Muqdisho: shalay, maanta iyo berri (Q. 4aad)
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Qaybta: 1aad |
2aad | 3aad
| 4aad | 5aad
Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo
markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay
maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel
adag. Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad
faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley.
Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com
iyo bogag kale. Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka
mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan
helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray.
Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u
faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas
yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin). Afkaarta qormadu xambaarsan
tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal
qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimman la
wada faafiyo.
FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay
ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.
Xaaladda Muqdisho iyo dareenka dadweynaha
Laga soo bilaabo markii uu bilowday dagaalku waxaa si buuxda ugu soo noqday
magaalada nabadgalyadii ay la'ayd muddada dheer. Ka hadli maayo maalmo uu qarxo
dagaal oo ciidanka diriraya iyo shacabka kaleba dhib soo gaaro ee waxaan ka
hadlayaa dhibaatadii sida joogtada ah bulshada Muqdisho u haysatay, sida: dhaca,
dilka, qafaalka, kufsiga iyo jidgooyada xaafadaha iyo magaalada dhexdeeda
tuugadu ka samayn jirtay. Dadku waxay la soo bexeen gawaari cusub oo qurxoon oo
aan waardiye iyo hub midna saarnayn, waxaa qofku ku hadlayaa mobile-ka isaga oo
maraya dariiqyada, xaafadaha, suuqyada iyo basaska dhexdooda, waxaa dadka iyo
gawaariduba soconayaan goor dambe oo habeenkii ah iyaga oo aan wax walwal ah
qabin. Waxaa laga yaabaa in dumarku magaalada u baxaan iyaga oo soo labistay
dahabkooda, laakiin in la waydiiyo mooyee lama ogaan karo oo way xijaaban
yihiin.
Waxaa si cad loo cambaaraynayaa hoggaamiyayaasha isbahaysiga, gaala-raacyada,
Maraykanka iyo cid kasta oo laga arko in ay dhankooda u janjeerto. Horay uma
dhici jirin in nimankaas lagu dhiirrado. Dadku aad ayay ugu farxsan yihiin jabka
isbahaysiga iyo guusha maxaakimta. Waxaa la isugu bishaaraynayaa nabadda,
nicmada iyo guusha u soo hoyatay reer Muqdisho. Waxaa aad loo sugi la' yahay
daba iska raacinta isbahaysiga. Waxaa aad loo quursanayaa cid kasta oo u hadasha
ashahaado la dirirka. Bulshadu waxay hoos u eegaysaa qofkii isku daya inuu
fool-xumeeyo maxkamadaha ama dura hadafkooda, ama dhaliila shaqadooda, ama tuhma
qasadkooda. Maangaabka ay la noqoto in bulshadu nooshahay 91kii oo isku daya in
uu qabyaalad kaalmo ugu raadiyo xubnaha isbahaysiga markiiba waxaa u jawaabaya
qofka ugu horreeya ee maqla oo noqon kara walaalki, ina adeerki ama nin ugaba
dhaw kan uu hiilka u doonayo.
Dadweynaha reer Muqdisho waxay u hanqal-taagayaan nolol iyo mustaqbal wacan oo
ka dambeeya guushaan ay gaareen. Ninka aan jeclayn culimada iyo diinta oo u arka
in uu taladooda ku waayayo wax uu heli jiray wuxuu kalsooni ku qabaa in uu
ammaan u heli doono naftiisa iyo maalkiisaba. Dhab ahaan kuwa shacabka dhibay
iyana way dhibbanaayeen, maxaa yeelay waardiye uma wada samayn karin
xaasaskooda, ubadkooda, waalidkood iyo qaraabadooda, sidoo kale si buuxda awood
uguma wada difaaci karin danaha ay ku lahaayeen magaalada. Sidaa darteed kuwa
diinta iyo ahalkeeda cadawga ku ahi way ku faraxsan yihiin sidaan marka laga
eego amniga ay u heleen naftooda, dadkooda iyo maalkooda.
Walwalka iyo cabsida bulshada:
Farxadda iyo rayraynta dadweynaha waxaa weheliya walwal iyo cabsi ay ka qabaan
in arrimuhu say jecelyihiin ay noqon waayaan. Waxyaabaha ay ka walaacsan yihiin
reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalidu waxaa ka mid ah:
1. In la dhiciseeyo guushan lama filaanka ah ee u soo hoyatay bulshada. Taas oo
ku imaan karta in mici-gamaarta magaalada joogta oo geedaha foodda ku haysa
dhagar u maleegto sidii loo fashilin lahaa maxaakimta, kuwaas oo kaba shar badan
kuwii la jabiyay, lana sugaya ummadda fursad ama goldaloolo yar oo ay ku kala
tuuraan nabadda iyo horumarka la gaaray.
2. In maxaakimta iyo isbahaysiga la hawlgalay ku guuldarraystaan hoggaaminta
bulshada iyo dhismaha maamul hanta magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
3. In lagula dhaqmo maxaakimta iyo taageerayaashooda: (Aabbe cagaha soo dhaqo,
haaweydii masaajidka ayay hilbihii la galeene!), waa oraah uu yiri nin ma tukade
ahaa oo doonayay in uu Alla-bari wax ka cuno ka dib markii hilibkii masaajidk
lala galay.
4. In ay is khilaafaan maxkamaduhu ama iyaga iyo xulafadoodu oo xaaladdu noqoto
sidii Afghaanistaan markii Kaabul la qabsaday oo ay mujaahidiintii is dileen.
5. In Maraykan iyo xulafadiisu u gacan haadiyaan qaar ka mid ah maxaakimta iyo
taageerayaashooda oo lagu isticmaalo siyaasadda karootada iyo usha ( waxaan hoo,
oo fuli arrimahaan, haddii kale ushaa kugu dhacaysa) oo naf iyo shaydaanna ku
taliyaan: maxaa dhibtaas kuu gaystay? maad waxaagana iska qaadatid, aayarna iska
tukatid, illaa Ilaahay dhib ma abuurine!.
6. In xukuumadda ku meel gaarku ku bishaarayso manaasib iyo qandaraasyo waaweyn
oo laga hodmayo, ka dibna xubnaha maxaakimta iyo xulafadoodu u kala dhuuntaan.
7. In wadahadal lala furo xukuumadda oo qaybeheeda is khilaafsani midba xulafo
ka dhex doonto maxaakimta iyo xulafadeeda, taas oo keeni karta in lala kala
safto, ka dibna himiladii bulshadu halkaa ku burburto.
8. Maadaama bii'adu tahay mid qabali ah, dadkuna aysan isku hubin in shareecadu
si buuxda u hirgali doonto, waxaa qabiil kasta cabsi ka qabaa in qabiilooyinka
kale ugu gabbadaan diinta oo magac diimeed lagu dulmiyo.
9. In halgankii dadweynuhu ku baxsheen ubadkooda, maalkooda iyo miskxdoodaba uu
ku dhammaado qabqable ku baddal qabqable kale oo sidii horayba u dhici jirtay
culimada iyo inta khayrka jeceli dhaliyaan guusha, garraaniyaasha iyo askarta
cadawguna gurtaan miraha.
AKHRI: Qaybta 5aad....
Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2008
|