SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: June 12, 2006

  • Sheekh Qaasim “Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u laayeen dadkii u soo Gurmadey..”  

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen wadanka Kenya…?

  • Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka noqdaan Ciidamda…

  • Doodii ku saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta mar kale la isgu iimaanayo..

  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo gabagabeysey ..

  • Gumaysiga Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.


Sheekh Qaasim “Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u laayeen dadkii u soo Gurmadey..”   

Sheekh Qaasim Ibraahim Nuur oo ka mid ah Siyaasiinta Beesha Geeladle oo shir jaraa’id ku qabtay hoolka shirarka Baarlamaanka FKMG ee Magaalada Baydhabo ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay sababaha keeney dilka Ugaas Samoow Cabdi garuun, isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu qaybaha saxaafada gudaha iyo dibada u qaybiyey qoraal ka kooban labo bog. Sheekh Qaasim oo ah ehelada ugaaska ayaa wuxuu sheegay in dagaalka markiisa hore ay sabab u ahayd in ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxweynaha oo ka yimid Saldhiga Manaas ay soo Afduubteen 4 nin oo maleeshiyo ah oo joogay bar isbaaro oo ka baxsan Magaalada Baydhabo una jirta qiyaas 3km  kuwaasoo ka tirsanaa Beesha Ugaaska, hase ahaatee markii ay maqleen maleeshiyooyinka Beesha ayaa waxay weerar ku qaadeen Xarunta Madaxweyne Col/C/llaahi Yuusuf iyadoo markaasi dhalinyaradaasi lagu haystay meel u dhow Madaxtooyada DFKMG.

Ugaas Seemoow cabdi Garuun oo arinta ka warhelay ayaa si degdeg ah ugu gurmaday si uu u joojiyo dagaalkaasi, isagoo arintii maleeshiyooyinka ku dhexjira xalintooda ayaa lagaga soo furay dhinaca ilaalada Madaxtooyada Xabado, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoog leh oo socday mudo saacad ku dhow, markii uu dagaalka joogsaday daqiiqado kadib Ugaaska oo ay la socdaan laba xubnood iyagoo markaasi ku sugnaa agagaarka Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la toogtay maalinimadii Jimcaha 9/6/006 isagoo gacanta ku haadinaya maro cad, waxaana toogtay ilaalada Madaxtooyada, sedaxdoodii waxaa ka badbaaday hal ruux, kaasoo sheegay in Ugaaska uu u dhintay dhiigbax, kadib markii ay diideen maleeshiyooyinkii  toogtay Ugaaska in la qaado, dadkii u soo gurmaday oo ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa goobtii ku dhaawacmay iyo lix ruux kale, waxaana isweydiin mudan haday Ciidamo Qaran yihiin Maxay dadka u soo gurmaday Ugaaska ay u laayeen ayaa qoraalkiisa ku xusnaa Sheekh Qaasim Ibraahim Nuur. wuxuu intaa ku daray in Dilka ugaaska loo saaray Baaris Gudi heer qaran ah oo uu Gudoomiye u yahay Raysul Wasaare ku xigeenka dowlada ahna Wasiirka Maaliyada Saalim Caliyoow Ibrow.

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen wadanka Kenya…?

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa shalay si gooni gooni ah ugu ambabaxay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in uu ka qaybgalayo shir ay isugu imaan doonaan madaxda wadamada IGAD oo looga arrinsanayo arrimaha Soomaaliya, halka Madaxweynaha uu isna Magaalada Nayroobi kulamo kula yeelan doono wadamada Deeqda Bixiya oo iyagu horey u sheegay in ay gargaar balaaran siin doonaan Dowladda Federaalka. Warar ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu Nayroobi kula kulmo madax ka socda wadamada Uganda iyo Suudan oo iyagu ballanqaaday in ay Soomaaliya u soo diri doonaan ciidamo nabad ilaalin ah. Waxa magaalada Nayroobi sina gaaray Madaxweynaha dalka isku magacaabay Somaliland Daahir  Riyaale Kaahin, iyagoo warar qaar ay sheegayaan in Daahir Riyaale uu halkaasi u tagay sidii uu maamulkiisu qayb uga noqon lahaa lacago deeq ah oo la siinayo Soomaaliya.  

Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka noqdaan Ciidamda…

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay warqad qoraal ah u dirtay dhamaan wadamada ku bahoobay IGAD, waxayna warqaddaasi ku saabsaneyd sidii Ciidamada Itoobiya ay qayb uga noqon lahaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Wadamada IGAD ayaa qorsheeyay in ay Soomaaliya u soo diraan ilaa iyo 7-Kun oo Askari oo min labo kun ay ka imaanayaan wadamada Suudaan iyo Uganda oo iyagu horey u ballanqaaday ciidamadaasi, wararku waxa uu intaasi ku darayaa in wadamada IGAD laga yaabo in ay ogolaadaan in ciidamada Itoobiya ay galaan gudaha wadanka Soomaaliya, waxay su’aale ka taagan tahay sidii shacabka Soomaaliyee loo ogoleysiin doono in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka qayb-qaataan nabad ilaalinta iyo hub ka dhigista Soomaaliya.

Doodii ku saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta mar kale la isgu iimaanayo..

Maalintii shalay ahayd ayaa golaha Baarlamaanka waxa uu fadhi ka yeeshay ajande ay Xukumadda Cali Max’ed Geeddi u soo gudbisay Golaha Baarlamaanka kaasoo ahaa in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

Dooda oo uu shir guddoominayay Shariif Sheekh Aadan ayaa xubnihii halkaasi ka hadlay waxay sheegeen in waqtigaan loo baahneyn in soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye iyagoo tu’aalse u soo qaaday ciidankii nabad ilaalin ee la keenay sanadihii sagaashameeyadii oo uu howlgalkooda noqday mid fashilmay, waxayna sheegeen in howlgalkaasi ay ku baxday lacag gaareysa Labo Bilyan oo Doolar.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana waxay soo jeediyeen in waqtigaan loo baahan yahay in dalka la keeno ciidamo shisheeye waxayna iyana sabab uga dhigeen maadaama Ummadda Soomaaliyeed aysan waqtigaan is aaminsaneyn loo baahan yahay koox saddexaad oo hubka loo dhiibo, halka kuwo kale ay sheegeen in ciddii go’aamisa in dalka la keeno ciidamo shisheeye mar un lala xisaabtami doono wixii dhibaato ah ee ka yimaadana iyagu dusha u ridan doonaan.

Shalay oo la filayay in cod loo qaado keenista ciidamo shisheeye ayaa dib loo dhigay, waxaana la filayaa in maanta cod loo qaado, iyadoo ay ka maqan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo gabagabeysey ..

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gebagabeeyay siminaar socday mudo saddex maalmood ah oo ay soo qaban-qaabisay xarunta Ismaaciil JImcaale oo inta badan ka hadashada ama uruurisa tacadiyada ka dhaca wadanka.

Simaarkaan oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxay ku baranayeen sidii bulshada Soomaaliyeed u dhowri lahaayeen Xaquuqda Aadanaha, sidoo kale waxay ku baranayeen arrimo la xiriira dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Ugaas Bashiir oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii Siminaarkaasi ayaa u mahadceliyay Xarunta Ismaaciil Jimcaale, isagoo sheegay in wixii halkaan ku barteen ay u gudbin doonaan bulshada Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Maryan  Xuseen Owreeye oo ah gudoonka xarunta, waxayna sheegtay in haddii la dhowro Xaquuqda Aadanaha ay wax walba hagaagi karaan, hana noqoto dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxay kaloo sheegtay in sababaha loo qabtay Siminaarkaani uu yahay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa Xaquuqda Aadanaha.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
13 Jun 2006
 
Gumaysiga Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.
 
Jaaliyadda Ogadenya ee Koonfur Afrika oo shir isugu timid.
 
 Jabhadda EPPF oo ciidammo Itoobiyaan ah caydhis ku galisya Suudaan.
 
Maraykanka oo qabanaya shir caalami ah oo Soomaaliya ku saabsan.
 
 
======================   
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay qorteen boqollaal qof oo jaajuusnimo ugu shaqeeya, kuwaasoo la doonayo inay la shaqeeyaan qaybaha sirdoonka ee ciidammada gumaysiga, isla markaana ay u soo sheegaan dadka taageera ama ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Jaajuusiintan cusub ee la qoray, waxay sidoo kale la shaqaynayaan ragga gumaysiga u adeega ee ka tirsan maamulka Kilil ku-sheegga Soomaalida. Jaajuusiintan ayaa la sheegayaa in laga soo xulay qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhan, sida dadka ku shaqeeya meheradaha ay ka midka yihiin baalashka, biya-dhaaminta, wadayaasha tagaasida iyo xoogsatada caadiga ah, waxaana la sheegayaa in jaajuusiintan cusub ee la qoray ay tiradoodu gaadhsyo 600 oo qof.
 
Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa si wayn u kordhisay argagixinta dadwaynaha. Waxaa dadwaynaha loo xidhxidhaa si xad ka bax iyadoon loo sheegin denbiyada loo haysto, waxaana qorshaha ugu jirta inay layso dad badan oo bulshada dhexdeeda magac ku leh, si ay dadwyanaha baqdin ugu riddo. Arrintan ayay xukuumadda Itoobiya billowday, ka dib markii ku guul darraysatay dagaalka ay kula jirto ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
 
Jaaliyadda Ogadenya ee Koonfur Afrika oo shir isugu timid.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 11.06.6006 waxaa gobalka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay shir ballaadhan oo ay isugu timid Jaaliyadda Ogaadeeniya ee dalka Koonfur Afrika. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan waxaa warbixin dheer oo meelo badan taabanhaysa ka jeediyay Mudane Cali Axmed Xuseen oo ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee JWXO.
 
Mudane Cali dheere ayaa si waafi ah uga warbixiyay ololaha millatari ee ciidammada gumaysigu ka wadaan dalka Ogaadeenya, wuxuuna sheegay in ololahan millatari ay xukuumadda Itoobiya seddex arrimood uga jeeday. Inay ugu googol-xaadho sharikadaha shidaalka ee ay heshiiska kula gashay inay Ogaadeenya ka soo saaraan shidaal iyo gaas dabiici ah, iyo inay caalamka tusto inay wali leedahay awood millatari oo ay ku muquunin karto ciddii ka hortimaado, iyo ugu denbayntii inay kordhiso cadaadiska iyo cabidhinta ay ku hayso dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya, si ay u qab-jabiso, isla markaana ugu qasabto inay dhimaan taageerada ay u hayaan halganka hubaysan ee ay hormuudka ka tahay JWXO.
 
Mudane Cali dheere wuxuu sidoo kale ka xogwarramay Isbahaysiga Xorriyada iyo Dimuqraadiyada ee JWXO xubinka ka tahay ee dhawaan lagu asaasay dalka Holland. Wuxuuna caddeeyay in ku biirista Isbahaysigani ayna ka dhignayn in JWXO ka tanaasushay mabaadii’deedii ahayd halganka xornimo doonka, balse uu Isbahaysigu yahay oo kaliya aalad loo adeegsanayo fududaynta ridista maamulka Wayaanaha ee dalka Haysta, isla markaana ay mabaadii’da asaasiga ah ee Isbahaysiga ku jirto inaan uruna lagu faragalinin xeerarkiisa iyo barnaamijyadiisa siyaasadeed iyo waliba qaabka uu u fulinayo barnaamijyadiisa.
 
Ugu danbayntii wuxuu xubnaha Jaaliyadda Koonfur Afrika ku guubaabiyay inay sii xoojiyaan taagerada ay u fidiyaan ciidammada xaq u dirirka ah ee JWXO ee dagaalka xornimo raadinta ah kula jira ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Jabhadda EPPF oo ciidammo Itoobiyaan ah caydhis ku galisya Suudaan.
 
Jabhadda la dagaallanta maamulka Wayaanaha ee Addis Ababa ak taliya ayaa sheegtay inay jab wayn u gaysatay ciidammada Wayaanaha ka dib markii ay weerar ku qaaday fadhiyo ay ku leeyihiin woqooyiga galbeed ee dalka Itoobiya, sidaas waxay Jabhaddu ku sheegtay bayaan ay toddobaadkii hore soo saartay.
 
Jabhadda EPPF waxay bayaankan ku sheegtay inay weerar ku qaaday xero ay ciidammada Wayaanuhu ku lahaayeen meesha lagu magacaabo Owara oo ku taalla woqooyiga galbeed ee Itoobiya. Bayaanku wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidammadii xeradaas ku sugnaa ay kala firxadeen, isla markaana uu firxadkoodii galay xadka Suudaan.
 
Jabhadda EPPF waxay bayaankan ku sheegtay in ciidammadii Wayaanaha ee xeradaas fadhiyay ay cagohooda miciinsadeen, isla markaana orod ku galeen xadka Suudaan.
 
Jabhadda EPPF ayaa baryahan denbe xoojisay hawlagallada ka waddo nawaaxiga Gonder iyo Gojam, waxayna waddaa olole ay dadka meelahaas deggan ku wacyi galinayso, isla markaana ku abaabulayso, si ay gacan ugu siiyaan dagaalka hubaysan ee ay kula jirto maamulka Wayaanaha.
 
Maraykanka oo qabanaya shir caalami ah oo Soomaaliya ku saabsan.
 
Dawlada Maraykanka ayaa qabanqaabinaysa shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay ka soo qayb galayaan wadammo kala duwan iyo ururro caalami ah, sidaas waxaa isniintii shaaca ka qaaday afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka.
 
Shirkan ayaa la qaban doonaa maalinta khamiista ah ee bisha Juun 15-ka tahay, waxaana lagu qaban doonaa magaalada New York, wuxuuna afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanku sheegay in dawlada Maraykanku ay wali ka shaqaynayso liiska dalalkii sida rasmiga ah shirkan uga qayb gali lahaa iyo kuwa goobjoogayaasha ka noqonaya.
 
Shirkan waxaa guddoomin doontaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Jandayi Frazer. Wadammada uu Maraykanku ilaa iyo hadda uu xaqiijiyay inay shirkan ka soo qayb galayaan waxaa ka mid ah Britain, Talyaaniga, Swedan, Norway iyo Tanzania. Waxaa sidoo kale shirka ka qayb gali doonta Qaramada Midoobey.
 
Maraykanku wuxuu sheegay inuu wali ka baaraan-degayo in shirkan ay ka soo qayb galaan wadammada Eritereya iyo Itoobiya iyo in kale.
 
 13 Jun 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bar

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 13, 2006

Sheekh Shariif “Wada hadal la Galimeyno Dowladda inta ay daba joogto.....”
»Caasho Axmed “C/llaahi Yuusuf waxa uu wadaa wixii...
»C/llaahi "Daacad" muxuu ka yiri is bedelka cusub ee ku soo..
»Maleeshiyada Muuse Suudi oo ka baxay Isbitaalka Keysanay
»Shirkada IBM oo maalgashi ku sameyneysa dalka India...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Jun 12

Sheekh Shariif "Lagama Fursanayo Dagaal Haddii aysan....."
»Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Isbedelka ka dhacay..
»C/llaahi Yuusuf “Beelaha Digil iyo Mirifle.u soo jeediyey in ay .”
»Hay’ado cambaareeyay dilkii loo gaystay Malaq Seemow..
»Ma dhabaa in MSN Messenger-ka uu lacag noqon doono.?
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Jun 11

Warbixin ku saabsan dagaalkii ka dhacay Baydhabo..
»Indha-Cadde “kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in..
»Saraakiil Mareykan ah oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo
»Dowladda Itoobiya oo si taxadar leh uga hadashey is....
»Beesha Gaal Jecel oo shaley Furatey Maxkamad Islaami ah
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jun 10

»Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»
Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA  | Cumar
»
Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno.... | Jaamac
»MUQDISHO WAA LOO YAABAA | C/laahi


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD