SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad) 

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com
 

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad


 

Qormadaan waxaan ku qaadaa-dhigi doonnaa dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee afartii bilood ee ugu dambaysay ku soo kordhay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan bulsha weynta Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah xoogga u saari doonnaa siyaabaha ugu habboon ee looga miro dhalin karo guulaha waaweyn ee u soo hoyday Soomaalida. Waxaan kale oo fiiro gaar ah ku eegi doonnaa khataraha ku soo fool leh dadkeenna marxaladdaan gaar ahaan reer Muqdisho iyo siyaabaha looga gudbi karo khatarahaas. haddii Alle idmo.

Qormadu waxay ka koobnaan doontaa:

1.    hordhac ka hadlaya Muqdisho wixii ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay.

2.    Maxaa la gudboon Maxaakimta Ialaamiga ah? oo ka koobnaan doonta tillaabooyin ay tahay in ay maxaakimtu deg deg u qaadaan iyo qorshaha waqtiga dheer.

3.    Maxaa la gudboon dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho.

4.    Waa maxay xilka saaran dawladda ku meel gaarka ah xilligaan.

 

Hordhac

 

          Magaalada Muqdisho waxay muddo dheer la taahaysay mashaakil is dabajoog ah oo sida hirarka badda qofka midiba midda kale u dhiibayso.  Mashaakilka ku habsaday bulshaduna meelna ma dhaafin, mana lahayn meel looga boxo ee meeshii miciin la bidaba way ka darnaanaysay tii laga soo cararay. Dilka, boobka, kufsiga, barakicinta, qafaalashada iyo in dadka loo beecgeeyo gude ama dibad waxay noqotay dhacdooyin dabiici ah oo ninkeed dhiba ah, bulshaduna aysan inta badan juuq ka oranayn iska waraysi uun mooyee.

 

Yaa ka dambeeyay mashaakika haysta bulshada?

 

Dhibaatooyinkaas kala jaadka ah waxaa cirbixiyeenno iyo horseedba ka ahaa ma naxayaal diirato ah oo aan bulshada kaga tagin feen iyo dhuux toonna. Nimankaas waxay bulshada u muujiyeen in ay xaqooda u soo dhicinayaan, dantoodana ka shaqaynayaan, markaas ayaa dadweynuhu u dhiibeen furayaashii oo dhan iyo wax kasta oo ay haysteen (ubad, maal, hub, magac, mansab iyo taloba), ka dibna wixii oo dhan waxay u isticmaaleen silicdilyaynta iyo ihaanaynta dadkooda.  Dhab ahaan waxaa la oran karaa dadka Muqdisho ku dhaqani waxay nimankaas ula mid ahaayeen tiro ari ah oo u xeraysan oo ay qaar maalaan, qaybna qashaan, barna beecsadaan, kuwana rartaan ama fuulaan. Dadweynuhu waxay aad u qaayibeen dulmiga, ciddii ka hadashana dulmanayaasha oo dhan ayaa ku qaylinaya oo ku oran: war naga daa iyo war naga sii, maxaa yeelay waxay caadaysteen in haddii daalimiinta  say rabaan loo yeeli waayo ay tacshiirad oodda uga qaadaan, dibna aan la isu waydiin inta dhimata iyo inta dhaawacanta toonna. Kii ka danqada dulmiga ama yiraahda rarka iga kala dhima waxay ku dalbanayeen kuwo garaashyada lagu calfiyo, si wacanna loo jarabaray oo ninkii dullinimada ka gilgisha u arkaya daalin ay tahay in  kafantiisa la soo jaro isaga oo nool. Waxaad mooddaa in ay bulshada Muqdisho isu kaashanaysay sidii ay cabiidsiga ugu sii jiri lahayd, maxaa yeelay haddii cid uun ay u qalab qaadato in daalimiinta laga hortago kuwii la caddibayay laftooda ayaa naf iyo maalba ku furan oo ku jihaadaya dadkii dulmiga iga daa yiri. Nin walba oo dadka halakeeyay wuxuu ka dhashay qabiil uun, haddii qolo walba kaayaga la taaban mayo tiraahdo waxay la mid tahay iyaga oo dhan ha inoo joogeen ee inoo daaya.

 

Dadaalladii loo galay cayminta bulshada iyo hagardaamooyinkii lagala horyimid

 

Xilliyo kala duwan ayaa Rabbi waafajiyay culimada iyo waxgaradka kale in ay dadkooda meesha lagu badbaado ula cararaan waa xagga diinta Alle'e. Mar walba oo la fuliyo wax ka mid ah shareecada, dadkuna nafisaan  waxaa wiiqayay nacabkii dadka u diiday naf iyo nololba oo naseex isaga dhigaya. Maxkamaddii Sh. Cali dheere madaxda ka ahaa ee xaafadaha woqooyi ee Muqdisho badbaadisay waxay eersatay Cali Mahdi iyo Maanafaystadiisii. Maxkamadihii koonfurta Muqdisho nabadeeyay, Sh/hoosana caymiyay waxay ku magacyeesheen C/qaasim iyo Carte. Bulshadaan waxaa maalin walba laga qaniinaa hal god, sababtuna waxaa weeye iyaga oo ku kadsooma kuwa hadba ka hor muuqda iyo iyaga oo aan ku cibro qaadan wixii la soo maray. Bal eeg sida uu ahaa mawqifka bulshadu markii xukuumaddii hantiwadaaggu har cad toogatay culimadii dalka, qaybna xirxirtay iyo markii har cad la buburiyay maxkamadihii dantooda ka shaqaynayay.

 

Aasaaskii maxkamadahaan cusub

 

 Markii ay soo xirmeen irdihii dawladnimo, oo ay beenoobeen ballanqaadyadii kuwa dumiyay dalka iyo diinta ayaa waxaa ka aloosmay Muqdisho maxkamado islaami ah oo ku isman qabaa'ilka qaarkood, kuwaas oo ay hoggaaminayaan culimo iyo ducaad taageero ka helaya ganacsatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed. Ka dib waxaa lagu guulaystay in la  unko dallad midaysa maxaakimtaas oo lagu magacaabo Midowga Maxaakimta Islaamiga ah. Midowgu wuxuu u kordhiyay maxkamadaha sumcad, taageero, awood iyo kalsooni dheeraad ah. Waxay maxkamaduhu qaadeen tillaabooyin ay wax kaga qabanayaan amni xumada iyo dulmiga, waxayna qayb weyn ka qaateen fidinta iyo ilaalinta diinta, taas oo ay ku muteen taageerada dadka ahlu diinka ah iyo dhammaan dadweynaha. Markii maxkamaduhu ku guulaysteen in ay hor istaagaan wax badan oo ka mid ah dulmigii iyo xadgudubyadii lagu hayay bulshada, ayna noqdeen cod u hadla dadka, diinta, dalka iyo danta guudba waxaa arrintaas ku margaday Mulkiile-yaashii dadkaan manaafacaadsan jiray oo u arkay in maalkoodii iyo mooradoodii loo soo dhacay. Waxaa kale oo walwalka iyo murugadu ka meel waayeen Maraykan iyo Xabashi oo maatidaan si doqon ma garato ah u middi-raacinayay una mayd-garaacayay muddaba, iyaga oo marna midigtooda ku mirjinayay, marna u soo marayay kuwaan la midabka iyo afka ah.

 

Aasaaska maxkamadahaani wuxuu ku soo beegmay xilli aysan dadka ka hormuuqan amal badbaado oo kale, isla markaana ay in badani ku waayo-arkeen wixii la soo maray. Taas waxay keentay in ay socon waayaan isku dayo badan oo lagu doonayay in maxkamadahaan si dhagar iyo mu'aamaro ah lagu burburiyo. Markii ay socon waayeen xeeladihii maldahnaa ee lagu wiiqi jiray bulshadaan iyo diinteeda ayay labada dhinac ku wada qaadeen maxkamadaha iyo inta taageersan dagaal bareer ah oo af iyo addinba leh.

 

Aasaaskii Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada

 

 Waxaa lagu dhawaaqay aasaaska: (Isbahaysiga soo celinta nabadda iyo la dagaallanka argagixisada) oo si xamaas iyo firfircooni leh u bilaabay in uu caddeeyo xubnihiisa, ahdaaftiisa iyo hababka ay u hirgalinayaan ahdaaftaas. Waxay kale oo  toos u caddeeyeen in ay ku qaadayaan dagaal af iyo addin ah: a) kuwa doonaya in ay diinta wax ku maamulaan b) argagixiso ajnabi ah c) kuwa haya oo ilaalinaya argagixisada, kuwaas oo haysta warshado, dakado, garoomo diyaaradeed iyo shirkado isgaarsiineed   d) kuwa baddalay manaahijta waxbarashada ee haysta jaamacadaha iyo iskuullada e) kuwa Wahaabiyada ah oo diinta baddalaya f) Al- Itixaad g) Al-qaacido h) kuwa ku soo tababartay Afgaanistaan h) maxkamadaha islaamiga ah. Isbahaysigu waxay sheegeen in ay la dirirayaan dad argagixiso caalami ah oo waxyeelleeyay Maraykanka iyo Yuhuudda, nimankaas oo dunidu baadigoobayso, iyagana loo soo diray inay soo qabqabtaan. Waxay kale oo sheegeen in Maraykanku xaq u leeyahay in uu ka aarguto dadkii dhibaatada ugu agystay Soomaaliya. Isbahaysigu iskuma dayin in ay raacdaystaan dhawrka nin oo magacyadooda iyo masawiradooda loo soo dhiibay oo dambiilayaasha lagu sheegay, maxaa yeelay waa wax aan jirin, cidina wax aan sal iyo raad lahayn lama diriri karto, wuxuuse isbahaysihgu si hagar la'aan ah madaafiic iyo gantaallo ugu garaacay xaafadaha kala duwan ee Muqdisho, taas oo caddaynaysa in loo soo diray xasuuqa iyo dabargoynta maatida reer Muqdisho oo ay awal hal siib iyo xantoobaysi ku warjeefayeen. Dadka iyo hay'adaha  ay sheegeen in ay la dagaallamayaan waa inta diinta iyo maslaxadda ummadda ka shaqaynaysa. Tusaale ahaan: faafinta iyo barista diinta, sare u qaadista aqoonta bulshada, sugidda amniga iyo la dagaallanka dulmiga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida: Airport-yada, dakadaha, isgaarsiinta, warshadaha iwm oo ay sheegeen dhammaan in ay yihiin argagixiso.

 

Akhri Qaybta 2aad... GUJI....

 

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD