SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


WARARKII: Khamiis June 15, 2006

  • Sheekh Shariif “Shacabka Reer Jowharow waxaan idiin wadnaa Kitaabka.”

  • Maxkamad Islaami ah oo shalay looga dhawaaqey Magaalada Jalalaqsi..

  • Culuma’udiinka gobalka Baay oo si aad ah uga soo horjeestey .”

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo si weyn u soo dhaweeyey Go'aankii Golaha ...

  • Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay is hortaagi doonto in soomaaliya..

  • Muuse Suudi iyo Bashiir Raage oo isaga baxay Isbahaysiga Argaggixisada..

  • Finland oo xaflad qalinjabin ah u qabatay arday soomaliyeed

  • Isbitalka Qardho oo dhaqaalo loogu aruuriyay magaalada Helsinki


Sheekh Shariif “Shacabka Reer Jowharow waxaan idiin wadnaa Kitaabka.”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar kaddib markii ay halkaasi qabsadeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah kana saareen Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ahaa, mar uu la hadlayay dadweyne isugu soo baxay Garoonka Ciyaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin dad u socda sidii ay shacabka uga badbaadin lahaayeen kuwa dulmiga iyo dhibaatada ku haya.

“Waxaa noo dhexeeya Kitaabka Alle, wax kalana ma wadano, ma dooneysaan oo diyaar ma u tihidiin ku dhaqanka Shareecadda Islaamiga ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in Magaalada Jowhar lagu soo rogay bandow bilaabanaya habeenkii Labo Saac wixii ka dambeeya, sidoo kale waxa uu sheegay in cidna loo ogolaan doonin in ay hub la dhex marto magaalada oo aan ka ahayn kuwa Midowga Maxaakiimta, iyadoo shacabka reer Jowhar ay si aad ah u soo dhaweeyeen qabsashada Maxaakiimta.

Maxkamad Islaami ah oo shalay looga dhawaaqey Magaalada Jalalaqsi..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi oo ay dhawaan dagaalo ku dhex mareen labo beelood oo halkaasi wada degta ayaa maalintii shalay ahayd waxa looga dhawaaqay maxkamad islaami ah waxaana ku dhawaaqisteeda ka qaybgalay Waxgarad iyo Odoyaal ka kala socday beelaha dega degmadaasi.

Dadweynaha deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyeen furida Maxkamaddaasi oo loogu magacdaray Badar, waxayna ku soo beegan tahay xili Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay gacanta ku dhigeen Magaalada Jowhar iyo deegaano ku dhow dhow Degmada Jalalaqsi sida Mahadaay.

Guddoomiyaha Maxkamadda waxaa loo magacaabay Sheekh Cusmaan Nuur Saalax, Guddoomiye u xigeena waxaa loo magacaabay Sheekh Max’ed Axmed Cabdala Suuley.

Labo todobaad gudahooda ayaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxay fureen Maxkamado laga kala furay Dayniile, Balcad, Buula-Xuubey iyo Towfiiq, iyadoo sidoo kale Degmada Jowhar la filayo maanta in looga dhawaaqo Maxkamad Islaami ah.

Culuma’udiinka gobalka Baay oo si aad ah uga soo horjeestey .”

Markii Golaha Baarla-maanka uu shalay ku dhawaaqay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala soocin ayaa markiiba waxaa bayaan soo saaray Culuma’udiinka gobalka Baay waxayna sheegeen in deegaanadooda aysan cag soo dhigi karin ciidamo shisheeye noocayn doonaan ha ahaadeene.

“Waan og nahay waxa ay ciidamo shisheeye galaan iyo waxa ay gudana, kuwii hore ayaa waayo aragnimo noogu filan” ayay ku yiraahdeen bayaan-kooda, waxay kaloo sheegeen in xubinihii Baarlamaanka ee go’aamiyay in dalka la keeno ciidamo shisheeye mas’uuliyadeeda ay qaadi doonaan xubnahaasi.

Baarlamaanka Soomaali-yeed ayaa isagu si aad ah uga soo horjeeday in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo isugu jira kuwa safka hore iyo kuwa kalaba, balse su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay maxaa xiligaan keenay in Baarla- maanka Soomaaliyeed uu ogolaado in dalka la keeno ciidamo shisheeye, iyadoo qaar ka mid ah Baarlamaanka ay sheegeen in ay dadaal u gali doonaan sidii looga hortagi in dalka ay soo galaan ciidamadaasi.

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo si weyn u soo dhaweeyey Go'aankii Golaha ...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala soocin.

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ayaa iyagu mudo u ololeenayay in Baarlamaanka Soomaaliyeed u codeeyo in dalka la keeno ciidamo shisheeye, waxayna wadamo fara badan ay ka dhaadhiciyeen sidii arrimahaasi ay ugu howlgali lahaayeen.

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay la kulmaan saraakiil ka socda wadamada IGAD si ay u qorsheeyaan sida ugu fudud ee loo keeno ciidamada nabad ilaalin ee Soomaaliya.

Dowladaha Uganda iyo Suudaan ayaa iyagu ah Dowlado horey u ballanqaaday in Soomaaliya ay geyn doonaan ciidamo nabad ilaalin ah kuwasoo hubka ka dhigi doona dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee dirirtu u dhexeyso.

Wadamada ciidamada ugu yaboohay Soomaaliya ayaa ah wadamo dhaqaalahoodu aad u liito, hase yeeshee waxay arrini ka taagan sidii dhaqaale loogu heli ciidamada nabad ilaalin ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay is hortaagi doonto in soomaaliya..

Dowladda Mareykanka ayaa iyadu waxay si aad ah uga soo horjeedaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, iyadoo sheegtay in haddii Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ay noqon doonto xarun lagu kala iibsado hubka oo ay sheegtay in ay saameyn ku yeelan doonto wadamada deriska la ah iyo kuwo kalaba.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in haddii qaramada Midoobey la hor keeno qaraar ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka uu is hortaagi doono uuna isticmaali doono awoodiisa, hase yeeshee waxaa arrintaani la ogaan doonaan shirka maanta ay isugu imaanayaan Mareykanka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya sida Sweden, Norway, Italy iyo Tanzania.

Warar ayaa waxay sheegayaan in shirkaani ay ku biiraan ururada Jaamacadda Carabta, Islaamka iyo Qaaradda Afrika, sidoo kale waxaa goob joog ka noqon dooa Qaramada Midoobey oo sheegay in Mareykanku uu si aad ah ugala tashan doono arrimaha Soomaaliya oo haatan maraya meel xasaasi ah..

Muuse Suudi iyo Bashiir Raage oo isaga baxay Isbahaysiga..

Maalintii shalay ahayd ayaa kulan ka dhacay Mowlaca Sheekh Muxiyadiin ayna isugu yimaadeen waxgaradka, Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta Beelaha Mudullood ayaa waxaa looga hadlay is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaddib markii Magaalada Muqdisho iyo degaano kale ay si rasmi ah ula wareegeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ka mid ahaa Cali Mahdi Max’ed, Xuseen Sheekh Amed Kadare, waxaa kaloo ka qaybgalay Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage. Kulankaan oo dhowr saacadood qaatay ayaa aaqiritaankii waxaa Saxaafadda la hadlay Xuseen Sheekh Axmed (Kadare) oo sheegay in Muuse Suudi iyo Bashiir Raage ay gebi ahaanba ka baxeen isbahaysigii loo magacdaray la dagaalanka Argagixisada. “Markaan fiirinay xaaladda taagan iyo siday ugu hogaansameen Muuse Suudi iyo Bashiir Raage go’aankii Beesha Mudullood ayaa waxaa la isku afgartay in Muuse iyo Bashiir ay ka baxaan isbahaysigaasi” ayuu yiri Xuseen Sheekh Axmed (Kadare) oo sheeay in Muuse Suudi iyo Bashiir Raage ay haatan hoos joogaan Dalladda Beesha Mudullood.

Kulankii ka dhacay Mowlaca Sheekh Muxiyadiin ayaa beelaha Mudullood ku kala qaybsameen, waxayna qaarkood ku tilmaameen mowlacaasi mid laga abaabulo iska hor keenka beesha Mudullood, waxaana arrintaani si aad ah u weeraray Sheekh Cali Dheere oo sheegay in ragga Mudullood ee ku shiray Mowlaca Sheekh Muxiyadiin ay ahaayeen kuwii burburiyay Maxakamaddii Islaamiga ahayd ee ka jiray Waqooyiga Muqdisho, isagoo sheegay in maanta ay doonayaan in ay gashadaan shaar qabiil oo la isaga hor keenayo Beesha Mudullood.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2006

Finland oo xaflad qalinjabin ah u qabatay arday soomaliyeed

Helsinki-12-06-06 Waxaa dhawaan ka dhacday xarunta ururka arimaha dhalinyarada ee Finland Kanava  xaflad balaaran oo lagu abaal marainayay arday Soomaaliyeed oo dhowaan ka qalanijabisay dugsiyada sare ee dalka Finland.


Xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qaybgaleen dadweyne farabadan oo Soomaaliyeed , waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka Soomaali Liito C/rasaaq Xasan Maxamed  oo ka waramay doorka waxbarashada ay leedahay iyo sida dhalinyarada looga baahan yahay in ay horumar u sameeyaan.
Waxaa kaloo ka hadlay xafladaasi  Asli  Xasan Cabaade iyo Axmed Xasan Cabaade oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Vancouver ee dalka Kanada oo iyagu booqasho gaaban ku yimid Dalkan  Finland Iyo odayal iyo waxgarad iyo waalidiin  Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugnaa..

Xafladii oo faahfaahsan ka dhegeyso
halkan
 

Isbitalka Qardho oo dhaqaalo loogu aruuriyay magaalada Helsinki

Shir ku saabsan dhaqaalo loo ururinayay Isbitaal weyn oo lagu wado in laga dhiso magaalada Qardho ayaa  ka dhacay  hoolka wayn ee xarunta dhaqamada ee wadankan finalnd ee Caisa sabtidii aynu soo dhaafnay,

waxaana  ka soo qayb galay dhamaan bulshada soomaaliyeed ee wadankan finland gaarhaaan indheergaradkooda iyo rag odayaal ruug caddaa ah oo arimaha bulshada ee Soomaaliyeed wax ka soo qabtay. Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay  sheekh Aadan Dayax oo ka mid ah wadaadada  Soomaaliyeed ee  ku sugan wadankan finland kaa wuxuuna sheegay  ahmiyada halkan laysugu yimid iyadoo bulshadu ay arimo badan isugu yimaadaan kuwa wanaagsan iyo kuwa xun hadaba waxaan idin sheegayaa  inay tahay tani mid wanaagsan oo allena raali ka yahay isla mar ahaantaa aanu ajar ku raadinayno si uu ilaahay wax inoogu qabto sadaqada aanu maanta la baxnaa iyadoo aynu hora ula soconay inaanu ka qayb qaadanay abaarihii dalka ka dhacay ee koonfurta dalka iyo mashaariicyo kale , wuxuuna sheegay sheekh aadan in bulshada Soomaaliyeed ee Finland lagu yaqaan bulsho si wacan arimahan uga qaybqaata oo aan kala qoqobnayn.


Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Cali Qaasim oo warbixin kooban ka bixiyay Isbitaalka oo sheegay marxaladaha uu soo maray isbitaalka iyo hada halka uu marayo iyo baahida hortaala, waxaa kaloo ka hadlay Oday Dalmar oo Rug cadaa Siyaasadeed ah isla mar ahaantaa ah Odayaasha Soomaaliyeed kuwooda loogu qadarin badan yahay ,Waxaa kaloo hadalka qaatay oo halkaasi ku sugnaa Rug cadaaga Siyaasadeed ee  Kingkong oo isagana halkaasi ka soo jeediyay Qudbad qiima leh oo ku wajahneed Dhqaala ururiinta iyo waliba Siyaasada Dalku haatan Marayo.

Waxaa kaloo Halkaasi  Ka hadlay Prof Axmed Xijis oo isagana ku nuuxnuxsaday Baahida Caafimaad ee dalka ka jirta iyo sida ay umadu ugu baahan yihiin  taa soo aynu la socono buu yiri  in burburku  uu aad  u saameeyay ,ayna ugu badan yihiin Caafimaadka iyo waxbarashada hadaba waa in la helaa labadaasi baahi sidii loo haqab tiri lahaa ayuu yiri Profosoorku. wuxuu kaloo  sheegay in bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan finland ay horumar samaysay maanta oo ay isu yimaadeen bulsho kala reer reer ah hadana wax wada qabsanaya  waa horumar la taaban karo oo ay ku talaabsatay bulshada waana arin aad uwanaagsan waana taageersanahay hiil iyo hoobaba ah isbitaalka qardho.
Dad yowgii goobta yimid aad bay u badnaayeen , runtii  waxaana  uu jawigu u dhacay si aad u wanaagsan.
 

Wararkii SHALAY:::

Midawga Maxaakiimta Islaamiga oo Dagaal Qaraar ku qabsadey Jowhar

Arbaca June 14, 2006

Dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud intaba ayaa waxa uu ka dhacay Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe waxaana dagaalkaas u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbaheysigii la dagaalanka "Argagixisada".

Dagaalkan oo socday dhowr saacadood ayaa Maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga waxay Magaalada ka soo galeen laba meelood oo ah Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar iyo waliba wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, waxaan markii dagaalka uu socda Hal saac ayaa Maxaakiimta waxaa u suurogalay inay Magaaladda soo galaan, waxaana ay keentay in ciidamadii Maxamed Dheere ay kala firxadaan oo qaarkood la sheegay inay u carareen dhinca xeebta.

Ilaa iyo hadda Khasaaraha labada dhinac weli lama hayo, balse warar ayaa sheegaya in Midowga Maxaakiimta laba gaari ay kala qaraxday Miino, waxaana la sheeg ay ku dhinteen ilaa dhowr qofood, warar ayaa sheegaya in dhimashadda labada dhinac ay gaareyso 15-qofood, halka dhaawacuna yahay 25-qofood, waxaana la sheegay in Khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah uu aad u yaraa , maadaama dagaalku uu ka dhacya duleedka Jowhar.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka magaaladda Jowhar ay si aad u soo dhaweeyeen ciidamada Maxaakiimta Islaamiga waxaana qaarkood ay lulayeen caleemo qoyan, sidoo kale Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa iyagu waxay gacanta ku dhigeen dhammaan xarumihii Maamulka Maxamed Dheere, sida Xaruntii Boolis-ka Maxkamdda sare, garoonka Diyaaradaha, Gurigii Maxamed Dheere ee Martida, Xabsiga dhexe ee Magaalada oo la sheegay in laga sii daayay Maxaabiistii ku xirneyd, warar ayaa sheegaya Maxaakiimta ay ku raad joogan haraagii Isbaheysiga laga awood roonaday iyadoo lagu waramayo in maleeshiyooyinka isbaheysiga ay u carareen dhinaca xeebta.

Qabsashadda Jowhar waa guul weyn oo u soo hoyatay Maxaakiimta, maadaama ay Jowhar aheyd xaruntii ugu weyneyd ee isbaheysiga argaggixisada, waxaana xarun u aheyd midka ka mid ah Isbaheysiga laga itaal roonaaday oo lagu magacaabay Maxamed dheere oo haatan ku maqan dalka Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa xalay saqdii dhexe ka baxay Magaaladda Jowhar sadex ka mid ah isbaheysiga oo lagu kala magacaabo Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise caalin iyo Cabdi Nuure Siyaad, waxaana lagu waramay in ay ku sii jeedan deegaanka Ceel-buur.

LIFAAQ::::

  • Guddoomiyaha midowga Maxkamada Islaamiga oo la hadlay reer Jowhar: Sheikh Shariif Sh. Axmed oo dadweynaha reer Jowhar kula hadlay garoonka Kubbada cagta ee magaalada Jowhar maanta (jun 14) ayaa waxa uu dadweynihii halkaas isugu yimid u sheegay in magaalada Jowhar lagu dhiqi doono shareecada Islaamka. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ay dhammaatay caddaalad darradii ka jirtey magaalda Jowhar. Waxana uu sheegay in ammaanka magaalada la sugu doono.
     
  • Baarlamaanka DFKMG oo ansixiyey in ciidamo shisheeye la keeno dalka: Baarlamaanka DFKMG oo kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa maanta (Jun 14) ansixiyey in dalka la keeno ciidamo shisheeye. Codbixin arrintaas loo qaaday ayaa waxaa ogolaaday in ciidamo shisheeye la keeno 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood. Codbixinta oo dhacday galabnimadii maanta (Jun 14).
     
  • Beledweyne oo uu ka dhacay kulan lagu taageerayo Maxkamadaha Islaamiga: Magaalada Bedeweyne ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan lagu taageerayo maxkamadaha Islaamiga, waxaana magaalada Beledweyne ka socda qorshe loogaga dhawaaqayo maxkamda Islaamiga.
     
  • Muuse Suudi iyo Bashiir Raagge oo ka baxay Isbahaysigii Argaggixisada: Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in maanta (Jun 14) ay isbahaysigii argaggixisada ka baxeen Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raagge Shiiraar. Kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen odayaasha beesha Mudullood ayaa laga sheegay in ay isbahaysigii Argaggixisada iskaga bexeen Yalaxow iyo Shiiraar, ayagun ay arrintaas xaqiijiyen maadaama ay kulanka goob joog ka ahaayeen. Arrintaasi waxa ku hir gashay kaddib markii ay beesha Muddullood cadaadis saareen labadaas qabqable dagaal si ay ug tanaasulaan isbahaysigii laga awooda roonaaday ee lagala wareegey dhulkii ay ku amar kutaaglayn jireen ee Muqdisho, Balcad, Dayniile iyo Jowhar.

Cabdi Qaybdiid oo Gebi ahaan isaga baxay Isbahaysiga la Dagaalanka Argagixisada

Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo xubin ka ah Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisa ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga baxay Isbaheysigii uu ku jiray, wuxuuna sheegay in sababaha uu uga baxay ay tahay kaddib markii Isbaheysigu uu faraha la galay dagaal aan loo baahneyn, warar ayaa waxay sheegayaan in sababaha uu Qeybdiid isbaheysiga uga baxay ay tahay, kaddib markii cadaadis uu uga yimid Beesha uu ka dhashay ee Sacad.

“Isbaheysigu waxa uu keenay bur-bur iyo dagaal hor leh, taas oo saameyn ku yeeshay bulshada ku nool Muqdusho, waana taas sababaha aan uga baxay Isbaheysiga” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo saxaafadda la hadlayay.

Ka bixitaanka Cabdi Qeybdiid ee Isbaheysiaga ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeay dadweynaha ku nool Muqdisho, gaar ahaan beesha uu ka dhashay oo iyadu ka cabsi qabtay in dagaal uu ka dhex dhaco isaga iyo Maxaakiimta.

Cabdi Qeybdiid waxa uu ahaa ninkii ugu dambeyay ee ku soo biira Isbaheysiga , waxaana la filayaa in Teknikadiisii maalmaha soo socda uu ku wareejiyo Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, wuxuuna ka bixitaanka uu ku soo beegmay xilli ay wadamada IGAD sheegeen in Xayiraad lagu soo rogey Qabqablayaasha dagaalka ee soomaaliya kaddib kulan ka dhacay Nairobi oo iskugu yimaadeen Wasiiradda Arrimaha dibadda ee IGAD

W[D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Kulankii wadamada IGAD ee Nairobi.
Warbixintii Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | canabmumtaz@yahoo.com
 
IGAD web site
Wasiirada arimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa ka barandagaya in xayiraado xaga safarka ah ay ku soo rogaan qabqablayaasha dagaalka ee dalka soomaliya. Kulan wasiradaasi uga socda magalada nayroobi ayaa waxaa ay ku falqeynayaan in dagaal oogaysha dalka soomaliya laga mamnuco in ay u safraan wadamada bariga Afrika.
 
Qodobka ku saabsanaa xayiraada xaga safarka ah ayaa waxaa wasiradaasi hor digey wasiirka arimaha dibada ee Kenya Rapheal Tuju oo sheegey in ay tahay arin aan la aqbali ka reynin in qabqablayaasha dagaalka ay xarun u noqoto waddamada jaarka la ah wadanka Soomaaliya isla markaana ka abaabulaan  qorshoyinkooda ku aadan carqaladeynta xasiloodida dalka soomaliya.
 
Dowlada Kenya ayaa baryahan dambe talaabo dardar leh ku haysa ka haddlida Hon Raphael Tuju-2.jpgxaalada SoomaaliyaWasiirka Arrimaha dibada Mr. Raphael Tuju waxaa kale uu yiri wadankeena uma ogolaan doono dad soo burburiyay wadankooda,waxa ay dowladu ka fiirsanaysaa ayuu yiri sidii ay usii adkayn lahayad cunaqabataynta saaran Hogaamiyayasha dagaalka oo uu tilmaamay in ay cabaqad ku noqdeen habsi u shaqaynta dowladii Soomaaliyeed ee lagu Magaalada Nairobi sidoo kale dowladu uma ogolaan doonto ayuu yiri in bangiyo ka dhigtaan wadanka kenya. 
 
Ra'isal wasaaraha DFK soomaliya Cali Maxamad gedi ayaa ku baaqey in ciidamo ajnabi ah oo amaanka suga oo lageeyo dalka soomaliya. Raisal wasaaraha oo hadal ka jeediyey kulankii wasiirada arimaha dibada ee urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kale oo uu sheegey in beesha caalamka aysan sidoo la rabay waxba uga qabanin Arrimaha  Dalka Soomaliya.,Mr.Gedi ayaa waxa uu sidoo kale ugu mahadceliyey dowlda Wadanka Kenya go’aankii ay ka qaadatay qabqablayaasha dagaalka.
 
Dowladaha IGAD Arrimaha kale ee laga sugayon go'aan ka gaaristooda ayaa ah ciidamada suga amaanka oo ay dowlada dalbatay kadib markii ay maara u waysay Amaan ku soo celinta halka ay ka dagan yihiin gobolka Bay ee baydhabo,Ra'iisal wasaaraha Somaliya Cali Maxamad gedi ayaa u sheegay TV Aljazeera  in ciidamada Ajnabiga ah ay wax badan ka tari doonaan Xaalada Amaan ee guud Ahaan wadanka Somaliya ka jirta.

 
Hadalka raisal wasaaraha ayaa ku soo beegmey iyadoo malintii labaad maanta barlamaanka Soomaliya uu xal ka gaari waayey in ciiddamo shisheeye la geeyo dalka soomaliya iyo in kale.. Gudoomiyaha barlamanka sharif Hassan Sheikh aaadan oo gudoominayey kulankii maanta ay yeesheen xubnaha barlamaanka ayaa ku dawaaqey in doodaasi la hakinayo ilaa malinta berita ah si xildibaanada isku khilaafsan amurtaasi ay u helaan waqti ay ku gudbiyaan fikirkooda.
 
Dhinaca kalane Dowladda Maraykanka ayaa Faafisay in Fadhi caalamiga ah oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya la qabano maalinta qamiista ah oo ay tarikhduna tahey 15 bisha june. Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Sean McCormack ayaa sheegay in kulankaasi oo lagu qaban doono magaalada New York ay gudoomin doonto haweneyda Jendayi Frazer oo ah kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee arrimaha Africa.Waxaana ilaa iyo haatan si rasmi ah loo sheegay inay ka qayb geli doonaan kulankaasi wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dalalka  Norwey,Sweden,talyaaniga, Ingiriiska iyo Tanzania.Afhayenku waxaa uu sheegey in kulankaasi looga hadli doono sidii wadamadaasi ay u midayn lahaayeen siyaasadohooda iyo xiriirkooda diblomaasiyadeed ee ku aadan arrimaha Soomaaliya, si markaasi loola shaqeeyo hay’adaha Federaalka.

Warar Dheeraad ah hoos ka akhri....

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006

Warar GooGoos ah: June 13
»Sheekh Qaasim “Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u..
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen Kenya…?
»Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka
»Doodii ku saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta...
»Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo....
»Gumaysiga Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 13
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD