SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII: June 11, 2006

  • Sheekh Shariif “lagama fursanayo dagaal haddii aysan..”

  • C/llaahi Yuusuf “Beelaha Digil iyo Mirifle.u soo jeediyey in ay .”

  • Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Isbedelka ka dhacay..

  •  Hay’ado cambaareeyay dilkii loo gaystay Malaq Seemow..

  • Ma dhabaa in MSN Messenger-ka uu lacag noqon doono.?


Sheekh Shariif “lagama fursanayo dagaal haddii aysan..”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Midowga Maxaakiimta islaamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayin ay soo dhaweynayaan cid kasta oo talo wax ool ah ku dareysa xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan gobalka Banaadir, mar wax laga weydiiyay waxa laga yeelayo Hogaamiye kooxeedyada weli ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxa uu yiri “waxaan u dirnay beelahooda ayaga ayaana ka war sugeynaa haddii ay taa ku qanci waayaan lagama fursanayo dagaal”.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu beesha caalamka ka codsaday in ay taageeraan rabitaanka Shacaka Soomaaliyeed, waxaa kalloo uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay diyaar u yihiin ay la hadlaan cid kasta, ha noqoto Dowladaha Caalamka iyo Dowladda Federaalka.

Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan guulaha ay ka gaareen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka midowga Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka hadlayay xaflad lagu furayay maxkamad Islaami ah oo ay yeelaneysay beesha Gaal-Jecel ayaa waxa uu sheegay in hogaamiye kooxeeyadii ku haray magaalada Muqdisho haddii aysan soo wareejin hubkooda ay barahooda ugu tagi doonaan, isagoo sheegay in ay ka war sugayaan beelaha ay ka dhasheen.

C/llaahi Yuusuf “Beelaha Digil iyo Mirifle.u soo jeediyey in ay .”

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo gurigiisa ku qaabilay Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa kulankaasi looga hadlay wax-yaabihii maalintii doraad ahayd ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Odoyaashii iyo Waxgaradkii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay Madaxweynaha u gudbiyeen fariin ah in ay aad uga xun yihiin wixii ka dhacay magaalada Baydhabo.

C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in Beelaha Digil iyo Mirifle looga baahan yahay in ay ka hor tagaan kuwa diidan in deeganadoodu noqdaan kuwo xasiloon, waxaa kaloo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan siin doonto cid kasta oo nabad ku soo dabaaleysa magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay tahay xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in uu aad uga xumaaday dagaalkii yaraa ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxay ahayd diyaaraddii ka soo degtay Garoonaka diyaaradaha ee…?

Waxaa shalay subaxnimadii magaalada Jowhar ka soo degtay diyaar yar, waana markii ugu horeysay kaddib markii ay dhaceen dagaaladii Balcad ay diyaarad noocaan oo kale ah ka soo degato garoonkaasi.

Diyaarada oo ay isku gadaameen ciidamo aad u xoogan ayaa waxaa laga qariyay saxaafadda, balse warar ayaa waxay sheegayaan in diyaaraddu ay qaaday xubno ka tirsan Isbahaysiga oo maalmahan ka sugnaa magaalada Jowhar.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in diyaaradani ay ahayd diyaarad sahan ah oo tijaabo ah, waxaana la sheegay in ay hordhac u tahay diyaarado kale oo maalmaha soo socda ka soo degi doona garoonkaasi.

Diyaaraddii shalay ka soo degtay garoonka Jowhar ayaa waxay ka dhega-fureysatay digniintii ay Midowga Maxaakiimtu soo jeediyeen taasoo ahayd in aysan wax diyaar ah ka soo degin garoonkaasi.

Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa iyagu kaabiga u saaran Magaalada Jowhar, halka kuwa ka soo horjeedana ay iyana ku jiraan difaac, hase yeeshee afhayeen u hadlay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa sheegay in aysan Maxaakiimtu ku talajirin in ay wax weerar ah ku qaadaan magaalada Jowhar.

Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Isbedelka ka dhacay..

Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay is bedelka magaalada Muqdisho kaddib markii magaalada looga akdaaday isbahaysigii isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada.

Ururka Midowga Afrika waxa uu sheegay in is bedelkaasi uu noqdo mid bulshada Soomaaliyeed u horseeda nabad iyo dib u he-shiisiin si loo dhameeyo dhibaatadii Soomaaliya ka taagneyd 16 sano ee ugu dambeeyay.

Ururku waxa uu u soo jeediyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in ay wada hadal la furaan Dowladda Federaalka si loo helo Qaran Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyay aysan helin qaran hantiya dhamaan dalka oo dhan.

Dhinaca kale Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna si weyn u soo dhaweeyay is bedelka weyn ee ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaddib markii magaalada laga saaray kooxihii dagaal oogayaasha ahaa.

Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu u soo jeediyay kooxaha gacanta ku haya magaalada Muqdisho in ay wada xaajood la furaan Dowladda Federaalka si halkaasi uga baxdo shakiga iyo mugdiga ku kala dhex jira labada dhinac, waxa uuna Ururku sheegay in soomaaliya ay siin doonaan gargaar.

Hay’ado cambaareeyay dilkii loo gaystay Malaq Seemow..

Hay’adda Dhowrista iyo Horumarinta Soomaaliya ayaa cambaareysay dilkii loo gaystay Malaaq Seemow Cabdi Karuun oo ahaa Malaaq si weyn looga yaqaanay deegaanada Bay iyo Bakool, isla markaana waxa uu ahaa malaaqyada u ololeeya dhinaca Nabadda, waxaa kaloo dilkaan cambaareeyay Haya’-adaha Xaquuqda Aadanah Wanla-weyn Humarn Rights iyo Khaliif Huudow , waxayna iyana ku tilmaameen mid ka baxsan Bini’aadannimada, waxayna dhamaantood u soo jeediyeen dhinacyda isku haya magaalada Baydhabo in xaaladda dejiyaan wixii khilaaf ahna ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Waxaa kaloo iyana dilkaan cambaareeyay Hay’-adaha Xaquuqda Aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale iyo Elman iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa shareecadda Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha qodobkiisa saddexaad oo leh “Qof walba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo, sidoo kale Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa iyana si aad ah uga xumaaday qalalaasihii ka dhacay magaalada Baydhabo, waxayna sheegeen in aysan marnaba ogolaan doonin in fal noocaan oo kale ah ka dhaco Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ma dhabaa in MSN Messenger-ka uu lacag noqon doono.?

Waxaa in dhawaaleba soo badanayey emailo dad faro badani ay isku dirayeen oo sheegayey in uu qof kasta uu u diro emailka 18 qof oo kale, ayaa noqotay hadal heynta ugu badan oo ay dad badani is weydiiyaan ka dib marki lagu sheegay in uu MSN Messenger ku noqon doono summerkaan aanu ku jirno lacag islamarkaana looga badbaadi karo in uu qofta kasta uu diro 18 email.  

Arintaan markaan dabo galnay waxaa soo baxday inaysan sal iyo raad toona laheyn ay tahay uun dad kooban oo faafiyey arintaan, cadeemooyinka aan heyno waxaa ka mid ah. 

  1. Microsoft waxay tartan weyn oo aysan filaneynin kala kulantay shirkadaha sida Yahoo iyo Google, ka dib marki ay soo saareen email qaadkiisu uu aad u weyn yahay isla markaana ay soo sareyn Messenger ka tayo fiican kan Microsoft, oo leh Phone calling PC-to-PC, taasoo keentay in markaliya Microsoft ay weysay customers faro badan oo ku xidhnaa.
  2. Microsoft si ay taasi ooga hortagto waxay soo saartay LIVE series, oo ka kooban Windows Mail Live, MSN Messenger Live, (www.live.com  ayaad ka arki kartaa tafaashiisa arintaan), Isla markaana ay u soo jiidan laheyd customerskii horey ooga tagay.

Microsoft oo caan ku ah sameynta barnaamijyada computerka ayaa hada soo sareyso MSN Messenger Live -BETA- oo hada hawada ku jiro si tijaabo ah, hadi ay tani ku guuleysato waxay noqoneysaa in uu noqon doono mid aad u tayeysan kana tayeysan midka hada jire ee Messenger 7.5. 

Sidaas darteed, waxay ila tahay haatan inaysan Microsoft ka dhigi doonin lacag Messenger LIVE ama kan iminka taagan ee ah 7.5.

Ayanle yare
Computer Science
Univerisity of Karachi,
ayaanle@gmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Jun 11, 2006

Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo..
»Indha-Cadde “kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in..
»Saraakiil Mareykan ah oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo
»Dowladda Itoobiya oo si taxadar leh uga hadashey is....
»Beesha Gaal Jecel oo shaley Furatey Maxkamad Islaami ah
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jun 10

»Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»
Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA  | Cumar
»
Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno.... | Jaamac
»MUQDISHO WAA LOO YAABAA | C/laahi


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD