa waxa ay sheegtay in ay warqad labaad ka heleen Sheik Sharif Ahmed, guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta.  Ms. Frazer oo arrintaas ka hadleysay waxa ay tiri: "Intii aanaan kulanka bilaabin, waxaan warqad ka helay Midowga Maxkamadaha Islaamiga," "Waxana ay yiraahdeen in aysan Soomaaliya iyo Muqdisho u ogolaanayn in ay hoy u noqodaan Argaggixisada, taasina waa mid rajo leh."

Jariidada Washington Post ayaa sheegtay in Jendayi Frazier ay difaacdey xiriirka uu Maraykanku la yeeshay Qabqablayaasha "secular-ka" ah, ee isu muujiyey iyagu in ay yihiin kuwo qayb ka ah Isbhaysiga ka soo horjeeda argaggixisada, isla markaana helay taageerada Maraykanaka. [Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)]

"Weligaya ma tageeri lahayn qof la dagaalamaya qof kale," ayey tiri Frazier, oo intaas ku dartay "waxaan u taageernay annagoo isku deyeyna in aan xog ka helo qofkasta oo aan ka heli karno xog, oo ku saabsan argaggisixo khaas ah sida Harun Fazul, kaas oo lagu xiriiriyey in uu weeraray safaaraddo. Waana sii wadi doonaa in aan raadino xog ay nasiinayaan cid kasta ama qayb kasta si aanu isugu dayno in raggaas lasoo wareejiyo."

Warka cad ee laga soo saaray kulankii New York oo ay SomaliTalk.com kusoo tarjumtey Af-Soomaali hoos ka akhri...

 International Somalia Contact Group

War-cad: (Communiqué )

Xaaladda Soomaaliya waa arrimo badan oo taxaddi leh (ama hawl badan u baahan) oo ah xaalado bini'aadamino iyo dhaqan-dhaqaale, nidaam-maamul dowladeed, xuquuqda aadamiga, nabadgeliyada iyo argaggixiso, iyo sidoo kale deganaanshaha gobolka. Waxaan garwaaqsanay in aysan jirin jawaabo fudud, waxaana xaqiijineynaa in ka qaybqaadashanadu ay keeni karto isbedel gudaha Soomaaliya. Si arrimahaas hawsha badan u bahan wax looga qabto, beesha caalamka waxaa waajib ku ah taageerada xoojinta maamul-dowladeed loo dhanyahay oo waxna qaban kara ee Soomaaliya, kaas oo awood u leh wax ka qabashada baahida dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale (wax kaqaban kara) ujeedooyinka guud ee caalaamiga ah. Dastuurka iyo hay'adaha Federaalka Kumeelgaarka ah waxa uu muujinayaa nidaam sharciyeed si loo sii wado dib-u-dhiska nimaad-dowladeed ee Soomaaliya.

Si loo gaaro wadashaqayn aad uweyn iyo ka qaybqaadasho joogto ah ee beesha caalamka, si natiijo wanaagsan looga gaaro horumarinta siyasadda Soomaaliya, waxaan samaynay koox caalami ah oo lagu magacaabo "International Contact Group on Somalia". Kooxdaasi waxa ay yeelan doonaan kulan sare si aan u xoojino isku dayganaaga guud ee gobolka. Yoolka "International Contact Group  on Somalia" waa in la dhiiri geliyo horumarinta siyaasad wanaagsan iyo ka qayb qaadasho dhammaan dhinacyada arrintu ka go'do ee gudaha Soomaaliya si ay u taageeraan hirgelinta Dastuurka iyo Hay'adaha Federaalka Kumeelgaarka. "Contact Group" waxa ay raadin doonaan isku dayga tageerista, habka guud ee Hay'adaha Federaalak Kumeelgaarka, si wax looga qabto baahida bini'aadamimo ee dadka Soomaaliyeed, la hirgeliyo hab-dawladeed wax qaban kara oo deggan, iyo in wax laga qabto walaaca beesha caalamka ee la xiriira argaggixisada. Waxaa jira arrin degdeg ah oo ah baahi caawinaad gargaar aadaminimo iyo wanaajinta difaacidda shacabka Soomaaliyeed. Dhammaan dhinacyadu waa in ay ogolaansho aan xannibaadi ku jirin u siiyaan hay'adaha gargaarka jaaliyadaha aadka u nugul. Xubnaha (Contact Group) ka mid ah waa: European Union (EU), Italy, Norway, Sweden, Tanzania, United Kingdom (UK) iyo United States (US). Wadamada kale ee danaynaya, sida Qaramada Midoobey (UN), Midowga Afrika (AU), Ururka IGAD, iyo Ururka Arabta waxaa lagu casumi doonaa in ay goob joogayaal ka noqdaan. "International Contact Group on Somalia" waxay ballaarin karaan xubnahooda ama waxa ay raadin karaan qaab talooyin ay la tashanayaan kooxaha gobolka. Waxaan talo iyo akhbar kala xiriiri doonaa Soomaali iyo gobolka. "Contact Group" waxa ay wax ka dhehi doonaan sii horumarinta nidaamka dhinacyada badani ay ku jiraan ee lagula xiriiriya Ha'adaha Federlaalka ee Kumeelgaarka iyo qaybaha gudaha Soomaaliya. "Contact Group" waxa ay si weyn u taageerayaan guddiga hadda jira ee loo yaqaan "Guddiga isku dubbariska iyo kor-kala socodka" ama CMC (Coordination and Monitoring Committee) kaas oo ah isku xirka guud ee taageerada beesha caalamka iyo Soomaaliya.  Waxaan raadin doonaa dhismaha xiriirka wanaagsan ee jira ee lala leeyahay qaybaha ay khuseyso Soomaaliya, oo ay ku jiraan CMS, si loo dhiiri geliyo wadahadal iyo dib-u-heshiisiin ku salaysan Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka. Waxaan la shaqayn doonaa Qaramada Midoobey (UN), Midowga Afrika (AU) iyo urur goboleedka IGAD, si loo dhiiri geliyo nidaam hurukac ah oo loo dhan yahay oo ah wadahadal iyo dib-u-heshiisiin u dhexeysa Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo dhammaan qaybaha Soomaalida, waxaan rajeyneynaa horumar laga gaaro hab siyaasadeedka socda, oo ay ku jirto Muqdisho iyo baahida hurimarinta ammaanka.

Kulanku waxaa laguqabtay New York, June 15, 2006*

*Waxana kulankii June 15 lagu qabtay safaaradda Norway ay ku leedahay Qaramada Midoobey ee New York, waxaana ka qayb galay  European Union , Italy, Norway, Sweden, Tanzania, United Kingdom iyo United States.  Waxaana goob joogayaal ka ahaa Qaramada Midoobey (UN) iyo MIdowga Afrika (AU)

Tarjumadii SomaliTalk.com | English Version: READ HERE....Communiqué

Wararka Maraykanka iyo Soomaalida

  • Khubaro: Xeeladda Washington ee Soomaaliya ayaa Dhallisay Soo Kicitaanka Isaamiyiinta... AFP
  • Maraykanka oo maanta uu ka dhacayo shir caalami ah oo Arrimaha Soomaaliya Khuseeya.
  • Maraykanka oo Sheegay in uu Diyaar u yahay la Shaqaynta "Dhammaan Garabyada Soomaaliya..."

Khubaro: Xeeladda Washington ee Soomaaliya ayaa Dhallisay Soo Kicitaanka Isaamiyiinta... AFP

  • "...Qabqablayaashii Soomaaliya Markii ay Qaateen Lacagtii Maraykanka ayey guryihoodii addeen...."
  • Waxaa Lagu Qiyaasay in $100,000 oo doolar bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliya...

Washington waxa ay faraha kula jirtey arrimaha cakiran ee Soomaaliya, halkaas oo taagerada ay siiyeen isbahaysiga qabqablayaashu uu ku dambeeyey in ay kor u qaaday maleysiyada Islaamiga ah kuwaas oo hadda xakuma caasimadda Muqdisho, sidaas waxaa yiri dad siyaasadda odorosa. Waxaa sidaas qoraal dheer ku bilowday hay'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee loo yaqaan AFP.

Qoraalkaas oo ay SomaliTalk.com kusoo tarjumtey Af-Soomaali waxa uu intaas ku daray:

Soomaaliya waxaa halakeeyey dagaal socdey afar bilood oo u dhexeeyey Islaamiyiinta iyo Isbahaysiga Qabqablayaasha-dagaalka kuwaas oo badanaa xakumi jirey dalka aan qaanuunku ka jirin 15-kii sano ee ugu dambeeyey.


Maleysiyo ka tirsan Maxkamdaha Islaamiga ah oo sawirka ay AFP ka qaaday June 14, 2006 markii ay qabsadeen magaalada Jowhar oo ahayd meeshii ugu dambeysey ee laga saaray qabqablayaashii dagaalka ee taageerada ka haystey Maraykanka: AFP

Midowga Maxkamadaha Islaamiga waxa ay Khamiistii (15/6/06) u muuqdeen kuwo jebiyey Qabqablayaashii-dagaalka kaddib markii ay ka qabsadeen laba fariisin oo ay xoog ku lahaayeen, iyo ayagoo ku dhaartay in ay si degdeg ah maxkamado shareecada Islaamka ah ka furayaan inta ay xakumaan.

Dhawr bilood ka hor arrintani ma suurta gasheen taageero la'aan dadka ah awgeed, sidaas waxaa yiri khubaro, ayey tiri AFP.

Laakiin taageerada uu Maraykanku siiyey Qabqablayaasha Isbahaysigooda Nabad soo Celinta iyo la Dagaalanka Argaggaxisada -- ee dadweynuhu aadka u necebyhiin -- ayaa sababtay kasoohorjeedsi Maraynka, arrintaas oo si aad ah gacan u siisay Islaamiyiinta, ayey yiraahdeen (khubaradu).

Washington si caam ah uma xaqiijin ama uma diidin in ay taageertay Isbahaysiga (qabqablayaasha), lakiin saraakiil Maraykan ah ayaa AFP waxa ay u sheegeen in ay Qabqablayaasha-Dagaalka siiyeen lacag iyo xog si ay uga caawiyaan xakamaynta "Nidaamka-Taalibanimada ee soo xuluulanaya" Soomaaliya.

"Xaqiiqadu waxa ay tahay, in maxkamadaha Islaamku aysan xoog lahayn. Waxa ay u kala qaysan yihiin habka dhaqanka ah ee Qabiilka", sidaas waxaa ku dooday Roland Marchal, oo khabiir ku ah Bariga Afrika , kana tirsan machadka France  ee CNRS, kaas oo dhowaan ka soo laabtay safar uu ku tegey Soomaaliya.

"Waxa ay ka macaasheen Maraykanka-diidnimada," ayuu yiri Marchal. Waxana uu intaas ku daray "Dadka maal-dhexaadka ah marka laga hadlayo xagga Diinta waxa ay ka dhinac dagaalamayaan Maxkamadaha Islaamkiga si looga takhalluso Qabqablayaasha-Dagaalka."

Ken Menkhaus oo ah Maraykan takhasus leh, ahna Macallin arrimaha Siyaasadda ka dhiga Jaamacada University of Davidson waxa uu yiri: "Maraykanku keliya gacan masiin ragga khaldan, waxa kale oo mucaawinadii Maraykanka si khaldan loogu adeegsadey qorshayaal ka duwan kuwii uu Maraykanku maskaxda ku hayey."

"Maraykanku waxa ay lahayeen qorshe aad u kooban oo ay ka lahaayen Muqdisho: oo ahaa in ay la shaqeeyaan jaal aan dowlada ahayn si ay kor ugala socdaan iyo haddii ay macquul tahay in Muqdisho laga soo qabto tiro yar (saddex ilaa afar) oo ah shisheeye Al-Qaeda ah".


Maleysiyo ka tirsan Maxkamdaha Islaamiga ah oo sawirka ay AFP ka qaaday June 14, 2006 markii ay qabsadeen magaalada Jowhar oo ahayd meeshii ugu dambeysey ee laga saaray qabqablayaashii dagaalka ee taageerada ka haystey Maraykanka: AFP

"Ma ahayn ujeedada dowladda Maraykanka in ay aragto Isbahaysiga (qabqablayaasha) oo dagaal buuxa la galaya Midowga Maxaakiimta Islaamka," ayuu yiri.

"Waxaa suurta-gal ah in taageeradii Maraykanka ee malasiyadaas loo adeegsadey si khaldan: Hoggaamiyayaasha maleysiyadu waxa ay arkeen fursaddaas... si ay u xoojiyaan saldhida siyaadaddooda gaarka ah ee kuwa kaga soo hor jeedey magaalada oo ah Maxkamadaha Islaamiga.

"Waxa ay rajaynayeen (Qabqablayaashu) in ay ka macaashaan tageerada Maraykanka ee ladagaalanka Argaggixisada ayagoo qabqablayaashu caawinadaas u adeegsadey qorshahooda gaarka ah, laakiin ayagii ayaa dharbaaxo lagu dhuftay."

Marchal waxa kale oo uu yiri Washington waxa ay ku dhacday xeelad khaldan kaddib markii ay taageertay Isbahaysiga Qabqablayasha -- laakiin (ay u tageertay) arrin taas ka duwan .

"Khaladka Maraykanku waxa uu ahaa in ay hubeeyeen dad ahaa kuwo markii horeba watey qorshahooda gaarka ah," ayuu yiri.

"Dadka aan la hadlay ee jooga Soomaaliya waxa ay ii sheegeen in maleysiyada Isbahaysigu aysan dagaal rasmi ah wax iskaga caabin, sababtoo ah dagaalku wax macne ah uma samaynayn.


"(Qabqablayaashu) Waxa keliya oo ay sameeyeen in ay qaateen Lacagtii Maraykanka, markaas ay guryihoodii addeen...."


"Waxa keliya oo ay sameeyeen in ay qaateen Lacagtii Maraykanka, markaas ay guryihoodii addeen. Waxay ahayd burbur militari. Taas macneheedu ma ahan in Maxaakiimta Islaamku ay xoog leeyihiin -- waxa keliya oo taas macneheedu yahay in kuwii ka soo hor jeedey ay kala daateen."

Laba qabqable oo xoog weynaa --- Maxamed Qanyare Afrah iyo Ciise Bootaan Caalin -- waxa ay ka carareen magaalada Jowhar iyagoo aan wax dagaal ah kaga hor tegin weerarka Islaamiga maalintii Talaadada.

Kuwii kale ee ku xannibnaa Muqdisho waxa ay toddobaadkan ku biireen Maxaakiimta Islaamka.

Karin von Hippel, oo ah Khabiir ku ah arrimaha Soomaaliya oo hore uga tirsanaan jirey Qaramada Midoobey, xubina ka ah "US Center for Strategic & International Studies" waxa uu yiri gacansiintii Qabqablayaasha-qadaalku, Washington waxa ay dhiiri gelisey in Maxaakiimta Islaamku ay hubka qaataan.

"Haddii toddobaadyadii dhowaa ay Soomaalidu ka mudaharaadayeen eedaynta Maraykanka loo soo jeediyey in uu faragelinayo dagaalka Muqdisho, taas sababteedu ma ahan oo keliya in Dowladda Maraykanku in laga aaminsan yahay mid ka soo hor jeeda Islaamka, laakiin sidoo kale sababtu waa in aysan rabin (Soomaalidu) in qabqablayaasha dagaalku ay noqdaan kuwo ka awood badan xogga hadda ay leeyihiin," ayuu ku qoray Joornaal dhowaan soo baxay.

Marchal waxa uu yiri hadda waxaa muhiim u ah in beesha caalamku ay sida ugu dhaqsaha badan ee suurta galka ah nidaam wada xiriir u furaan xubnaha meel-dhexaadka ah ee ku jira Maxaakiimta Islaamiga ah.

"Ku qaylinta arrintaasi waa arrin ay soo maleegeen Al-Qaeda waxa keliya oo ay dadweynaha ka dhigeysaa kuwo xag-jira. Waxaan ku mashquul sanahay in aan abuurno cadow aan jirin laba bilood ka ka hor.

Waxaa Lagu Qiyaasay in $100,000 oo doolar bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliya...

Dhanka kale qoraal ay qortay hay'adda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Maraykanku uu dib eegayo siyaasadiisa ku wajahan Soomaaliya.

John Prendergast oo khabiir ku ah arrimaha Afrika , kana tirsan ICG (International Crisis Group) ayaa sheegay in Maraykanku uu ka caagey Soomaaliya kaddib dilkii 18-kii askari ee Maraykanka ahaa ee lagu diley Soomaaliya, arrintaas oo lagu soo bandhigay filimkii lamagac baxay Black Hawk Down.

Prendergast waxa uu yiri: "Ma aynaan rabin in aan gacmeheena wasakahyno. Waxaan u malaynay in ay suuurtagal tahay ku dhaqanka siyaasadan ah in lacag caddaan ah la siiyo qabqablayaasha-dagaalka--- waa fashilantay." waxana uu John Prendergast ku qiyaasay in Washinton ay qabqablayaasha dagaalka bil-kasta siineysey $100,000 ilaa $150,000 oo doolar.

Sida ay faafisay IPS, John Prendergast waxa uu yiri "Maraykanku hadda majirto wax uga soo baxay saddexdii sano uu maal gelinayey qabqablayaashaas dagaalka, qabqabalayaash oo ahaa qorshaha keliya ee Maraykanka ee Soomaaliya marka laga hadlayo ladagaalanka Argaggixisada." Waxana uu intaas ku daray "Waxaa arrin qalloocan ah in taasi ahayd qorshaha keliya ee Washington ay la socotey 15-kii sano ee dawlad la'anta, qaran la'aanta, ee Soomaaliya."


Madaxweyne
Denis Sassou

Guddoomiyha hadda ee Midowga Afrika, madaxweynaha Congo, Denis Sassou, ayaa isaguna sidoo kale markii uu bishii June 5 booqashada ku tegey Aqalka Cad waxa uu Maraykanka ku eedeeyey inay tageereen qabqablayaasha dagaalka.

Ted Dagne oo khabiir ku ah Afrika, kana tirsan adeegyada madaxa bannan ee "Congressional Research Service" waxa uu yiri dadka khibradda u leh Soomaaliya ma rumaysna in ay jiraan wax cadayn ah oo muujinaya in ay Al-Qaeda joogto Soomaaliya.

Jariidada New York Times qoraal ay qortay ayey ku xustay in xoghaya guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan, in uu yiri "Ma taageeri lahayn in Qabqablayaasha dagaalka," arrintaas oo uu ka sheegay warsaxaafadeed. Waxana uu intaas ku daray "U malayn maayo in aan ku talin lahaa in Qaramada Midoobey ama Golaha Ammaanku ay taageeraan qabqablayaasha dagalka."

Qoraal dheer oo ay qortay jariidada Guardian ee UK ayaa lacagta qabqablayaasha uu Maraykanku siinjirey lagu qiyaasay $100,000 ilaa $150,000 doolar bil-kasta.

Dhegeyso Radio NPR oo oo ka warbixinaya arrimaha Soomaaliya...

Tarjumadii SomaliTalk.com | ISHA: AFP | Reuters| June 15, 2006
»Washington's Somalia strategy fuelled Islamist rise: experts | AFP
»U.S. reviews Somalia policy after tactics backfire | Reuters
»Bush administration dealt defeat in Somalia IPS
»6 Nations Urge Talks in Somalia for Exiled Rulers and Islamists  Nytimes
»Somali Militias Decry Terrorists

  • LIFAAQ - SOOMAALIYA IYO MAANTA::: Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in Maxamed Qanyare Afrax uu ka baxay Isbahaysigii laga awooda roonaaday ee la baxay la dagaalanka Argaggaxisada. Waxaana laga soo weriyey in uu yiri waa toobada keenay. Sidoo kale waxaa isbahaysigaas maanta ka baxay Cumar Finish.
  • BELEDWEYNE: Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa magaalada Beledweyne ka hir geliyey Maxkamda Islaami ah...

Maraykanka oo Sheegay in uu Diyaar u yahay la Shaqaynta "Dhammaan Garabyada Soomaaliya..."

Tarjumadii SomaliTalk.com | June 15, 2006

JOWHAR BAYDHABO
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo ah guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo lahadlaya dadweynaha Jowhar 14/6/2006
Ka Dhegeyso Halkan
Sharif Hassan Sheikh Aden
Sharif Hassan Sheikh Aden: oo baarlamaanka ka akhrinaya in ay u codeeyeen in ciidamo shisheeye lakeeno Soomaaliya 14/6/06
Ka Dhegeyso Halkan

"Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dhamaan garabyada Soomaaliya si loo raadiyo xal nabadeed iyo sidii markale Soomaaliya loo hir-gelin lahaa dowlad wax qaban karta" sidaas waxa yiri Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Maraykanka Sean McCormack ka hor inta aanu furmin shirka maanta looga wada hadlayo arrimaha Soomaaliya ee kafurmaya USA.

"Maraykanku waxa uu taageersan yahay hay'dda Federaalka Kumeelgaarka ah, waxana uu dhammaan dhinacyada Soomaliya ugu baaqayaa in ay yeeshaan wadahadal loo dhan yahay oo lagu wada shaqaynayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah" ayuu yiri McCormack.

Sida ay werisey wakaaladda wararka ee AFP, McCormack waxa uu intaas ku daray "waxaa naga go'an in aan la shaqayno jalkayaga maxalliga iyo caalamiga ah si aan u muujino arrinta naga wada dhexaysa ee la xiriirta argaggixisada, sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabashada gargaarka bini'aadamino ee Soomaaliya, iyo sidii dadka Soomaaliyeed loogu caawin lahaa siyaasad iyo dhaqaalle deggan." {ISHA: AFP}

Waxaa maanta (Jun 15, 2006) safaaradda ay Norway kuleedahay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York lagu qabanayaa shir ay ka qayb qaadanayaan Maraykanka, Britain, Norway, Sweden, Italy, Tanzania iyo Ururka Midowga Yurub. Waxaana shirkaas goob joog ka ahaan doona Qaramada Midoobey iyo Ururka Midowga Afrika. {Hoos ka akhri faallo iyo warbixin dheeraad ah}.


Maraykanka oo maanta (Jun 15) uu ka dhacayo shir caalami ah oo Arrimaha Soomaaliya Khuseeya.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Jun 15, 2006

Shir caalami ah ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, shirkaas ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Soomaaliya, waxaana  soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka,waxaa kale oo kala qayb qaadan doona dhowr wadan oo ka tirsan qaaradda Yurub Britain, Italy, Norway Swedhan iyo Dalka Tanzania oo afrika ah, shirkan waxaa goobjoogayaal ka ahaandoona Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika.

Department Spokesman Sean McCormack ,shown during the  Daily Press Briefing, was sworn in as Assistant Secretary for Public Affairs and Department Spokesman on June 2, 2005Ajandaha shirkaas ayaa xoogga lagu saari doono sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Sean McCormack ayaa ah Xaaladaha Cusub ee ka dhashay Somaliya kadib markii awoodii farahooda laga bixiyay Ururkii la baxay Argagaxiso la dagaalanka ee ay hormuudka ka ahaayeen Hogaamiyayaal hubaysnaa xoogna ku lahaa caasimadda Soomaaliya ee Mogadisho Maxaakiimtana ay la wareegeen talada iyo Maamulka. 

 
Maraykanka ayaa Tuhun weyn ka qaba in Argagixo ay hoy u noqon katro Soomaaliya,wax ayna aaminsan yihiin Laamaha sirdoonka Maraykanka iyo Arrimaha  dibada in Qaar ka mid ah Hogaamiyayasha Maxaakimta ay Gacan saar la lahaan karaan Alqaacida iyagoo sabab uga dhigaya Xasilooni darro ka jirta wadanka iyo iyagoo aaminsan in Maxaakiimtu ay dhisi doonaan Xukun la mid ah kii Afgaanistaan.
 
Jendayi FrazerShirkan oo ay shir gudoominayso Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha dibada USA ee Afrika Dr.Jendayi Frazer ayaa laga filayaa in Maraykanku uu soo saaro Aragtidiisa ku wajahan Somaliya iyo Gaar ahaan Isbadalka siyaasadeed iyo Maxaakiimta oo uu cabsi badan ka muujinayo, Maraykanka wali jawaab diidmo ah kama uusan bixinin Eedeymo ahaa in uu taageero dhaqaale siinayay Hogaamiyaasha la Eryey. 
 
Maxaakiimta Islaamiga ah horay waxa ay u sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal ay galaan cid walba,waxa lagu dhisayna ay tahay wadahadal iyo is Afgarasho iyagoo waliba Qoraal gaarsiiyay Wasaarada Arrimaha dibada ee Maraykanka si ay iskula meel dhigaan xaalka Soomaaliya hadii uu damacsan yahay in uu ku taageero xal nabadeed.
 
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo dastuurkoodu uu yahay Shareecada Islaamiga ah waxa uu yoolkoodu yahay in wadanka aan laga hirgalinin wax aan ahayn sharciga iskaamka, kana dhigay hal ku dhigooda ugu horeeya in Nabad iyo xal  aan lagu gaari karin wax ka baxsan Islaamka, Saldhigyo badan oo ay qabsadeena waxa ay isla markiiba ka dhiseen Maxaakiim Islaami ah iyagoo helay dadweyne soo dhaweeyay.
 
Maxaakiimta ayaa dhaqaale iyo xoogba ka hela Ganacsatada iyo dadweynaha magaaalada Mogadisho kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatada ay ku hayaan qabqablayaal ka tirsanaa dowlada KMG ah ee Soomaaliya loogu dhishay dalka Kenya, Dadweynaha ayaa aad ugu mahadinaya Guusha Maxaakiimta in ay ku heleen Amaankoodi soo noqday in aysan jirin wax isbaaro ah oo looga qaato lacag marka ay iskugu safrayaan gobolada iyo magaalada dhexdeedaba.
 
Ugu dambayn shirkan waa mid indhaha lagu wadahayn doono waxa ka soo baxa,waxaana aad looga warsugayaa in maraykanka ay soo saaraan hadalo qanciya guud ahaan dadka Soomaaliyeed, Dowlada FKMG ah ayaa horay uga dalbatay Maraykanka in uu iyaga uga soo maro wax walba oo quseeya Soomaaliya laakiin wali  jawaab sax ah kama uusan bixinin.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006

Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2006

"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah
Northbridge Services Group, Ltd oo ah shirkadda ay DFKMG siisay xuuuqda bixinta shatiyada shidaalka ayaa .. Guji....

Koonfur Afrika ma Aqoonsana Somaliland....
Waxana ay South Africa dalkooda ku casumayaan C/Lahi Yusuf iyo Geedi, sidaas waxaa yiri safiirka u fadhiya...Guji

Sheekh Shariif "Shacabka Reer Jowharow waxaan idiin wadnaa Kitaabka."
»Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqey Jalalaqsi..
»Culuma’udiinka G/Baay oo kasoo horjeestey in..
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo soo dhaweeyey in...
»Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay....
»Finland: Xaflad qalinjabin arday Soomaliyeed...
»Isbitalka Qardho oo dhaqaalo loogu aruuriyay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 15


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD