SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho: shalay, maanta iyo berri (Q. 5aad)

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad


Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel adag. Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley. Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com iyo bogag kale. Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray.

Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin). Afkaarta qormadu xambaarsan tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimman la wada faafiyo.

FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.


Muqdishooy maxaa kugu duugan?

Shareecada islaamku waxay u timid in ay xaqiijiso danaha addoomada, ayna ka difaacdo fasaadka. Haddii la awoodi waayo in la wada fuliyo danaha addoomada ama la awoodi waayo in la wada hor istaago fasaadka, waxaa waajib ah in la xaqiijiyo intii suuragal ah ee maslaxad ah, lana hor istaago intii suuragal ah ee fasaad ah. Tan kale Rabbi addoomada wuxuu ku kallifaa wax ay karaan (awoodaan) oo kaliya, mana saaro wax ka baxsan awooddooda. Haddaba maxaakimta islaamigu iyaga oo u socda in ay hirgaliyaan shareecada oo dhan ayaa laga yaabaa in ay wax badan awoodi waayaan. Dadweynaha Soomaaliyeed ee inta badan ku dhaqan dibadda ama gobolada ka fog Muqdisho oo ay yartahay xogta dhabta ah ee ay ka hayaan magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa in ay ka fishaan maxaakimta wax ka baxsan awooddooda, haddii laga waayana la tuhmo ama laga niyad-jabo. Si aysan taasi u dhicin waxaan qormadaan ku soo bandhigayaa wax ka mid ah arrimaha aan u muuqan qofka dibadda ka jooga; si uu taladiisa iyo qiimayntiisa ugu kaashado. Waxaan xogta ka dhigaynaa qodobbo:

1. Magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaali weyn. Waxaa ku nool Soomaali fara-badan oo isugu jirta kuwo u dhashay, kuwo ku dhashay iyo kuwo soo degay. Magaalada kama dhismin maamul la isku raacsan yahay tan iyo burburkii xukuumaddii hore. Muddadaas waxaa magaalada taladeeda gacanta ku hayay ururkii USC oo isagu ku guulaystay in uu rido xukuumaddii Max'ed Siyaad Barre bilowgii 1991kii. Ka dib markii hoggaamiyayaashii ururkaas dagaallo kala duwani dhexmareen xilliyo kala duwan ayaa ugu dambayn waxay talada magaaladu ku soo uruurtay hoggaamiyayaashii qabaa'ilka Hiraab (Mundulood, H/gidir iyo Duduble) iyo Murusade oo looga yaqaan Muqdisho: beelaha hubaysan. Halka qabaa'ilka kalena loo baxshay: beelaha aan hubaysnayn. Haddii cidi dhib gaysato inta badan waxaa loo filaa beelahaas, haddii la doonayo in dhibaatada magaalada ka jirta laga hortago ama magaalada hawl horumarineed laga qabto ama loo dhiso maamul waxaa laga warsugaa beelahaas.

2. Beelaha hubaysan ee magaalada taladeeda looga dambeeyo waxaa ka dhexeeya xafiiltan siyaasadeed oo soo if-baxa markii la yiraahdo waxbaa la dhisayaa ama la qaybsanayaa. Beelahaan (oo dabcan talada ay ka marooqsadeen qabqablayaashu) waxay ku guuldarraysteen in ay dhisaan maamul kala haga magaalada, maxaa yeelay qolo kasta waxay diidaysaa in reer hebel awood ku yeeshaan haddii talada loo daayo (cadyohow wallee ama ku cunay ama ku ciideeyay).

3. Qabaa'ilka aan hubaysnayn ee deggan magaalada waxay aaminsan yihiin in ay xaq u leeyihiin ka qeybgalka maamulkeeda, wayse ka quusteen in ay wax ka helaan inta xaal sidaan yahay. Mar haddii la jabiyay daalimiintii qabaa'ilkaasi waxay u hanqal-taagayaan in ay la sinmaan walaalohooda hubaysan.

4. Maxaakimta islaamiga ah ee ugu muhiimsan xagga awoodda iyo shacbiyadaba waxaa aasaasay qabaa'ilka hubaysan ee aynu soo qeexnay.

5. Maxaakimta islaamiga waxaa dhisay culimo, ganacsato iyo waxgarad ka tirsan qabaa'ilka loogu magacdaray. Taa macneheedu ma aha in qof kasta oo qabiilka ka mid ahi raacsan yahay maxkamadda tolkiis, taana waxaa daliil u ah in dhammaan xubnaha isbahaysiga la dagaallanka argagixisadu ku abtirsadaan qabaa'ilka aasaasay maxaakimta.

6. Maxaakimtu waxay huwan yihiin shaarka qabaa'ilka dhisay, waxayna qabaa'ilka ka haystaan taageero qolaba in ha gaartee, hase yeeshee Soomaalidu waxay taqaan dhaqan la yiraahdo hooyoo i sii oo macnihiisu yahay qofka qabiilku taageero waa in uu noqdo mid reerka uun u maqan. Haddii taa laga waayana waa: (saan kuugu lisay iigumaadan hambayn). Xilliyadii doorashooyinka Soomaalidu gali jirtay ninkii mar reerku codkooda siiyaan oo iyaga uun u adeegi waaya, mar labaad lama soo dooran jirin, waana tan keentay in dadkii diinta, waddaninimada iyo daacadnimada lahaa ay meesha ka baxaan.

7. Maxaakimta islaamiga shaqadooda ugu weyni waxay ahayd sugidda nabadgalyada, la dagaalanka burcadda iyo u garsooridda ciddii u soo gardhiibata. Tan kale maxaakimtu ma ay lahayn awood ay si buuxda ugu hirgaliyaan shareecada, tusaale ahaan may fulin jirin xuduudda maadaama aan loo aqoonsanayn suldo maamul, sidoo kale kama ay hortagi Karin dulmiga qabqablayaasha iyo dulmiga qabiilo wadato ee tuugada iyo burcadda ayay dadweynaha ka difaaci jireen.

8. Maxaakimta islaamigu waxay ku lahaayeen xarumo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, mana jirin dhul si gaar ah ay maxkamaduhu uga talin jireen laakiin deegaannada qabaa'ilka aasaasay maxaakimta ayaa u ahaa mandiqad ay ka hawlgalaan marka laga reebo deegaannada ay sida tooska ah u maamulaan xubnaha isbahaysiga la dagaallanka argagixisada.

9. Maxaakimtu waxay u hadli jireen danta guud, difaaca diinta iyo dalka, laakiin isuma ay dhigin hay'ad siyaasi ah oo si rasmi ah ugu taagan shaqadaas.

10. Gulufka colaadeed ee isbahaysigu kiciyay kuma gaar ahayn diinta, maxaakimta iyo culimada ee wuxuu kale oo salfaday shirkado ganacsi, warshado, hay'ado waxbarasho iyo qabaa'il. Taas oo markii si kale loo eego macneheedu yahay dagaal aan waxna reebayn, cidna daynayn.

11. Dagaalladii lala galay isbahaysiga waxaa ciidan ahaan uga qaybgalay ciidamadii maxaakimta, dad aad u fara-badan oo culimo ah, ganacsato, qabaa'il, jifooyin iyo dadweyne kale. Dadkaas waxay si wadajir ah u difaacayeen diinta, dalka iyo danta ummadda. Dagaalkaan waxa uu ahaa waxa culimadu ugu yeeraan: JIHAAD ALDAFCI oo ay tahay in si buuxda la isugu kaashado, waana jihaad ka duwan kan gaalada lagu raadsanayo. Qofka la dilo isaga oo difaacaya diintiisa, naftiisa, sharaftiisa ama maalkiisa waa shahiid sida Nabigu (SCW) yiri.

12. Dadka galay dagaalkaan waxay isku waafaqsanaayeen in cadawgaan ku soo duulay diinta iyo ummadda la iska difaaco. Laakiin wax kale oo ka dambeeya la isma warsan, mana la oga ilaa hadda in isku mawqif laga noqon karo waxa ka dambeeya jabka isbahaysiga.

13. Isbahaysigu waxay isticmaalayeen xeelado badan oo ay bulshada ku marin habaabinayaan, waxaana ka mid ahaa kicinta ficilada qabaa'ilka iyaga oo doonayay in ay qabaa'ilka taageerayay maxaakimta ka horgeeyaan kuwo kale. Waxay isku dayeen in ay qabiilka Murusade ku beer dulucsadaan idinkaa la idiin socdaa, ka dibna qabaa'ilka Abgaal ayay kula galgasheen idinkaa la idan barakicinayaa, ugu dambayntiina Sacad ayay isu soo oohiyeen. Isku dayadaas oo dhanna waxaa si xilkasnimo leh uga hortagay culimada, ganacsatada iyo cuqaasha qabaa'ilka la doonayay in la adeegsado.

14. Faqiihu ma aha ninka kala yaqaan khayrka iyo sharka ee waa kan kala yaqaan labada khayr kan khayr badan iyo labada shar kan shar badan. Maxaakimtu iyaga oo ka duulaya qaacidadaas fiqhiga ah, isla markaana og mustawaha wacyi ee bulshadooda, dareensan in awoodda millatari iyo dhaqaale ee isbahaysigu aad u weyntahay, kana digtoon in loo adeegsado dadkii ay difaacayeen, una toog-haya dhagarta xubnaha isbahaysigu maleegayaan ayay ku tillaabsadeen xeelad ay ku buriyeen sixirkii isbahaysiga ee ku dhisnaa iska hor keenka qabaa'ilka, waxayna ku tashadeen goob kasta oo laga raacdeeyo qabqable in loo dhiibo maxkamadda qoyska halkaas daggan; si looga badbaado in reerkaasi u arko in dhulkoodii cid kale qaadatay.

15. Guusha deg degga ah ee laga gaaray goobaha dagaalka iyo jabka siyaasadeed ee ku dhacay isbahaysiga midna ma ahayn wax lagu tashanayay ee wuxuu ku yimid si kadis ah oo aan waxa ka dambeeya loo diyaargaroobin.

16. Maxaakimta islaamiga ah iyo xulafadeeda uma diyaarsana dad isku darsaday aqoon diineed mid hoggaamineed iyo mid maamul oo ku filan baahida maamul ee dawlad goboleedka ay tahay in loo sameeyo Muqdisho iy labada Shabeelle iyo kan u gaarka ah gobolka Banaadir, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in dad badan oo culimo ah loo tababaro hawlaha loo baahan yahay, dad kale oo leh aqoon maaddi ahna la siiyo waxbarasho diineed.

17. Maxaakimta islaamigu waxay dadkeeda uga baahan tahay kaalmo dhaqaale oo joogto ah ilaa iyo inta ay yeelanayso ilo dhaqaale oo ku filan. Halka Maraykan, hay'adaha gaalada iyo kuwa kale ee maxaakimta la colka ahi qaybinayaan xoolo fara-badan oo laga yaabo in looga hortgayo maxaakimta.

18. Dadka ka qaybqaatay jihaadka lagu difaacayay diinta iyo dalka way tiro-badnaayeen, waxayna ka hawlgaleen dhinacyo kala duwan oo dhammaantood wada muhiim ah, sida: dagaalka, dhaqaalaha, siyaasadda, xiriirka bulshada, abaabulka, tawciyada iwm. Dadkaas qaar badan oo ka mid ah waxay la tahay in ay saldhig u ahaayeen hawlihii la qabtay, la'aantoodna aan wax weyn qabsoomeen, walina loo baahan yahay, sidaa darteed ay tahay in wax kasta laga weydiiyo talo oo aan la'aantood la tillaabsan. Dadkaas waxay la leeyihiin xiriirro dad kale oo ka baxsan inta wada hawlgashay, waxaana suuragal ah in ay ku leeyihiin saamayn xooggan.

19. Dadka ka qaybqaatay Jihaadka ama kuwa kale oo taageerayay way u danqadeen diintooda laakiin ka dhalanmayso in ay dhammaantood si buuxda ugu hoggaansamaan shareecada ama ay ka tagaan waxyaabo xaaraan ah oo ay caadaysteen ama xoolo ku helaan.

20. Bulshada Soomaaliyeed waxaa dilooday xanuun culus oo aysan marna daawo macquul ah u helin, xanuunkaas oo ka reebay asaaggood, waana cudurka qabyaaladda oo run ahaan daka oo dhan ku aasan. Haddii wax kiciya yimaadaanna culimo iyo caamo wuu wada saamayn. Culimada iyo ikhyaarta kalena kama khayr badna, kamana wanaagsana asxaabtii Nabiga (SCW) oo markii Yuhuud-ku akhriyay gabayadii ay isu tiriyeen barigii jaahiliga isku kacay. Haddaba arrin kasta oo qabaa'il soo dhexmarta, lana isku afgaran-waayo way kicisaa casabiyadda, waxayse u baahan tahay in si ikhlaas, aragti-dheer iyo xilkasnimo looga hortago.

21. Waxaa aad u biya-dhigay dadkeenna fawdo iyo kala dambayn la'aan, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Taas oo keenaysa in dadku dhibsadaan wax kasta oo nidaam iyo amar qaadasho ah. Xataa qofka weyn iyo kan ahlu-diinka ah way ku adag tahay.

22. Soomaalidu dhammaan way doonaysaa dawlad iyo nidaam, laakiin waa inuu noqdo:

a) mid xaqiisa u soo dhicinaya, xaqa lagu leeyahayna aan ka qaadayn.

b) Mid uu ku danaysto, dantiisa gaarka ahna aan ka hor istaagin.

c) Mid haddii ay isqabtaan uu ka awood roon yahay ama tolki ka celin karaan.

d) Mid isaga wax u qabta ee uusan isagu waxba u qaban.

23. Qabiilkii ama danaystihii waaya sida uu doonayo ma samrayee wuxuu isa sii taagayaa Adis ababa ama wuxuu xaqiijinayaa in Qaacido joogto dalka, kuwa u taliyana yihiin argagixiso. Tillaabada xigtana waa in uu xabashi iyo xoogaa tolkiis ah isku soo dhafo oo uu noqdo FAATIX weyn oo tolkii xoreeyay.

24. Dadweynaha Soomaaliyeed waxay soo mareen fitno weyn oo diintooda iyo dadnimadoodaba dhaawac weyn u gaysatay. Dadkii diinta la dagaallamay ama dadkooda gumaaday xilligii xukuumaddu jirtay, kuwii Xabashida u galay oo iyaga oo gaalada la safan ku soo duulay diintooda, dadkooda iyo dalkooda iyo kuwii xilliyadii dagaalka ahliga ahi socday wax kasta oo xun ku kacay in badan oo ka mid ah ayaa nool, oo aan wali ka toobad keenin jariimooyinkaas ay galeen, waliba qaar badani way ku faanayaan xumaantii ay galeen ee hore, kan iska daayayna waxaa laga yaabaa in uu ka caajisay ama maalkiisa ku mashquulay ee aanu isaga dayn Alle ka cabsi.

25. Dad badan ayaa haysta tixgalin gaar ah oo aysan bulshadu la wadaagin (IMTIYAAZAAT), sida: ku shaqaysi hanti guud ama mid gaar ah oo uusan doonayn in uu ka tanaasulo xilligaan, ama in aan loo raacan karin dhib uu gaystay oo naf ama maal ah, ama wuxuu ixtikaar ku haystaa khidmo uu dadka sidii uu doono ka yeelo, meel kale in laga keensadana uusan oggolayn iwm.

26. Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad fara-badan oo isugu jira siyaasiyiin, saraakiil sare, ganacsato waaweyn iyo kaabba mooryaanno calculus oo dhammaantood qabqablayaashii jabay quusiyeen, geedna ku xireen oo muddaba iska jiriqsanayay, immikana fursadi u muuqatay oo malabsi bilaabay, tusbaxa iyo salaadana aan ka marnayn.

27. Ummadda Soomaalida waxaa ku dhacay bur bur meel walba ka saameeyay oo ninkii aqoon lahaa, kii madax ahaa, kii maal lahaa iyo kii mudnaaba meel dayacan dhigay. Magaalada Muqdisho oo dadka caynkaas ahi ugu badan yihiin waxaa darbiyada yuurura odayaal macaluul iyo Dacdarro dilootay oo ahaan jiray dad ishu qabato, kuwo kalena waxay haystaan shaqooyin aan noloshooda kafayn Karin, raggaas waxaa u nasiib roon kan ilmihiisa qaar u dhoofeen oo xoogaa ay u soo balqiyaan. Taa waxaa u dheer diin yari oo dadkaas badankoodu horayna Alle uguma xirnayn, ka dibna ayaamihii wacnaa ee ay soo mareen ayay isku maaweeliyaan. Dadka qaar ayaa ku magacaabay raggaas: (waxaan ahaan jirey). Dadka noocaas ah oo baahidu dhulka dhigtay, diin qumman oo ilaalisana aan lahayn waxay diyaar u yihiin in ay u adeegaan cid kasta oo wax calaf ah u sheegta, bal si ay ciidda uga kacaan.

28. Dalka waxaa ka jira hay'ado sirdoon ah oo ay kala leeyihiin dawladaha danaha ka leh Soomaaliya, hay'ado UN-ka raacsan iyo kuwo NGO ah oo gaalo ah. Hay'adahaas oo dhan waxaa u qoran dad Soomaali ah oo u adeega. Waxaa kale oo ka jira ururro maxalli ah oo loo yaqaan ururrada bulshada oo dhammaan xiriir la leh hay'adahaas gaalada ah, xoolana ka qaata, haba ku kala duwanaadeen hawlaha ay u qabtaane.

29. Waxaa ka jira dalka xukuumad fadhiid ah oo waliba aan timeheedu meelna u wada xiirmin. Qaar badan oo ka mid ah culimada iyo waxgaradku waxay u arkaan in xukuumaddaani ka shaqaynayso danaha Ethopia ee aysan danta Soomaalidu qiime weyn ugu fadhiyin danaha Soomaaliyeed, waxaana xoojinaya arrintaas in madaxda dawladdu inta ay tagaan Adis ababa iyo Nairobi ka badan inta ay booqdaan dalalka muslinkoo dhan oo la isku daray. Dadweynaha badankooduna waxay aaminsan yihiin in shaqadeeda ugu weyni tahay inay dalka ka sifayso argagixisada caalamiga ah oo macneheedu yahay in islaamka laga sifeeyo. Waxay sheegtay dawladdu in ay xukuumaddu xaq u lahayd la dagaallanka argagixisada, Maraykankuna ay ahayd in uu iyada u soo maro ee aysan ahayn in uu kala xiriiro arrintaas isbahaysiga.

30. Waxay dad badan la tahay in DKMG tahay middi laba af leh oo dhinac walba kuu xiiraysa: lagama tagi karo, maxaa yeelay Maraykan, Xabashi iyo isbahaysiga la dagaallanka argagixisada ayay u noqonaysaa saldhig cusub, waxayna siinaysaa sharciyad. Mana la aamini karo oo har cad ayay la soo taagan yihiin: ciidamo shisheeye ha la keeno, dadka hubka ha laga dhigo, dalka argagixiso ayaa joogta. Tan kale haddii lala tacaawuno xukuumaddaas waxa la aaminsan yahay tillaabada ugu horraysa ee ay qaaddo in ay noqon doonto inay ka shaqayso sidii ay u kala diri lahayd maxaakimta iyo xoogagga ummadda difaacaya. Waxaa kale oo la aaminsan yahay in ay markaa ka dib ayana burburi doonto iyada oo ku guulaysatay kaliya kala dirka maxkamadaha sidii ku dhacday qoladii Carte.

31. Dadweynaha reer Muqdisho badankoodu waxay aaminsan yihiin in DKMG si gaar ah u colaadinayso, gaar ahaan madaxweyne C/laahi Yuusuf oo loo haysto in uu ulo booc ah ugu tukubayo sidii uu u wiiqi lahaa awooddooda.

AKHRI: Qaybta 1aad....

Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS