SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: June 12, 2006

  • Sheekh Shariif “Wax wada hadal ah oo aan la galeyno Dowladda ma jirto inta ay daba joogto.”

  • Caasho Axmed Cabdala “C/llaahi Yuusuf waxa uu wadaa wixii dhaliyay dagaalkii hore”

  • Maleeshiyada C/llaahi Yuusuf oo gebi ahaanba la wareegay ammaanka Baydhabo..

  • C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad) muxuu ka yiri is bedelka cusub ee ku soo kordhay

  • Maleeshiyada Muuse Suudi oo gebi ahaanba ka baxay Isbitaalka Keysanay...

  • Shirkada IBM oo maalgashi ku sameyneysa dalka Hintida lacag dhan 6 bilion oo dollar


Sheekh Shariif “Wax wada hadal ah oo aan la galeyno Dowladda ma jirto inta ay daba joogto.”

Iyadoo maalimihii la soo dhaafay isu soo dhawaansho ay ka muuqatay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka si loo soo afjaro khilaafaadka u dhexeeya Maadaama Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku guuleysteen gacan ku haynta Magaalada Muqdisho, waxaana la filayay in ay labada dhinac ay is dhaafsadaan ergooyin ka soo baaraan dega sidii xal loogu heli lahaa magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar uu xalay la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba wada hadal la geli doonin inta ay hadal hayso in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

“Ciidamo shisheeye wadamada haatan ay joogaan maxay ku soo korodhiyeen, kuwii Soomaaliya horey u yimidna waxay ahaayeen kuwo dhibaato ku sii kordhiyay bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in shacabka soomaaliyeed aysan marnaba ogolaan doonin in dalka la keeno ciidamo shisheeye kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliya.

“Baarlamaanka soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad waa in ay ka hor tagaan qorshaha ay wadato dowladda ee ah in dalka la keeno ciidamo shisheeye” ayuu yiri Sheekh Shariif, oo intaa ku daray in ay ka hortagi doonaani ciidan kasta oo shisheeye oo dalka soo caga dhigtay.

Maanta ayaa la filayaa in golaha Baarlamaanka uu ka doodo in dalka la keeno ciidan shisheeye, iyadoo 17-kii Maarso 2005 Magaalada Nayroobi uu ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay dowladda iyo golaha Baarlamaanka, taasoo xubnaha baarlamaanku ku diideen in la keeno wadanka ciidamo shisheeye.


http://www.somalitalk.com/2005/mar/17mar105.html

Munaasib ma tahay in Baarlamaanka DFS waqtigaan ka hadlo Ciidamo shiheeye.....
salaama calaykum

Waxaan u soo jeedinayaa Dawlada Federaalka ee soomaliya taladan.

 
In Baarlamaanku dib u dhigo ka hadalka Keenista ciidamo shisheeye inta dawlada iyo maxkamaduhu wadahalayaan. Waayo arinkani waakii gacan ka hadalka xoogani ku dhexmaray xubnaha baarlamaanka laftigiisa march 17 2005. Waayo? Maxkamadaha iyo shacabka muqdisho hadda dareen xun uma mujin dalwada xag beyna u leeyihiin in lagala tashado sugida amniga wadanka arigtooda ku wajahan arinkaana la dhegeyto lana tixgeliyo. 
In baarlamaanku ka hadlo arinkan la isku khilaafsan yahay intaanu ogaan dareenka dadkiisa waxay u muuqanaysaa talaabo khaldan isla markaana wax kala fogeyneysa.
 
In dawladu isu aqoonsato dawlad dib-u-heshiisiineed oo tixgelisa aragtida maangalka ah ee dadka ay metesho meelkastay joogaan.
 
In aan dawladu dadkeeda ka door bidin rabitaan dawlado kale xoogey doonaan ha lahaadeene.
 
Waxaana Uga digayaa dawlada in Maraykanku buuxiyo boosaskii ay Qanyare, Bootaan ciise, Muuse suudi iwm ay baneeyeen markii laga adkaaday iyadoo lacag wada shaqayn lagu maangadayo
 
 
Cisman Maxamed

Caasho Axmed Cabdala “C/llaahi Yuusuf waxa uu wadaa wixii dhaliyay dagaalkii hore”

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala oo ah Xildhibaanad si aad ah uga soo horjeeda in dalka la keeno Ciidano shisheeye ayaa shalay mar kale ku celisay baaqeedii ahaa in aan dalka la keeni ciidamo shisheeye.

“C/llaahi Yuusuf waxa uu wadaa wixii lagu dagaalay ee ka dhacay magaalada Nayroobi 17-kii Maarso 2005” ayay tiri Caasha Axmed Cabdala oo C/llaahi Yuusuf u soo jeedisay in uu ka haro in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

“Waan ognahay waxa dhibaatada ay leedahay ciidamo shisheeye marka dalka yaan loo horseedin burbur kale” ayay tiri Caasha Axmed Cabdala oo intaa raacisay “ma jiraan sababo haatan ciidamo shisheeye loogu yeero maadaama la adkaaday qabqablayaashii dagaalka oo iyagu caqabadda ku ahaa nabadgelyada”.

Xildhibaanad Caasha keligeed ma ahan xubnaha sida aadka ah uga soo horjeeda in dalka la keeno ciidamo shisheeye, waxaa kaloo ka mid ah Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo sheegay in qarashka ku baxa ciidamo shisheeye loo baahan yahay in loo weeciyo dib u uruurinta ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maleeshiyada C/llaahi Yuusuf oo gebi ahaanba la wareegay ammaanka Baydhabo..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Maleeshi-yda daacad u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay shalay gebi ahaanba la wareegeen ammaanka magaalada Baydhabo iyagoo haatan fariisimo ka dhigtay qaybo ka mid ah magaalada oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo ayaa iyagu ku kala qaybsamay la wareegidda ciidamadaasi, qaarkood waxay sheegeen in wixii ammaankooda sugaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan, kuwo kale ayaa iyana sheegay in ciidamada la wareegay ammaanka magaalada Baydhabo ay keeni karto iska hor imaadyo cusub oo ka dhaca magaalada Baydhabo.

Inta badan siyaasiyiinta ayaa iyagu si aad ah u taageeray la wareegida ciidamdaasi ee Magaalada Baydhabo, maadaama ay horey ugu fashilmeen sugida ammaanka.

C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad) muxuu ka yiri is bedelka cusub ee ku soo kordhay

C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo ah guddoomiyaha guddiga Sare ee siyaasadda iyo maamulka Beesha reer Xaaji Suleymaan ayaa ka hadlay is bedelada cusub ee ku soo kordhay magaalada Muqdisho, mar uu ka hadlayay arrintaasina waxa uu yiri. “Is bedelka socda waxaa ka horeeya is bedelo horey u fashilmay, sababna ay u ahayd cadaalad daro ay ku abuurmeen , Qabiil, Sed-Bursi iyo Guluf Colaadeed iyo Mansab siyaasadeed, Waayo aragnimo la’aan jirta, waxaana uga digayaa in is bedelada socda la wiiqiyo oo aysan la mid noqon kuwii horey”.

C/llaahi Xirsi waxa uu sheegay in loo baahan yahay in waqti la siiyo wajiyada cusub ee ku soo kordhay is bedelada dalka, isagoo sheegay in la doonayo in laga fogaado qabqabyaalada iyo saaxiib-tinimada loona baahan yahay in laga yabgeliyo cid kasta oo fikir ku darsan karta is bedelka cusub, ugu dambeyntii waxa uu sheegay in la helo cadaalad, amni iyo garsoor wanaagsan si looga talaabo dhibaatooyinka jira, isagoo ka codsaday madaxda is bedelka cusub in ay ka fiirsadaan wixii burburiyeen is bedeladii hore.

Maleeshiyada Muuse Suudi oo gebi ahaanba ka baxay Isbitaalka Keysanay...

Maalintii shalay ahayd ayaa Maleeshiyooyinkii Muuse Suudi Yalaxow oo fariisinka u ahayd Isbitaalka Keysanay gebi ahaanba halkaasi isaga baxeen kaddib markii uu cadaadis kaga yimid shacabka soomaaliyeed iyo waliba Hay’adda ICRC.

Ka bixitaanka maleeshi-yooyinka Muuse Suudi waxaa si weyn u soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed oo iyagu isbitaalkaasi ka heli jiray adeeg caafimaad oo la xiriira dhinaca dhaawacyda.

“Anagu fariisin kama dhigan Isbitaalka ee waxaan ka difaaceynay kooxo doonayay in ay halkaasi ku soo gabadaan” ayuu yiri Cali Dalable oo ka mida saraakiisha sar sare ee Muuse Suudi.

Hay’ada ICRC ayaa iyadu si weyn u soo dhaweysay ka bixitaanka Maleeshiyooyinka Muuse Suudi Isbitaalka keysanay iyadoo markii ay ka baxeen maleeshiyooyinkaas la arkayay dad bukaan ah oo ku laabanaya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Shirkada IBM oo maalgashi ku sameyneysa dalka Hintida lacag dhan 6 bilion oo dollar

Shirkada IBM ee laga leeyahay wadanka Mareykanka oo ah shirkada ugu weyn ee computerada caalamka ayaa waxay sheegtay inay saddexda sano ee soo socda India ku maalgashan doonto lacag dhan 6 bilion oo dollarka mareykanka.  

IBM ayaa ka mid ah shirkada ugu weyn shirkadaha kala duwan ee ka shaqeysta wadanka India, shaqaalaha u shaqeeya shirkadan ayaa gaaraya ilaa iyo 40 kun oo shaqaale kuwaasoo ku kala firaarsan 14 magaalo oo ka tirsan wadanka India, India ayaa ah goobta ugu muhiimsan uguna weyn oo ay ka shaqeyso shirkadan, marka laga reebo Mareykanka gudihisa.  

Madaxa ugu sareeyo shirkada Samuel Mabmisanu ayaa sheegay in India noqotay meel saldhig u ah Information Technology, IBM na waa in ay Maalgashi intaas ka sii balaaran gashataa. 

Waxaa la sugayaa iminka inay shirkadani maal galiso lacag dhan 6 bilion oo dollar taasoo ka dhigeyso sedexlaab maalgashiyada ay shirkadaha Americanka ah ay gashtaan iminka, maalgashigaan ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa in la unko saldhig cilmi baarineed isla markaana la hormariyo xiriirka u dhaxeeya shaqaalaha aduunka daafihiisa joogo ee u shaqeeya shirkadan.  

IBM ayaa bilawday inay ka howlgasho India sanaddii 1992, laakin dhaqdhaqaaqeedii dhabta ahaa ayaa bilawday 2003 markaas oo ay India isku bedeshay saldhig muhiim u ah Information Technology iyo shaqaale raqiisan kuna hadla Afka Ingriisiga.  

Midowga shirkadaha programyada sameeya ee India ayaa waxay sheegeen asbuucii lasoo dhaafay in uu kordhay sector ka programyada computerka sanaddan aynu kujirno in dhan 25%. 

Waxaa kaloo la filayaa iminka shirkado kale oo carab ah inay maalgashtaan qeybta Informatin Technology, 2004tii mar uu booqasho ku tagay Amir Waleed Bin Talal ayaa waxaa uu xusay baahida loo qabo in India laga maalgashto qeybaha kala duwan ee Information Technology.  

Ayanle yare
Karachi, Pakistan
ayaanle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 12, 2006

Sheekh Shariif "Lagama Fursanayo Dagaal Haddii aysan....."
»Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Isbedelka ka dhacay..
»C/llaahi Yuusuf “Beelaha Digil iyo Mirifle.u soo jeediyey in ay .”
»Hay’ado cambaareeyay dilkii loo gaystay Malaq Seemow..
»Ma dhabaa in MSN Messenger-ka uu lacag noqon doono.?
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Jun 11

Warbixin ku saabsan dagaalkii ka dhacay Baydhabo..
»Indha-Cadde “kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in..
»Saraakiil Mareykan ah oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo
»Dowladda Itoobiya oo si taxadar leh uga hadashey is....
»Beesha Gaal Jecel oo shaley Furatey Maxkamad Islaami ah
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jun 10

»Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»
Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA  | Cumar
»
Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno.... | Jaamac
»MUQDISHO WAA LOO YAABAA | C/laahi


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD