SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 2aad) 

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com
 

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad


Dadweynaha Muqdisho oo dhab ahaan wacyigooda iyo aqoontooda diineed sare u kacday, isla markaana ka ambaqaadaya waaya-aragnimadoodii hore, si wacanna u weeleeyay weedha Isbahaysigu ku tiraabeen, ishana ku haya xiriirka ay la leeyihiin cadawga ummadda, si qummanna u jirrabay daacadnimada iyo waxtarka maxaakimta ayaa sameeyay kacdoon xooggan oo ay ku taageerayeen maxaakimta iyo culimada. Kacdoonkaas oo lagu tilmaami karo ciidda oo dhaqaaday wuxuu cagaha dhulka uga qaaday Isbahaysigii Ashahaado la dirirka oo wax aysan ka filayn ay xaska uga soo bexeen. Shaydaankii soo dagaal-galiyay markii uu ku hubsaday halaag aan ka daba-tag lahayn ayuu  ka bari noqday. Dadweynuhu waxay cabbireen dareenkooda iyo mawqifkooda, iyaga oo u qaybsamay: mid dagaallama, mid hub keena, mid xoolo geeya, mid dhaawaca daweeya, mid bulshada ka difaaca marin-habaabinta ay ku wadaan, mid soo abaabula qabaa'ilka, mid dhaqaale soo uruuriya, mid xog keena, mid raashinka karisa iyo mid keenta. Waxaa yaab lahaa ducada masaajidda iyo dugsiayada ka baxaysay oo xataa ubadka yaryari isku dhex-wadaan in ay habaaraan Ashahaado la dirirka iyo in ay u duceeyaan Ashahaado u dirirka.

Hiilka Alle iyo jabkii Isbahaysiga

                    Goob kasta oo labada isbahaysi isku holliyaanba waxaa Rabbi samada ka soo dajinayay NASRI deg deg ah. Waxaa ilaa iyo hadda laga sifeeyay Isbahaysigii Ashahaado la dirirka goobihii ugu muhiimsanaa ee ay ka fadhiyeen magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad. Waxaa gacantooda ka baxay: 1- dhammaan deegaanka bari ka xiga degmada Kaaraan oo ahaa dhul muhiim ah (Airpot-ka Cisaley, dekadaha C/macaan iyo C/cadde, waddooyinka u baxa xeebta). 2- suuqa xoolaha iyo dhulka ku dhow. 3- degmada balcad. 4- degmada Dayniile 5- qaybo ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Madiina oo ay horay u dagganaayeen, sida: KM4, Soobbe, Airport-kii weynaa, B/xuubeey iyo Villa Baydhabo. Waxa dhimmanna waxaa la rajaynayaa in ay si dhib ayr oo aan dagaal dhicin in ay uga baxaan, hubkana soo wareejiyaan. Guulaha waaweyn oo la gaaray waxaa weheliyay:

1.    Khasaaraha Ashahaado u dirirka oo aad u yar marka la barbar-dhigo kan Ashahaado la dirirka.

2.    Dhaawacyada Ashaahdo la dirirka oo aad inta badan u wada ahaa halis, halka Ashaahdo u dirirka inta badan dhaawocoodu fududaa.

3.    Goob kasta oo dagaal wayni ka dhoco waxaa Maxaakimtu qabsanayeen hub isugu jira tekniko, qoryo fudud iyo rasaas.

4.    Inta badan dagaalladii dhacay waxay Maxaakimtu ku qabsadeen dhul muhiim ah oo ay Ashahaado la dirirku fadhiyeen.

5.    Dagaal kasta oo dhaca waxay ka qaadayeen Ashaahdo la dirirku niyad jab iyo is nac, halka Ashahaado u dirirku ka helayeen goob kasta isku kalsooni, niyad sare iyo is jacayl.

6.    Goob kasta waxay dhimaysay shacbiyadda iyo taageerada Ashahaado la dirirka, halka Ashahaado u dirirka ay soo kordhaysay shacbiyaddooda iyo taageerada ay ka helayeen bulshada gudo iyo dibadba.

7.    Ilaahay wuxuu ku riday madaxda iyo askarta Ashahaado la dirirka cabsi iyo argagax ilaa ay gaareen heer dhulku qarin waayo oo sharqantii yeertaba ay u qaataan wadaad soo gurguuranaya oo godka dhexdiisa ku ceejin doona. Dhanka kale waxaa Rabbi ka saaray quluubta dadka cabsidii ay ka qabeen Ashahaado la dirirka oo dhab ahaan haystay hub iyo ciidan aad u farabadan, laguna yaqaanay arxan la'aan.

                  

Asbaabta keentay guulahaan waawen

 

          Guushan waxay dadweynaha reer Muqdisho ku heleen fadli Ilaahay iyo naxariistiisa, taas oo keenaysa in ay Allaah uga shukri-naqaan sharka uu ka badbaadiyay iyo khayrka uu u soo hoyiyay. Iyada oo guushu ku timid fadliga Alle uun, haddana wax kasta Rabbi wuxuu u yeelay asbaab. Haddaba waa maxay asbaabta inoo muuqan karta oo Ilaahay ina ku siiyay guushaan?.

1.    Ilaahay wuxuu ballanqaaday in uu u hiilliyo Rusushiisa iyo muminiinta. Cidda uu u hiilliyona qofna kama adkaan karo.

2.    Ilaahay wuxuu difaacayaa mu'miniinta.

3.    Qofkii la dagaallama mid ka mid ah awliyada Ilaahay (waligu waa mu'min Alle ka cabsada), Rabbi wuxuu ogaysiiyay in uu la dagaallamayo. Nimankaani waxay colaadinayeen awliyada Ilaahay muddo dheer, isaguna intaas isaga oo u jeeda ayuu u sugayay, maantana wuu qabtay, Ilaahayna qofkuu mar qabto ma fakiyo.

4.    Nimankaan oo dhowr iyo toban sano uruursanayay hub iyo ciidan ay ku cadaadiyaan masaakiinta, muddadaasna say doonaan ka yeelayay bulshada oo aan cidina u soo raacan jirin, ayay la noqotay in aan cid ka awood rooni jirin, siday u dheheen reer CAAD: (yaa annaga naga xoog roon?).

5.    Nimankaani waxay dabada la galeen Maraykan oo ay u qabeen in aysan jirin cid awood ku dhan, ninkii uu la jirana in aan laga guulaysan Karin marnaba, waxayna jaahil ka ahaayeen in Allihii iyaga abuuray uu ka awoodbadan yahay. Alle wuxuu tusay nimankaan iyo intii la safatayba in uusan fakan Karin nin Rabbi soo qabanayo, isla markaana aysan jirin cid ka difaaci karta dagaalkiisa.

6.    Waxay la noqotay nimankaan in aysan jirin cid Soomaali difaacaysa oo ay yihiin dad sidii la doono laga yeeli karo, waliba lacag, hub iyo ammaanba lagu helayo dilkooda iyo dibindaabyayntooda. Marka Ilaahay wuxuu tusay in ay leeyihiin cid u hiillisa oo aan laga adkaan karin.

7.    Waxaa ka hortagay dad Alle yaqaan oo weesadu xubnohooda ka qoyan tahay, naftoodana u huray difaaca diinta iyo dadkeeda, iyaga oo og in nimankaasi ka badan yihiin hub, ciidan iyo dhaqaalaba, waliba iyaga oo og in gaalkii waynaa iyo kuwa kaleba ay la safan yihiin. Dadakaas waxay isku hallaynayeen Alle weyne oo ninkii talada u dhiibta oo isku halleeya ku filan, wuuna ku filnaaday. Dhinaca kale waxaa u dagaallamayay dad Alle ka dheeraaday oo daroogo lagu soo dagaal galiyo, gaalaa ina la jirtana lagu geesinimo galiyo, garkaan ka rifaynaa iyo xijaabkaan ka gubaynaana lagu guubaabiyo.

8.    Maxaakimta iyo inta la safnayd waxay difaacayeen diintii iyo dadkeedii oo lagu soo duulay, waxayna ahaayeen dulmanayaal, ahlu xaq ah, Alle-na xaqa iyo ehelkiisaba wuu taageeraa. Halka Ashahaado la dirirku ka ahaayeen daalimiin baadil hirgalinaya, Alle-na xaqa ayuu gamaa, wuxuuna ku miskexeeyaa baadilka, waana sida hadda dhacday.

9.    Dadweynaha Muqdiho oo dulmigii soo karay oo hal mar u qarxay sidii baaruudda oo guuxooda iyo gilgiladkoodu saamayn ku yeeshay saaxooyinka dagaalka, ilaa ay mararka qaarkood gaartay in meeshii laga dagaallamayay dadweyne faramaran buuxshaan oo taageera uun u yimid.

10.                       Nimankaan iyo maxaakimta oo labadaba dadweynuhu xaqiiqadooda ogaadeen, taas oo keentay in ay kuwana caawiyaan, kuwana ka hiilliyaan.

 

AKHRI QAYBTA 3aad.....

 

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD